Tuesday, 29 October 2013

Jacaylka Iyo siyaasada Magacyo Kala-Dheer oo Hadana Isku-lingaxan.

@mustafebarud04.
Facebook: Barud04@hotmail.com

Jacaylka iyo Siyaasadu Waa magacyada ugu caansan dunidan aan joogno tan iyo inta la xasuusto, Sababtu wax kale maaha waxay labaduba ku foolan yihiin Arimaha Bini-aadamka, Sidaad ogtahayna Aadamuhu waa waxa ugu Mudan noloshan Aduunyo, Anigu maan odhan Sidan ee Uumihii Kownka iska lahaa ayaa inoogu mana sheegtay Kitaabkiisa dahiran dhexdiisa, Waa Runtay oo Jacaylku waa Damac qof-u-qabtay-qof-kale si uu noloshiisa ugu lamaaneeyo, dhib iyo dheefna ula qaysado, Sidaa darteed waa Faduulinimo iyo Xad-gudub, Halka Siyaasaduna tahay Isdire u tafaxayday inuu badalo nolosha bulsho uu qayb ka yahay, taaso baylaha uga muuqatay, Bal u fiirso Siyaasinteena iyo Qolyaha jacaylku dishooday intuba waxay wadaagan balan-qaadyo, Xiiq Iyo Hurda Naf-iyo-maalba si ay dhinaca kale ugu dirqiyaan inuu raaco waxay u sheegayaan iskana dhaga mariyo Eedaha laga yaabo in cid kale ka sheegayso.

Aan sii wato doodaydee Jacaylka iyo Siyaasadaba waxa  sal u ah Damac, haday tahay mid shakhsiyeed iyo mid bulshaba, Waa jacaylkee wuxuu damac kaa galaya qof kaa madax banaan haday noqoto: abuur muuqada ama qarsoon (Opposite Sex), duruuf dhaqaale, dabeecad iyo hab-dhaqan bulsho, Halka Siyaasadana aad beegsanayso midaynta Quluubta iyo Afkaarta kala duwan ee Heer Qaran, Degmo ila Xafadeed, Afkaartaaso salka ku haysa hab-nololeed gabi ahaantiba kala duwan, Midi waa sheekh Salafi ah, halka mid kale yahay Qaadirya shalaadka balo ku qaba, midi waa Sabool af iyo gacan xaal ka joogo, halka Jaarkiisu Baahida Sheeko ku maqlo, Midi waa Laan-dheere isku abtiriyey, halka ka kale yahay qolodii nabigu (SCW) lahaa, Illaahay eegi Maayo magacyadiine iyo Maalkiine ee wuxu eegaya Quluubinta iyo Acmaashina, Mid aan ka fogayn waa Boqor iyo Suldaan, halka Mid kale yahay Geel jir u dabran talada uu soo jaro suldankaasi.

Dhamaan arimahan waxa sii dheer Jacaylka iyo Siyaasaduba waxay wadaagan Warwar joogto ah iyo Isbadal aan saadal lahayn, maxaa yeelay labaduba waxay ku xidhan yihiin Bani-aadam dhaqan ahaan caan ku ah la Gadgadoonka Xiliyada iyo Xaaladaha hadba jira, waliba ay u dheertahay Madax-adayg iyo Luqun-taag faro badan, Yeelkeede Qofka wax jecel iyo Siyaasiguba waxay wadaagan fikir badan maxaa yeelay waxay isku dayaan inay saxaan Xisaab nololeedka 2+2=5, sababtoo ah waxay raadiyaan Raali-galinta Insaanka oo ah Hadaf aan Alle mooye cid kale xaqiijin, Ha ilaabin Aayadii "Insaanka waxaan ka Abuurnay Haluuc (Wax aan fadhiyin, Hadu Dhib dareemo waa Cabanaya, Quusanaya, Calaacalaya, Haduu Barwaaqo helana waa kibraya, Qooqaya, oo Xad gudbaya, mid Alle Badbaadsho mooye), Aakhirki Siyaasiga iyo Dhibanaha jacayl-ba ula dhaqan sidii Qof jiran oo Jini haleelay, Waayo Maaha mid dhago u haya wax sheega, Qaniciisuna waa Waayo aragnimada naftiisa oo qudha!

Saturday, 19 October 2013

Burco iyo Maqaamyada Mirqaanka (Marfashyada).

@mustafebarud04.

1-Qasab-ku-Mirqaan: markii aan idhi waayo waxa lay sheegay inay tahay meel yar, oo kulul oo adeegeedu liito,Sidaa darteed Waa Qasab ku mirqaan, Adoo kubaysan oo miyarna ka tagay waalina aan gaadhin ayaad fiidka meelaha Miliqsan sidii Qolyihii Vimpires ee dhiiga ku noola.


2- Iskuus-ama-Isbuur: Waxay iigu sharaxeen meel ka kooban guri iska daba gal ah, oo Qaybta Danbe VIP-da ayaa si baaladhan ugu qayila, Hadii Jeebkuka xun yahay se waa Iskuus halkaa hore, oo Kabaha, Jiidhjiidhka iyo Qiiqa Shaaha iyo girgira weshesho Xaaaji.


3- Badhi-iyo-Bigays: Waxaa lay sheegay inay tahay meherad ay hablo qurux badan haystaan, oo qaadka markaa Daawashada kuu dheertahay lasoco waa qiimo gaare innantaa kolba meel kaa dhaafaysa.


