Kacdoon Dhalinyaro Waa Lama Huraan Muwaadin!
Ugu horeyn Hambalyo Shacabka Sharafta badan, Marka Xiga aan tacsi uga diro Muwaadiniinta 54 sano kadib, inay wali Garr iyo Garawsho u raadinayaan Xornimadooda iyo Madax-banaanidooda Dhuleed, Waa hora la yidi "Freedom is not Free", waa Run aduunka Xornimaa ugu qiimo badan, Noloshu qiimo ma yeelato hadii Adoonimo iyo Xoriyad la'aan ay la daristo, Balse Muwaadin Xornimada lafteedaa Noocyo badan, iyadaa kala heerar duwan, iyadaa kala Mudnaan horeysa, dharaartii mid kastoo inaga midii aduunka uu yimi Xor ayuu ahaa, Balse Duruufaha nololeed ayaa Ninba meel u gacan galisay, Iyadaa Nin iyo Waagii walaalaysay, Maalinta iyo Habeenka Dunida lababa meel isku raaciyey, 1500 sano ka hor ayuu agoonkii Runta badnaa Jaziirada carbeed ka xoreeyey Ilaahyo Been ahaa, una xoreeyey Midkii iyagoon jirin, wax nool ka dhigay, halka Galbeedka Fog ee America 250 sano ayay Tuureen Heeryadii Guumaystaha, Bariga fog ee Shiinaha 100 sano ku dhawaad ka hor ayay bilaabeen socdaalkoodi dheeraa ee Xoriyada, Malaayiinta reer Masarna Dhawaan ayay ku dhawaaqeen Eraydii caanka noqday ee " Enough is Enough, We Need Freedom".
Nasiib daro Aniga iyo Jiilka nolosha igu weheliya wali maanan odhan Bes, intaasa nagu filan, Waxa iiga sii daran wali garawsho kamaanan helin kii nolosha naga dayriyey, Waxay noo qayb-qaybiyeen Gobol, gobol, Xaafad, Xaafad, Qabiil Qabiil, Koox Koox Diimee, Waxay Aragtiyadii u rogeen cadaawad dhexdayada ah, Waxay naga dhigeen umad liidata, umad aduunka marti ku ah, umad daba socosho xaq u leh, waxay sharaf nooga dhigeen Baasaboor shisheeye, Dalal kumaankum Mayl naga durugsan, Kuwo Diinteen, Luuqadeen iyo Midabkeena Cada u arka, Waxay noo xidheen Muraayad Iyaga quruxsi, Anaggu se markaynu isku fiirno waxaanu aragnaa Gaajo, Tahriib, Qaad, Qabyaalad, Aqoon daro, markaanu hadalnona waxay idhaahdaan waa Reer hebel.
Aaway Caqligii fayoobaa, Aaway Garashadii Suubanad, Aaway awoodii, Kartidii iyo Dhiiranaantii Dhalinyaranimo, Ilaa Goormaan Adoomo u ahaanayna kuwa inoogu liita, Tuugta Xooleheena, Sharafteena iyo Karaamdeena Dhaafsanaya Maalin waxay cunaan, Kuway Waxgarakeeni ku sheegeen Dhiddaro, Daanyeero, Dameero, Dhuuni qaatayaal, Muwaadin u hiil Wiilkaaga, Innantaada 30 sano kadib, Xoree fikirkaaga, Dareen Xaqa kaa maqan, Wadaniyadu Maalin qudha maaha, Kacdoon Fikir Waa lama Huraan, Xasuusnoow Socodka Dheeri, intuu Hal talaabo ka bilaabo, Yes, We Can! Unity is everything, We have same age, same dream, same country, same bad leaderships.why don't we move.
Monday, 2 June 2014
Wednesday, 28 May 2014
Horaan idiinku Sheegay, Ee waydaan iga Qaadanayn.
Kal hore ayaan Doodayda hortiina ka dhiibtay in anniga, Jacaylka, iyo Siyaasadu faro baas isku hayno, labadaba iskuma wacnin, mana kala maarano, Kama kaaftoomo, iyana ima Gafaan, dhanka Jacaylka waxaan Dareen weyn ka qabaa in Saaxiibkay Ilyas Caanteynle Kiis ka dhan ah xaquuqdiisa igaga Wado Maxkamadii la geeyey Janankii Reer Boosinya-Sebiyaa Mr. Miloodajif, Ma Garan karo in Saaxiibkay Ahmed Nour Guruje uu Xeer jabab ii heli karo, iyo in Xeerarkiisa Dalku i fardaamin karo, balse baxar ayaan ku jiraa, Dhanka Siyaasadana Wuxuunba igu leh, Kacaankaad ka dheeraysay, oo Ragg-badan oo aanu saaxib nahay ayaa wax i dareensiiyey, Qaarkoodna Si Diplomaasiyad ku jirto ayay iigu digeen, aniga se Labadauba waa Yeelkooda, Ma Waxaan xadhig ahayn ayaan ku danbaynaa, xataa hadii laygu helo kiis, Soo ina Cabdi Gaboobe-ba maanta Jeel kagama jiro, Dawladii uu UDUB uga Hiilyey, Waar Jacayl iyo Siyaasad midna abaal ma leh, Labadubba waxay wadaagan Xeerka "Geedoow hadaan Midho kugu Arkana kaa Goostay, Hadii kale........!
