Sunday, 8 April 2012

NOLOSHAYD CARURNIMO SIDAY U SAMAYSAY NOLOSHAYDA MAANTA?

Aakhirkii sideetamaadkii ayan ku dhashay guri ka kooban dhawr qol oo ku yaal dhanka bari ee Magaalada Hargaysa, oo wakhtiga aha guryaha kooban ee dhagaxa ee ka dhisan guud ahan xaafada, ano nasib u helay inan ka dhasho qoys wakhtiga kujiray dabaqada dhexe ee nolosha nagu xeeran, Gaar ahaan  gurigu wuxu ku yaal agagaarka Hotelkii Caanka ahaa ee Baar Waraabe, iyo Dugisaga Hose dhexe ee Sheekh Yusuf Al-kawnayn, oo aan ku dhamaystay Waxbarashadaydii Dugisaga Dhexe.

Wakhtigan waxay ku beegnayd xili kala guur, oo guud ahaan wixi laysku odhan jiray Somalia marayso marxaladeedi ugu liidatay, ama ayaamihi u danbeeyey ee wakhtigii Taliska Maxamed Siyad Barre (Alle Ha u Naxariste), sida darted wuxu gud ahaanba  ahaa  mid aniga iyo dhalinta facayga dhaxalsiyey dhibaatoyin cawaaqib xumo iyo uur kutalayn ku reebtay nololshoda Mustaqbal.

Inta badan nolosha qofka bini aadamka waxa ugu qimo badan wakhtiga kori taankisa jidhed iyo maskaxeed, taaso samayn wayn ku yeelata hab fikir nololeedkiisa mustaqbal, tani aya keentay in inta badan jiilkii wakhtiga ahaa ku jaha wareeran Halganadii Xoraynta Dalka, Dagaaladii sokeeye iyo Siyaasadiihi laga dhexlay Kacaankii oo intuba si Xun u taabtay guud ahan bulshada gaar ahaana dhalintii wakhtiyadaas dhalatay..

Hadaan si gaara ujeeda maqalka ugu so dhawaado, cabaar markii an jiray waxa dhacay burburki Dawladi Somalia. Oo  aanan nasib u yelan inan dhadhamiyo ayamehedi iskugu jiray xanunka iyo cagarka ee xukinki Ina Siyad Bare, balse taa badalkeda waxan mudo sanada kusoo qaatay xeryaha Qaxoontiga kilirka Shanad, mudo yar kadib waxan usoo labanay gurigi an ka cararnay, oon u qalmin goob nololeed.Waxba may ahaten hadii inta ku eegtey, dhawr sano kadib, markay noloshi rabtay inay sided kuso noqoto kana soo kabato dhawacas, wax mar labad dib loogu noqday Xeryihii Qoxontiga, balse markan wan ka duwan marki hore, madamon aha qof daremaya nolosha iyo dhibta mesha taal, wax kasta waxay ku noqoden bilaw, noloshu waxay iskugu so ururtay, maxa so kordhay, maxa la cuna iyo ya manta wax noqday ama dhinta, rajadu ad bay u yarayd,
Nasib daro waxa markan diriraya wa dad wada dhashay, wa dad haba yarate aan loogu garabayn dagaalkasta noocu doono ha ahaade. Mudo ayay nagu qaadatay inan kaso kabano godki madoba ee nololoshu mar labad ku dhacday, waxan si tartib tartiba u bilawnay dib u dhiska seeski nololeed, waxan dib u qaatay buugi, ano ku biiray Ardaydii Macahadka Cumar Binu Khadab, mudo kooban kadib waxa Alle ha u naxariste isaga iyo dhaman walidkeenbe Geeriyooday Aabo oo mudo xanun culus la jiifay, arintay waxay culuys kusii kordhaysay hab korintan nololeedkaygi la dala dhacayey durufihii adkaa een guud ahan la qabay dhalinta Dalka. gaar ahaan dadki ku jiray dabaqada dhexe iskaba dhaaf kuwi dabaqada hoose ee bulshada.

Geeridu wa xaq, balse waxan ka Xumay inan wakhtigu isiin inan aabahay u shekaysano sidii laba nin oo is dhalay, wakhtigi la oofsaday oon wali kuray ahaa darted, balse waxan ad ugu mahad naqaya Walaalahay oo iyagu isku wajibiyey inay kalinta ii biuxiyan, dadaalkodina an ka hadhin ila aan noqday nin noloshisa kafala qadi kara. Nasib markan u yeshay inan waxbarashadaydi heerka koobad ee jamacadeed ku qaato Jamacada Hargaysa, mudo afar sano kadiba waxay dhaman barayashaydi isku raacen inan diyar u nahay qaabilada nolosha qalafsan ee dalka taal, guud ahaan majiran shaqoyin si fudud u soo kabaya halganki dheera ee nololed, ama si tosa u damanad qaadaya gacan siinta dhawrka qoys ee si tosa ama si dadban u hoos iminaya maamulka arday kastoo kubiira suuqa tirada yar ee shaqoyinka.

Wa run malinkasto nolosha kusoo marta waxay raad kaga tagta maskaxdaada, maskaxdaaduna waxay jaan goysa dariiqa dhisitan ee noloshada fog, arimahaso dhani waxay dhalinti u qaybiyeen koox quusata nafahoodana ku halaaga tahriib, kuwa kale oo balwad iyo dawashada ciyaaraha maskaxdooda kaga suuxiya su'alaha faraha badan ee maalinlaha, iyo koox kooban oo go'aansatay ogolaanshaha iyo badalida nolosha deeganta qalafsan ee nasiibka iyo caqli daradu siisay,
isagoo Alle wayna uu xume kanashane ino balan qaaday in maalmaha adag kadanbayn doona kuwo wacani, hadana waxa inagu waajiba inan shaqayno in kabadan intay shaqeeyan dhalinta faceena, balse ku nool haykal degan oo kaabaya dadaalkooda, iyo inaan samayn dariqa qudhe laysku waafaqsan yahay inuu guusha keeno rabitanka Alle gadaashi, dariiqasi oo ah Shaqo Adag iyo Hawl karnimo.
Miskiin iyo Saxib Culus
Mustafe Barud


No comments:

Post a Comment