4-Dhabar-jabinta: waa Meel aad u gaaban oo dhisme xun, deed foorar ayaa ku dilaaya, Fiidka ayuunbad adoo Aah aah daaya haya ka boodi, sidii dhidar xaloo dhan xabaal qodanayey oo qaraxdu kasoo gaadhay aroortii hore


5-Ha-kugu-Dunto: iyana Waa sidoo kale oo Dhismeheedu amaan maaha, markaa ha kugu dunto halis darteed ayaa lagooo bixiyeye, laakin nin qaad dardaray dadka muu maqla weeye xaalku. 


6-Anaa-kaa-Qaad-badan: Waa Meherad Qaadka layskugu faano, oo Hadii Mijin iyo waxaas aad sidato waa iska eeg dhagaxa, Kii dhaadheera, Gaafane, Marduuf, iyo Wixi soo hal maala ayaa lagu cisha tamaa xaaji.


7-Hore-u-Cadayo: Waxay iigu sheegeen inay tahay meherada fiidka hore laga rawaxo, oo qiyaasti qolyaha Caruuraha iyo Xaasaska le ayaa fadhiistaya markaa Fiidka hore Qaadka Tufo, Cadayga afka laboobo, o ka caraw madasha weeye xeerkeedu, fahanoo waa qolayaha Qoraxada kaga hadhsada Mijinta.

Isha Warka: Ilo Reer Burco ah, oo Xog ogaal u ah.

Thursday, 17 October 2013

S.land Republic Mise Isaaq Republic!?


Tan iyo markii aan Garaad iyo Garasho quman u yeeshay ka talinta masiirkayga iyo ka ubadkayga/keena waxa maskaxdayda ku dhex hirdamayey laba awoodood : Isaaqism iyo Somalinism, arintan waxa cirka kusii shareeyey Barashadii Aqoonta Dibloomasiyada iyo Xidhiidhka Dawladaha, oo diirada saaraysa Dawlad, Qaran, Qabiil, Qoomiyad iyo Dal oo intuba ah Afkaar iyo Culuum u baahan aqoon fog iyo baadhi taan dheer, S.land ma Dawlad-ba mise waa Qabill? jawaabteedu waxay ku xidhantahay halkaan joogo, Qiyaastii, Hargaysa 98% waa haa, balse Boorama 60-80%, halka Sool iyo qayb Ceerigaabo ah ay naftaydu halis galayso, si kale hadaan u dhigo Isaaq iyo S.land Xidheedhka ka dhexeeya Muxu yahay? Ma Dawlad iyo Shacabkeedba, Ma Qabiil iyo Dawladiiba? Ma Dawlad an la aqoonsan iyo Aqlabiyada Shacabkeedaa? aan kusii Dhawaado Hadii Beel Isaaqi sidii caadiga ahayd shirkeeda kasoo saarto Raacitaanka Federalka Somaliya Maxay tahay Dhaxalka S.land, Ma Sida Khatumo iyo Maakhir ayay dibad joog noqonaysa, o dagaal aya lagu eekaynaya, Mise ergooyin iskugu jira Culimo, Oday-beeleed ayaa loo diraya si cabashadooda loo dhagaysto.

S.land astaamo ahaan waa Dawlad, sharci ahaana waa Dawlad-u-eeke (de facto State), waxay leeday Xuduud qoraal ahaan sugan, bale ficil ahaan khilaaf ka jiro, Lacag u gaara, Distoor (Gobolo gaari u codeyeen), Haayado Qaran (Beeli 80% leedahay), iyo Xisbiyo Siyaasadeed (100% Beel gadhwadeen ka tahay), Ciidan iyo Haayado Amaan oo kalsoonidoodu ku fadhido Beel, Hadii Xaalku sidaa yahay S.land waa Isaaq, Isaaqna Waa S.land, si kale an u dhigo, Dalkan aan joogo ee Uganda waxa 18 may Xusa Isaaq, Halka Beesha borame-na soo labayso, hadaan sii eego, Cadaalada, Nabada iyo Barwaaqada S.land keentay Reerka ugu baadn ee Cuna waa Isaaaq, haday maanta kuftana (Alle ma keene), cida la kufaysa waa Isaaq, Calanka Tawxiidka lehna Guryaha ugu badan ee uu yaal waa kuwa Isaaq, dadka u badan ee u diyaarka difaaciisuna waa iyaga hadii maanta cidi soo weerarto, Alle ha naga hayee.

Ku darsoo War-baahinta, Ganacsiga, Isgaadhsiinta, Aqoonta iyo Ilaha dhaqaale ee S.land waxa afka haystaa waa Isaaq, 22 sano kadib wali waxay Beesha isaaq si toosa ugu fashilantay kala saarida Isaaqismka iyo S.lanismka, Wax-garadkeedi, Siyaasigeed iyo Aqoon yahankeedi wali may hindisin siday jiilka Cusub ugu saari lahaayeen Calanka, Distoorka iyo Dawladnimada Somaliland, ugana Saari lahaayeen Qabiilka Shaadhka Dawlada loo xidhay ee Isaaaq, Isaaq ma maqlin, mana weelayn xigmada, indheer-garadnimada Hal-abuurkeeda, sida Suldaan Timacade, Gaariye, Hadraawi, Weedhsame, Etc. Ugu danbayntii Hadii Hormuudaka Umadu shacabka iyo Da'yarta u kala saaari waayo Humaaga Isaaqnimo Dawladaysan iyo Dawlad Isaaqaysan, una Cadayn waayo Dawlad Cadaalad, Sinaan iyo Wada-laansho kudhisan oo S.land la yidhaa: Xaalkeenu waa maanta farbaan dhaqayaaye ha ii fadhido Farow, Abtirsiinteenuna waa Reer Habel iyo Reer Hebel Muwaadin.

Friday, 11 October 2013

Arimo Dilla Dadnimadeena Inaagoon Ogayn Ama Yaraysanayna!



Dadnimadu (Shakhsiyad-wanaagu), waa Waxa diimaha Dhamaantood usoo dageen, waa Waxa Alle ugu mano sheegtay Adoomahiisa dhawr jeer, Qof xor ah, Xushmad iyo Sharaf ku dhex leh bulshadiisa, waa Qaayada udanbaysa ee dhamaanteen (Adaamaha), balse marar badan waxa dhaca inay ina hoos marto, oo inaga gacmeheena ku dhaawacanto, Bal ila Eeg.

1- Bal...an-darada, Dhamanteen waxan marar badan balan qaadana arimo kala duwan, siyaabo kala duwan iyo xiliyo kala duwan, balse oofintoodu mararka qaar way ina hoos marta, Arinta waxa ugu fudud inaad Wakhtiga xushmeeyn waydo, Waa ilbaxnimo iyo Indheer garadnimo umaduhu is dheeryihiin Oofinta iyo ilaalinta Wakhtigaiyo Balantu, iskaba dhaaf inago hormuudkii Uunka (Muslim), Qawlkaagu waa maragaaga shakhsiyadeed
2- Tilifoonka iyo isticmaalkiisa, Saman wax kasta casri noqdeen dhamaanteen waxan sidana tilifoono qaaiya, balse in yar ayaa inaga taqaan Edabtiisa, Codka uu kuugu soo dhacayo, Sida aad ugu hadlayso, Wakhtiga ay munasib tahay iyo khataraha ku gadaman in yar oo inaga mida ayaa tix gailn siisa, waxa haboon inaan barano sida loo isticmaalo (Edabtisa) intaynaan baran sida loo Garaco.
3- Huga, Labiska iyo Timo-jarka, dhamaanteen waxan nahay muslin, ay u dheertahay dhaqan wanaag iyo nolol asal raacnimo, balse waxaad mooda inay taasi sii baxayso, waxaad mooda inan ka guurayno nolol layno xaqijiyey, oo shaydaan inoo qurxinayo khiyaal iyo waxay ugu yeedheen Model, Muqaalkaagu kaliya maaha diintaada, balse guud ahaan waa hantidaada ma guuranka, ilaalintiisu waa dadnimadaada iyo shakhsiyadaada.
4- Idan la'aan iyo Xad-gudub, Qofkasta wuxu leeyahay arimo u gaara, isaga Alle maamulkeed hoos keenay, u xushmayntiisu waa Diin iyo dhaqan wanaag, bal u fiirso in Tilifonka laga qaado, oo hadana Qaybta fariimaha idin la'aan la eego, oo hadi la rabo qofkii la doono laga waco, mararka qaarna, jeebka warqada kugu jirta si bila idina loo akhristo waa iska caadi Bulshadeena, balse waa ku ceeb iyo fool xumo umadaha kale, Ilaali Idinka iyo xushaynta waxaanad Isticmaalkisa awood u lahayn.
5-Af-xumada iyo Kaftanka-guracan, af xumada, kaftan qurcnaanta iyo Dacaayadu waa waxa abuura cadaawada, kutidhi ku teenka iy kala dheeranshaha bulshooyinka, Waa dhagano aad moodo inay gaar inoo yihiin in reer loo caayo Qof, Qof-na loo caayo reer, Iintu waa Bashar iyo dhaqankii, balse in laysku caayo waa dhaqan liita, waxa ino dheer in qof lagu xukumo wax lagaga sheegay, qof kasta kula dhaqan waxad ka baratay, hadaad ka fiicanta amaanan, waa mina diin.

Etc, Dhaqankaaga shakhsiyeed waa Shakhsiyadaada aad bulshada ku dhex joogto, Ilaali Qawlkaaga, kuna Shaqee Taxadar iyo ilaalinta xuduudaha dadka kugu xeeran, Taada nabad galiye.

Qiimaha Walaasha iyo Samankaa Maanta!



Tiraba Aabahay (AHUN), 12 qof ayuu dhalay, 5 kamidii Gabdho yihiin, 8-kalana Rag yihiin, waliba 3 kamidii Qurbo-joog yihiin, Shaki igagama jiro hadii saddexdaasi Hablo ahaan lahaayeen ama ugu yaran midi ahaan lahayd inaan sida Qayrkay Yurubta marba sawr qurux-badan FB soo dhigi lahaa, ama Sida Raga qaar labada galinba mid Cream gaara madaxa soo marsan lahaa, ...oo anoo xoolihi walaashay iga muuqdan meelaha shaah badan ku cabi laha, Taa waxa iigu daliila Reerkii maanta inan u maqnayd waa reer Ceel-shiidal uqodan yahay oo Jaziirada carbeed dagan, Bishoon dhamaan ayaan dhawr jeer Dahabshiil gaadhi lahaa, dee imanada iyo hablaha lacagta bixiya (Tellers), ayaan agtooda macruuf ka noqon lahaa, Taas waxaa xaqiijiye Awbwaanka iyo Majaajilaystaha Sanadka "Sooraan", ruwaayadiisi Hablaha waxbara iyo Aabo kunkaa siiya, Wixi ka dhacay waad Ila aragteen oo ku noqon maayo.

