Ugu horeyn aan salaan qaaliy u diro guud ahan akhyaartayda meelkastoy Adunka kajoogan, allana uga rajeeyo inuu anogoo caafimad qaba iskugu kaayo keeno Hooyigii lama huranka (S.land).
Mudo haatan laga joogo kudhawad 6 sano ayay ku beegnayd wakhtigii dafacadii uhoreysay ee asxabtayda ahayd u baxen waxan u bixiyey Wadadii Dheerayd ee Nolol Raadinta, wadadaas oo khatarteeda iyo wayeheeda gaarka lahayd.
Wixi intaa kadanbeeyey dariiqasi wuxu u eeka mid furan, Raga iyo Dumarkuna koox koox u maraayey, iyagoo markaas ku go'aan qaadanayey nololshii ku xeernayd iyaga iyo dhalinta facooda, noloshaas oo dhaxalsiiyey go'aanadii Adakaa ee baadi goobka meel ka duwan nolol ahaan meeshu Alle ku beeray!.
Waxa xusid mudan dhaman raga aan saxibka nahay, hadaad la sheekaysato waxay ku siinayeen dareeno isku mida, kuwaas oo garawshiyo ay kaga helayen walidkood iyo dhaman dadka noloshooda qaybta kule, taasina wa ta keentay in qofkasta ku garab istago Arin iyo Adun wuxu ku dheera, isago cidinka ku haya inuu maalinun noloshisa iyo ta dadka ku xeeran wax tari doono.
Iyadoo xaqiiqadasi jirto waxa qudhe lays waydiin karayey waxay ahayd ma jiren wadooyin kale oo loo maro Bartilmamedka (Dalalka Hodankaa), kuwaaso ka khatar yar wadoyinka intooda badani doorbiden, shaki kuma jiro jawaabtu inay Haa tahay, balse arinta u baahan in hoos loo fiiraya waxay tahay, ma la awoodi karay in la maro dariiqoyin ka fudud kana aminga wacan, waxan filaya Halkaasi inay tahay halka aan ku kala aragti duwanayn inta badan Saxibaday, oo iyagu aaminsana inay jawabtu tahay Mayo.
Saxibday badankodu waxay dareensanayen inay u baahantay lacag badan iyo wakhti dheer, taaso anay inta badan u samaxayn duruftay ku jiren, taasna wata keentay in Raga qaar dariqa an sharciga ahayn (Tahrib) u arka ka ugu Munasibsan xaga lacaged iyo wakhtiyedba,
Sikastaba ha ahaate marka laga reebo Ragi Miisanka laha ee Naftooda ku waayey (Alle Ha una Xariste!) Hayaanka Dheer, badankoodi way gaadhen bartilmaameedkoodi, YURUB, duruufkastoy soo mareen waxay ku ilaabeen inay caga dhigeen Ciida Dadyawga dalalka Saboolki ku Hamiyan inay maruun gaadhan,
Lakin se waxa nasib daraa wali jawaab looma hayo su'aalihi looga soo cararay hantiidi ma guurtada ahayd (Dalki iyo Dadki), su'aalahaso oo sida Qurumaha Rag iyo Dumar badan ka kiciya sacadaha danbe sariiraha iyo guryaha ka quruxda badan kuway ka imaaden, kana qasa inay ku bashalan adeega nololeed ee u qalma in qof Bani-Aadami ku noolado, Balse wali Saxibaday madaxoda umay sii dayn nolosha cusub, mar hadii qaar kamida dadkay nolosha ugu jeclaayen ku jiran noloshii aragti ahan adkayd balse imika xataa ficil ahaan aanay suuro gal ahayn inay la jaan qaadan.
Anoo jecel inay su'aasha ciwanka udhaafo Akhyaarta aan adka u jecelay, hadana waxa biyo kama dhibcaana in noloshu wali sida mawjadaha su'aalo soo tuurayso, qofkastana looga bahan yahay dhabar adayga, hawlkarnimo iyo hadaf nololeed, si maruun loo helo xasilooni lahubo inan lagu waarayn.
Saxibkin Adka idin Jecel
Barud
Uganda, Kampala
No comments:
Post a Comment