Friday, 19 October 2012

INAAD OGAATO ABUURKA REER ADAN AYA KACAWIN KARTA INAD KASBATO!


Qormadii hore waxan ku eegnay Doorka ninku ka qaadan karo kobcinta xidhiidhka jacayl ee Xaaskiisa, manta bal aan dul istagno hadii alle idmo Dhanka Reer-Xaawa,

Waxan isku dayeyna inan ka jawabno su’asha adag balse muhimada fog le,  Side u noqon karta Haweenay indho buuxisa Saygeeda?, anoo ogsoon inay tahay su’aal baaxad baladhan hadana aan isku dayno inan ka dhahno wixi alle inaga wafajiyo.

Haweenay kasto aduunka ku nooli waxay Hurdo iyo Soo jeedba ku hamida inay maruun noqoto hooyo, inay maruun Masuul ka noqoto guri ay kasoo toosan Aabe, Caruur iyo Ehel qurux badan, inay Maruun u adeegto si kalsooni kujirto Qoys ay taladisa u danbeya iyadu iska leeday, in marun masuliyadeda lagu majiirto, looguna sacabatumo, balse inyar aya xaqiijisa riyadas, tan aya kutusaysa ahmiyada ay leeday iyo siday ugu bahantay samir, karti, iyo aqoon dherada.

Hadaba walal hadii arintani muhimada leeday, caqliga suubani wuxu keenaya inaad wakhti walba u diyar garawdo sidaad u horu marin lahayd adeega aad u hayso Ninka aad nasiibka u yeelatay inuu Noloshada masuul ka noqdo, carurtadana aabo u noqdo wixi alle idin kala siiyo, kaasod uga soo baxday waxkastood horti jeclayd: Hadaba walashayey isku day inad fahanto Arimahan ado ka duulaya inanad dooran Karin ninka balse ad dooran karto sidada ula dhaqmayso ninka aad calafka la wadaagto. Fadlan isku day:

1-   Dhaqanka Reer Aadan wuu kakan yahay, inta badan waxa u sala adadayg, dagal, iyo feejignan, gabadha Caqliga badani waxay darenta in Abuurkan Alle ujedo kalaha, in Alle ugu talo galay inu Gashan iyada iyo ubadkeda uga noqdo jugta iyo dhacdoyinka nololed, sida darted waxay intu la joogo siisa deegan nabdoon, waxay isku dayda inay tusto in Nafteda, Gurigisa iyo Ubadkisu ay darensaniyihin xilki u hayo.

2-    Hadan nahay dhashii Aadan waxan wakhti badan sina, siday noloshinu noqon doonto mustaqbalka adinka iyo ubadkina, waxan ad uga fikirna waxa dhici dona mustaqbalka, anago ku xisabtamayna inan maalinwalba Cagaar ahayn (Dhib ka dheer), balse nolosha aduun u ban taal lugooyooyinka, sida darte Naagta caqliga badan waxay wakhti dher siisa siday u baran lahayd darenka fog, waxay marwalba soo dhawaysa mustaqbalka kiisa fican, waxay dhagaha ninkeda ugu roonata dhiiri galinta, taagerida ninkeda iyado ka foganaysa niyad jabinta, iyo ididiilo xumaanta.

3-   Reer Aadan inta badan waxay xiiseyen in dhibta loo sheego, inti wakhti badan lagu lumin laha dhibtu waxay keentay (Boogtan eegna intan Mililka wakhti sin lahayn), Gabadha fiican inta badan waxay barata sida ugu fican uguna kooban ay farinteda ku gaadhsin lahayd dhagaha Saygeeda, waxay la eegata Wakhti, Goob, Xaalad iyo Sida ugu fican ey u gudbin karto, waxay dhawr jeer si tijabisa, dhadhamisa, dadka ugu dhawna kala tashata farinta ay rabto inay ka ansixisato, gaar ahaan arimaha samayn kara kalsonida Boqorka Guriga.

4-   Reer-Adan waxa ku abuuran laabraaca, waxa noloshada ka qayba tijabinta, iyo ka warkenida, Gabadha insha dheeri waxay buuxisa Goldaloolyinka nagu dhiiri galinkarta inan khadka cagaran dhafno, inta badan waxay wakhti badan siisa Quruxinta nafteda, gurigeda iyo ubadkeda wixi alle siyey, Waxay taqan waxa sida garka u xiiso galiya Xaajiga, waxay xarifad ku tahay sida layskula badalo wajiyada iyo dharaaraha isabadalaya, Dacartana logu kiciyo Atooraha.

5-   Ina Rag wuxu jecel yahay lahanshaha, iyo laab u buuxinta, wuxu inta badan ku faana Tirada, iyo Tayada maamulkisa hoos imada, wuxu nafis ku darema inuu daremo in armarkisu yahay ka ay hawsha gurigu ku socota, Gabadha Caqliga badani waxay talada maamul ee gurigeda u nisbaysa Saygeeda, waxay ugu yaran tusta in waxkasta u socodan sidu rabay, Hadi ay jiran tagero nocay doonto ha ahate waxay hoos keenta maamulkisa, waxay ka dheerata isku dhererinta, umano sheegashada iyo u laab garaca wakhtiyada ay ka hoosto Xaajiga.

Dhaman Qodabadani iyo kuwa lamidi waxay hor uqaadan kalsonida uu ninku ku qabo gurigiisa, waxay siisa daren buuxa in uu isaga, ubadkisa iyo hantidisu ku jiran gacmoamaana, wuxu amateeda u waayo inuu baala dayamoodo ama la bakhaylo wuxu Alle ugu soo dhibo.

Walashayey wixi an ka tagay waxan diyar u ahay inad adu ku darto.

Tuesday, 16 October 2012

SI FUDUD U KOBCI JACAYLKA QOYSKAGA


Saxib ugu horeyn aan idinka raali galiyo waxoga dib u dhaca oo ku yimi qormooyinkeeni Horu socod, safaro iyo socodalo isdaba joogay dartod.

Qormadan manta aan ku dul istagno Xidhiidhka “Togan-Taban”  ee dhex mara lamanaha go’aansada inay noloshoda wada qaatan inta ka hadhsan ayamahooda aduun, iskana kashadan mawjadaha nolosha ee caanka ku ah sal la’aanta, soona saaraan jiilka Mustaqbalka cusub wixi alle uga qadaro, ugu danbayntiina noqdan dunta isku haysa  dhinacayada kala duwan ee ay kasoo kala jeedan.

Maalinta ay labada iscalmaday bulshada ku xeeran la wadagan badhadhaha guurkooda kadib waxa midkasta dhiniciisa u fuula culays nafsaaniya, wuxu midkasta isku diyariya inu kasoo baxo wajibadka culus ee fuulay iyo inuu si xilkasnimo le u helo xuquuqdisa ugu wajibtay ka kale.

Marka laga imado quruxda guriga, farxada, rayn-raynta iyo dareenka dheer ee farxada gudbinaya ee lamane kasta u dirayan bulshada inteda kale si ay utusan inay yihin laba isdoortay, waxa midkasta madixisa sida bir labta ku dhagta inu buuxiyey balanqaad yadii tirada badnaa ee wakhtigii shukaansiga: Ad iyo Ad ayan ku jeclay, Indhahayga ayad tahay, waligay ka dheran mayo, Naftan kula wadagaya, dhib iyo dhef inan kala qaybsadan diyar u ahay, iyo erayada lamida.

Saxibkayow wan ogay in Alle ino aburay ad adayg badan si aan uga soo baxno masuliyada badan ee dusha ino saran, in alle inagu karameyey hogaminta nolosha qoysnimo, qaranimo iyo bulshaba, in Alle unug kasto inaga mida ka badalay ka haweenka, hadana waxa lagama marmaana inan ku dadaalno kobcinta iyo barbarinta xidhiidhka jacayl ee Lamahana nolosha inala wadaga.

Saxib arintani mahaa qaali marka laga eego dhanka qiimeheda lacaged, balse  waa adayg marka laga eego dhanka fulinta, nooca abuur ee alle ino sameyey o culays ku ah awadeed, balse isku day inaad samayso arimahan si aad u kasbato jacaylka dhabta ee xaaskaaga taa badalkeedana u hesho adeega u sareeya ee naagi siiso ninkeeda:

1.   Amaan!, Amaan!, Amaan!,  ha saxib qofkasta wuxu jeclayey inu maqlo isago laga sheegayo wanag, Adamaha Alla ku abuuray amaan jacaylka, Duulkuna wa u nugulyihiin inay maqlan iyado Ninkeedu ku leeyey, Quruxay, Caday, Mashala wad Nuuraysa Maanta/Caawa, Talow ma jirta Gabadh ka quruxbadan. Inteena badani waxan ku bakhaylna erayadan noocan ah, deed waxan wayna Adeegan xaq u lahayn.

2.   Dhagayso! Dhagayso! Dhagayso!, sxb ha wa iga dhab, waxa la ogaday in dumarku 1000 eray odhan kara inta inagu 1 odhan karno, taas waxay kushegaysa awooday u leeyin inay sheekeeyan, isku day inad dhagaysato, kana gurto, una hal celiso, si ay u darento in sheekadedu macno ku leeday,  waayo qofku ma jecla inu la hadlo maqane jooga,

3.   Isbar inad caawiso wakhtiga ad furaqa leeday, gaar ahaan wakhtigay ugu bahida badantay, sida Markay Xaamilada tahay, Foosha, Carurta badan, Xanuunsanayo, ku jirto Xaaladaha garka ee hawenimo, ay haystan culays qoyskeeda, wakhtigan inta badan dumarku waxay imitixan ku mariyan ragooda, iska jir inad ku dhacdo.