Wallal maxaad cunta? Meesha amaankeeda ka waran?, Biilku ma kugu filan yahay? maryaha yaa ku maydha? Halkad ku nooshay ya ka hagaajiya? iyo erayo lamida ayaad ka maqlaysa Walaasha, haday wax haysana Bishu ha dhamaato malaahe Waar lacag mahaystee inta DHB ka qaado oo lacagta madhxiso ayay kuu raacinaysa, Cajiib waa saan hoosta ka idhaa Waar heedhe miyaad Barigii Innan uu Doomaha Saarti, Alla nafteeda ku lahaaye, maantaba Fadhigaad ku dhargi lahayde, Hadana waxaan Eega Halista, Halaaga iyo Nugalykooda, Naxariista inoogu jirta, saan idhaa waar Aduun qiimo malee Bagaanad ugu quudhin Tahriib, Isxanbaar iyo Qurbo cidlaa. ma iyada ku dheerba, waar intu Jecaylkeedu soo shaac baxayo, oo kunka kaw ay ka dooranayso amaanada hay, hadana hadaan xaal iyo xaquuqal-iisaan ayaad jiidhay lay lahayn kuwii la doontay ee Raggu aad yar iska kaxaysteen ayaan ku murmi lahaa, balse sunada noloshaa sidaasa oo quruxda iyo haybada ku jirta in Guri, Ubad iyo Reer lagu aamino, oo Atooruhu (Seediga) markuu kaa hor imaado cabaar dhulka iyo hareeraha xamili waayo.

Habluhu mar waa kuwa salaadi inoo kaco, oo iyagoo laga yaabo inay waxbarasho, shaqo ama dano gaara leeday, hadana doorbida inay inaga teena fuuryeelan, marna waa kuwaan ku dilno Dhaqida, Diyaarinta dharkeena, cuntateedana iyo halkan kunool nahay, Marka xigana waa dariiqa aan u marno Dulaca hooyo, marka waxooga laga niyad jabo Xeeladena baahiyeed, mar sadexaadna wa kuwa waxooga si farsamaysan inooga soo qaada kuway u dhaxaan, marna waa Duulka isku keen xidha oo inoogu adeega sidii luuqadii Computer ee SQL, markay intay xiniyuhu inaga bataan luuqada macaani inaga lunto, ugu danbayntii waa kuwa markay inaga ag' ooyaan aan Gidaarka jiidhno oo Xaal iyo Xeerba maskaxdeena ka baxaan, maah maahduna ina abto Nin Naagi Wad, .....! ugu danbayntii ha ilaabi balanti Rasuulka ee korinta hablaha iyo Jacaylkuu u hayey inantiisii Faadumo. Waday oo waday oo Innan Maanta waxaan dhaafsado Waayey Ogaada Nobel Price ayaad leedihiina Duulkoow!

Doodi Xalay iyo Horn Cable Tv, Aqoon-daro Mise Indho-adayg!


Xalay waxaan Horn Cable (oo aan Bahdisa kamid ahay), kala socoday doodi abid ugu xiisaha badnayd ee Aan ka fiirsado, Markii Wariye Abwaan Cali Seenyo isku yeedhay 4 xildhibaan oo lababa dhinac ayaaheen Xil: Waabeeye iyo Bukhaari waxay la jireen Ansixitii iyo Qarashkii laga jaray Goolaha Wakiilada, Halka Xil: Xoog iyo Raytana kasoo jor jeedeen, Wixii ka dhacay cidii nasiibka u heshay way la socotay, balse Muwaadin ahaan iyo Shakhsi ahaan wixii aan ka fahmay aan eego idinka idin dhaafo Tiina, kuna koobnaado Doodi xalay anoon eegayn fikir ahaan sidaan u arko Wadada dhiskeedu muranka dhaliyey ee Muhimka iy Halbawlaha u ah qaranka iyo suura galimadeeda.

Ugu horeyn waxaan Aqoon ahaan Bartay Siyaasada iyo Diploomasiyada, balse ma ihi sharci yaqaan, waxa ii dheer waxaan si dhaw ula socoda Dalka, Warbaahinta (oon ku jiro), iyo Arimaha Siyaasada oon ka faaloodo (Waxaad ka fiirin kartaa Oodweyne News and Media, qormooyin arimaha khuseeya), anoo arimahaaso dhan eegaya ma ihi Nin-raac ama sacab aanu garanayn ujeedadiisa iska tume, balse waxan raba inaan fikirkayga ku saleeya Danta Guud iyo wixi Garasho iyo Garaad isiiyo.

Xalay wixi dhacay waxay ahaayeen Aqoon iyo Aqoon daro, ama Daacad iyo Daba-dhilifnimo, Xildhbaan Rayte iyo Xoog Doodoodu way cadayd, aqoon iyo sharci yaqaanimo ayay ku dhisnayd, waxaanay salka ku haysay "Hal booli ah Nirig-xalaal ah ma dhasho" iyagoo ka duulay in horta la abuuro Haayad Madaxbanaan (ama la soo celiyo tii hore ee Madaxtooyada lahoos geeyey), kadibna sharcigeedii la horkeeno Goolaha Wakiilada, si loo sharciyeeyo, iyado Xalaal ahna la lagu shubto Cashuurta, Qaadhanka iyo wixi Deeqo caalami ah,  Waxa intaa u Dheera waar yaan Cashuurta lagu kordhin Xoolaha iyo Gaadiidka Waawayne aan saarno Qaadka, Sigaarka, Qalabka Isquruxinta, Isgaadhsiinta Etc, Halka Waabeeye iyo Bukhaari u eekaayeen Dhaqankii ku waaqlee iyo Siyaasadaynta Go'aanada Goolaha, Waabeeye iyo Bukhaari waxay xooga saaren inay Shacabka u tusaan Rayte iyo Xoog inay yihiin rag diidan Qaadhaanka iyo Wadada Ceerigaabo, Balse wax Aqoon, Dood iyo Cilmi ah meesha ma soo dhigin, Iskaba dhaafo waxa u dheera af lagaado iyo maamuus la'aan, sida: Reer Ceerigaaboy Maqla, Waa Qurbo joog, Waa bakhayliin diidan $100, Waxbay gocanayaan, Nin ayaa u muuqda Etc. Xaasha Wixi meesha ka dhacay waxay Ahaayeen Shakhsi taageer ama Aqoon daro Haysatay Xubnaha Waabeeye iyo Bukhaari, waxay talo faraha ka haaday markii Rayte u sharaxay Farqiga u dhaxeeya Qodob sharciya iyo mid Qaraar ah, Wax sharci ah oo awood fulineed la socoto iyo wax qaraar ah, Xataa heerka ay maran ayaa kala dheer, 8 Sano Mudane ah hadana fahmi waayey arintaa waa wixi ku dhacay Waabeeye iyo Bukhaari.

Monday, 7 October 2013

Warka, Wariyaha iyo Dad-waynaha Saddex Isbarkan!

Twitter: @mustafebarud04
barud04@hotmail.com

Nolosha aduun waa u caado iyo astaan ma guurto ah in waagii gaduutaba wax cusub jiraan (War), Khayr-ba iyo Sharr, Dheef iyo Dhib-ba, maalinta taa la waayo waa Caalam kale iyo nolol hor leh.  Dhaqan ahaan waa halkay ka timi Maxaa Sheegteen? Waa San ma Idin Baryey? Nabad Sheega?. Waayo Samayska noloshaa sidaa udhigan, Ficiladeena iswada-sudhan, oo saamayn togan iyo mid tabana isku leh, waliba si joogto ah oo muuqata, Xeerka Goolaha Wakiilada Yaal, Adhi Jirka Baadiyaha fog jooga ogaal iyo ogaal la'aanba dareen ayaa kaga jira, Carabka Sacuudi Arabiya dagan ayaa isha ku haya, Darawalka Gaadhiga wada ayaa ka dhursugaya, Taasi waa ta keentay Ahmiyada Warka. Maxaa ku Cusub Deegaanka igu Xeeran Wakhtiga aan joogo? Waa Jawaabta ay is waydiiyaan Shacabku, War-tabiyuhuna u kalaho inu kasoo soo jawaabo, Deegaanku wuxu ku xidhan yahay nin iyo awoodi. Shacabka USA iyo S.land/Somalia Warkay filayaan waa isku Cirka iyo Dhulka, Halka Maagalo-jooga iyo Baadiye-jooguna kala Baahid wareed qabaan!

Siduu warku bulshada muhim ugu yahay ayuu Wariyuhuna muhim ugu yahay, Hadaan si kale u dhigo, Warka, War-sidaha iyo Habka gudbintu waxay kaalmo isbuuxineed ku leeyihiin falcelinta Dhagaystaha (Shacabka), ama ujeedada laga leeyey Tabinta warka (Go'aan qaadasho sax ah), waxa u maraga Ajazeera iyo Universal (hadaan is barbardhigo, Inaan waalnay ayaad u qaadanaysaan), hadana ha hilmaamin waa isku shaqo "Xarun warbaahineed", Gaadhsiinta Dhagaha Bulshada Wixii saamayn ku leh, Maxaa Saamayn ku leh, waa dood kale oo Hooyo Sahra iyo Dhigeeda reer Japan/America waxa macno u samaynaya waa kaaf iyo kala dheeri, Dhadhaminta Dareenka Bulshada loo adeegayo iyo Sida ugu quruxda badan ee loo gaadhsiiyaanoy Waa Mihnada koobaad ee Wariyaha iyo Hawl wadeenada u xeeran.

Wariyaha, Warka iyo Dawladu (Maamulku) waxay isku yihiin Saddex dhardhaar, Waxa la rabaa inay kasoo baxaana waa "Ummad iyo Bulsho Si cilmayesan u taqaan Nacabkeeda gudo iyo dibadba, Bulsho taqaan sababta jiritaankeeda, Cida la jirta iyo cida kusoo maqan, Bulsho Og' dhulkeeda iyo waxa ku duugan, Badeheeda iyo waxa ugu jiran, Deegaankeeda iyo wax u saaran, Bulsho taqaan sida layskugu qoofalo nimcooyinka, looguna adeegsado badhaadhaha guud", Sidaa darteed Wariyuhu waa xidiidhiyaha Warka iyo Dhagaha Bulshada, Waa Hagaha iyo Hanuuniyaha Ra'yul caamka si loo gaadho Go'aan wadareed la yaqaan sababtiisa, Ugu danbayntii Wariyuhu waa inuu Qiimo ku dara Warka "Adding Value", Shilka ka dhacay Burco maaha kaliya inuu inoo sheego, balse waa inuu Raaciyo Sababta, Tiro-ba inta jeer ee mid lamidii dhacay, Cida masuuliyada leh, Sida loo sixi karo, Saamaynta ka dhalan karta hadi la sixi waayo iyo guud ahaan xaalada shilalka dalka iyo halista wadooyinka, si bulshadu uga taxadirto, una hesho cid ay ku canaanto Geerida/dhaawaca Ehelka iyo Muwaadiniinta galbaday ama wax yeeloobay, Hadii kale wariye maaha ee Waa Xamaal iyo Bariis raadis, sida inta badan dunida Saboolka ee aan u jirno.

Saturday, 5 October 2013

Sida Ugu Fudud ee Yoolkeena ku Gaadhi Karno!



Dhib kuma jirto, Goobta, Xiliga iyo Xaalada aan ku suganahay, Waa hubaal inaan Dhamaanteen Geedi ku nahay goob cayiman, Way jiraan kuwo aan wadaagno Adaame ahaan, Sida Caafimad, Sharaf, Dhawrsanaan, Etc, iyo Kuwo aan gaar la nahay Muslim ahaan, Sida Janoo-yinka Raxmaanka, La-rafiiqa Mawlihii Suubana (SCW), Haleelka Tawfiiq-da suuban, Balse iyana waa biyo kama dhibcaan in sida Arageena iyo Jiinkeenu u kala duwan yahay Riyooyinkeena iyo Hamigeena nololeedna u kala dheer yihiin, Ha la yaabin Waa xikmada Nolosha "Differecne is what Makes Life", Kala duwanaanshu waa sirta nolosha, alle muu awodi waayin wada Shiineesh, ama wada Afrikaan, ama Cadaan, ee nolosha sida ku macaan, Diinta, Dhaqanka, Khayraadka, Deegaanka, Duur-joogta iyo Jawiguba inay kala tagaan waa waxa nolosha ka dhiga nolol, waana sababta abuurtay isku baahnaanta bulshooyinka

Ma jiro safar bilaa ujeedii, Garo ama ha Garan, Meel ayaad kusocotaa, Adiga hal mid ayuunba kula gudboon inaad Doorato "halkaad tagayso", si kale hadan u dhigo, laba mid weeye: inaad Habeenka iyo Maalinta Adeegsato iyo inay iyagu ku adeegsadaan. Yaynaan fogaan bal dib u eeg 2010 (3 sano ka hor), xageed joogtay, Yaa Waday noloshaada, Haa Illaahay balse yuu sabab uga dhigay, Waalidka, Naftaada, Saaxiibada, Qaraabo, Mooyi. Aan hore u socodo Maxaa kuu Muuqda Dhamaadka Xukuumada Siilaanyo 2015 (2 sano kadib), iskaga kaalay muuqaalka guud, taada gaarka, Waa run ilaahay ayaa og, Balse Muxu dareenkaaga Hoose kuu sheegaya, Dhamee Jaamacada, Guurso, Reerka Guri u dhis, Shaqadan ka tag, Ii kaadi!, Is waydii Waayo? (Su'aasha ina kala saarta inaga iyo Noolaha kale), Aan Raaciyo, Ma qaban karta Arin kale, Bulshada Caawi, Diinta faafi, Haaa Dabcan. Dhamaanteen waxan la mid nahay ama ka maskax badanahay dadka Taariikhdeena Casrigaa Qaabeeyey : Bill Gates, Lion Messi, Ahmd Godane (-), Wasiir Samaale, Prof Gaariye (Ahun) Etc.

Dhamaanteen waan ku qasbanay inaan noolaano wakhti Alle Qoray, Balse Xoriyad ayaan u haysana sidaan u noolaanayo, halkaan ku noolanayno iyo Raadkan kaga tagayno Aduunka, Xorbaynu u nahay inaan noqon Sh. Dirirka Bari, Maxamed Siciidka Saadabe (Dahabshiil), Marxuum Cigaalka 2020, iyo Xirsiga 2015-2020), Kaliya waxaad u baahantay , Garasho, Go'aan, Dadaal, Talo-saarasho iyo Adeegsiga Awoodaha jira (Qarsoon/Muuqda), Wakhti ma Hadhin waa Qarnigii 21-aad Noloshu sidee hore way ka fududahay, Fursaduhuna sidii hore way ka badan yihiin, Geerida iyo Naftuna intii hore waa iskaga dhawyihiin, Dhamaanteen an ka tagno Dhaxal Tolmoon, aan Toosino Jiilkeena Cusub Ficil ahaan, Waad rabta Sidan, anaa huba, soo Qaado buuga iyo Qalinka Qor Riyadaada, Raaci Sababta (cilmiyee), Talo Saaro Alleh, Garawso inaan Guushu nina la dhalan, ee Cidii raadsata hesho, Naftaada u sheeg in geed walba in Gubtaa hoos taalo, Aduunka aan Malaa'iig loo samayn ee hawl iyo tacab Aadamaha lugu jribaayo uu yahay, Ha Fiirin wakhtiga aad guusha helayso (Inshala), Balse ishaada ku hay Adoo guulaystay iyo Waxaad samayn lahayd, Sida dadku uga fal celinayaan, ugu danbaynti Taariikhda Akhri, Rasuulki ka bilaw, Sheekh iyo shariif ku xigsii ma jirto Qof intuu Habeen seexday soo kacay isagoo loo sacaba tumayo, (Siilaanyo 30 sano ayey ku qaadatay inuu fuulo kurisaga muranka badan, ee ugu awooda yar caalamka), Xaqbaan u leenay Guusha ee Dariiqeeda aan marno!

Friday, 4 October 2013

Ma Anigga Siyaasiya Mise Siyaasadda Muhima!



