Tan
iyo maalintii xilka loo dhariyey madaxweyne Silanyo, wax maamulkisa la kowsaday
qas iyo muran siyasadeed dhaliyey gacan ka hadal gaystay khasare isku jira naf
iyo mood, murankan ayaa salka ku haya Beelo kamida deeganka S.land oo iyagu ku
andacoonaya inanayn la dhacsanayn gooni isku taag iyo ka madaxbanaanida qaybaha
kale ee Somaliya.
Beelahan
ayay ugu wayn yihiin beesha Dhulbahante, oo degan ahaan degan gobolka Sool, oo
ah gobol ka qatan dhaman hananka iyo adeegyada Dawladeed, taasooy ugu
wacantay fadhi la’aan siyaasadeed oo soo
jitamaysay tan iyo maalinti lagu dhawaqay dawladnimada S.land
Masiirka
siyasadeed ee beeshan ayad ahayd mid u dhaxaysa maamulada P.land iyo S.land oo
aqon yahanka iyo wax garadka beeshu midba dhan u sacaba tumayey, isagoo
eeganayey hadba kooda bursiga badan, balse waxad moda in arinta so gaba
gaboowday bilawgi sanadkan kadib markii beeshu ku tashatay inay ka madax
bananato dhaman siyaasada dhinacyada ka xiga.
Qabsoomida
shirkii khatumo aya labada mamul ee Silanyo iyo Faroole ku noqday laf dhuun
gashay isago masulkasta sidiisa xal u mooday qabsoomida shirkas iyadoy barbar
socoto oganshaha iyo ka warqabka waxa kasoo bixi doona shirka oo labadooda
mamul midna dani igu jirin, balse siyasadood u ee kaatay laba daran mid dooro.
Wixi
malinta ka danbeeyey waxa gabi ahaanba waji cusub yeelatay siyaasadii beel
waynta Dhulbahante, taaso si toosa u mujisay cadaawada wax kastoo ka so horjeda
maamulkoda Khatumo, una aragta wax kasto ka dhana fara galin iyo dandaansi Isireed,
taso beelo kale ku raban inay ku qabsadan kuna gumaystan maatidoda iyo
dhulkooda,
Madaxweyne
Silanyo iyo dhigisa Farole aya midba wixi inta ka danbeyey raacay waji
siyasadeed cusub, isago Faroole xal ku gaadhay inu dawado halkay caga dhigato
siyasada dhulbahante oo doorkan Seefi
kasoo horeysa, halka Silanyo door biday isbarbar wadka cudud Cidan iyo baaqyo Nabadeed,
kuwaaso ila imika u eeg hal bacaad lagu lisa, ama siyasad aan wakhtigedi joogin
lana jaan qaadi karin isbadalada shaxda siyasadeed ee ay dhigayan Dr. Galaydh iyo
inaderki Dr. Xasan Ciise.
Ugu
danbaynti hadi Madaxwaynu i way din laha xalkan waxan si fudud ugu so jedin
laha rimahan:
1-
Ciidamada
in laga soo qaado deganka dhulbahante,
2-
Xubnaha
dhulbahante u matala S.land in loo
diro rer tolkod awood buxdana lo siyo ka
tashi masirkoda siyasaded
3-
Dhaman
wixi tagero dhaqale, siyasaded iyo dawladnimana laga jaro,iyado loola dhaqmayo
sidi mamul gaara.
4-
In
dhulbahante si tosa loogu shego inay maanta wixi kadanbeya xor yihin xagay
racayan, haday so labtana ay leyin wixi codkodu uso xareyo, balse anay jiri
donin nasnujin iyo kolkolin danbe
Hadi
arimahan la sameyo waxa ka dhalanaya in dhulbahante dareemo:
1-
Inu Dhulbahante
reer waqooyi yahay, oo dhaqan ahan, siyasad ahan, dhaqale ahan iyo
nolol ahanba wadagan Isaaq.
2-
In
Majeerten waxba isku darsan karin, waligodna ku heshin karin maamul goboled,
intay mamul raci lahayena udhanto dawladnimada S/land
3-
In
Dhulbahante aanu haysan meel u maro Marexan iyo Hawyi, oo iyagu fahan ahan uga
dhaw Marjerten
4-
In
Dhulbahante gobol ahan anay isku filnan karin xag siyasaded iyo mid dhaqale
tona, Ogsona in degankodu yahay lama dagan Dhibicda Robka kuxidhan.
Arimahahi
waxay mustaqbalka dhaw ku qasbayan Dhulbahante inuu ogolaado saxan siyasadeedka
S.land, isagoo wixi dhacayna shacabka S.land ugu macnayn doona muujinta cududa
iyo kalinta dhulbahante ugu jiro S.land.
No comments:
Post a Comment