4.   Sii wakhti aad la Dheesho, Suuqa kala so adegto, lasoo booqato Ehelkeeda, Asxaabteeda, Sxb  abuurka dumarka waxa kamida Faanka, iyo mano sheegashada qayrkood, Marka sii fursad ay qayrkeed ugu faanto, uguna shekayso asxabteeda. “Aniga iyo xaajigoo......”

5.   Ka fogoow wixi shaki galin kara, guud ahan dumarku waxay u nugul yihiin xaalad abuurnimada, waxay shaki iyo buufis badan kaqaban in haba yarate cidkale kula weheliso bixinta adeega haweenimo ee Saygeeda,  Marka saxib iska jiri inad kalsonided u dhawacdo si fudud, inad afka ku badiso magac anay kalsoni ku qabin, inad ku diido cuntoyinka, isgaliso mashqul badan, soo caraabto xili danbe, kana dhaxdo xafadaada si an sabab cad lahayn,

6.   Isbar dhaqanka wax bixinta, Abuurka habenka waxa caan ku ah qarash badnaanta, ka ragana lexe-jeclada, marka sxb is bar dhaqanka wax bixinta, maaha inta waajibka, balse dhaqan ka dhigo inad Xaaskaga usii iibiso Dharka, Udugga, Agabka-qurinta, Macmaanka iyo cuntoyinka fudud, Wayo dumarku waxay kalsooni buuxda ku qaatana waxay ka helan ragooda, waxanay kor u qaata heerka jacayl ee qalbigeda.

7.   Ugu danbaytnii Bar naftaada dhaqanka sheeko wadaagta Xaaskaga, isku day inad uga sheekayso dhacdooyinki maalintaada,  ha yaraysan arintan, waayo Xaaskagu waxay maalintedo dhan ku qaadatay inay adiga kusii diyariso Cunto, Cabitan, Meel ad ku nasato iyo Bilicinta Nafteda, Ubadkeda, iyo Gurigeda, Markaa adna hakala bakhaylin inad la wadaagto dhacdooyinki maalintada, kana saarto daalki iyo Xiiso daradin shaqada joogtada ee Gurigeeda.

Sxb arimahani iyo kuwo kalo badani waxay kor u qaadayan jacaylka guryeheena, waxay abuurayan jawi dagan, xasil, mudana in lagu nasto, waxay ina ilawsinayan daalka iy tacabka inaga soo gaadha raadinta kabayasha dhaqale ee guryeheena.

Sxb wa hubal in hadii aad gabadhada siiso jacayl iyo kalsooni ay kugu abaal gudayso mid ka qaalisan, kuu noqonayso qofka qudhe naftada darensiya macanka iyo dhadhanka jacaylka dhabta, sida darted naftada bar inad ogato waxyabaha sida gaarka u xiiso galiya Xaaskaga, inad badhaso dhaqanada ad adag, baratana kuwa dhibirsan.

Wixi aan ka tagay waxan soo dhawaynaya in laygu kordhiyo, wixi aan qaldayna in laysaxo.

 

Sunday, 2 September 2012

10 SHAY EE MUQDISHO KU QAABISHO CIDA KUCUSUB


Meelkasto aduunka wa wax caadiya inad aragto wax u gaara ama ay caan ku tahay kuna tilmaamantay, hadaba magalaada muqdisho aya kamida meelaha deganada somalida ugu caansan uguna baaxada wayn.
Hadii aad tahay qof ku cusub muqdisho wa hubaal inay muqdisho kugu qaabilasyo dareeno iskugu jira uur kutaalayn iyo rajo nololeeed, kuwaso is barbar socoday mudadii 22 sano ahayd ee ay saaxada caalamka ka maqnayd magalo bari ahaan jirtay caasimadaha afrika ugu tilmaaman.
Mudo dheer anoon muqdisho joogay, ayaan isku dayey inan dadka uso bandhigo waxaybo kamida nolosha muqdisho gar ahan dadka sidaydo kale ku cusub, kuwaso magaceega  hawada ka maqli jirey iyadoon wax wanagsan lagu tilmamayn.

1-   Muqdisho iyo cunadeed:
Meelkaste waxad muqdish ku arkaysa Barafka oo kamida ganacsiyada laga ganacsado, caankana ay ku tahay muqidsho, Saliid Macsaro ayad iyana la darsaysa, noocayada kala duwan ee kudarta, macmaanka, ayaa iyana si cadiya noloshada ula jaaraya.

2-   Muqdisho iyo habka labiska;
Muqdisho waxay kugu qaabilaysa Macawso inta badan ragu xidhan yihin, kuwas kamida hab labiska ugu badan e laga isticmalo magalada, dhanka kabaha ragu waxay ad u isticmal kabaha dusha furan, dhanka hablaha waxay ku badan yihin indha sharer, hafaf, iyo dalad, guud ahaan haweenku wa asturan yihin oo wa wax adag inad aragto qof hawena oo kusocota dirac iyo shalamad sida Harg.

3-   Muqidsho iyo Gadiidka:
Muqidsho wax wax caadiya inad aragto gaadiid gaboobay oo iskugu jira noocyo kala duduwan, kuwaso kaso hadhay burburki somaliya, Gadiidkan aya qaarkod si layable u socodan ama ay kugu adkanaysa inad rumaysato waxay indhahagu arkayan, wa suuro gal in darawalku mel qoraxa fadhiyo kadib marki inti hore gadhigu babaday ama dhamatay, funny things to believe.

4-   Muqdisho iyo hubka:
Muqdisho oo ahayd caasimada qudhe aduunka bila dawlada adag ahayd 22 sano ayaa dhaxalsiisay in hubku noqdo wax nolosha kamida, si fudud ayad u arkaysa dhalin ku hubaysan noocyada kala duwan ee hubka fudud, Gadiidka dagaal ee Tiknikada oo dhex mushaxaya wadoyinka waywayn ee magalada, Gadiidka Ciidamada shisheeye oo xaware sarek u gooshaya dadka dhexdooda, kooxaha ku labisan dharka kala noocnooca, dhaman arimahani waxay caadi ka ag noqoden dadka sida maalinlaha ula darsay xaaladahan.

5-   Muqdisho Isbarooyinka iyo goobaha layku baadho:
Muqdisho xaaladeed aman aya sababtay in hotel kasta, iyo dhismo kasto muhima ama cid koox gaari beegsan karta degantahay la dhigo biraha waawayn iyo shubabka laga hor tago isbiidaminta, iyo dilalka is qarxinta, Muqdisho waxa yaratay is aminka sida darted wa caadi in hotel ama dhisme kasta lagu waydiyo cidad rabto si ficana lagu baadho tin iyo cidh.

6-   Muqdisho iyo nolosha qoyska.
Muqdisho wa iska caadi inad aragto hooyo le dhawr caruura oo kala abe ah, ama nin qaba dhawr xaas , qaar horena ay kala dhamaden, wa wax iska cadiya in lays furo, ama gabadho si fudud u noqoto Carmal, arinta aya ad uga duwan harg, oo runti ay go’an culus tahay in gabadhi noqoto Carmal, tani waxay Rer muqdisho siisay inu guurka iyo furniinkuba fududadan, arintan oo dhib iyo dheerba le.

7-   Muqdisho iyo hab guriyeedkeda;
Muqdisho oo ahayd caasimada wixi ku hadla afsomali mduo dheer aya dhaxalsiisay inay noqoto magalada ugu wayn gayiga Somalidu degto, wa wax iska caadiyainad aragto wadooyin wawayn oo lamida kuwa ay canka ku yihin magaloyinka wawayn ee geska afrika, inad melkasta ku aragto dhismayaal baxad le oy ka tagtay dawladi somaliya, gurya Gaydadka waawyn ee filoyinka kuwaso ay ku nolayen madaxdi dawladi hore,

8-   Muqdisho iyo Taloyinka:
Muqdisho waxay caan ku tahay taalooyin wawayn oo lagu xuso dadki samaynta ku laha nolosha iyo taarikhda Somalida, waxad daremaysa sidi lo xusi jiray dadki haldoorka ku aha nolosha umada somaliyed, sida Taloyinki Axmed Gurey, Xaawo Tako, Dhalintii SYL, Sayidka iyo qar lamida. Dhaman  taloyinkani waxay muqdisho dhaxal siinaya taarikhdeeda qadimka iyo magaca aan ka guurayn eey ka dhaxashay dawladihi lala danbeeyey.

9-   Muqdisho iyo Magacyada Caanka.
Muqdisho waxay caan ku tahay magacyo macruufa kuwaso, xata cidi aan waliged arag ay maqashay sawro kala duduwana ka haysato, muqdisho waxay marti galisya Suuqa labad ee ugu wayn bariga Afrika, Suuqa Bakaraha, waxay ehel u noqotay Gurigi Ummada, hooygi mawelada iyo madalada, Madaxtoyada Caanka E vila Somaliya, dhismaha Tarabunka,

10-               Muqdisho iyo Ganacsiga:
Reer muqdisho muran kuma jiro inay caan ku yihin ganacsiga iyo hal abuurnimada ganacsi (enterpreneurship), muqdisho waxay 22 sano ee bila maamulka gaar u lahayd hibada ganacsi, iyado xarun u ahayd dhaman ganacsigada noocyadiisa kala duwan, waxay fursad gaara  siisay dadki ku noola inay hadana siiso fursado ganacsi abuurid, taso dhafisay warwarki iyo murugti maamul la’aanta.

Wixi an ilabay wad igu soo kordhin kartan  mahad sanidin dhaman.


Friday, 10 August 2012

MA HADHOOYINKI SAFARKAYGA!


Wuxu ahaa Safar Xiiso badan, wuxu igu qaatay mudo ku dhaw 2 bilood, Waxan lugtayda kasoo bilaabay Casimada Kampala oo fadhi ii ahayd 2 dii sanee u danbeeyey, halkason ka waday hawlo iskugu jira Shaqo iyo Waxbarasho, deed waxan soo maray Magaloyinka Nairobi, Muqdisho, Berbera, Burco iyo Hargaysa, si aan shucubta ku nool ula soo qaybsado darenkoda nololeed, ana iskaga saaro Daalka iyo Qulubka labadii sanee u danbeeyey iga soo gaadhay Dagaalki Dahsoona ee nolosha aduun.

Waxkasta kama baxan sadex arimood, Mustaqbal aad filanayso iyadooy ku xidhantahay inta badan nooca murayada eed xidhantay (Wanaag/Mashaqo), taaso jaangooysa wax badan noloshada, Wax jooga oo ah waxan gacanta ku hayno, lana daala dhacayno sugitaankisa iyo xaqiijintisa inan u qabano si Quman, tan  waxa si toosa u sar gooya Aqoonta, Waayo Aragnimada iyo Wehelkad u haysato, iyo Ugu danbayntii wixi tagay, kaaso ka bilaabma waxad qabatay ilbidhiqsi ka hor, wuxu inoo saameya  laba waji, wuxu Dila, Dhawaca oo burburiya hididiilada bari, dhiiranta nololeed iyo isku dayga imitixanada joogtada ee nolosha waa Hadii Maskaxda lagu soo celceliyo fashilkeedi loogana dhigo dhamadkii shaqadeeda, Ama wuxu noqda mid inoo haga Curin cusub, dadaal dheerada iyo Tijaaboyin horle, wa hadi loo qaato inu ahaa Waayo aragnimo iyo Cashar si fiican loo Fahmay.

Waxba yaan araarta ku dheeran Safarkaygan qiimaha badan, wuxu iskugu jiray Waxbarasho, Khamaar, Halis iyo ugu danbayntii ogaansho qofka saxa iyo halka saxa een kasoo jeedo, qodabkan danbe wuxu si fiican iga caawinaya inan ogaado qadarka Shakhsiyadeed, dhaqaneed, Qabiiled, luuqadeed iyo  Fikir een ku abtirsado, maadamo arimahani yihin waxa qudhe Umada Somaliyed ku kala duwanan karan, sidaa darteed Safarkaygani wuxu laha Arimo aad isoo jiitay, waxan ka xusi kara:

  • Waxa Cajiib igu noqotay barashada umada Somaliyed balse aan Somali ku hadlayn, Qabaa'il laga yaba inay ka tiro iyo tayo badan yihin kuwan aqaan, waxan si gara u xusi kara Qofki u horeyey en xadka ku barta wuxu aha Ajuran, Gabadhi Qudhen Gadhiga ku kulan Safarki Kampa ila Nairobi waxay ahayd Ajuuran, ninkii Hotel ii kiray shandadna ii xamalay Nairobi wuxu aha Ajuuran Funny! waxay runti ahayd wax cajiba.

  • Booqashadi Islii iyo dhex galkii waxan ugu yeedhay Carwada umada Somaliyed, Qabilkasta, Lahjadkasta, Luqad kasta, Midabkasta, Hawen, Dumar, Dhalin yar, Maal qaben, Sabool, Siyasi, Ganacsade iyo dhaman qaybkasto umadi yeelato, wax inta dheer marki lay geeyey Meherad Qaadka lagu cuno oon laga Seexan, waxa u baxaya Murayado Tv, Miiska waxa camiran Badeecad (Xashiish), Coca, Falasado Shaha, Bagidho Sigar, iyo Garaabo noocyo kala duwan, waxa kaso baxaya Ur iskugu jirta buuriyo iyo Dhidid, waxad arki karta haween dhex fadhiya, waxa cikra ku shareeran Rikoodho ay ka baxayan Heeso isku jira Somali iyo Ajanib, Wax farwawayn ku Qoran. QIIMA DHIMID AYA LAGU SAMEYEY BADEECADI, SI MACAMISHA LO RALI GALIYO, Funny!

  • Waxan Sadex gabadhood oo ad u da' yar ugu soo galay qolku xiga ka aan ku noola Nairobi, wa dhalin yar, Qurxoon, isku fac ah, wakhtigu wa goor danbe abaaro 2 dii habeni, waxan isku diyarinaya inan Aado gagada diyaradaha Jome Kenyata si aan kursigayga u buuxiyo Diyarada, nasid daro waxan arkay wuxu aha Masib Qaran, waxay cunayeen qaad, waxa u baxayey heeso, kaalay arag meesha Mirqaanka ka dhacayey. runti wa Dhacdo Naxdin badan, Duco aya wajibta, Dhankalena Hotel Grand Regacy, oo kamida Hotel ugu wawayn Nairobi, waxa shaah iyo Bun ku cabaya Siyasinti, hogamiya kooxeedyadi iyo Ilyartii Somaliyed iyago rajo ka qaba inay marun u taliyan dadka Somaliyed, keef iyo kala dheeri!

  • Waxan diyaradi Nairobi ila Muqdisho isku si baranay wiil u dhalay Qoragaa buug aan akhriyey, kasoo ka hadlayey Dawladii Dr. C.Qasim Salad iyo Guud ahaan Cadawada Ethiopia, waxa cajib igu noqotay marki Gabadhi iga yara qaaday, maray igu soo celisayna igu tidhi wiilkas waxa dhalay Qoraga Buuga, Funny, Halkina isku baranay,

  • Waxaan maamo xiiso badan kusoo qaatay Xeebaha Batalaale, iyo Liido, waxan soo booqday Hotel Shaamo, National Theater, Hotel Muna o dhamantood lagu xasuuqay masuulin Somaliyed, Waxan Haben so Galay Magaladan ku dhashay ee Hargaysa ano sido kale Habena kaso baxay, Funny,
Anoo tix galinaya Wakhtigiina waxan jeclay inaan inta kuso afmeero dib na u liqo waxbadan oon jecla inan idinla wadaago,
Mahad sanid dhaman

Barud,
Jome Kenyatta International Airport.
Nairobi

Sunday, 22 July 2012

2 SANO KADIB IYO MUQAALKA DALKA!

DHAMAN RAMADAN KARIM AKHYARTA SHARAFTA BADAN.


Mudo dheer oon ku guda jiray safarkan ugu magac daray Dal iyo Dad barasho, aakhirki waxan soo cago dhigtay Madaarka Berbera, waa madashan 11, June, 2010 ka duulay anoo daba taagna hayaankaygii aqoon korodhsiga ku salaysna, balse nasiib daro maanta arintu sidi hore way ka gadisantay, qiimayntu intii hore way ka xoog badantay, oo xaalkaygu waa NIMAN DHUL MARIN DHAAYO LA.


Dhulka hooyo wa lama huran, laba sano ka hor arinkaygu wuxu ahaa nin jooga halku ku hana qaaday, aduuna wuxu ka og yahay ay iskaba yar yihiin, aragtidisuna ku fadhiday wixi harerihiisa ka socoday,balse maanta waxoga xaalku sida maha, maanta waxad mooda inan soo arkay Dad, Dhaqan, Luuq, iyo Hab nololeed intuba ka duwan kuwii aan ka nuugay Hooyayday Sahra Cadeee!


Intanay cago dhigan Diyaradi an sarna African Airways, waxay indhahaygu  qaban kari waayen, dhulka baladhen eed moodo lama deganka, kasoyo  ka muuqato biyo la'aan iyo xaalufka baahsani, waxa inta dheer cidlada iyo dhaqdhaqaaq la'aanta dhulka ku fadhiya indho qabatinkayga, dhaman arimahani waxay gees marsanyihin Cagaarki, biyo badnaanti iyo camirnaanti Uganda, oo Maxal ii ahaa mudada an ka maqna dalka.


Marki an degnay waxa na jiidhay aniga iyo rakaabki kale kulaylka hawada, kasoo shacabki reer barbara inti awoodaysay ka hayaamiyey guryahoodi, ma jiro wax dadka ka saacida heer kulka sare ee jawiga, markan qado qaatay kadib waxan u dhafay dhanka iyo Batalaale si an biyaha bada iskugu soo qaboojio balse xaalku wa sidi, Magaaladu waxay u eegtay madal laga hayamay, dadka joga wa wax kooban, waxad arki karta guryo cusub, kuwo duuga iyo goobo tirsan oo dadku ku hasaawayo.


Isla galabtiba waxan u dhafay dhanka iyo Burco, waxan cagta saaray wadada yar ee aadka u dhuban taso isku xidha inta badan dalka, kana hadhay dhaxalka yar ee gumaystihi Ingrisku inoga tagay, wa cidhiidhi in gadhi kale ku dhafa, waxa ka muuqda dayac badan, waxa yar calamadaha loo adeegsado hagida wadaha gadhiga, ma badna gadidka na dhafaya, dhinacyada waxa naga hayo buuro aa lahay dhir, marka laga reebo buurta Sheekh, wa wax adag inad sawrato inad ku socoto magalo sida Burco u mihima markad eegto dhaqdhaqaqa gadidka ukala gooshaya labada dhinac, tani wa xaqiiq muujinaysa kala badnanta dhulka iyo dadku alle ku beeray.


goor danbe ayan galay Burco balse ma jiran nalal ifiya wadoyinka, magaladu waxay  u eegtay inay goor hore seexatay, wadoyinku waxay u badan yihin ciid, guryuhu wa dhagax isku wada qaaba, waxay xaga hore ku leeyin barkado biyaha lagu shubto, wayo Magaladu malaha biyo galin fiican, wa ayan daro in Burco wali eegtay Tuulo waynaatay, waxkasta waxay ku dhisan yihin hab dhaqamiya, dadku waxay u macamilan siday isku waji garanayan, waxa ad u quruxbadan kolayada qadka.


waxan maalin kadib uso baxay dhanka iyo Harg, waxa kuso beegmay haben, nasib daro iyana ma jiran Nalal, maha astamihi lagu yaqan magaloyinka wawayn sida Nairobi, Kampala, Adis, Muqdisho, dhaman wadoyinku wa cidhiidhi, dhaqdhaqaqu wa kooban yahay, inkasto magaladu fidayso hadana ma jiro hanan si toosa u hagaya qorshaha magalada, waxad arkaysa gododka ka qodan guryaha hortoda si biyaha loogu gororiyo kadib markay gadhiwayen bebabka guryaha, ma jiro dhul u banan danta guud ama wa yaryahay, 


Dhaman xaaladahan cakirani waxay kusoo beegmayan wakhti dalka ay maamusho xukumadii afaraad, ama 22 sano kadib wakhti shacabka intisa badan go'aansadeen inay bari ka noqdan Koonfurta Somalia, guud ahaan hananka noloshu u socota maaha aragti ahaan kuwo inaga saaraya waayaha adag e dalka iyo dadku ku sugan yihiin.
hadaba su'ashaydu waxay tahay: HANAANKA AAN U NOOLNAY MA MA DANBA MISE WAA GARASHO:

Friday, 6 July 2012

JIMICIHII MAANTA IYO BAASHALKI XEEBTA LIIDO,

Jimce Wacan dhaman Akhyaarta.

Maalmihii u danbeyey waxan wakhti kamida Fasaxaygii Summerka ku joogay Magaalada Caasimada Somalia ee Muqdisho, kadib Markaan laba todobaad kusoo qaatay Caasimada Dalka Kenya ee Nairobi, Gaar ahaan Xaafada Somalida ee Isliii.


Kaso koow Diifta iyo Daalka ka muuqda Xamar, markaba waxanay indhahaagu hilmaamayn quruxda Dabiiciga ee Magaalada Muqdisho iyo Dhismayaasha iskugu jira Jidadka Waawayn, Taalooyinka Xasuusta dheer, Dhaqanada kala duwan ee dadkeeda, iyo Qaabka Qurxoon ee magaaladu ugu teedsantay Badwaynta Hidia.

kudhawaad 10 Cisho oon ku wareegayey Daraaha iyo dhismayaasha waawayn eey baabiyen Dagaalada sokeeye kana muuqato raadadkii hubabka kala nooca, waxaan maanta nasiib u helay inan jimcahaygii ku qaato Xeebta Caanka ee Liido,

Socdaalkan ooy igu wehelinayeen  Fanaanka Caanka ee Qoojle Shire, Madaxa Hayada CRD, Madaxa shaqada iyo Shaqaalaha xafiska Horn Cable Muqdisho iyo Madax kale, waxaan abaaro 12 duhurnimo ugu baxnay Booqasho tamashla, iyadoo ay na gardadinayeen laba kamida ciidanka ilaalada iyo Police tiro badan.



Markad soo gaadho madasha waxaad si fudud u daalacanaysa dadka iskugu jira dhalin yarada, Haween, siyasiyiin, Ganacsato iyo dhaman qaybaha kala duwan ee bulshada oo qulubka iyo warwarka iskaga saaraya Jawiga macaan ee Badwaynta Hinda oo u dhaxeeya Kulalay iyo Qaboow.

Ugu danbayntii baashalka iyo dabaashi waxay noosoo gaba gaboowday wakhti aan Liido ku qaadanay Jimce xasuus dheer taaso in muda ku jiri doona madaxayga, safarkani wuxu ka qayb yahay socodalkayga dheer een ugu magac daray Dal iyo Dad barasho, kasoon ku jiro badhtamihiisi.

Mahadsanidin dhamaan Asxaabta, wixi faala wan idinka fadhina.


Monday, 2 July 2012

MUQDISHOOY QURUX DAADAD KU QADEE MAALIN WACAN ABAAYO!

Badhtamaha bishii May ee sanadkan ayan go’aan aan kali ku ahay ku gaadhay inaan fasaxayga qayb kamida ku qaato hadi alle Idmo Muqdisho, ha Muqdisho!!, Alle Mahadi ha kagadhe way dhacday.

Abaaro sagaalkii subaxnimo ayay gacaha soo dhigatay diyaradii siday koox rakaba oon ku jiro, kadib markan in muda soo dul haadnay humaaga madow ee badwaynta Hindia, judhiiba markan ka dagay diyarada waxan Cagta la helay dhul uu roob marka ka qaaday, waxa lay sheegay inuu yahay Roob Xagaayed, kaso inta badan xiligan oo kale da, Jawigu wa diirimad, cadeed aya faladheheda ku carbinaysa dhul markasun dhibici ka goday, gabi ahanbe dadki rakabi wa mashqul, Hirarki bada aya dhinaca kale dhulka la dheelaya, jawigu ad ayu u dagan yahay.

Markan soo galay dhismihii Madarka Adan Cade International Airport, markiba waxan indhaha ku dhuftay burburka iyo baylahada ka muuqata Madarka , waxa dadku ku jiran laba saf oo dhadher iyago ukala baxaya Muwadin iyo Ajanib, kkkkk Anu waxan markan ahayd aan idin dhafo idinka, balse waxa xiiso badan in Somali badan galen Safkii Ajanibka, taso markan waxoga la yabana lay sheegay inay sitaa Dhalashoyin kale, kkkk wa Somali iyo warkeedi.

Waxkasta waxay u eegyihiin wax kasoo bilaabmaya meel baaba laxad le, dadku waxa ka muuqata Diif iyo Dihaal badan, Askarta waxay sitaan Dirays ka badan sees ahan, waxa ka muuqata Baahi  iyo Daal, dhaman madasha waxa gacanta ku haya shaqale Somaliyed, inkasto indhahaygu arkan dhawr qof oo Cadaana, hadana Madarka waxa si buuxda hawlihiisa gacanta ugu haysa dawlada TFG, Xaga aminigana waxay gacan wayn ka helaan ciidamada AMISOM.




Markad soo dhafto dhismaha Madarka waxad indhaha ku dhufanaysa shubabka iyo gaashanka Amini ahaan loo qotomiyey ee ku wareegsan Madarka, Gawadhida Gashaman ee Amisom, Askarta iskugu jirta Somali iyo African, Gadiidka shacabka noocyo badan, iyo dad aad u tiro badan oo gacmaha kutuugsanaya dadka ay filayan in waxoga ku dhaman.

Nasiib wanag ninki Taxilaha aha iyo ninki ii Xamaliga ahaba waxan iskusoo raacnay ila Hotelka Caanka ee Saxafi, kaso ku yaal Agaagaraha Km Afar,  iyo Aargada Canka , goobahan oo ah faras magaalo, dhaman waxa kamuuqata soo if baxa noloshii hore ee Muqidho, adoo si fudud u arkaya dadka oo ku mashqulsan hawl malmedkodi, Ciidamad kala duwan oo gaaf waregaya, Trafik oo kala hagaya gaadiidka marmar abuuraya Saxmada.


Guud ahan waxad muqdisho ku arkaysa burburka laxaadka le ee soo gadhay wadoyinka, dhismayasha caanka, sida Taladi Sayidka, Aqalki Umada, iyo dhaman guryihi shacabka, waxad kalo arkaysa Gaadidi aad u liita o dhex goshaya magaalada, gawadhida Gashaman, Tikniko qoryo saran yihin, dad bila diraysa oo qoryo wata, iyo dhaman astaamihi lagu yaqan dal ay ka dhaceen dagaalo sokeeye.

Magaalada Muqdisho waxay qofkasta oo ku cusub way diinaysa su’aalo dareenkaga badalaya, waxay ku muusanabaysaa Aboowe aaway Hanadadii aan waagi hore wax baray, aaway Gashanlayashi 21 Oct loo heesi jiray, Aaway Kooxihi dhalinta u badna ee lixdani u kacay inay iga xoreeyan Gumaystaha, aaway ubadkay dhalen gesiyasi Sayid Maxamed Cabdale, Xaawa Taako, Axmed Guray, Aaway dadkaygii, Aaaway Somalidii aan ku abtirsan jiray!

