Friday, 11 October 2013

Doodi Xalay iyo Horn Cable Tv, Aqoon-daro Mise Indho-adayg!


Xalay waxaan Horn Cable (oo aan Bahdisa kamid ahay), kala socoday doodi abid ugu xiisaha badnayd ee Aan ka fiirsado, Markii Wariye Abwaan Cali Seenyo isku yeedhay 4 xildhibaan oo lababa dhinac ayaaheen Xil: Waabeeye iyo Bukhaari waxay la jireen Ansixitii iyo Qarashkii laga jaray Goolaha Wakiilada, Halka Xil: Xoog iyo Raytana kasoo jor jeedeen, Wixii ka dhacay cidii nasiibka u heshay way la socotay, balse Muwaadin ahaan iyo Shakhsi ahaan wixii aan ka fahmay aan eego idinka idin dhaafo Tiina, kuna koobnaado Doodi xalay anoon eegayn fikir ahaan sidaan u arko Wadada dhiskeedu muranka dhaliyey ee Muhimka iy Halbawlaha u ah qaranka iyo suura galimadeeda.

Ugu horeyn waxaan Aqoon ahaan Bartay Siyaasada iyo Diploomasiyada, balse ma ihi sharci yaqaan, waxa ii dheer waxaan si dhaw ula socoda Dalka, Warbaahinta (oon ku jiro), iyo Arimaha Siyaasada oon ka faaloodo (Waxaad ka fiirin kartaa Oodweyne News and Media, qormooyin arimaha khuseeya), anoo arimahaaso dhan eegaya ma ihi Nin-raac ama sacab aanu garanayn ujeedadiisa iska tume, balse waxan raba inaan fikirkayga ku saleeya Danta Guud iyo wixi Garasho iyo Garaad isiiyo.

Xalay wixi dhacay waxay ahaayeen Aqoon iyo Aqoon daro, ama Daacad iyo Daba-dhilifnimo, Xildhbaan Rayte iyo Xoog Doodoodu way cadayd, aqoon iyo sharci yaqaanimo ayay ku dhisnayd, waxaanay salka ku haysay "Hal booli ah Nirig-xalaal ah ma dhasho" iyagoo ka duulay in horta la abuuro Haayad Madaxbanaan (ama la soo celiyo tii hore ee Madaxtooyada lahoos geeyey), kadibna sharcigeedii la horkeeno Goolaha Wakiilada, si loo sharciyeeyo, iyado Xalaal ahna la lagu shubto Cashuurta, Qaadhanka iyo wixi Deeqo caalami ah,  Waxa intaa u Dheera waar yaan Cashuurta lagu kordhin Xoolaha iyo Gaadiidka Waawayne aan saarno Qaadka, Sigaarka, Qalabka Isquruxinta, Isgaadhsiinta Etc, Halka Waabeeye iyo Bukhaari u eekaayeen Dhaqankii ku waaqlee iyo Siyaasadaynta Go'aanada Goolaha, Waabeeye iyo Bukhaari waxay xooga saaren inay Shacabka u tusaan Rayte iyo Xoog inay yihiin rag diidan Qaadhaanka iyo Wadada Ceerigaabo, Balse wax Aqoon, Dood iyo Cilmi ah meesha ma soo dhigin, Iskaba dhaafo waxa u dheera af lagaado iyo maamuus la'aan, sida: Reer Ceerigaaboy Maqla, Waa Qurbo joog, Waa bakhayliin diidan $100, Waxbay gocanayaan, Nin ayaa u muuqda Etc. Xaasha Wixi meesha ka dhacay waxay Ahaayeen Shakhsi taageer ama Aqoon daro Haysatay Xubnaha Waabeeye iyo Bukhaari, waxay talo faraha ka haaday markii Rayte u sharaxay Farqiga u dhaxeeya Qodob sharciya iyo mid Qaraar ah, Wax sharci ah oo awood fulineed la socoto iyo wax qaraar ah, Xataa heerka ay maran ayaa kala dheer, 8 Sano Mudane ah hadana fahmi waayey arintaa waa wixi ku dhacay Waabeeye iyo Bukhaari.

No comments:

Post a Comment