Yaan ku fogaane, ilayn Qormooyinka Dhaadheer waad necebtiine, oo siyaasad Xumadaa ina dhaxalsiisay nolol adayga iyo Dulqaad yaraantee, Waxaan habeenada ahaa laba qof, Nuska hore waxaan ahaa Siyaasi Ruug cadaaya, oo waxaan shacabkeena la wadaagayey Dareenka wajiyada badan ee 18 May, Faduumo Siciid waxaan kala oo aayaayey Shaashadaha, Reer Caabud waaqna si dareen ku jiro ayaan ula Qoslaayey, Odayga (Siilaanyo), Iyo Marwadisana Khadra Daahir iyo Sahra Axmed ayaan kula sacabinaayey Aqalkiisa, Diplomaasiga Cirro-na Qolyeheena Qurbe joogta Reer Yurubu ayaan Qosol iyo warwar la'aan lahaa Hambalyo, Saaxiibkay Muuse Biixiina Suldaan Maxamed C.qaadir ayaan uga Hiiliyo waxaan lahaa, Suldaan Dhaqanka ku Eekoow, oo Dimiqraadiyada ha Bikir Jabin,
Nuska danbe se, Xaalkaygu gabi ahaanba wuu ka dheera sidaas, Waxaan jiifka ku yaboohinaayey, Midii Dhaaraaraha Badan laydha i cabsiisyey, Yartii Awrkayga Ratigga ka dhigtay, Midii Haween idilkood Tidhi aniguun igu eekoow, Yaa Salaam ilayn markaad kaligaa Xasuus mirad tahay, Waa darartaa, sidii Geel daran maalintii oo dhan Daaqaayey, Ma Garanayo waxa laydha jacayl igu mir kiciyey, ma 18 May iyo kacaan is dhaafinbaa, Ma Gu'ga curtay iyo Caashaqa Caadadiiba, ma Ciyaar Siyaasadeedka Muuse iyo Siilaanyaa, Mise Waa waraysigii Xiisaha Badnaa ee Saaxiibkay Jamal Ali Hussein siiyey Horn Cable TV, Waxay noqotaba Odaygii miskiinka haa wuxu kaligii Uunkoo hurda Fariimihiisa jawaabtooda ka fiirfiirinaayey Aaladaha tirada badan, Ma Twitter-ka, Mise waa Yahoo, mooji; malaa waa Hotmail-ka, mise FB aduunka koobay, miday noqotaba waxaad iga gaadhsiisan, Iyadi ; "Halkaad iga Xigtaabay Dhaxintu iga haysaa Abaayo".
Markaad Caalim Hesho, Cilmi-gaa Qiimo Yeesha!.
Waxa illaa Shalay Marti Hargeisa noogu ahaa, Caalimka Weyn, Sheekheena, iyo U hiiliyaha Xaqa wakhti Caamadii Xaalkeedu yahay Duul Caamu Culimo u eegi Waashay, Sheekh Maxamed Abdi Umal, Alle Cimriga iyo Cilmigaba ha u barakeeyee, Sheekhu Wuxu habeen hore na baray oo noo Bayaaniyey Qiimaha uu Qalbigu u leeyahay Qofka Iinsaanka, iyo in uu yahay SayidkaJidhka, Wuxu Aqoon, Xeeldheeri iyo Waayo aragnimo ahaan noo tusay Cilaaqaadka ka dhexeeya Jidhkeena iyo Qalbiga, in Alle Daalacdo Qaluubteena, ee Aanu waxba ku falin Midabkeena, iyo Xajmiga Jidheekeena, Wuxuu nagu baraarujiyey in Qalbiga shaqo laga qabto, Hadii la rabo in Aduun iyo Aakhiraba la Liibaano.
Sheekhu waxa uu Caawana Sida Falaadhaha Qoraxda noogu iftiimiyey Fidnada iyo Masiibooyinka ka dhacaya guud ahaan Dunida Muslimka, Gaar ahaan Deegaanada ay ku nooshahay Ummad Afka Soomaaliga ku hadashaa, Wuxuu na Baray oo Sidii qolyo aan Diinta hore-ba u maqal noogu sheegay Xiliga lagu jiro, in aanu ugub ahayn, iyo In Dunida Muslimku Tan iyo Geeridii Cumar Bini Khadaab kadib, Fidno iyo Masiibooyin ka jireen, Waxa qudhee kala Duwana ay ahaayeen Goobta, Samanka, Xaaladda iyo Fal Celinta Muslimiinta ay Asiibtay, Wuxuu na Tusay Aqoondarada Gaar ahaan Dhanka Diinteena iyo Xidhiidhka ka dhexeeya waxa maanta lagu samaynayo Magaca Diinteena Suuban, Wuxuu Cod dheer ku sheegay Caqli Xumada Koox Diimeedka Al-shabaab iyo siday uga fog yihiin Xaqa, Wuxuu laba saacadood oo xidhiidha Quluubtii Aqoontiisa u oomanayd u Diiday Nuuxsi, Wuxu sidii shi'ni macan heshay Quluubtayda ugu Xidhay Afkiisa, Ilayn Aqoontu waa Qof u ehela ka Qaado.
Sheekha may ahayn markii iigu horeysay, ee Waa hore ayaan Nasiib u yeeshay inaan kula Kulmo Kampala, Wakhtigaaso oo aan Waydiiyey Dhib iga Haysatay Sahwiga iyo Khushuuc yaraan Dhanka Salaada iga haysatay, Sheekhu Si sahlan oo Kalsooni ku jirto ayuu ii Dabiibay, Wuxuu isagoon i dhibsan ina Didin ii sheegay in Xanuunkaygu macruuf yahay, in Dawadiisu fududahay, Alle ha ka Abaaliye si Cajiiba ayuu ii Dabiiyey, Aqoontu Waa Muhim, Waa iftiin iyo Dariiqa nolosha ka fogeeya Lumitaanka Aduun iyo Hoogga Aakhiro, balse hadaad u gacan gasho, oo magansato Mid Seef la bood ah, Mid is macaashsiiyey, Mid Shaydaan u sheegay inuu Sheekh yahay, Waxaad halis u tahay Halaagg, Waar Saaxibayaal aynu Cilmiga ka qaadano Cida u ehelkaa, aynu Culimada ka reebno Caamada Cumaamadaha Qaatay, Aynu Diinta ka Dayno Ra'yiga iyo la ahaansha, oo Ehelkeeda u Dayno wixii nolosheena Saamaynta ku leh, Waa dhab "Siduu Cilmigu Qaali u yahay, ayaa Cida laga Qaadanayaan ay Qaali u tahay,", Aqoontu waa Aqoonta ku tusta intaad Jaahilka Tahay,
Maanta iyo Sheekh Umal (Cilmiga Yari, Qofkiisu Hafiyaa).