Waxan alle waynaye ka baryayaa in dadka Tabaalaysan uu kasaaro dhibta isaga awoode, markiba waxad xasuusanaysa Ayadi Karimka ahayd ee “ Alle Qoom ma duleeyo ilaa ay si duleeyan”.


Tuesday, 19 June 2012

ISLII HA KU DAAYO WARKEEDU, SAWR SAXA IYO TILMAAM TOSA

A.C
Bacda salan Asxabta, wali waxan wadna qormoyinkii gaarka ahaa ee Socodaalkii Dad iyo Dal barashada.

Ayaamihii u danbeeyey waxan Af sawahili ku hadlaayey Xafada Somalida ee Islii, Islii waa meel cajiib badan waa meel ay taal hanti badan oo Somaliyed, Lagana helo dhaman Qabaa'isha Somaliyeed, wa caadi inad maqasho Ajuuran, Garre, Murraale, Booran, Jareer iyo Magacyo lamida, waliba waxa dhacda inaad maqasho dad Somaliya o ku hadlaya luuqado aah ahayn tii Hargaysa ama inta badan dhulkii Somalia.

Islii waxay caan ku tahay Sheekh waxoga lacaga Qurbaha kala yimi oo gadhwayn, koofiyad ti sharifka iyo khamis cad sita soona Shaqo tagay, Siyaasi ku haftay mawjadaha Qalalaase ee Somalia ee 20 jirsaday, Hablo dhalin yar oo qurxon oo inta badan ku labisan Cabayado madaw, Degtana ku sita Shandado kala qaab iyo midabo duwan, taasooyo adagtay inad kala garato inay Qurba joog yihin iyo inkale, Islaamo Shaari Shaariya oo intay waxoga ururiyeen Tel Screen touch sita, dhawr eray oo Somali, English iyo Sawahilina is raacinaya, iyo Raxan dhalin yaraa oo habeenkina Miiraga cuna maalintiina Furaashka dul taal, kuwaso nolosha adun wax yar kala socoda.

Isliii waxa lagu qiyaasa xarunta labaad ee ugu ganacsiga badan dalka Kenya iyo Guud ahaan Geeska Afrika, waxay caan ku tahay Xarumo laga dukaansado oo waawayn, Xurmo Ganacsiyeedyo u badan shuraako, inta badana looga soo adeeeg doonto dalalka Bariga Afrika, si fududna looga helo inta badan dhamaan badeecoyinka iyo agabka ganacsi.

Isliii waxaad si dhaba u baranaysaa Noocada dabeecada Somaliyeed, waa Cawroo aad si fudud uga helayso nooc kasto Somali Alle ku abuuray Koonka Sinfi kamida, Waa caadi inaad aragto sheek wayn oo Maalintisa iyo habenkisa digri ku bilaba, Hogamiye kooxeed caana, kasoo si qurux badan u talabsanaya hotelda wawayn isagoon xishonayn, Siyaasi koox reerkoda sacabka iyo mushxarada  waxoga u dhaafinaya, Budhcad badeed waxoga lasoo dhuuntay oo hareeraha eegaya, Ganacsade wayn oo shilmaan sidi Maradoon u daba ordaya.

Islii waxa kaalin wayn kaga jirta qalalaasaha iyo dhibta ka taagan Soomaliya, waa madal ay kasoo shidaal qaatan dhaman sharwadayasha iyo wax matarayasha Siyasiynita Somaliyed, waa xarun soo naas nuujisa Mucarada iyo khilafka xildhibanada ku ama saldhig u noqota burburka iyo ragadka dawladkasto lasoo dhiso.

Ugu danbayntii Isliii waxay caan ku tahay Khashin, wado xumaan, booodh, Jaam, Lacag badnaan, iyo dad badnaaan, waxaad markaba rumaysanaya maahmaada Sawahiliga e tidhaa "Islii Pesa Iko, Laakin Hakuna Barabara", oo macneheedu yahay Islii lacagi way taal ee wado ma jirto.

Mustafe barud Abdi
Isliiiiiiiiii, Nairoobiiiii.

Sunday, 17 June 2012

SAFAFKAYGI KAMPALA ILA NAIROBI?

A.C

Subax wacan oo wanagsan Akhyaarta, waxan ad ugu faraxsanay inaan markii u horeysay Qormo idinka soo diro Xaafada Islii ee caasimada Nairobi, waxan idinleye kusooo dhawaada Baruud iyo qormoyinkisa Nairobi.

Duhur cad ayan kasoo baxay magaladan ku noola 2 sanee u danbeyey ee Kampala, oon si fiican nolosheeda ula jaan qaaday, aanoo aad uga xun  wajiyada faraha badan ee an kala lumi doono mudada kooban ee iskugu jira Akhyarta Sharafta badan, Ganacsata, Ardayda, Siyasiyinta, Wayelka iyo Qurba joogta an kaga imi Kampala, 

Waxan Bas yar ka soo raacay xarunta wayn ee laga fuulo gawadhida rakabka ee Old Taxi Park, ee badhtamaa Kampala, anoo u soo jeeda magadalo xuduudeda Busia ee dhanka bari dalka Uganda ka wadagan Kenya, halkaso oon kula balansana Wiil gacanta igu hayey sharcigi an kubixi laha, hadi an soo gadhay goor fiida, waxan habenka u hoyday Busia gaar ahan dhanka Uganda, anago balan ku kala tagnay Xaajigii an u socday

Aroortihi hore ayuu albabka igu soo garacay, lacagti ayuu i badalay kana dhigay Keynan Shiling, Shandadi ayu nin u dhibay si xadka lo dhafiyo anigiina wuxu i yidhi Mootadan fuul oo xaga ayuu kaso wareejinaya., Cajib waxoga hadan dhir iyo beero jiidhnay Akhirki waxan gadhnay istankii gawadhida ee dhanka Kenya, waxan judhiba ku booday Bas caasi yar ilaa Magalada Kisumu oo kudhawad 100km iga durugsan, Duhurki ayan gadhay, waxan qado ka qatay Hotel Yasimin, oo Oday Somaliyed ku laha meel u dhaw Istanki Kisumu, kadib markku mid Kenyan ii geeyey, isna waxan madasha ku shekaysan Nin kaso jeeda Besha Ogaden oo reer Kenya,  kaftan iyo hasawr kadib, waxan tukaday salad safartaydi, kadibna waxan u jihaystay safarkaygi.

Waxan ilsa markiba ku booday Bas yar oo kale oo dhanka Nairobi ah, Nasib wanag waxan isku baranayn Gabadh Somaliyed oo Reer Nkuru (Keyna) ah, hadan is haybsanay waxay ishegtay inay tahay Qabiilka Ajuuran (Salaamad), waxay wadata Gabadh yar, waxay mudo laso noolayd Odaygeeda oo darawal ah, magacedu waa Muslimo, inantedana Sacdiyo, waxoga hadan hasawe iyo kaftan iska wadanay, waxay igaga hadhay Nkuru oo ku taal badhtamaha Kisumu iyo Nairobi.

Kadib markan soo soconay mudo Waxan Nairobi soo galay goor Fiida gaar ahaan abaaro 8:30pm, judhiba waxan dareemay baaxada Nairobi, Wadooyin wayn, Light kala nooc nooca, Gaadiid qurxoon, Dad ad u labisan oo dhalin yaro u badan oo an qiyasayey inay shaqoyinki kaso rawaxeen, Gaadiidka dadka Gura oo tiro badan, iyo Ishaarooyinka gawadhida oo bixinaya if kala duduwan,

Waxooga ayan iska la bixiyey, balse ceebtaydu waa ma aqaan Xafiska an rabo meeshu Islii kaga yaal, iyo Tel kooda toona, mana jiro qof an shakhi uga aqaan inamada ka hawl gala Xafiska, aan ahayn magaca guud, markan so gadhay Isli, waxoga hadi an bafiyey, Akhirkii Tel ka wada hadalayn waxan balanay Bari, Cajib wa in caawa meel la sexda, waxoga waxa i cawiyey Oday igu yidhi waxan ahay Ajuuran, war talow Ajuuranku xagebi abal igaga leeyey magacaba waxan maqlay  3 cisho ka hor mar an fasax ku qaadanayey Magalada Jinja ee dalka Uganda, oo ah meel lagu nasto.

Guud ahaan Nairobi way ka wayntay kana camirantay Kampala, xaga cilmiladana way ka qaboobday, gaar ahaan Xaafada Islina way kacamirantay Xafada Kisenyi, balse Kisenyi way ka nadaafad badantay Isliii.

Fadlan lasoco Qormoyinka Xiga.

Monday, 11 June 2012

SIDEE UGU FUDUD OOD UGA BIXI KARTA SHAQO LA'ANTA UNA HORU MARIN KARTA SHAQADADA!

A.C
Akhyaarta aad ayey ii farxad galinaysa inan mar kale iskugu nimadno qormoyinkeeni caadiga inoo ah, maanta inshala waxan Saxibayaal ku eegi doona SIDA UGU FUDUD EE SHAQO U HELI KARTA AMA AAD U HORU MARIN KARTA TAAD HAYSO!

Noloshu waa wax dhadhan macaan, waa madal kulmisa oohin iyo farxad, waa meeqam Adamuhu kusoo bandhigo awoodaha Alle siiyey ee kala duwan, waxa hubala inad maalin kasta la kulanto dad kumashquula arimo kala duwan, mid laga yaabo inu Buug iyo Qalin wakhtigisa galiyey, mid Milgacad iyo dube la kalahay, halka midkale beertisa ama xoolihiisa ku kala hayey, iyadoo sida loo kala duwan yahay ayaa hadana hadad u fiirsato ujeedada ka danbaysa waxaaso dhan ay tahay hal mid: INUU QOFKASTA LASOO BAXO NOLOL MAALMEEDKISA, SI UU UGA KAFTOOMO BARYADA QAYRKII.

Iyadoo tani jirto ayaa hadana aadamahu isku dhaafay horu marinta iyo tayeynta wuxuu gacanta ku hayo, arinta ayaa ka marag kacaysa inaad aragto dad si dhakhsa u koray jaran jarada nolsha iyago wakhti iyo isxigxiga ka talaabsaday sees wawayn, halka kuwa kalena ay suuro gal tahay inay mudo dheer ku qaatan ahl marxalad ama duruuf kaliya.

Hadabe Akhriste hadad rabto inaad ka baxdo shaqo la'aanta ama aad ka dalacdo booska aad kaga jirto goobta ad ka shaqayso isku day inad la timado arimahan:
  1. U diyaari naftaada inay la tartanto qayrkeed, ku xisaabtan duruufaha ka jira guud ahan caalamka, dalka, iyo meesha aad ku nooshay, adoo noloshada ka dhigaya mid la jaan qaadi karta isbadala joogtada ee ka socoda deganka kugu xeeran,
  2. kor u qaad xirfadaha qiimaha  gaarka sinaya shakhsiyadaada, ku qalabe naftadaa Adegsida aalada Computerka, xirfadaha baadhida Internet, Barashada Luuqadaha kala duwan wixi kusuro gala, kor u qaadida xirfadaha qaabilida dadka, ka dhadhicinta dadka waxad rabto, dhisida kalsonida dad badan loola hadlo iyo awood ulahansha inad kor u qaado aragtida dadku shaksiyadada ka aaminsanyihin.
  3. Go'anso nooca shaqo eed rabto, kuxidhno cida ugu dhaw e ad ka heli karto maclumadkeda, la saaxib dadka ugu dhaw ee haya, si joogta uga warayso isbadalada ku dhacaya iyo adeegyada gaarka ee shaqadasi u bahantay, iskuday inad hesho xirfadahay u bahantay ado radinaya goobo ad lacag la'an uga faa'idaysato, kor u qaad rajadada inad heli doonto, go'anso waxad qaban lahayd iyo hadad hesho waxa noloshad iska badali doona, hoos ha udhigin naftaada, hana niyad jabin, si kalsooni le u qaabil caqabadaha laga yabo inay ka hor imadan,  una diyar garaw maalinta lagugu yedho in wax laga waydiyo shaqada aad rabtay ado si kalsoni le uga jawabaya waxkasto kusabsan.
  4. Nasib wanag hadad hayso shaqo, isku day inad xidhidh adag la samayso dadka ad la shaqayso, ado ka caawinaya shaqoyinkoda, inad si xeel dheer u barato nooca iyo waxyabaha laga rabo inad qabato, Aamin Shaqadada iskana dhago tir dhalilaha iyo Cabashoyinka ku lidiga, isku day inaad xidiidh toosa la samayso dadka kaa sareeya adoo ugu yeedhaya munasibadaha ku garka, bar naftaada wakhtiga shaqada iyo kala muhisananta hawlaha shaqada, raadi inaad hesho qiimaha ad kaga jirto goobta shaqada, baro dhaman wixi xirfad ad u hesho wakhtiga shaqada ado galinaya wakhti iyo tamar dhereada, lacagta ka dhigo wax labad ee ku dhiri galiya, ado ka hor marinaya inad kor u raacdo salanka, hoos ubaro dhaqanka iyo wax sida garka uga dhaxeya shirkada iyo maamulkeeda, ku qaabil dhaman shaqalaha waji furan, abuuro deegan adiga ku sacaba tuma si aan qabyalad iyo nin jeclaysi ahayn balse shakhsiyad iyo awood nafteedk u dhisan.
  5. ugu danbayntii ahow qof ku socoda meel cayiman, ha noqon qof dabaysha la socoda, ka diga rogo shaqada hadii ay kasoo hor jeedo yoolkaga fog, caawi shaqaalaha kale hadad ka aragto baahi shaqo ama nololeed, ha ogolaan in aad shaqada awadeed uga tagto himiloyinkaga iyo ahmiyadahaga nololed sida Waxbarashado kale, ka dheero waxkastoo naftada hoos u dhigaya, sida Cabashada, Caajiska, Khiyaamada, Beenta, Laalushka, Qabyaalada dhaman arimahani wakhti koban ayay ku anfici karan balse waxa hubal inay burburin donan noloshada fog.

Barud, aad iyo aad ayan uso dhawaynaya wixi tilmaam, dhaliil iyo toosani ah, Saxibi idin jecel,

Thursday, 7 June 2012

GUUSHU WAXAY LEEDAY ASTAMAHAN, ISKA EEG INAD LEEDAY!

A.C
Salaanta Qiimaha badan kadib, waan hubaa inan dhamanteen rabno inan guulaysano Aakhiro iyo Aduunba, Alle ha inagu hago dariiqa Guusha idilkeen.

Guushu wa wax cayiman waa wax qofkasta yaqaan, waa wax cidi ku sifoowda ay dadka kaga tilmaamantay astaamo gaara, loona xiisoodo raacida dariiqa ay mareen, iyadoo arintani jirto hadana ma jirto wado qudha oo guusha kugu hagta waxa laga yaaba halka uu mid inaga midi u maro in ka kuxiga ka waayo, ama qofkasta iyo xaalkasta leeday dariiq u gaara.

Guushu maaha xoolo badan, maaha shaqo badan, mana aha mansab sare, balse guushu wa xasilooni Nafeed iyo daganaansho niyadeed, guushu waa wax qofka u sahla inuu si niyad samana ugu dhex nooladoo bulshadiisa, waxa suura gal inad wakhti badan ku bixiso waxad u aragto guul wayn, balse qofkale uu ku arko qof tabcanaya Daal iyo dhib, tusale Caabida raasukha ah ee iskaga jira guri yar oo masjidka la jaara, shantisa saladood halka ka soo haleela waxa laga yaaba inu fidno u arko mulkiilaha dabaqyada waawayn ku le jaarkiisa,. halka dhinicisa ninka saboolka ee saxibul ciyalki guusha u arko inu marun helo wax uu iskaga dabool dhirbaxoyinka nolosha kala dhadhanka duwan.

Hadii arintu sidan tahay waxa laysku raacsan yahay in noloshu kala duwananshaha ku wacantay kuna micno fiican tahay, balse ay jiran wax yaabo lawadaago si nolosha iyo nafta loogu raro meel ay u aragto munasib wakhti iyo xaalad go'an, loogana rero meel ay kuqanacday inay wajib tahay in laga baxo ama laga hayaamo, anoo ka duulaya Mabaadidan guud ee asaasiga waxan isku dayeya inan ino so gudbiyo Astamaha ay ka midaysanyihiin dadka Guusha sameeya noockastoy yihiin.


  1. Isbadal: dhaman dadka raba inay nolosha ka sameeyan Guul waxay naftooda ku qanciyan inuu isbadal waajib yahay, waxay hoos iyo korba dadka u codkoodu gadho ugu sheegan in isbadal loo bahan yahay, wax mararka qar dhacda in lagu arko qof qaldan balse wa wax nolosha ku caadiya, Nabid Muxamed (CSW), ayaa tusale fican kugu ah, iyo dhaman dadka nolosha horumarka ka sameyey midkastood noloshisa badho.
  2. Humaag iyo Qanaco Isbadalku Noocu noqonayo: dhaman dadka nolosha ka sameeyey horumarka waxay ku qanacsanayen inay gadhayan meel ka fican halkan ay joogan, dhaman waxay madaxa ku haystan sawr ka turjumaya nolosha ya hayanka ku yihin, waxay markad la shekaysto ama akhrido buugta taarikh nololeedkoda ka arkaysa Riyo wakhti ay sooo jeedan, taso adiga kula muqata hir balse isaga ula muuqata xaqiiq, wana ta dhaxalsisa ku adkanta noloshoda ay raban.
  3. Dadaal iyo Karti dheerad: dhaman dadka macnaha sameeyey ee kugu xeeran haday noqoto shek iyo sharifba midkasta wuxu goostay wuxu beertay, midkasta wuxu ku naalonaya habenkisa iyo malintisa intu gashaday, taasana rag iyo hawenba kala geeyey cirka iyo dhulka.
  4. Go'an iyo Xoog Sarid: ma jiro qof meel gaadha oon dadka fikirkisa ku qancin, soo xasusto dhacdadii cajibka ahayd ee Subanihii (CSW), lagu yidhi Inader hubka dhig an kusino waxad rabto, Suldanimo, Xoolo, Hawen Quruxon, ee intu amusay u ku yidhi Wale hadi Dayaxa iyo Cadceeda midba gacan laysaarayo inan ka tagayn waxa an ku tagnahay. dhaman askhasti iyo dadki noloshan macnaha ku sameyey waxay ahayen kuwo ku adag waxay raban kuna qanacsan fikirkooda nololed.
  5. Samir iyo Dulqaad: u fiirso dadka wax ah ama ad farta ku fiiqdo ee noloshada ku xeeran, meel fog ha aadin eeg Madaxwanaheena Sharafta Badan Silaniyo, Alle Ha unaxariste C.lahi Yusuf, iyo dhaman dadka samaynta toska kule noloshena ma jiro qof Haben ku gadhay nolosha u gaadhay, mana jiro qof Saacadaha tiriyey si u badano nolosha uu rabo balse qofkasta wuxu huray wakhti dheer isagoo muujiyey samir iyo dulqaad xad dhaafa, waata sababtu Subanuhu (CSW) ugu laha Asxabigi ku yidhi ale noo bari in dadkan na Ciqabaya u naga kafiyo: Samra Ilma Yasiro Balantinu wa janee,  taasi wa mancaha samirka iyo dulqadka.
  6. ugu danbayntii  dadkani waxay sifo u leeyin Ababulka iyo Adeegsida Awooda dadka kale, ama degaanka ku xeeeran, waxay inta badan isku dayan inay abuurtan jawi la saxiba kaso gacansiya markay ay hoos marto, sida Xaasas fican, Lataliyayaal dacada, iyo cidkasto ay u arkan inay gacan kasinayso gadhida halka ay raban, waxanay isku daya inay yareenay Cadawgooda wakhtiga bilawga ama awood darada.
Mustafe barud Miskin iyo Saxib Jecel Horumarka dalkena iyo Dadkeena.

