Twitter: @mustafebarud04
barud04@hotmail.com
Nolosha aduun waa u caado iyo astaan ma guurto ah in waagii gaduutaba wax cusub jiraan (War), Khayr-ba iyo Sharr, Dheef iyo Dhib-ba, maalinta taa la waayo waa Caalam kale iyo nolol hor leh. Dhaqan ahaan waa halkay ka timi Maxaa Sheegteen? Waa San ma Idin Baryey? Nabad Sheega?. Waayo Samayska noloshaa sidaa udhigan, Ficiladeena iswada-sudhan, oo saamayn togan iyo mid tabana isku leh, waliba si joogto ah oo muuqata, Xeerka Goolaha Wakiilada Yaal, Adhi Jirka Baadiyaha fog jooga ogaal iyo ogaal la'aanba dareen ayaa kaga jira, Carabka Sacuudi Arabiya dagan ayaa isha ku haya, Darawalka Gaadhiga wada ayaa ka dhursugaya, Taasi waa ta keentay Ahmiyada Warka. Maxaa ku Cusub Deegaanka igu Xeeran Wakhtiga aan joogo? Waa Jawaabta ay is waydiiyaan Shacabku, War-tabiyuhuna u kalaho inu kasoo soo jawaabo, Deegaanku wuxu ku xidhan yahay nin iyo awoodi. Shacabka USA iyo S.land/Somalia Warkay filayaan waa isku Cirka iyo Dhulka, Halka Maagalo-jooga iyo Baadiye-jooguna kala Baahid wareed qabaan!
Siduu warku bulshada muhim ugu yahay ayuu Wariyuhuna muhim ugu yahay, Hadaan si kale u dhigo, Warka, War-sidaha iyo Habka gudbintu waxay kaalmo isbuuxineed ku leeyihiin falcelinta Dhagaystaha (Shacabka), ama ujeedada laga leeyey Tabinta warka (Go'aan qaadasho sax ah), waxa u maraga Ajazeera iyo Universal (hadaan is barbardhigo, Inaan waalnay ayaad u qaadanaysaan), hadana ha hilmaamin waa isku shaqo "Xarun warbaahineed", Gaadhsiinta Dhagaha Bulshada Wixii saamayn ku leh, Maxaa Saamayn ku leh, waa dood kale oo Hooyo Sahra iyo Dhigeeda reer Japan/America waxa macno u samaynaya waa kaaf iyo kala dheeri, Dhadhaminta Dareenka Bulshada loo adeegayo iyo Sida ugu quruxda badan ee loo gaadhsiiyaanoy Waa Mihnada koobaad ee Wariyaha iyo Hawl wadeenada u xeeran.
Wariyaha, Warka iyo Dawladu (Maamulku) waxay isku yihiin Saddex dhardhaar, Waxa la rabaa inay kasoo baxaana waa "Ummad iyo Bulsho Si cilmayesan u taqaan Nacabkeeda gudo iyo dibadba, Bulsho taqaan sababta jiritaankeeda, Cida la jirta iyo cida kusoo maqan, Bulsho Og' dhulkeeda iyo waxa ku duugan, Badeheeda iyo waxa ugu jiran, Deegaankeeda iyo wax u saaran, Bulsho taqaan sida layskugu qoofalo nimcooyinka, looguna adeegsado badhaadhaha guud", Sidaa darteed Wariyuhu waa xidiidhiyaha Warka iyo Dhagaha Bulshada, Waa Hagaha iyo Hanuuniyaha Ra'yul caamka si loo gaadho Go'aan wadareed la yaqaan sababtiisa, Ugu danbayntii Wariyuhu waa inuu Qiimo ku dara Warka "Adding Value", Shilka ka dhacay Burco maaha kaliya inuu inoo sheego, balse waa inuu Raaciyo Sababta, Tiro-ba inta jeer ee mid lamidii dhacay, Cida masuuliyada leh, Sida loo sixi karo, Saamaynta ka dhalan karta hadi la sixi waayo iyo guud ahaan xaalada shilalka dalka iyo halista wadooyinka, si bulshadu uga taxadirto, una hesho cid ay ku canaanto Geerida/dhaawaca Ehelka iyo Muwaadiniinta galbaday ama wax yeeloobay, Hadii kale wariye maaha ee Waa Xamaal iyo Bariis raadis, sida inta badan dunida Saboolka ee aan u jirno.
No comments:
Post a Comment