Friday, 4 October 2013

Ma Anigga Siyaasiya Mise Siyaasadda Muhima!



2030 Hadii Alle Inagu Simo Maxay kula tahay inuu Wiilka/Gabadha Reer S.land la qaybsan karaan Qayrkood, Iskaba dhaaf Galbeebka iyo Bariga fog ee caalamkoo, Geeska Africa iyo Dalalka Jaarkeena, Su'aashan Jawaabteedu waxay marag u tahay Umadkasta iyo hogaankeeda, Tusaale ahaan Dalka Malaysia 2020 waxa u arina ah inay Tagaan Hawada Sare oo Dunida hayaanta...y lasoo ogaadan waxa lagu hayo Caalamka kore, Dalka Chine 2030 wuxu dalkiisa ka saaraya Magaca Sabool iyo Faqriga, Awooda Dhaqaalena kala wareego USA, Halka Dalkan Uganda 2040 ay balan u tahay inay ka baxaan Dalalka Liita kuna biiran Qolyaha Dhexe, ugu Danbaynta Ethiopia oo 80 Million hooy u ah waxa 2020 ka go'an helida Bulsho Caafimaad qabta, dhaqaale ahaan, Deegaan ahaan iyo Maskax ahaanba.

Markay halkaa Arin marayso Siyaasadu Waa Nolosha, Noloshuna waa Siyaasad, Siyaasadu waa kala doorashada laba arin kii Khayr iyo Faa'ido badan ugu jirto Bulsho waynta iyo Beesha Magac wadaagta (Distric to National Levels), Waa Kala horeysiinta Danaha Bulshada siday ugu kala faa'ido roon yihiin, In Maraykan 14 Million oo qof galan 10 sanee u danbeeyey kana qaato Dunida Saboolka, China-na Xayiro Dhalida Hal-qof wax ka badan waa Siyaasado Qaran, mid kastana salka ku haysa Odros, Fikir iyo Xisaabtan Fog, Ta badalkeeda in Caruurteeni, Caarkeenii, iyo Caqligeeni u hayaamo Dunida Galbeedka kuna gaadho sikastoo suura gal u ah Waa Siyaasad Xumo iyo Maamul la'aan.

Muwaadin Nooca biyaha aynu subixii cabayno, Tayadooda iyo Tiradooda, Ama Shaqada, Cida loo shaqaynayo, Waxa laga shaqaynayo, Inta loo shaqaynayo iyo Wax la dhaafsanayo, Ama-ba Waxa Labaranayo, Cida Baraysa, halka lagu baranayo iyo Sababta loo baraayo intuba Waa Siyaasado Qaran, Intuba Ogaal iyo Ogaal la'aan waxa Midhaha ubadkeena Mustqablku goosan doonan, intuba waxaa waxa abuuraya Wiilka iyo gabadha 2030, Bulsho iyo Dal wuxu Meel gaadha markuu garanayo sida Qofka Shakhsigaa halku kusocodo iyo Sababta uu u rabo, Bulsho waxay Caafimaad qabta markay Taqaan Xanuunka Bulsho ee Deegaankeeda ka jira, Bulsho waxay meel gaadha markay ku nooshay Bii'o Fayoow dhaqaale ahaan, Fikir ahaan, Caqiido ahaan, Siyaasad ahaan iyo Caafimaad ahaanba, Si tan loo helo waa in Bulshada Qalin laydii Gaadha oo tagtaa Goobaha go'aan wadareedka ina khuseeya lagu gaadhayo, si kaduwan sida kuwa imika ina maamula, Wadani Aragti Fog leh, kaaso Dareen ugu jiro Dadka, Dalka, Diinta iyo Deegaankaba.

No comments:

Post a Comment