Thursday, 31 May 2012

HABLAHAN ISKU HAYBTA NAHAY MAXAY KAGA DUWAN YIHIN KUWA FACODA!?

Wa dhab Nimaan Dhul Marin Dhaayo la, balse waxa laga yaaba in lays waydiiyo isticmalka iyo Macnaha Sugamed ee Erayga Dhaayo,

Hadaan isku dayo anu shakhsi ahaan qofku markuu dhul maro wuxu awod u yelanaya inu qimeyo wuxu ku haystay Baradisi iyo Baydku Alle wayna oo Koreye ku  Uumay, sida luuqadisi, Diintiisi, Dhaqankisii, iyo dhaman waxa bulsho caanku tahay, taso laga yabo inu si hufan u tilmami karo wixi Sad iyo Nuqsan labada jira, wa haduu yahay qof ka hufan Cadifad iyo Dano gaara, ilaalinayana Qiyamiyadka Aqooned noockasto noqotoba, Qora, Dhakhtar, Qaren, Xisabiyo iyo wixi la halmala.

Maanta qormadan gaarka waxan ku eegaya Hablahan isku gayanka ahayn, gaar ahaan Haybsooca wadaagno iyo waxay kaga duwan yihiin kuwa dhigoda ee dhalasho ahan kasoo jeeda deganada Somaliyeed ee kala Duwan gaar ahan Konfur,  iyo Gobolada dhex,

Waxan ugu horeyn ka Afeefanaya in aanay arintani Cilmi badhis ahayn, balse ay tahay wixi an helay mudo dheer on u fiirsanaya dabecadaha kala duwan ee Hawenka Somaliyed, iyo inaan cidna aflagado iyo ceeb gaara u wadani balse an eegayo wax aan wada leenay, Markan leyey Hablaha Haybtan wadagno waxa u jeda Hablaha Deganada S.land Gaar ahan Gobolada Dhexe, hadaba wa kuwan arimihi aan ku arkay fiiradii iyo hoos u eegidaydi.

1- HINASAHA.
 anoo ogson in hinasuhu yahay wax alle ku aburay adamaha, gar ahan Jinisga Dhadig, hadana Dumarka an ku abtirsada waxay ku qaban balayo, waxay mararka qar ku sigtan inay mesha ka saaran Rukhsada Alle u siyey Wallalahod dhawrka dumara, Geeri iyo Burur reer ayay kaxigan in Hawenay kale la bixiso Adega Guriga, Inta ogaal kayna Gabadh waqooyey ayey ka dhacdan inay weerarto gabadha ku martiday Odaygedi, dagalna u caaysato 

2- LEXEJECLADA.
Rag badan aya kursiga dib uga soo kacay markan eraygan carabka ku dhuftay, wayo Khilafka u wayn ee labada Jinsi u dhaxeya waa Lacag Jacaylka iyo Lacag baabinta, waxan soo xasustay Maqal an malin meel ka akhriyey oo runtii cadeyey sida ragu unecebyin inay dumarka lasamaystan Shopping (Adeeg), marki la waydiyey wayo, waxay ku jawaben Xaalka dumarku wa kana ino qaad, hadad Diidana wa Cadho! Allow ada sida u uuumay ayan kudhafay, Arinta wa muhim wana biyo kama dhibcan si ragu u helo fursaduu Mushaharkisa yar u qaybiyo Albabada badan ee nololed, balse wa in ragu kuwajaha Xikmad iyo Caqli badnan, arintan waxan aad ugu majiirtay Hawenka Gobolada dhexe, maashala inta ogaalkayga arinta Ilmabtiyashay wa Second.

3- DANGARADNIMADA.
haa dan Garadnimadu wa shay ka mida waxa lagu xusho Hawenayda, waa mid kamida sifooyinka an dayacnay balse gadal an ka qomamayno, gabadhu inay fahanto Marxalada ninka wa arin muhima, wa inay isku daydo inay Akhrido Awaxasha ku xeeran Wiilka intanay dalabkeda dhiban, Arintan waxad mooda in Hablahayaga laga Horeyo, marar badan ayad odhanaysa waar tolo Caashadi jaarka yaa Cibadada inta uga qaada. 

4- UJEDADA WAXBARASHO (MAADI).
Ha Aqoontu wa hub, waa hub sharafi yo karamo qofka huwifa, wa hubuu u qaato dhamaystirka qabyooyinkka nololeed ee ku xeran, mid shakhsiya, qoysed, qabiil iyo qaranba, wa mid ka duwaysa qayrka kuuna martiyeynaysa maskax iyo in fikir lagu waydiyo, balse sida lo adegsanayo wa inay noqota wanaga wax ku dar balse anay noqon wax iska dhicin ama cid gara beegsasho, arintan waxad moda in hablana Hadhwadaagta nahay lagaga horeyo, oo hadi ad isku daydo inad 2 hablod waydiso ujeedada dhabta ee waxbarashadooda ad hesho laba daren oo kala duwan.
 
5-GABADHNIMADA IYO KARAMAYNTA JINSIGA RAGED.
Allahu akbar tan iyadoo waa tan u dhaafi wayey Ciyaal Xaawa, waa tan meelkaste ka eego,Gabadh! Naagnimo meel uga sari wayey, Nin iyo Naag waxay wadagan wa is qiimayn iyo iskaramayn, arintan cajibka meelkale uma dooni ee waxa si hagar la'aana farta laygu fiiqayn meeshu alle iga uumay, mahadsanid dhaman Ilmabtiyaal!.

6-ASTURNAANTA IYO HIJAB DHAQAN GALINTA.
Dhaman hadan nahay Islam wa inagu wajib diniya in la xidho Xijabka, taasna wan samayna, halkan waxan uga jedana maha in koox gaar is qaawinyan, balse wa hananka guud ee labis qaadasho. waxan shaki ku jirin in markastood S.land Bari uga socoto ad u galayso Muqalka Xijabka adoo dhaafaya Shalmad iyo Dirac barbaro le, Diintu wa qalbiga, balse waxa in badan dhacda inad Deegankan kaso jeedo ku aragto munasibad  ay joogan hablo si heer sara u labisan, balse ta badalkeda hadad kala qayb gasho qolyahan jaarkena aad tidha wa xagee meeshu ka qaboowday, markad arkiba waydo dirici baacwaynaha iyo shalmadii wilka ahayd. Salaamaaaad!
 
7- INANNIMADA IYO KUMASHQULIDA MARXALDAS.
Sii fican ayan u dareemi kara inan dhex mushaxaysa cimrigeedi inannimo oo wa san ugu baryey magalada hargaysa iyo waxay rabto inay subaxa wakhtigeeda ku qaadato, balse nasiib daro arintan waxan islaha hablihiinu waxay la wadaagan haween waynaha Somaliyed tasi ma dhicin, waxan iiso baxay in Habalan Ood saarka leenay wakhti iyo tamar badan  ku bixiyan Labiskooda, Alaboyinka Hawen Hawen ku noqday, iyo buunbuuninta Arimahas, 
Maaha inan leeyey gabadhaha ma daneeyan arimahan, taasi wa anoo buriyey abuurka Alle, balse waxan ka hadlayaa wa ahmiyada iyo qadarinta arintani ku kala leeday dhexdooda.

ugu danbayntii anoo diidaya inuu maqaalku dheerado ayan so ururiyey, wixi talo, tusale, dhalil iyo wax tosoina wan soo dhawaynaya.

Miskiin iyo Saxib u xiisay Akhyar badan!
 

Friday, 25 May 2012

BEERTA BOQORKA IYO BAADI GOOBKI JACAYLKA!!

Dalka Uganda waa dal alle ku manaystay noocyada kala duwan ee bilicda, waa Dalka aduunka ugu shinbiraha badan, marka laga eegayo noocyadooda, waa dalka ay ku tal Harada ugu wayn caalamka, Lake Victoria, wa dalka labad ee Africa ugu quruxda badan, Zimbwawe marka laga imado, waa dal rooban sanadko dhan, cagaar iyo raysna u ehela.

