Friday, 4 October 2013

Jawaab: Su'aashii Barkhad Jaamac Xirsi Batuun. (Lataliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Arimaha Dadka-La-takooro


Barkhad waa la taliyaha Madaxweynaha Arimaha Bulshada La-hayb-sooco, Waa Qareen iyo Wariye Madaxbanaan, sidoo kale waa Sheekh intaan aqoon u leeyahay, Waana Wiil dhalin yar oo mudooyinki u danbeeyey u tafa-xaytay Xaq-u-dirirka bulshada La-hayb-sooco, Barkhad Su'aal Nuxurkedu ahaa: Maxaa keenay iyo Sidee looga bixi Kara Deegaan la'aanta Beesha Gabooye... ayuu Muwaadiniinta S.land, gaar ahaan inta Danaysa Arimaha Bulshada kusoo waydiiyey Qormadiisii Oodweyne News and Media, ee Tirsigii 01 Oct 2013, Cinwaankeeduna ahaa "Sababaha keenay Deegaan la'aanta Bulshada Gabooye Haysata".

Barkhad marka laga imaado qormadiisa quruxda badan, ee aqoonta iyo xogta badan ku tuugantahay, wuxu si toosa u abaaray kaalinta Bulshadaasi ku leedahay hanaan socodka nolosha guud tan iy inta Taariikh ahaan la xasuusto, Balse Wuxu aad ugu dheeraday ahmiyada Deegaanku u leeyahay bulshada iyo masiirkeeda nololeed, isagoo barbardhig ku sameeyey kuwa ay jaarka la tahay, Anu si aad iyo aad ayaan aragti ahaan uga gadisanahay, Bulsho kasta waxay ugu baahi badan tahay waa Aqoon iyo hal-abuur fikir cusub ee maaha Deegaan iyo Nasab ama Abtirsiin. Deegaanka, Khayraadka, Siyaasada, iyo Cuudku waa Taageerayaal iyo tabantaabiyayaal awooda garasho ee bulsho kastaa leeday, iskaba dhaafo dhanka kale qaar ayay halaag iyo saboolnimo u horseedan bal eeg Nigeria, Sudan iyo S. Sudan, Congo. dhanka kalana eeg Japan, Singapore iyo Malaysia, Aqoonta ayaa kala hor marisa bulshooyinka Taasna wax ka marag ah Taariikhda Aadamaha Horeyso iyo Danbayso,

Barkhad Arinta ugu muhimsan ee ay tahay inaan garwaaqsanaa waa inaan dagaal adag kula jirno dhaqan abuurmay boqolal sano, dhaqankas oo aan lugo adag ku taagnayn sidaad tibaaxday cidkastaana ka marag furtay, si taas meesha looga saaro waa inaan galna dagaal dheer, waa inaan diirada saarna jiilka cusub sidiii loo midayn lahaa, taas waxa marag kaaga ah Arintii South Africa iyo halgankii 27 sano ee jeelka Nelson Mandela oo maanta ka dhigay quwada Dalalka madaw, Xaquuqdii Madawga America iyo Geesigii M.L. King aakhirkina loo dilay taaso iyana keentay Awooda caalamka ee 53 Gobol ee midoobay, kudarsoo Israel waa awood ay dhashay colaad, cabudhin iyo Dagaal joogta ah, taas oo ay ku noqotay Quwada Caalamka. Marka Barkhad waa inaan xooga saarna Wacyi-galin bulshada guud ahaan iyo Aqoon-raadin Bulshada dhexdeeda, gaar ahaan kuwa Lahayb-sooco. Wa inaan yaqiinsana inteena qalinka u hayb sheegataa inaan Arintani ugub ku ahayn Aduunka guudkiisa, balse ay tahay nolol ay la jaaryihiin Umad badan (Takoor, Cabudhin, Cay iyo Af-lagaado), balse waxa Alle mahadii ah inaan gacan qaad iyo Wax-yeelo raacin sida meela badan oo caalamka, Ugu danbayntii Barkhad Bulshada La-hayb-sooca uba Baahana Deegaan, umana Baahana Kooto ee waxay u baahantahay Aqoon, Dhiiranaan iyo Isku xidhnaan tusta awoodooda Xirfadeed, Siyaasadeed iyo Hal-abuur.

No comments:

Post a Comment