Aan idinla wadaago khayrka iyo nuurka Hargeisa Yaal, Tani waa wada dhalashadeena iyo waxaynu ku nahay Ummah Waaxidah, Ummah Maxamediyah, intaa kadib aan idinsoo gudbiyo suduu ahaan jawagii iyo Khudbadii Jimacaha, iyo Casharkii Caawa ee Sheekheena Wayn, Caalimka Soomaaliyeed, Sheekh Umal, uu ka galay Majsidka Weyne, Isha Khayrka, xarunta Baraaruga Kacdoonka Musliminta iyo Kobcinta Garaadka Shacabka, Sheekhu wuxu Salaadi Jimce ku soo Qaatay Qaad-ka, Tan sheekhu wuxuu u yeelay isagoo ka duulaya Xidhiidhka ka dhexeeya Hargeisa iyo Wuxuu ugu yeedhay "Sunta Cagaaran", Sheekhu Hadaanu kaa Taaban, Hargeisa ma Iman weeye, Waayo Marka laga Imaado Aafada iyo Masiibada uu Soomaali ku hayo, Hargeisi waxay kow ka tahay, Cunida, Iibinta, Buunbuuninta iyo Darajaynta Maandooriyahaas, Waa Horaan Xasuusta mar aan Boosaaso Joogay, in uu Nin igu yidhi "Hargeisa-an ka imi iyo Qaad ma Cuno kala Daa", tanina waxay ku tusaysaa xeel dheerida Sheekha iyo dareenkiisa fog.
Sheekhu wuxuu maanta na tusay, oo si Cilmi iyo Basiiro ku jirto farta noogu fiiqay, Qaadka iyo Xaaran-nimadiisa, wuxuu carabka ku adkeeyey inuu Khamrada ka Xun yahay, Isagoo tusaale usoo qaatay Dalalka Galbeedka oo Khamrada ogolaaday, Halkay Qaadka ka diideen, Wuxuu sheekhu Naga Tusay Dhankasta. Diinta iyo Dhibtiisa, Caafimaadka iyo Wax-yeeladiisa, Caqliga iyo Doorintiisa, Dhaqaalaha iyo Baabintiisa, Taranka iyo Khalkhalintiisa, Intaba waxa uga marag ahaa Shacabkii Reer Hargeisa, Wuxuu ahaa nabar Dhiigayey qofkastoo Masjidka Joogay, Waxay ahayd Boog Caqli xumo darteed Caafimaad loo waayey, Wuxuu Sheekhu Cod dheer ku sheegay in Dagaal lala Galo, sida Dagaalka loogula jiro Cadawga Gaalka, Wuxuu Dardaaray Cidkastoo Awood u leh, Min Shiikh ilaa Shariif, Madax ilaa Minjo, inay u tafa xaytaan Habaarkan Soomaali ku habsaday, Gaar ahaan Hargeisa, kaasoo Shacabkeedi ka dhigay, In Waalan, in Qayrul Masuul ah, in Baylahsan iyo In intaas ku dul nool.
Intaa kuma Eekayn, Qulqulkii Cilmigu iyo Dagaalkii Jahligu, Wuxu Caawa Shiikhu isla Masjidkii Noogu Dhigdhigay, Wuxu ugu yeedhay "Dariiq Loo Daweeyo, loolana Dhaqmo, Dadka Bidciyiinta", Sheekhu Marku meel dhexe marayo, anigu waan ka hadhay, Waxay dhaaftay intaan aqaanay, Waxay jibaaxday Meeshii Raggeeda u doona la odhan jiray, Yaryarkii Cumaamadaha Badna Dhabankay Gacanta Saareen, Caamadiina Dhagahay laabta u fureen, waayo Wuxuu sida tusbaxa midmid u taabtay dhinac kasta, Horeyso iyo Danbayso, Talaabo kasta iyo Waxa ku jira, Wuxuu hoosta ka xariiqay Degdega inbadan oo culimadeena kamuuqda, iyo Dheeldheelka Kooxaysiga, iyo Halkay ina Gaysay, Wuxuu Canaan dusha uga Tuuray kuwa Aqoon daro, ama Dano shakhsiyadeed Muslimiinta uga kooxaysanaya, Wuxuu nagu dardaaray inaanu ilaalino Dariiq Salafka Umadeena " Aqoon ku Hadal, ama Iska Aamus, oo Ehelu Cilmiga wax waydii", Allow nagu Anfac, Isna ka Abaali.
Khilaafka Kulmiye Waa Astaan Muujinaysa Nolosheena!
Kooxo Siyaasadeedkeenu Ma Xisbi-yaa, Haday Yihiin se Ma qaar Qaran-baa?, Waa hadii Magacyada Sare yihiin Sidii loo Yaqaanay: Xisbi Siyaasadeed (Political party), Koox Muwaadiniin ah oo ku nool Dal Cayiman, kuwaaso Fikir midasan ka leh, Dhinacyada Bushada Dalka ay ku nool yihiin, Tusaale; Soo dhawaynta ajaanibka, Ama Xakamaynta iyo La dagaalankaQaadka, Halka Qarana yahay Dad Wadaaga Dhul Badeed La yaqaan kuwaasoo wadaaga ama se kulkala Duwan Midab, Diin, Luuqad, Dhaqan, Ayse midayso maslaxad Caam ah, Sida Maamul, Dhaqaale, Difaac, Etc, Awoodooduna ugu kala wareegto si ugu yaraan qancisa inta badan ee Shacabka, si Codkooda dibada u midoobo, Nasiib Daro se Innagu Kuwaana ma nihin (Modern States), Kuwii hore ee Caaqilkasta iyo Suldaan kasta intiisa Maamuli jirayna ma nihin (Traditional City States), Maalin walba 80 Jiro ayaa Isku Qabsanaya "Usha ii Dhiib aan masaakiinta la dhacee", Waxa se ka sii Ayaan Daran markuu Wax-garadkii iyo Goolayaashii Odayada ahaa, ka Dhigan Xalaad masiibo qaran ah "National Emergency".
Ma jirto Masiibo Qaran marka Da'yartu Badaha ku leedayaan, Ma jirto Masiibo marka $500 Million Maalin kasta Dibada Qaad inoo dhaafayaan, Ma jirto masiibo marka Xooleheena Nool Daaqii iyo Dhirtii looga jarayo Dhuxul, Ma jirto Masiibo Marka Ardaydii jaamacaduhu Makhyaadaha bilaa Camal u fadhiyaan, Ma jirto Masiibo marka Muwaadniin dalkooda jooga 100 sano Lagu hayo Nacayb, Cunsuriyad, iyo Takoor, ma jirto masiibo marka Reer Guuraagi nolol xumo uga soo yaacayaan Baadiyihii, Iyagoon Magaalooyinka loogu diyaarin Soo dhawayn Dawladeed, Maxaynu nahay markaa, miyeynaa Damiir iyo Dadnimo inagu jirin, Miyaanay Noloshii Shalay Cashar-ba inoo noqonayn, Miyeynaa Sacabka Dharaarnimo waligeen baranayn, Miyeynaan dadkii Noloshan lahaa ahayn, miyeynaa Ubad iyo Mustaqbal Damac inagaga jirin,
Waxa Aad iiga yaabiyey, Saleebaan Gaal-na wuxu leeyahay ka kaca, dalku halis ayuu ku jiraaye, Tiro wasiiro ahna Waxay Qado u diyaariyeen, Koox lagu sheegay inay Sheffield ictiraaf ka keeneen, mar aan Hooyo wayn oo Suuqa joogta Weydiiyey Sheffield, Waxay igu tidhi Hooyo mooyi, oo Tv ka maqlay, Way-na kaa, Beentii ay Gaadhay Sheffield ayaa ina Aqoonsatay, goormay Sheffield Dawlad noqotay, Maxa laynga Ihaanaynayaa, oo waliba kuwaynu nidhi codkena ku hadla dhulka inoo jiidayaan, Way-na Kaa Danta labada Siyaasi laga Dhigayo Masiibo Qaran, Way-na kaa Caqligeeni, Aqoonteedni iyo Dadnimadeeni loo Dhufaanay "Waar nabada, Waar nabada", Nabadee! nabada Cadaaladeedi aan Ognahay, Nabada Baahideeda aan ognahay, Nabada Qabyaaladeeda aan Ognahay, Ma Nabadan Guri Caaro Noqotay, Kulmiye waa kan inoo muuqada, UCID ayeynu ogayn, UDUB ayaa xabaasha ku jirta, Wadani Guuxiisa Muuqda, Waa markay Waajib tahay "inaad Ajaanib ka jeclaato Muwaadinmo",
Wednesday, 14 May 2014
Dhawr qodob oo Dawlada Kulmiye la Wadaagto Tii Kacaanka.
Ugu horeyn waxa aanu shaki inagaga jirnin in HE. Siilaanyo uu ahaa Wasiiradii loogu jelcaa Dawladii Kacaanka, inuu ahaa Shakhsiyaadii Rayidka ahaa ee Goolihii awooda badnaa ogolaa, inuu ahaa Siyaasiyiintii Ugu mudada dheeraa ee kasoo jeeday Wixii wakhtigaa loo yaqaanay Gobolada Waqooyi, Tani cilmi ahaan waxay si dheer inoo tusaysaa Fahanka iyo Aqoonta uu Madaxweynuhu u leeyey Afakaartii Kacaanka ee Salka ku haysay Madaahibtii Shuuciga ahayd ee uu horseedka ka ahaa Carl Marx, kuwaaso Ujeedadoodu fogi ahayd Bedelida hab Fikirka Muwaadiniinta, si loola dagaalamo Afkaartii Galbeedka iyo Kuwa Diinta Islaamka. sidaa daraadeed siyaasada haasi inay kasoo shaac baxaan Maamulka Madaxweyne Siilaanyo wax Qariiba maaha, Balse way Dhacday waana marag ma doon. bal aan eegno dhawrkan qodob.
-Maxamed Siyaasad Barre mudo dheer ayuu mucaarad ku ahaa, Dawladihii Rayidka ahaa (Mucaaradad Qarsoon), Wuxuu si joogto ah ugu eedayn jiray inay majaro habaabiyeen himiladii ummada Soomaaliyeed, inay astaan u noqodeen Musuqmaasuq, Dawlad Jileec, Qaraabo Kiil iyo inay bixiyeen Dhulkii Dalka Soomaaliyeed, ilaa uu aakhirkii Cudud kula wareegay Awoodii Dalka, Aakhirkiina uu Galaaftay Dawladii Soomaaliya, dhanka S.land Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ahaa mucaaradkii ugu mudada dheeraa ee Dawladii UDUB. wuxuu si joogtaa ugu eedayn jiray wax Isdaba-marin, Saxaafad Cabudhin, Laaluush, Laynta Muwaadiniinta Cabiraya Fikirkooda (Mudaharaado), Lunsiga Hantida Qaranka, Etc, ilaa uu aakhirkii Si doorasho ah ugala wareegay Dalka, Iyadoo imika Intaba lagu eedeeyo inay ka jiraan Maamulkiisa, Si cadna aan loo ogayn waxa dhici doona sanad kadib, markay dhamaato mudadiiso, maadaamo aanay muuqan sansaan doorasho madax banaani.
- Dawladii Kacaanku waxay caan ku ahayd hal ku dhigyo Siyaasadeed, gaar ahaan Dawladii Hanti Wadaaga Cilmiyeysan, Dawladii Kacaanka Soomaaliyeed, Dawladii Ummada Soomaaliyeed, Halka Dawlada Kulmiyena Afartii sano inoo abuurtay halku dhigyo lamida, sida: Dawladii Wax qabadka, Dawladii Rabitaanka Shacabka, Dawladii Horumarka, Dawladii Wadooyinka, (Political Slogans)
-Dawladii Kacaanku waxay caan ku ahayd Kobcinta, Ablo-ablaynta iyo Awoodaynta Qabiilka, Halka Dawladda Kulmiye ay ku Caan baxday Dawladii Tarminta iyo Siyaasadaynta Qabiilka, Tan waxa kaaga maraga Madaxweyne Siilaanyo wuxu noqoday Siyaasigii ugu horeeyey ee Reerkooda Shir isugu yeedha, Wuxu noqday Madaxweynihii u Horeeyey ee Qof Reer ahaan u dhaw u Dhiibta Wasiirka Madaxtooyada, Wuxuu noqday Masuulkii u horeeyey ee Xisbigiisu Si Beelaysan u Alooso Shirweynohooda, Wuxu noqday Masuulkii u horeeyey ee si badheedha uga reeba Wasiirada xiga isku Shaandhayntii Dawladiisa.