Arimahani waxay ka dhigen Uganda dal ku fican wax soo saarka iyo dalxiiska, dal u ehela Jacaylka iyo nolosha jaban, waxa suura gal inad hesho intas oo meelod oo indho doogsi iyo tamashlo ku fiican, mararka qaarna ay ku qabanaysaba waar talo sidii Amir Khan ee Filinkiisi Caanka ahaa ee Mann ma iska Heesta.

Hadaan u imado dulucda Maqaalka kadib mudo sanada oon ku mashquulsana Buug iyo Shaqo waxan shalay galab u Baxay Beerta uu Boqorka Qomiyada Buganda ku leeyey meel aan ka fogayn Gurigan ku noolay si aan jacaylka iyo Arimaha Dhalinyarad usoo xuso, Nasiib wanaag wakhtigan ku beegmay Madasha waxa ka socotay Munasibad wayn, inkastoonan ka war qabin waxay ku socotay hadana waxan u arkay inay Carqalad ku tahay Baadi Goobkaygi Jacaylka Dayeysan1.

Haa qofkasta wuxu xaq u leeyey inuu dareemo micnaha Jacayl, wa xuquuq asasiya inad wax jeclato laguna jeclaado, markad ka soo baxday uurka hooyada ayuu Alle ku wajibyey in lagu jeclaado, waxa lagugu soo dhaweeyey Busharo, Dhoola cadayn, Wanqal iyo waxkastoo loo mujiyo qof la jeclayey, waxa lagu ababiyey inad umada kale u muujiso jacayl iyo maxabo.

Iyadoo tasi jirto hadana waxay talo faraha ka haada markaad iska daba gasho ama naftu kula doonato qof xora, oo noloshisa la daala dhacaya, waxan ka wada in badan ayad maqlaysa Hebel aya Hebla Jecel umana oga, ama Hebli wallal Miskinkas hawshisa iska wata ayay dhararahanba ka Joogi laday, hadaad si waydiyo oo Maxay ugu sheegi wayday ama uu ugu sheegi wayey waxad si fudud u maqlaysa, way ka baqaysa ama ka baqaya inuu diido, kkkkkkkkk, Funny, deed waxad odhanaysa  Marka hore maxa talada wax loga sin wayey looguna sheegi wayey in la jeclaan rabo, si uu isku badbadiyo, waa Su'aasha muranka inagu keenaysa, ama an ku kala tagayno,

Isku soo wada Duubo maalinta waxan raadiyey Jacayl waxooga Qaloonaya, ooo Jihadii ka luntay, oo sidayda hurdo dheer kasoo barurgay, balse waan ku so Guul daraystay, waxan Cabar dusha ka eegay Magalada Kampala oo runti ay hadheeyen Dhir iyo Buuro kala duwan, Cabaar hadii aan afka kor u taagayey waxna bidhaminayey nasib daro Maxad haysa layma odhan, Intanan meshi ka dhaqaaqin Cabaar ayan Naftayda la shawray ooy na dhex martay Shekadan Kobani.

Anigii: Maxay Saado Cali Cashaqa u Dalbatay in la Cidhi tiro?
Naftii: kkkkkkk, waar waxay la hadlaysay Siyad Bare, ma iyad Cashaqa ka marmi karta?
Anigi: horta walal maxad uga hesha dheel dheelka iyo kaftanka, manta runta ishego?
Naftii: waxan saxibo isku dheernahay Shaydan, shaydankuna wa khabir ka xanaqa runta iyo danta.
Anigi: imika maxan samayna ilayn waynga waynay Jacaly Muusa naabaye?
Naftii: kkkkkk, waynu kusoo jiiraynayna halkan lagama wayo waa Beerti Boqorke, somalidu halkan ayay timada, Ada ka dhacasan Inader, wan so jiranya ha u baqan wan helay isagoo Maqiiqane.
Anigi: oo hadaan Helnaba, maxay tahay waxa uwayne ee ina soo galaya.
Naftii: waad seexatay Xaaji waar nafta u bahan inay nasato,
Anigii: inader wax ma kuushega, ina mari shaaha soo cabnee, Jacalykana hold inoo gali, Tareenkana ha kadhicine la qabso,

sidii ayan aniga iyo Saxibaday (Nafta) uga caraabnay meeshi,  meel halkason waxoga Buna kacabana u dheelmaday,

Miskiin iyo Saxib idinku Dheer. (Fadlan wixi Talo, Tusale iyo Tilmaama wan so dhawaynaya)

Monday, 21 May 2012

Maxan U Dabaal Degi Wayey 18 May?

Salan sare dhaman akhyartan jeclay!!


Wiigan bilawgiisi sidan ka wada dharagsanay waxay ku beegnayd xuska sanad guradii 21 ee kasoo wareegtay maalintii Burco dhaman waxgaradka, siyasiyinta, culimada, dhalinyarada, iyo hawenka S.land isku qanciyen inay lasoo noqdeen Xornimadoodi ka haloowday ama sida khaladka u hoos martay.


Iyadoo ayamaha lagu jiro ayaan nasiib u helay inay noqoto markii igu horeysay eey igusoo gasho wadan qurba, runtii waxay  ii ahayd malin qiimo wayn ii le, waxay ahayd malin an si wayn u sugayey inan Dabaal dago iyo waliba inaan Caalamka maqashiyo sida Jaliyada reer Kampala u xustay, balse may dhicin.


Nasiib wanaag arintan waxay si xun iiga jidhay markii Khilaaf an lugo buuran ku tagnayn soo dhex galay qaar kamida dhalintii gacanta ku haysa munisabada qaban qaabada, balse waxay talo faraha kasii baxday markuu khilaafkii keenay in la qoondeeyo in laba goobod laga xuso., iyado laba maamul oo is garabsanaya ay gacanta ku kala dhigen hawshii.


Ceeb male hadii bulshadu badato oo laba layska dhigo, balse xaalku tani wu ka gadisna, waxan maalin ka hore Xuska war kuhelay in Ardaydii qaadacday inay xuska la wadagan qaarkamida Madaxda jaliyada markay fahmi wayen siday wax u wadan, dhanka kalena Madaxda jaliyadu Ardayda ku eedaysay inay ku jirto gacan kale, taso aan xal diyar u ahayn, arintkuna kuso biyo shubtay in walooba meshad marto wayeelka


Waxba yan ku dheeran arinta foosha xune, waxay labadii dhinacba go'aansadeen inay sidoodi hawsha u watan, iyago dhayalsanaya dhinaca kale, ama farta kufiiqaya shakhsiyad gaara, Khilafku ceeb maha balse arinta ceebti waa in malintan oo kale bulshada laqaybiyo waliba lagu qaybiyo si Qabyalad iyo Qudhuna, waxa kasii daran markii ardayda iyo qaar kamida Madaxda jaaliyadu midna eegi waayey danta guud iyo qiimaha maalintan wayn, iyagoo markay is fahmi wayen tala waxba kasin wayey jaliyad intii kale siloo gadho xal iyo isku soo dhawayn.


Xaalku marku halka marayo anu waxan go'aansaday inan laba dhacdo midna ka qayb galin maadamo labadaba koox Qiiro iyo Shakhsi kuxumayni ku jirtay, waxan go'aansaday inan habeenka ku qaato Tv hortiisa, si toosana u daawado munisabdii kasocotay Aqalka Cagaran (Mataxtoyada)-magac habenka ay isla qaaten faniinti ruwayada jilaysay- anoo kusugan qolka yar een ku leeyey magalada baladhan ee Kampala.


Runtii muu fiicnayn go'aankan qaatay balse xal ayuu ahaa, sida kaliyee bisaylka nololeed lagu heli kara wa in loo istago waxa inaga dhexeeya iyadoo mel gara la dhigayo wax yar een ku kala duwanay, wa in la eego sawrka fog, inta indhaha laga laliyo dhaldhalaalka soke, wa in farinta ay munasibadani gudbinaysa noqota Midnimo, Walaltinimo, Dan qaran iyo Himilo fog, balse an lagu koobin Ciyar, Music, Dheeldheel iyo iskugu faanid, wa in laga shekeya dariiqi dhera ee gusha iyadoo loo yedhayo dadka danwadagta ah, lagana nixinayo dadka ka naxaya, wa in si kore loo sheega inanay ahayn aargose balse ay tahay xus iyo hididiilo galin dad eheladodi wax ku qoden jidkan dher.


Ugu danbayntii waxan dhaman idin soo jeedin laha wa inan inagu tusaale u noqona midnimo dhex marta dadkena, wa inan inagu u hor seedan isdhex gal toosa bulshada dhexdeeda, wa inan inagu mesha ka sarna ana  rer hebala iyo ana reer hebal balse isku fana waxan aqan, waxan qabta, waxan doonaya iyo wax ina tusaya dadnimadeena, wa inan inagu noqona kuwi badali laha wasiro, xildhibano, iyo masulin  ku fadhiya magacena  balse iyagu dantoda shakhsiga wada, oo inagu noqona kuwo wax iskugu tara jiil, hadaf, iyo dan guud.


Miskiin iyo Saxiiib aad idin jecel!
Baruuuuuuuuud!