Nolosheenu waxay dhufsane u tahay Mi'yi iyo Xoolo jirnimo, Samankii
hore, Dumarka iyo Geelu waxay ku jireen Noolaha aan xerro go'an lahayn,
Mulkiyidooda iyo ku tasarufkooduna wuxuu magan u ahaa Hadba xerreda ay
ku Galab dhacdasaan, Awood, Dhac, iyo Boob ayay Gacmo ugu kala wareegi
jireen, Sidaa darteed Seedgu wuxu ahaa Beer, Nasiib ayey ahayd Hadii
inantiina uu kaa boobe nin Ragannimo,
Aftahanimo iyo Libin dheeraada lihi, tani waxay libin kuu ahayd, markuu
xaal si kaa noqdo, oo Col ama Caydhinimo si xoriyad la'aan kuugu gayso,
Seedigaa iyo guud ahaanba reerka ay u Dhaxday walaasha waxay dhaqankeena
ahaan jireen kuwo bixiya Nabad galyo Nafeed, Jidheed, iyo Aduunba, ama
Waxa afka Qalaada lagu idhaa "Diplomatic Immunity", waxaa la siin jiray
mararka qaar Xoolo, Gabadh, waxaana la Dajin jirey halka ay degaan dadka
Meeqaamka sare, sida Salaadiinta, Cuqaasha, hadii Col lagagaaga
hadhayna waxaad xaq u lahayd waxay imika u bixiyeen "Geneva
Conventions", oo ilaa Hoygaagi waxaad ahayd Amaan,
Sidaa
darteed Seedigaa wuxu ahaa Middi laba afle, mar wuxu ahaa ninkaa waranka
sita ee dhaca Geeliina u socda, marna wuxu ahaa ninkaa magaca walaasha
kugu siiyey darajada intaa leeg, Laakin Magaaladii iyo Magaalayntii
dadkeenu, Dhaqankeena waxay ku keentay Khalkhal dhan kaste ah, waxa
inaga lumay Miisaankii nolosha, gaar ahaan, Seedinimada (Xididka), wuxu
safka hore ka galay dhaqankaa guuray ama gadismay, Maanta Seedigu Waa
Inaadeerka, Saaxiibkaa iyo qof aad dhawr jeer maalintii kulantaan, tani
waxay lumisay xikmadii Xididka iyo Magaca Seedinimada, Waxa Lumay
Milgihii Haween ku lahaan jireen Ooda ay u dhaxeen iyo Faankii Abtinimo,
Waxa dhalan rogmay Xikmadii Guurka oo Dhib iyo Dheefba waxaad nolosha
mareegteeda kula jirtaa Seediga.
Yaan fogaane, waxaan kaw ka
ahay Ragga ay arintani Saamaysay, oo qolyaha aanu qoys ahaan siinay
waraaqa Aqoonsiga Seedinimo, waxaanu kala joogna Khaati Bilaahi,
Noloshuna waxaad mooda inay Sidii Hal iyo Nirig isku kaayo Sidigtay,
Naxdin wayna markaad Seediga arimo badan wada gashaan, laakin xaalku
kaligay maaha oo Ragg-ba waa ila qabaa, ee Waxaan Naftayda iyo Idinkaba
idin waydiin lahaa, Bal ka warama Markaad dhanka Siyaasda iyo Maamulkana
iskugu timaadaan, ee Waliba Bidixda Fog iyo Midiga Dhexe kala
joogtaan!, Miyaanay ahayn Halkii ninka raggii iskaga Dhaqaajin jiray.
No comments:
Post a Comment