Monday, 12 May 2014

Aniga iyo Saaxiibaday Luuqadiiba Naga Xumaatay.

Waxba ka odhan maayo Khudbadii HE. Siilaanyo oo waxay iska ahayd waxay Qolyaha Siyaasadu Afka Qalaad ku idhaahdaan :Everything, Everythime, Everywhere", oo waa Madaxweyne Afrikaan iyo Dhaqankii, kuna Noqon maayo Wasiir Xagle-toosiye iyo Galaydh-kan ay Aqoontiisii 10 sano Dhaafi la'dahay Saddex-xagalkaTaleex, Buuhoodle iyo Laas canood, oo waa Shacab ninba maalintiisa Awrkiisa ku kacsanayo, Qolyahaa Garaadada-na waxaan leeyahay Waar Putland iyo S.land Allaa idin badan oo Dhexdooda idinku beeree, Siyaasadaad wax kula cuni lahaydeen Keena, caruurta iyo Maatidana Xabbada ka daaya, oo Qarnigii 21-aad ayaa la joogaaye, Maskaxdu ha Shaqayso, Intaa kadib, Aniga iyo Qolyihii Aanu saaxiibka ahayn Luuqadii ayaa naga Xumaatay, oo Qormadaydii u Danbaysay Waxa ku toosay Odayaal Xushmad weyn iga mudan.

Muuse Biixi Cabdi, horta Taageeridiisu Maanta waa inoo Wajiy, ma Waa Mujaahid iyo Siyaasi Wadaniya, Marna Waa nin ku Dhac iyo Damac leh, oo Sidaa Cabdiasis Maxamed Samaale Nin ku nin maaha, Mar saddexaadna wuxu inoo Buuxinayaa Halbeegii Soomaaliyeed ee "Lafo Garay iyagaa laysku jabiyaa", oo maanta Qolyahaa Mucaaradka inoo Ah uma eeka kuwo ina Dhaafin kara Xukuumadan imika jirta, oo waxaad mooda inay ku hafteen Siyaasadan sidii Haweenka Xinku ku badan yahay, Mar Afaraadna, wuxu inoo noqonayaa Gaashaan oo waxayna ka tix raacaynaa Xikmadii Reer Galbeedka ee "Cadawgaaga, Cadawgiisu waa Saaxiibka", Wax kastoo Siyaasada San Caano ka keenka Wiiqayaba, waan u Sacabo Tumaynaa.

Aakhirkii Loolkan Siyaasadeed ee 2015 wuxuu ku fiican yahay, Wajiyo Cusub, Wuxu ku haboon yahay, Hal-ku-dhigayo Siyaasadeed oo Badala Xantii 2010-2015, Waa inaan u kala baxnaa Dhaqaale yahanka Socod baradkaaa, Ardayga Havard University, Diblomaasiga lasoo Ciyaar bartay Basaasiintii KGB ee Qosolka iyo Dhul u eekida 10 sano kula soo Qaatay UDUB iyo Kulmiye, iyo Waliba Muhaahid Seef la-boodka ee Feedhka iyo Laab Garaacu Seejiyey Saaxiibkiisi Wakhtiga dheer HE. Siilaanyo, Saddexdan Siyaasi ayaa inoo quruxin kara, Saaxada 2015, iyagaa Hargeisa, Borama iyo Laaska u Bilaabi kara Kubad ay Dhexdhexaad ka yihiin Beesha caalamku. Waligaa isku day inaad Akhirdo Laynan ka dhexdooda,

No comments:

Post a Comment