"Inaad Go'aan Gaadho, Waxa ka Adag 100% in aad Go'aankaa ku Taagnaato",
Tani waa waxay u bixiyeen "Commitment". Waayo Nolosha Dhamaanteen waxay
u abuuran tahay inay Dib kaaga Riixdo Waxaad Rabto, Shaydaanka,
Naftaada, Qoyska, Asxaabta, iyo Bulshadu 99% waxay kuu sheegayaan wax ka
duwan waxay naftaadu rabto, ama Waxay si kale u turjumayaan waxaad
Jeceshahay inaad u sheegto, Tani waa waxay Anbiyadii ugu Lahaayeen Kii Waalan, Waa Saaxirkii, Xoolu Rabaa, Waa Kursi Doono.
Sababta aynu guusha dhamaanteen u jecelnahay, balse in yar oo tirsani
inooga gaadhaan waa turan-turooyinka aynu kala kulan Deegaanka inagu
xeeran, Xeerarka qudhee lagaga bixi karaana waa:
1- Adoo Si qoto dheer uga fikira waxaad nolosha ka rabto, Go'aana Qaata.
2- Waliga ha fiirin Mudada, Maxsuulkaa ka muhimsan, (Result Oriented)
3- Ka hadh dadka aad kala hadafka Tihiin, oo Raaca kuwa Geelinu meel wada daaqo.
4- Ha Diidinin Canaanta, Doqonka, Tuuga, iyo Fulayga ayaa neceb, Take it serous, and turn it positive.
5- Ha isku dayin inaad Wax kaste hal mar xaliso, Wakhtigu Dhibaatooyinka qaar isagaa abuura, Qaar kalena isagaa daweeya.
6-Guntii Dhibaatooyinku maaha Dhamaadkii Hadafkaaga, Balse waa Tilmaamo
fiican oo dhanka Guusha aad u qaatay, Waayo waa marxalad hor leh,oo
socodkaagu gaadhay, dhabar adayg, kuna joogo hadafkaga.
Go'aan
inaad Gaadho inaad ku Joogto ayaa ka Adag, Darsi ay Hooyaday, Aabahay,
iyo Macalimiintii iga Ilaabeen, Balse Maalmaha iyo Habeenadu ibareen.
No comments:
Post a Comment