Friday, 4 October 2013
New York City Magaalo 100 Sano Aduunka Madaxtooyo u ahayd.
Marka aad aragtay Cinwaanka waan hubaa oo waxa Madaxaaga kusoo dhacay Xarunta Qaramada Midoobay (United Nations Headquarters), Dhacdadii 11 Sept iyo Daarihii aduuka ugu dhaadheera ee Twin Towers (World Trade Center), Suuqa ugu wayn Aduunka ee Wall Street iyo mataantiisa New York Stock Exchange, Wargayska ugu caansan Caalamka ee The New Yo...rk Times, Jaamacada caanka ah ee Colombia University, Astaanta Dhulwaynaha USA (Statue of liberty), Dakada Caanka ee New York Habor, Madaarka ugu Mashquulka badan aduunka ee John. F. Kennedy International Airport iyo Tareenka dheeraya ee New York City Subway oo kaalmaha hore kaga jira mashquulka Aduunka.
Magaalada NYC waxa ku nool 8 million oo qof, waxa lagaga hadlaa 800 oo luqadood, waxa sanadkasta dalxiis u taga 50 million oo qof, Wax laga jaan qooya Qorshayaasha Aduunka, gaar ahaan waxay loo yaqaan Beesha Caalamka (International Community), waxa Sanad kasta Tagta Wufuud aad u culus oo ka kala socota in kabadan 190 Dawladood oo ay hor kacayaan Madaxdoodu, Hogaamiye kaste wuxu codkiisu gaadha halka Quwadiisa Dhaqaale, Aqooneed iyo Ciidan ee Shacabka uu ka yimi iyo Calanka uu Sito ay gaadho, Obamaha hal mar sooma Qaadin gudaha Maraykan markuu jeediyey hadalkiisi aadka loo sugayey, Syria, Iran, Ganacsiga Aduunka, Is-basaaska, iyo Bariga dhexe ayuu carabkisa ku adkeeyey, Rauhani (Madaxweynaha Iran), wuxu wakhtigiisa ku lumiyey inuu Aduunka u sheego inay Iran si nabdoon u rabto Awooda Nuclear, halka Hasan Sheekh uu wakhtigiisa ku qaatay dhibta Soomaaliya inu ku Save gareeya Quluubta Qolayaha Deqaha-bixiya (Dawarsi).
New York City inaad Tagta arin fudud maaha, Inaad 200 oo Madaxweyne u sheegto Siyaasada Qaranka aad katimi waa riyo uu qabo hogaamiye kasta, Waa dareenka ka maqan Shacabka aan ku abtirsado, Hadii Siilaanyo dhagax dhigayey Wadad Burco iyo Ceerigaabo (Suuro-galnimadeeda Shakigu ku jiro), Madaxda Caalamku waxay sidi hal daba la ugu qulqulayeen NYC si ay ugu garnaqsadaan, Taasi waa Waxay ku riyoodaan 3.5 Million ee dagan dhulka S.land "Ictiraaf", Quwada USA maaha Ciidan qudha iyo Diyaaardaha aan cidi wadi (Drones), bal fiiri Luuqada Englishta, Lacagta Aduunka (Dollar), Warbaahinta iyo Madadaalada (Media iyo Hollywood), Caasimada Aduunka NYC, Sirdoonka Caalamka CIA, Aqoonta casriga Havard, Colombia iyo Yale Universities, Dhamaan waxan waa waxa America ka dhigay America (World Superpower), Qayrkiina kor ugaga yimi, Nimaan shaqaysan Shaah ma cabo, Ha sugunSacab Bilaasha Camoow hortaa jireba waayey!
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment