Thursday, 17 October 2013
S.land Republic Mise Isaaq Republic!?
Tan iyo markii aan Garaad iyo Garasho quman u yeeshay ka talinta masiirkayga iyo ka ubadkayga/keena waxa maskaxdayda ku dhex hirdamayey laba awoodood : Isaaqism iyo Somalinism, arintan waxa cirka kusii shareeyey Barashadii Aqoonta Dibloomasiyada iyo Xidhiidhka Dawladaha, oo diirada saaraysa Dawlad, Qaran, Qabiil, Qoomiyad iyo Dal oo intuba ah Afkaar iyo Culuum u baahan aqoon fog iyo baadhi taan dheer, S.land ma Dawlad-ba mise waa Qabill? jawaabteedu waxay ku xidhantahay halkaan joogo, Qiyaastii, Hargaysa 98% waa haa, balse Boorama 60-80%, halka Sool iyo qayb Ceerigaabo ah ay naftaydu halis galayso, si kale hadaan u dhigo Isaaq iyo S.land Xidheedhka ka dhexeeya Muxu yahay? Ma Dawlad iyo Shacabkeedba, Ma Qabiil iyo Dawladiiba? Ma Dawlad an la aqoonsan iyo Aqlabiyada Shacabkeedaa? aan kusii Dhawaado Hadii Beel Isaaqi sidii caadiga ahayd shirkeeda kasoo saarto Raacitaanka Federalka Somaliya Maxay tahay Dhaxalka S.land, Ma Sida Khatumo iyo Maakhir ayay dibad joog noqonaysa, o dagaal aya lagu eekaynaya, Mise ergooyin iskugu jira Culimo, Oday-beeleed ayaa loo diraya si cabashadooda loo dhagaysto.
S.land astaamo ahaan waa Dawlad, sharci ahaana waa Dawlad-u-eeke (de facto State), waxay leeday Xuduud qoraal ahaan sugan, bale ficil ahaan khilaaf ka jiro, Lacag u gaara, Distoor (Gobolo gaari u codeyeen), Haayado Qaran (Beeli 80% leedahay), iyo Xisbiyo Siyaasadeed (100% Beel gadhwadeen ka tahay), Ciidan iyo Haayado Amaan oo kalsoonidoodu ku fadhido Beel, Hadii Xaalku sidaa yahay S.land waa Isaaq, Isaaqna Waa S.land, si kale an u dhigo, Dalkan aan joogo ee Uganda waxa 18 may Xusa Isaaq, Halka Beesha borame-na soo labayso, hadaan sii eego, Cadaalada, Nabada iyo Barwaaqada S.land keentay Reerka ugu baadn ee Cuna waa Isaaaq, haday maanta kuftana (Alle ma keene), cida la kufaysa waa Isaaq, Calanka Tawxiidka lehna Guryaha ugu badan ee uu yaal waa kuwa Isaaq, dadka u badan ee u diyaarka difaaciisuna waa iyaga hadii maanta cidi soo weerarto, Alle ha naga hayee.
Ku darsoo War-baahinta, Ganacsiga, Isgaadhsiinta, Aqoonta iyo Ilaha dhaqaale ee S.land waxa afka haystaa waa Isaaq, 22 sano kadib wali waxay Beesha isaaq si toosa ugu fashilantay kala saarida Isaaqismka iyo S.lanismka, Wax-garadkeedi, Siyaasigeed iyo Aqoon yahankeedi wali may hindisin siday jiilka Cusub ugu saari lahaayeen Calanka, Distoorka iyo Dawladnimada Somaliland, ugana Saari lahaayeen Qabiilka Shaadhka Dawlada loo xidhay ee Isaaaq, Isaaq ma maqlin, mana weelayn xigmada, indheer-garadnimada Hal-abuurkeeda, sida Suldaan Timacade, Gaariye, Hadraawi, Weedhsame, Etc. Ugu danbayntii Hadii Hormuudaka Umadu shacabka iyo Da'yarta u kala saaari waayo Humaaga Isaaqnimo Dawladaysan iyo Dawlad Isaaqaysan, una Cadayn waayo Dawlad Cadaalad, Sinaan iyo Wada-laansho kudhisan oo S.land la yidhaa: Xaalkeenu waa maanta farbaan dhaqayaaye ha ii fadhido Farow, Abtirsiinteenuna waa Reer Habel iyo Reer Hebel Muwaadin.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment