@mustafebarud04.
1-Qasab-ku-Mirqaan: markii aan idhi waayo waxa lay sheegay inay tahay
meel yar, oo kulul oo adeegeedu liito,Sidaa darteed Waa Qasab ku
mirqaan, Adoo kubaysan oo miyarna ka tagay waalina aan gaadhin ayaad
fiidka meelaha Miliqsan sidii Qolyihii Vimpires ee dhiiga ku noola.
2- Iskuus-ama-Isbuur: Waxay iigu sharaxeen meel ka kooban guri iska daba gal ah, oo
Qaybta Danbe VIP-da ayaa si baaladhan ugu qayila, Hadii Jeebkuka xun
yahay se waa Iskuus halkaa hore, oo Kabaha, Jiidhjiidhka iyo Qiiqa
Shaaha iyo girgira weshesho Xaaaji.
3- Badhi-iyo-Bigays: Waxaa lay
sheegay inay tahay meherad ay hablo qurux badan haystaan, oo qaadka
markaa Daawashada kuu dheertahay lasoco waa qiimo gaare innantaa kolba
meel kaa dhaafaysa.
4-Dhabar-jabinta: waa Meel aad u gaaban oo
dhisme xun, deed foorar ayaa ku dilaaya, Fiidka ayuunbad adoo Aah aah
daaya haya ka boodi, sidii dhidar xaloo dhan xabaal qodanayey oo qaraxdu
kasoo gaadhay aroortii hore
5-Ha-kugu-Dunto: iyana Waa sidoo kale
oo Dhismeheedu amaan maaha, markaa ha kugu dunto halis darteed ayaa
lagooo bixiyeye, laakin nin qaad dardaray dadka muu maqla weeye xaalku.
6-Anaa-kaa-Qaad-badan: Waa Meherad Qaadka layskugu faano, oo Hadii
Mijin iyo waxaas aad sidato waa iska eeg dhagaxa, Kii dhaadheera,
Gaafane, Marduuf, iyo Wixi soo hal maala ayaa lagu cisha tamaa xaaji.
7-Hore-u-Cadayo: Waxay iigu sheegeen inay tahay meherada fiidka hore
laga rawaxo, oo qiyaasti qolyaha Caruuraha iyo Xaasaska le ayaa
fadhiistaya markaa Fiidka hore Qaadka Tufo, Cadayga afka laboobo, o ka
caraw madasha weeye xeerkeedu, fahanoo waa qolayaha Qoraxada kaga
hadhsada Mijinta.
Isha Warka: Ilo Reer Burco ah, oo Xog ogaal u ah.
No comments:
Post a Comment