-Dawladii Kacaanku waxay caan ku ahayd dulqaad la'aanta afkaareed, halka dawladeenu ay cadaw ka dhigatay cidkastoo iyada fikir ahaan ka soo horjeedsata, waxaa arintan kaaga maraga Tacadiyada Warbaahinta, Wada Xaajoodka Soomaaliya iyo Fogaynta Asxaabta Qaranka, Abuuranka Madasha Wada tashiga iyo Diidmada Dawlada.
-Dawladii Kacaanku waxay Siyaasadaysay oo Majaro Habaabisay Ciidankii Qalabka Siday, Halka Dawladeenuna ay Kulmiyeysay Ciidamadii Qalabka Siday, Gaar ahaan Ciidamadii loo unkay Ilaalinta Amniga Muwaadiniinta iyo ladagaalkan Qolyaha Xag jirkta ah (RRU, SPU), Cutubyadan oo si badheedha loogu adeegsaday Shaqooyinka ka baxsan kuway Sharci ahaan u xil saarnaayeen, Sida Warbaahinta, Mudaharaadyada Muwaadiniinta iyo Cabashooyinkooda, iyo ugu cago juglaynta Cidii loo arko dan.
- Dawladii Kacaanku waxay Ayaamihii u horeeyey ee cimrigeeda Shacabkii Soomaaliyeed ku kasbatay Mashaariic Waaweyn oo Iska wax u qabso lagu hir-galinayey, Halka Dawlada Kulmiye Siyaasado kuwaa lamida ka Adeegsatay, Gaar ahaan Wadooyinka oo Si Beelaysan oo Habac-sanaan badan ka muuqato Dalka looga Bilaabay, Tani waxa ku tusaya in Beel kasta Wado Dhagax dhigatay, Dawladuna midkasta Wax cayim u yaboohday.
-Maxamed Siyaad Bare waxa Markii u awooda la wareegayba ay kala fogaadeen Asxaabtiisi dhanka Afkaarta, Halka Madaxweyne Siilaanyo aynu ognahay halka ay kala joogan Asxaabtiisii Halganka Dheer, Iyadoo ay ugu danbayso waxa kala haysa isaga iyo Saaxiibkii qudhee ku hadhay Muj. Muuse Biixi.
Ugu danbayntii Dawladii Kacaanku waxay Awooda dalka u gacan galisay Shakhsiyaad Kooban oo Tiro yar, Isago Waayo-aragii iyo aqoonyahankii dhaafsaday Dhalinyaro Afkaartiisa Kacaan Daacad u ahayd, Halka Dawladeena Kulmiye ay Ruug cadaagi Siyaasadeed iyo Xog ogaalkii Taariikheed ku badalatay Dhalinyaro Kulmiyeysan, kuwaaso ku hawl gala Xeerkii Asktara "The Command Law, Do It, Yes, Sir!.
Facebook: Mustafe Barud
Habeenkaan Milxiiska Noqday!
Dhegaaa, waar Ayaamahan warkaygu wuxuu ahaa kaalay arag, Mar Hadaan Sayliciyeeyey miyaan Itaal Xumaa, oo Caruus ku xigeen, sidii Madaxweyne ku xigeenka lay doortay, aan kusoo dhawadee, Wiigi Tagay waxaan Dhamaantayo u Heesaynay Macalin Mohamed Abdi Mohamed iyo Marwadiisa, Hadiiba Shaqadii la qaybsaday waxay ragg uu ku jiro Garyaqaan Ahmed Nour Guruje ii garteen Kaalinta Milxiisnimo, aan ku hadalo Afkii Qolyahan Kulmiyee, Waa markii iigu horeysay ee aan Dhaantada halka ka Boodo, Darajo hoose maaha, oo Waxa ku xigaa waa Anoo Caruus noqda uun, ha fududaysan warkayga, faa'idada ugu yar ee aan kasoo dheefayna waa anoo bartay sida Habeenka munaasibada arooska loo Dhaqmo, ilayn wax kastaaba waa barashee, waa ku sidee Abaayo!, Qolada Reer hawd-kiina warkoodu waaba kasii liite, oo cilmigaasi baahi gaara u haysa.
Madashii iyo Wacdarihii ka dhacay qormo kuma fileen, waxay iigu darnayd markii Martidii madasha ku sugnayd ay Sacab iyo Mushxarad nagu qaabileen aniga iyo Caruuskii, oo dabadeed Sidii Wasiir Xirsi oo Qolyo Qurbe joogii Shaahdo ugu yeedheen aan Bidixdaa ka talaabsaday, Galbis iyo U kaca Arooska u Kaca oo ay Hablo Da'yari ku heesayaana aan qiiro isla badalay, ilayn Nimco aan lagu waarayn lama sheegsheego, Markaan fadhiyey ee dadku Sacabka iyo Jaanta isla eeganayeen, Mar waxaan isweydiiya waar adiga maaha ee waa Macalinka, Hadana waxaan idhaa waar Adba waad ku jirtaa, Saan Koodhka iyo Tie-ga giijistaa, Alayle wuxuunba kuu dhiman in Cod baahiyaha laguu dhiibo oo inyar lagaa Aamusiiyo Martida aad Siilaanyo iyo Muuse Biixi Arintooda u yara dul martide, ayaan qalbiga ka tamaniyey, hadana waxaan xasuustay inay Aroostahay.
Cabaar markii ay Ciyaartu isku duba dhacday, Qolyihii Haweenka u badnaana Dhankooda Tooda ka wateen, anigii waxa igu dhalatay, Ilayn Milxiiskuba waa Caruus sahlan, Afka Siyaasad waa ku Xigeen, ka Diplomasiyadana Waa Awood Xadidan oo Wakhti kooban lagu siiyey, waa Awood laga Faa'ideeyo sidaa Wasiir Xaashi, ama Waa wax sawro badan layska Qaado Sidii Wasiir Xirsi oo Turkey u jooga wada hadalada Dhiciskaa ee Somaliya iyo S.land, Yaan Saxiibkay Arooska ka Fasahaadine waxaan Habeenkii Saacadihii danbe ku caraabeyey qolkaygii Sidii Wasiirkii Abdilahi Abokorkii Seeftu qaadatay, Iska Daa Malxiisad isiii raacdoo ilayn Daalkuun yaa ii seexda, Malxiisnimo haa kuugu horeyso, ha kuuguno danbayso ayaan Go'aan kusoo gunaanaday. illaahaybaa ku abuurtee ma Sida Wasiirada Kulmiyey Aakhiro Seeg iyo Isku shaandhayn Saacdaha danbii isku kay raaci karaan!
Monday, 12 May 2014
Aniga iyo Saaxiibaday Luuqadiiba Naga Xumaatay.
Waxba ka odhan maayo Khudbadii HE. Siilaanyo oo waxay iska ahayd waxay
Qolyaha Siyaasadu Afka Qalaad ku idhaahdaan :Everything, Everythime,
Everywhere", oo waa Madaxweyne Afrikaan iyo Dhaqankii, kuna Noqon maayo
Wasiir Xagle-toosiye iyo Galaydh-kan ay Aqoontiisii 10 sano Dhaafi
la'dahay Saddex-xagalkaTaleex, Buuhoodle iyo Laas canood, oo waa Shacab
ninba maalintiisa Awrkiisa ku kacsanayo, Qolyahaa Garaadada-na waxaan
leeyahay Waar Putland iyo S.land Allaa idin badan oo Dhexdooda idinku
beeree, Siyaasadaad wax kula cuni lahaydeen Keena, caruurta iyo
Maatidana Xabbada ka daaya, oo Qarnigii 21-aad ayaa la joogaaye,
Maskaxdu ha Shaqayso, Intaa kadib, Aniga iyo Qolyihii Aanu saaxiibka
ahayn Luuqadii ayaa naga Xumaatay, oo Qormadaydii u Danbaysay Waxa ku
toosay Odayaal Xushmad weyn iga mudan.
Muuse Biixi Cabdi, horta Taageeridiisu Maanta waa inoo Wajiy, ma Waa Mujaahid iyo Siyaasi Wadaniya, Marna Waa nin ku Dhac iyo Damac leh, oo Sidaa Cabdiasis Maxamed Samaale Nin ku nin maaha, Mar saddexaadna wuxu inoo Buuxinayaa Halbeegii Soomaaliyeed ee "Lafo Garay iyagaa laysku jabiyaa", oo maanta Qolyahaa Mucaaradka inoo Ah uma eeka kuwo ina Dhaafin kara Xukuumadan imika jirta, oo waxaad mooda inay ku hafteen Siyaasadan sidii Haweenka Xinku ku badan yahay, Mar Afaraadna, wuxu inoo noqonayaa Gaashaan oo waxayna ka tix raacaynaa Xikmadii Reer Galbeedka ee "Cadawgaaga, Cadawgiisu waa Saaxiibka", Wax kastoo Siyaasada San Caano ka keenka Wiiqayaba, waan u Sacabo Tumaynaa.
Aakhirkii Loolkan Siyaasadeed ee 2015 wuxuu ku fiican yahay, Wajiyo Cusub, Wuxu ku haboon yahay, Hal-ku-dhigayo Siyaasadeed oo Badala Xantii 2010-2015, Waa inaan u kala baxnaa Dhaqaale yahanka Socod baradkaaa, Ardayga Havard University, Diblomaasiga lasoo Ciyaar bartay Basaasiintii KGB ee Qosolka iyo Dhul u eekida 10 sano kula soo Qaatay UDUB iyo Kulmiye, iyo Waliba Muhaahid Seef la-boodka ee Feedhka iyo Laab Garaacu Seejiyey Saaxiibkiisi Wakhtiga dheer HE. Siilaanyo, Saddexdan Siyaasi ayaa inoo quruxin kara, Saaxada 2015, iyagaa Hargeisa, Borama iyo Laaska u Bilaabi kara Kubad ay Dhexdhexaad ka yihiin Beesha caalamku. Waligaa isku day inaad Akhirdo Laynan ka dhexdooda,

Seedigaa Markuu Saaxiibkaa Noqdo!
Nolosheenu waxay dhufsane u tahay Mi'yi iyo Xoolo jirnimo, Samankii
hore, Dumarka iyo Geelu waxay ku jireen Noolaha aan xerro go'an lahayn,
Mulkiyidooda iyo ku tasarufkooduna wuxuu magan u ahaa Hadba xerreda ay
ku Galab dhacdasaan, Awood, Dhac, iyo Boob ayay Gacmo ugu kala wareegi
jireen, Sidaa darteed Seedgu wuxu ahaa Beer, Nasiib ayey ahayd Hadii
inantiina uu kaa boobe nin Ragannimo,
Aftahanimo iyo Libin dheeraada lihi, tani waxay libin kuu ahayd, markuu
xaal si kaa noqdo, oo Col ama Caydhinimo si xoriyad la'aan kuugu gayso,
Seedigaa iyo guud ahaanba reerka ay u Dhaxday walaasha waxay dhaqankeena
ahaan jireen kuwo bixiya Nabad galyo Nafeed, Jidheed, iyo Aduunba, ama
Waxa afka Qalaada lagu idhaa "Diplomatic Immunity", waxaa la siin jiray
mararka qaar Xoolo, Gabadh, waxaana la Dajin jirey halka ay degaan dadka
Meeqaamka sare, sida Salaadiinta, Cuqaasha, hadii Col lagagaaga
hadhayna waxaad xaq u lahayd waxay imika u bixiyeen "Geneva
Conventions", oo ilaa Hoygaagi waxaad ahayd Amaan,
Sidaa darteed Seedigaa wuxu ahaa Middi laba afle, mar wuxu ahaa ninkaa waranka sita ee dhaca Geeliina u socda, marna wuxu ahaa ninkaa magaca walaasha kugu siiyey darajada intaa leeg, Laakin Magaaladii iyo Magaalayntii dadkeenu, Dhaqankeena waxay ku keentay Khalkhal dhan kaste ah, waxa inaga lumay Miisaankii nolosha, gaar ahaan, Seedinimada (Xididka), wuxu safka hore ka galay dhaqankaa guuray ama gadismay, Maanta Seedigu Waa Inaadeerka, Saaxiibkaa iyo qof aad dhawr jeer maalintii kulantaan, tani waxay lumisay xikmadii Xididka iyo Magaca Seedinimada, Waxa Lumay Milgihii Haween ku lahaan jireen Ooda ay u dhaxeen iyo Faankii Abtinimo, Waxa dhalan rogmay Xikmadii Guurka oo Dhib iyo Dheefba waxaad nolosha mareegteeda kula jirtaa Seediga.
Yaan fogaane, waxaan kaw ka ahay Ragga ay arintani Saamaysay, oo qolyaha aanu qoys ahaan siinay waraaqa Aqoonsiga Seedinimo, waxaanu kala joogna Khaati Bilaahi, Noloshuna waxaad mooda inay Sidii Hal iyo Nirig isku kaayo Sidigtay, Naxdin wayna markaad Seediga arimo badan wada gashaan, laakin xaalku kaligay maaha oo Ragg-ba waa ila qabaa, ee Waxaan Naftayda iyo Idinkaba idin waydiin lahaa, Bal ka warama Markaad dhanka Siyaasda iyo Maamulkana iskugu timaadaan, ee Waliba Bidixda Fog iyo Midiga Dhexe kala joogtaan!, Miyaanay ahayn Halkii ninka raggii iskaga Dhaqaajin jiray.

Nolosho Hal Cashar ayay si Fiican ii Bartay.
"Inaad Go'aan Gaadho, Waxa ka Adag 100% in aad Go'aankaa ku Taagnaato",
Tani waa waxay u bixiyeen "Commitment". Waayo Nolosha Dhamaanteen waxay
u abuuran tahay inay Dib kaaga Riixdo Waxaad Rabto, Shaydaanka,
Naftaada, Qoyska, Asxaabta, iyo Bulshadu 99% waxay kuu sheegayaan wax ka
duwan waxay naftaadu rabto, ama Waxay si kale u turjumayaan waxaad
Jeceshahay inaad u sheegto, Tani waa waxay Anbiyadii ugu Lahaayeen Kii Waalan, Waa Saaxirkii, Xoolu Rabaa, Waa Kursi Doono.
Sababta aynu guusha dhamaanteen u jecelnahay, balse in yar oo tirsani inooga gaadhaan waa turan-turooyinka aynu kala kulan Deegaanka inagu xeeran, Xeerarka qudhee lagaga bixi karaana waa:
1- Adoo Si qoto dheer uga fikira waxaad nolosha ka rabto, Go'aana Qaata.
2- Waliga ha fiirin Mudada, Maxsuulkaa ka muhimsan, (Result Oriented)
3- Ka hadh dadka aad kala hadafka Tihiin, oo Raaca kuwa Geelinu meel wada daaqo.
4- Ha Diidinin Canaanta, Doqonka, Tuuga, iyo Fulayga ayaa neceb, Take it serous, and turn it positive.
5- Ha isku dayin inaad Wax kaste hal mar xaliso, Wakhtigu Dhibaatooyinka qaar isagaa abuura, Qaar kalena isagaa daweeya.
6-Guntii Dhibaatooyinku maaha Dhamaadkii Hadafkaaga, Balse waa Tilmaamo fiican oo dhanka Guusha aad u qaatay, Waayo waa marxalad hor leh,oo socodkaagu gaadhay, dhabar adayg, kuna joogo hadafkaga.
Go'aan inaad Gaadho inaad ku Joogto ayaa ka Adag, Darsi ay Hooyaday, Aabahay, iyo Macalimiintii iga Ilaabeen, Balse Maalmaha iyo Habeenadu ibareen.

Thursday, 1 May 2014
Wasiir Xirsi iyo Dawlad-nimada!
Wasiirka inaad wax ka qorta, oo waliba si Cilmiyeysan u Eegtaa arin sahlan maaha, Waayo Isaga laftiisaan Nin Fudud ahayn, Waa Wasiir siyaabo badan wax looga tilmaami karo, Bal hadana aan yara dul istaagno aragtida Shacabka ee Wasiirka iyo Yuhuunta Dawladnimo (Statehood.Institutinalism), Qolyaha Aadka ula dhacsani waxay Wasiirka ku tilmaamaan Wasiirka Kaliya, Waxay ku doodaan inuu yahay Wiilka Sanadka, iyagoo xujaysanaya Kaalintiisa hor-muudnimo ee hawl kasta oo la qabto, laga Bilaabo Wadooyinka ilaa Soo Xaraynta Garaadada Mayalka Adag ee Reer Laas Canood, Tan waxa u maraga Shaadooyika Tirada badan ee Gudo iyo Dibada Wasiirka lagu Gudoonsiiyey, Tan badalkeeda Qolyo ka dhaw kuwaa hore, waxay ku tilmaamaan Wasiir dadaal badan, kaaso faraj u noqday Xukuumada Kulmiye, Isaga la'aantiina aanay waxba ka kala socdeen, arintan waxay u daliishadaan Jaha wareerka Maamule ee Dawlada uu Udub dhexdaadka ka yahay, Taaso Dhibaatooyinka Dabiiciga ay u dheertay kuwa ay iyadu Dalbanayso, Waxay farta ku fiiqan inuu isagu yahay Ceeb asture, oo Firfircoonidiisa iyo Kaalintiisa ay ugu wacantahay Wax dhaama oo aan jirin, Taasina ay libin u tahay Xukuumada Afar Jirsatay.
Halka Qaar Bidixda Fogii, ay ku tilmaamaan Inkaar iyo Masiibo Alle usoo diray Madaxweyne Siilaanyo, Kasoo ka hor istaagay Aqoontii, Waayo Aragnimadii iyo Asxaabtii Mudada Dheer, kuwaaso Talo iyo aqoonba kusoo kordhin lahaa Saaxiibkooda HE Siilaanyo, ee ku jaho wareersan Siyaasada Beelaysan ee Dalkan yar ee Saboolnimada iyo Aqoonsi la'aantu isku raacday, Qolyahani waxay soo Qaataan kala Dheeraanshaha Madaxweynaha iyo Ragii ay nolosha soo wada Qaateen, laga soo Bilaabo Ardaynimadiisii, Xukuumadii Kacaanka, Jabhadii SNM ilaa Xiligiisi Mucaaradnimo, Iyago kusoo hal qabsada Wasiir Da'a yaraanta, aqoon darada, iyo Waayo Aragnimo la'aanta ay u dheertahay Awooda dheeraadkaa ee uu helay, Awoodaaso sida ay ku timi Dood badan ka jirto, Tana ay badalkeedu noqday Ana way kan, iyo Kaligii Wax aqoon.
Sida ay noqotaba, aan idinka idiin dhaafo ka aad Xoojinaysaan, oo aan dawladnimada iyo Shakhsinimada hoos u eegno, Dawladnimadu Waa hanaan iyo Xeerar qeexan oo ay bulsho ku heeshiiso, kuwasoo Awoodooda Tasaruf mudo cayiman u xilsaarato Ciday dan u aragto, Hanaanakni ma yaqaan Qof, Qabiil iyo Koox toona, balse wuxu ku fadhiya Xafiis, Xisaanad iyo Gacan sharci oo xadidan, Wasiirku wuxu la awood yahay Xilka uu hayo, gaar ahaan Mudada loo garto, Tan ayaa keentay Baahida Wasiiro Tiro ahaan iyo Tayo ahaanba kala jaajaad ah, Waa is dhamays tir Aqooneed, Xirfadeed iyo Maskaxeed, Min Caafimaad ilaa Xiddigis, Dawlada Xilkaste Qof-ba uga wakiiila, Balse "hadana Way kan", iyo "Anaa Karti badan ee Ii banee", Waa shuqulkii Afrikaanka ee Nin jeclaysi, Dawlad xumaan, Awood gaara oo madmadaw ku jiro, Masiirkeeduna waa Dawlad la'aan, ama Saboolnimo iyo Muran Joogto ah, Tana waxa kaaga maraga Dawladii kacaanka iyo Fikirkii shakhsiyaadka awooda badnaa, Muwaadin Intuu Shakhsi ka ixtiraam badan yahay Dawladnimada ha sugin inaan kob cagaar leh kasoo durdurino.
Mustafe Baroud Abdi
Columnist.
barud04@hotmail.com.

Wednesday, 30 April 2014
Maalintaan Reer Hawdka Noqday!
Kal hore mar aan ku sugnaa Magaalada Kampala, ee Dalka Uganda waxa marti iigu yimi Koox War-fidiyeeno ah, kuwaaso hawlo shaqo Kampala usoo gaadhay, kooxdani waxay gaar ahaan ka socodeen Caasimada Somaliya ee Muqdisho, ku darsoo anna waxaan ahaa Qawdhanka qudhee Kampala kaga biiray, dhawr cisho oo shaqo adag ay qabteen kadib, maalintii danbe waxa laysla gaadhay in booqasho loo aado meel indhaha u roon, waxa laysla qaatay,goob loo yaqaan Miyoonyo Biij, oo inta badan wufuudu timaado, Fahanoo Wiilal yaryar ayaa Qorshaha hoosta ka watee, Markii fariintii isoo gaadhay, ee Amintii iyo Goobtii lay cayimay, Waxaan sidii innan Gashaantiya oo Munaasibad aadaysa Cabaar doodnay Shandadii Dharka, labadiii aan Bilic iyo Style bidayey ayaan hor iskaga qoofalay, hareeraha ma fiirine anoo sanka taagayan ayaan tilmaamsaday kooxdii, Waar maxa iga Raacay!
Waa Kooxdii Martida ahayd iyo Qaar yaryar oo Magaalada hore usii joogay
oo hoosta kaga naban, Ma arag aqoona uma lihi, Dee isku Shaashadaba ma
daawano, Xanta Wasiir Xirsi-na Xataa nama kulmiso, iskaba dhaaf Xeebta
Liido iyo Aqalka HE. Ina Sheekh ee Villa Somaliyoo, Waa Duul la haysta
Kaka, Cristiano iyo 50 cents, ana Xaalkaygu waa Ninkii Hangoolka loo
direy, ee Inba Meel kusoo Arkay", Yaan ku dheeraan dhalintii markiiba
waxaanu isku jiidhnay hab labiskii, Hablihiina waxay iga qaateen Sawr
qaldan, Hugaygii wuxu bixiyey Sawr sidii nin nool casri laga tagay, Waar
ilayn cadho lama dhinto, Igaga darane xataa hadaani sii yara cararihi
lahaa, oo Qolkii iyo Shandii dib ugu noqon lahaa, iga walee inaan laga
Heleen, waxay sitaa wax u dhigma, Surwaal Car iga Siiba, Shaadh yar oo
Kii 9 jirka, Kabo jawaan iyo Harag aan u kala Saari Waayey iyo Muraayado
Nooci NAGAAD qaadan jireen u eeg, balse khafiif ah.
Dhegaa, Meesha jacdii iga raacday, dhalinta waxa weheliya Xaaji da'a ahaan ka wayn, balse maskax ahaan si fiican layskula haystoo, inkasto aanu sidooda u labisnayn, hadna sheekadu way iskugu jirtaa, Anigii ayaa lay faquuqay, Midab iyo Luuqad toona maaha, ee Waa labis iyo Sheeko ahaan, Ninka weyni anaga iyo Hablaha isku si ayuu noogu sheekayna, Qosol ayaa jaanta la wadhaya, hadaan is idhaa ku darso, Durbaan mooye kayga wax kale ma moodi, Xataa mala Qosolka Casri ahaa, 4 sacadood oo aan MaqanE jooge ahaa, habilhiina waxay ku celceliyeen "Mustafe Aboowe Hadal Noo, Meesha Baashaal waaye, Ha Shiixin, See Waaye, Ha Ismartiyeen Nooh, Iska Saar Saxmadii Magaalda, Juuqba!, haye, "Kaalay, Adi Miskiin lee, Duqa Uma jeedid, Iska Caadi Waaye, Markaan adkaysan waayey ayaaan ku idhi "Abaayo Ani Reer Hawd ayaan ahaY, Aabahay iyo hooyaday, Baadiye ayuu Jacaylkoodi ka bilaabay, Marka Dacar-nimadaydaa Ii Dhaaf".

Subscribe to:
Posts (Atom)