2030 Hadii Alle Inagu Simo Maxay kula tahay inuu Wiilka/Gabadha Reer S.land la qaybsan karaan Qayrkood, Iskaba dhaaf Galbeebka iyo Bariga fog ee caalamkoo, Geeska Africa iyo Dalalka Jaarkeena, Su'aashan Jawaabteedu waxay marag u tahay Umadkasta iyo hogaankeeda, Tusaale ahaan Dalka Malaysia 2020 waxa u arina ah inay Tagaan Hawada Sare oo Dunida hayaanta...y lasoo ogaadan waxa lagu hayo Caalamka kore, Dalka Chine 2030 wuxu dalkiisa ka saaraya Magaca Sabool iyo Faqriga, Awooda Dhaqaalena kala wareego USA, Halka Dalkan Uganda 2040 ay balan u tahay inay ka baxaan Dalalka Liita kuna biiran Qolyaha Dhexe, ugu Danbaynta Ethiopia oo 80 Million hooy u ah waxa 2020 ka go'an helida Bulsho Caafimaad qabta, dhaqaale ahaan, Deegaan ahaan iyo Maskax ahaanba.

Markay halkaa Arin marayso Siyaasadu Waa Nolosha, Noloshuna waa Siyaasad, Siyaasadu waa kala doorashada laba arin kii Khayr iyo Faa'ido badan ugu jirto Bulsho waynta iyo Beesha Magac wadaagta (Distric to National Levels), Waa Kala horeysiinta Danaha Bulshada siday ugu kala faa'ido roon yihiin, In Maraykan 14 Million oo qof galan 10 sanee u danbeeyey kana qaato Dunida Saboolka, China-na Xayiro Dhalida Hal-qof wax ka badan waa Siyaasado Qaran, mid kastana salka ku haysa Odros, Fikir iyo Xisaabtan Fog, Ta badalkeeda in Caruurteeni, Caarkeenii, iyo Caqligeeni u hayaamo Dunida Galbeedka kuna gaadho sikastoo suura gal u ah Waa Siyaasad Xumo iyo Maamul la'aan.

Muwaadin Nooca biyaha aynu subixii cabayno, Tayadooda iyo Tiradooda, Ama Shaqada, Cida loo shaqaynayo, Waxa laga shaqaynayo, Inta loo shaqaynayo iyo Wax la dhaafsanayo, Ama-ba Waxa Labaranayo, Cida Baraysa, halka lagu baranayo iyo Sababta loo baraayo intuba Waa Siyaasado Qaran, Intuba Ogaal iyo Ogaal la'aan waxa Midhaha ubadkeena Mustqablku goosan doonan, intuba waxaa waxa abuuraya Wiilka iyo gabadha 2030, Bulsho iyo Dal wuxu Meel gaadha markuu garanayo sida Qofka Shakhsigaa halku kusocodo iyo Sababta uu u rabo, Bulsho waxay Caafimaad qabta markay Taqaan Xanuunka Bulsho ee Deegaankeeda ka jira, Bulsho waxay meel gaadha markay ku nooshay Bii'o Fayoow dhaqaale ahaan, Fikir ahaan, Caqiido ahaan, Siyaasad ahaan iyo Caafimaad ahaanba, Si tan loo helo waa in Bulshada Qalin laydii Gaadha oo tagtaa Goobaha go'aan wadareedka ina khuseeya lagu gaadhayo, si kaduwan sida kuwa imika ina maamula, Wadani Aragti Fog leh, kaaso Dareen ugu jiro Dadka, Dalka, Diinta iyo Deegaankaba.

New York City Magaalo 100 Sano Aduunka Madaxtooyo u ahayd.


Marka aad aragtay Cinwaanka waan hubaa oo waxa Madaxaaga kusoo dhacay Xarunta Qaramada Midoobay (United Nations Headquarters), Dhacdadii 11 Sept iyo Daarihii aduuka ugu dhaadheera ee Twin Towers (World Trade Center), Suuqa ugu wayn Aduunka ee Wall Street iyo mataantiisa New York Stock Exchange, Wargayska ugu caansan Caalamka ee The New Yo...rk Times, Jaamacada caanka ah ee Colombia University, Astaanta Dhulwaynaha USA (Statue of liberty), Dakada Caanka ee New York Habor, Madaarka ugu Mashquulka badan aduunka ee John. F. Kennedy International Airport iyo Tareenka dheeraya ee New York City Subway oo kaalmaha hore kaga jira mashquulka Aduunka.

Magaalada NYC waxa ku nool 8 million oo qof, waxa lagaga hadlaa 800 oo luqadood, waxa sanadkasta dalxiis u taga 50 million oo qof, Wax laga jaan qooya Qorshayaasha Aduunka, gaar ahaan waxay loo yaqaan Beesha Caalamka (International Community), waxa Sanad kasta Tagta Wufuud aad u culus oo ka kala socota in kabadan 190 Dawladood oo ay hor kacayaan Madaxdoodu, Hogaamiye kaste wuxu codkiisu gaadha halka Quwadiisa Dhaqaale, Aqooneed iyo Ciidan ee Shacabka uu ka yimi iyo Calanka uu Sito ay gaadho, Obamaha hal mar sooma Qaadin gudaha Maraykan markuu jeediyey hadalkiisi aadka loo sugayey, Syria, Iran, Ganacsiga Aduunka, Is-basaaska, iyo Bariga dhexe ayuu carabkisa ku adkeeyey, Rauhani (Madaxweynaha Iran), wuxu wakhtigiisa ku lumiyey inuu Aduunka u sheego inay Iran si nabdoon u rabto Awooda Nuclear, halka Hasan Sheekh uu wakhtigiisa ku qaatay dhibta Soomaaliya inu ku Save gareeya Quluubta Qolayaha Deqaha-bixiya (Dawarsi).

New York City inaad Tagta arin fudud maaha, Inaad 200 oo Madaxweyne u sheegto Siyaasada Qaranka aad katimi waa riyo uu qabo hogaamiye kasta, Waa dareenka ka maqan Shacabka aan ku abtirsado, Hadii Siilaanyo dhagax dhigayey Wadad Burco iyo Ceerigaabo (Suuro-galnimadeeda Shakigu ku jiro), Madaxda Caalamku waxay sidi hal daba la ugu qulqulayeen NYC si ay ugu garnaqsadaan, Taasi waa Waxay ku riyoodaan 3.5 Million ee dagan dhulka S.land "Ictiraaf", Quwada USA maaha Ciidan qudha iyo Diyaaardaha aan cidi wadi (Drones), bal fiiri Luuqada Englishta, Lacagta Aduunka (Dollar), Warbaahinta iyo Madadaalada (Media iyo Hollywood), Caasimada Aduunka NYC, Sirdoonka Caalamka CIA, Aqoonta casriga Havard, Colombia iyo Yale Universities, Dhamaan waxan waa waxa America ka dhigay America (World Superpower), Qayrkiina kor ugaga yimi, Nimaan shaqaysan Shaah ma cabo, Ha sugunSacab Bilaasha Camoow hortaa jireba waayey!

Jawaab: Su'aashii Barkhad Jaamac Xirsi Batuun. (Lataliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Arimaha Dadka-La-takooro


Barkhad waa la taliyaha Madaxweynaha Arimaha Bulshada La-hayb-sooco, Waa Qareen iyo Wariye Madaxbanaan, sidoo kale waa Sheekh intaan aqoon u leeyahay, Waana Wiil dhalin yar oo mudooyinki u danbeeyey u tafa-xaytay Xaq-u-dirirka bulshada La-hayb-sooco, Barkhad Su'aal Nuxurkedu ahaa: Maxaa keenay iyo Sidee looga bixi Kara Deegaan la'aanta Beesha Gabooye... ayuu Muwaadiniinta S.land, gaar ahaan inta Danaysa Arimaha Bulshada kusoo waydiiyey Qormadiisii Oodweyne News and Media, ee Tirsigii 01 Oct 2013, Cinwaankeeduna ahaa "Sababaha keenay Deegaan la'aanta Bulshada Gabooye Haysata".

Barkhad marka laga imaado qormadiisa quruxda badan, ee aqoonta iyo xogta badan ku tuugantahay, wuxu si toosa u abaaray kaalinta Bulshadaasi ku leedahay hanaan socodka nolosha guud tan iy inta Taariikh ahaan la xasuusto, Balse Wuxu aad ugu dheeraday ahmiyada Deegaanku u leeyahay bulshada iyo masiirkeeda nololeed, isagoo barbardhig ku sameeyey kuwa ay jaarka la tahay, Anu si aad iyo aad ayaan aragti ahaan uga gadisanahay, Bulsho kasta waxay ugu baahi badan tahay waa Aqoon iyo hal-abuur fikir cusub ee maaha Deegaan iyo Nasab ama Abtirsiin. Deegaanka, Khayraadka, Siyaasada, iyo Cuudku waa Taageerayaal iyo tabantaabiyayaal awooda garasho ee bulsho kastaa leeday, iskaba dhaafo dhanka kale qaar ayay halaag iyo saboolnimo u horseedan bal eeg Nigeria, Sudan iyo S. Sudan, Congo. dhanka kalana eeg Japan, Singapore iyo Malaysia, Aqoonta ayaa kala hor marisa bulshooyinka Taasna wax ka marag ah Taariikhda Aadamaha Horeyso iyo Danbayso,

Barkhad Arinta ugu muhimsan ee ay tahay inaan garwaaqsanaa waa inaan dagaal adag kula jirno dhaqan abuurmay boqolal sano, dhaqankas oo aan lugo adag ku taagnayn sidaad tibaaxday cidkastaana ka marag furtay, si taas meesha looga saaro waa inaan galna dagaal dheer, waa inaan diirada saarna jiilka cusub sidiii loo midayn lahaa, taas waxa marag kaaga ah Arintii South Africa iyo halgankii 27 sano ee jeelka Nelson Mandela oo maanta ka dhigay quwada Dalalka madaw, Xaquuqdii Madawga America iyo Geesigii M.L. King aakhirkina loo dilay taaso iyana keentay Awooda caalamka ee 53 Gobol ee midoobay, kudarsoo Israel waa awood ay dhashay colaad, cabudhin iyo Dagaal joogta ah, taas oo ay ku noqotay Quwada Caalamka. Marka Barkhad waa inaan xooga saarna Wacyi-galin bulshada guud ahaan iyo Aqoon-raadin Bulshada dhexdeeda, gaar ahaan kuwa Lahayb-sooco. Wa inaan yaqiinsana inteena qalinka u hayb sheegataa inaan Arintani ugub ku ahayn Aduunka guudkiisa, balse ay tahay nolol ay la jaaryihiin Umad badan (Takoor, Cabudhin, Cay iyo Af-lagaado), balse waxa Alle mahadii ah inaan gacan qaad iyo Wax-yeelo raacin sida meela badan oo caalamka, Ugu danbayntii Barkhad Bulshada La-hayb-sooca uba Baahana Deegaan, umana Baahana Kooto ee waxay u baahantahay Aqoon, Dhiiranaan iyo Isku xidhnaan tusta awoodooda Xirfadeed, Siyaasadeed iyo Hal-abuur.