Maqaalkaygii hore waxan si toosa ugu tibaaxay fashilka Maamulka Madaxweyne Silaanyo ee Gobolada Bari, kaason si cad ugu tibaaxay in arintaasi tahay shaqo ay ka gaabiyeen Shacabka iyo Golayaasha Qaranka, sida cadna keensanaysa Maamus ka xayuubin iyo Xil iska Casilid markay timado Aduunka Xorta ama kudhaqma Sharciga iyo Axdiga ay u dhaarten!
Sikastaba ha ahate maanta aan eegno farqiga u dhaxeeya Xukumad iyo Qaran, oo inta badan aad moodo inay iskaga keen dhex jiran, adoo marar badan maqlaya Qaranka S.land iyado loo jeego Xukumada S.land, ama Xukumada S.land iyadoo loo danleeyey in la tibaaxo Qaranka Somaliland.
Qaran waa wax ka sal balaadhan Xukumad, Qaran waa waxa inaga dhexeeya, iskuna keen haya, Qaran waa Dhulka, Cirka, Bada, Khayradka, Calanka, Heesaha, Lacagta, Astamaha, Axadiga (Dusturka), Luuqada, Magaca, Dhaqanka iyo Diinta ay wadaaaga bulsho ama Tiro Cayiman oo dadi, kuwaso loo Aqoonsan yahay Caalami ahaan ama Beesha Caalamka inteeda badani u taqan lahanshahoda, (waxa suura gala in aan loo aqonsan balse iyagu isla qaaten, una xarbiyayaan in loo aqonsado, Sida S.land, Taiwan iyo wixi lamida).
Halka Xukumada ka tahay, Koox tiro yar oo isku xil saartay ama loo xilsaaray inay Qaran kasta ku hagaan Ahdaaf Mucayina, kuwaaso salka ku haya, Inay ka difacana Khatarkasta oo soo wajihi karta ( Gaajo, Jahli, Cudur, Masiboyin ama si kooban waxkastoo khatar ku aha Gudo iyo Dibadba), una horeseedan Badhaadhe iyo Barwaaqo ay ku naalodan Dadka, Xoolaha, Duur joogta iyo Deeganka hoos Imaada Maamulkooda, Inta badan siyaabo kala duwan ayay kooxahani ku imaadan awooda, Sida Doorasho Xora, Inqilab ama Awood, Kacdoon ama Gadood, Dhaxaltoyo ama Baqortoyo, Sida Caadiga kooxdani intay xilka haynasyo waxay ku xidhantay hadba sharciga Qarankaasi ilsa Qaatay ama ku dhaqmo.
Inagoo ka duulayna Qodobadan aan so xusnay Dalkena (Qarankena) S.land waxan Axdigeena ku Cadaynay inu ka madaxbanan yahay Somalia, kana kooban yahay inta u dhaxaysa Sool, Sanag, Togdher, Saxil, Marodi iyo Awdal, wixi inta ku dhex nool ama ku dhex sugan ay ku abtirasadan S.aland, Mudada 21 sano ah ee u jiray Qarankani waxa soo maray Afar Xukumadood ooy kala Hogaminaye Alle ha u naxariste C.raxman Tur, M.X.I Cigal, Dahir Riyale iyo Madaxweyne Silanyo oo hada isagu kadhawaden ka ah, isagoo 26 June, 2010 mudo Shan sana loo doortay Xafiska.
Arintani waxay keensanaysa in Xukumad kasta Masul ka tahay wixii sharaf dhac ku keenaya Qaranka iyo Axdigaa S.land, oo si cad u dhigaya Madaxbanaanida iyo Karamada S land, arintaaso ah mid aan cidna lagala gorgortami karin, cidkastoo ka hortimaadana Cadaw ku tahay dhaman dadka iyo dalka, Xukumad kastoo isku dayda inay kala xajoogto wax ku lidiya jirteenka S.land ay tahay mid ku kacday Khiyaamo Qaran, Danbina ka gashay Dadka, Dalka iyo Axdigaba.
Mustafe Barud
Political Analyst
No comments:
Post a Comment