Friday, 11 October 2013

Qiimaha Walaasha iyo Samankaa Maanta!



Tiraba Aabahay (AHUN), 12 qof ayuu dhalay, 5 kamidii Gabdho yihiin, 8-kalana Rag yihiin, waliba 3 kamidii Qurbo-joog yihiin, Shaki igagama jiro hadii saddexdaasi Hablo ahaan lahaayeen ama ugu yaran midi ahaan lahayd inaan sida Qayrkay Yurubta marba sawr qurux-badan FB soo dhigi lahaa, ama Sida Raga qaar labada galinba mid Cream gaara madaxa soo marsan lahaa, ...oo anoo xoolihi walaashay iga muuqdan meelaha shaah badan ku cabi laha, Taa waxa iigu daliila Reerkii maanta inan u maqnayd waa reer Ceel-shiidal uqodan yahay oo Jaziirada carbeed dagan, Bishoon dhamaan ayaan dhawr jeer Dahabshiil gaadhi lahaa, dee imanada iyo hablaha lacagta bixiya (Tellers), ayaan agtooda macruuf ka noqon lahaa, Taas waxaa xaqiijiye Awbwaanka iyo Majaajilaystaha Sanadka "Sooraan", ruwaayadiisi Hablaha waxbara iyo Aabo kunkaa siiya, Wixi ka dhacay waad Ila aragteen oo ku noqon maayo.

Wallal maxaad cunta? Meesha amaankeeda ka waran?, Biilku ma kugu filan yahay? maryaha yaa ku maydha? Halkad ku nooshay ya ka hagaajiya? iyo erayo lamida ayaad ka maqlaysa Walaasha, haday wax haysana Bishu ha dhamaato malaahe Waar lacag mahaystee inta DHB ka qaado oo lacagta madhxiso ayay kuu raacinaysa, Cajiib waa saan hoosta ka idhaa Waar heedhe miyaad Barigii Innan uu Doomaha Saarti, Alla nafteeda ku lahaaye, maantaba Fadhigaad ku dhargi lahayde, Hadana waxaan Eega Halista, Halaaga iyo Nugalykooda, Naxariista inoogu jirta, saan idhaa waar Aduun qiimo malee Bagaanad ugu quudhin Tahriib, Isxanbaar iyo Qurbo cidlaa. ma iyada ku dheerba, waar intu Jecaylkeedu soo shaac baxayo, oo kunka kaw ay ka dooranayso amaanada hay, hadana hadaan xaal iyo xaquuqal-iisaan ayaad jiidhay lay lahayn kuwii la doontay ee Raggu aad yar iska kaxaysteen ayaan ku murmi lahaa, balse sunada noloshaa sidaasa oo quruxda iyo haybada ku jirta in Guri, Ubad iyo Reer lagu aamino, oo Atooruhu (Seediga) markuu kaa hor imaado cabaar dhulka iyo hareeraha xamili waayo.

Habluhu mar waa kuwa salaadi inoo kaco, oo iyagoo laga yaabo inay waxbarasho, shaqo ama dano gaara leeday, hadana doorbida inay inaga teena fuuryeelan, marna waa kuwaan ku dilno Dhaqida, Diyaarinta dharkeena, cuntateedana iyo halkan kunool nahay, Marka xigana waa dariiqa aan u marno Dulaca hooyo, marka waxooga laga niyad jabo Xeeladena baahiyeed, mar sadexaadna wa kuwa waxooga si farsamaysan inooga soo qaada kuway u dhaxaan, marna waa Duulka isku keen xidha oo inoogu adeega sidii luuqadii Computer ee SQL, markay intay xiniyuhu inaga bataan luuqada macaani inaga lunto, ugu danbayntii waa kuwa markay inaga ag' ooyaan aan Gidaarka jiidhno oo Xaal iyo Xeerba maskaxdeena ka baxaan, maah maahduna ina abto Nin Naagi Wad, .....! ugu danbayntii ha ilaabi balanti Rasuulka ee korinta hablaha iyo Jacaylkuu u hayey inantiisii Faadumo. Waday oo waday oo Innan Maanta waxaan dhaafsado Waayey Ogaada Nobel Price ayaad leedihiina Duulkoow!

No comments:

Post a Comment