Aqoontayda Maxaa Dhufaanay Saaxiib!
Twitter:@mustafebarud04.
Facebook: Barud04@hotmai.com
Horta aan hambalyo u diro kudhawaad 1000 Arday ee dhamaystay
Jaamacadaha Admas iyo Amoud, Intaa kadib,Tan iyo maalintaa ooda ka
baydhay waxaan sitay Buug iyo Qalin, oo xataa hooyaday Sahra Cadeeee,
markay dhibsato waxan oo Ardaynimo ah waxay tidhaa iyadoo dhagaha ugu
ridaysa Hablaha Jaarka "Naa Buuguunba lagu saliday, Wuxu dhigtana
Mooye", marmarna iyadoo Kacsan ayay igu soo tuurta "Waaar Meesha Maxaad
kaqabanaysa Imika", laga soo bilaabo Macalin Quraankii ilaa saacadan
waa ii buug iyo Qalin, hadana kob cagaar le kama soo Durduriyo, Kaligay
maaha ee waa aniga iyo Qayrkay, Afar Eray oo English ah, Shaqo ila
$1000, Gaadhi yar iyo Casarkii koob buna ayay talow aduun nagaga soo
ururtay, cabaar kadibna Fadhi iyo Meher madal lagu kaftamo kadibna sawro
badan lasoo galo, waa dhamaatayba! Dalkuba waa Maan-soor ila Ambasador
Ila Kaah.
Waanu ilawayn inaan kasoo jeedno dalka aan la
aqoosanayn, (hadaa aduunkuba ma yaqaan), dalka aduunka ugu saboolsan,
kuwaso Biyaha Cad Cidhiidhi kaga jiraan, Iska dhaaf nolosha kale oo,
Qabyaalad tahay waxa ugu sareeya ee jaan gooya masiirka ubadka iman
doona inshala, Talada iyo go'aanku hoos yaal Oday iyo shir beeleed,
Muwaadinku yahay ninka Haya Fandhaalka Maalinta, Mucaaridkuna yahay
Ninka Beeshiisu saluugto Saamiga awalba cadaalad darada loo
qaybsaday,Tahriib, Qaad iyo Shaqo la'aani hanti ma guurta u noqotay
kumanaanka nolosha aduun kusoo biiraya, kuwaaso aakhirki ku afmeermay
Sacab lootumo Qarykood (Ciyaaraha), Xeryo-qaxoonti iyo qurbe duleeya, FB
iyo Wakhti dil, Guur dagdag ah iyo Quus nololeed.
Aqoontu
waxay macno daarantahay inay badasho Qofka, Qoyskiisa, Qabiilkiisa,
Deegaankiisa, Gobolkiisa iyo Dalkiisa, Aqoontu waa inay macno kusoo
kordhisa noloshii awoowyadeen, dhankasta sida: Diinta, Dhaqanka,
Ganacsiga, Siyaasada iyo Hab-nololeedka dhamanti, Aqoontu waa inay inagu
hagta dhimimda Afooyinka Wadareed iyo Kobcinta Badhaadhana Mujtamaceed,
(From Individualism into Communism), Laakin waxa aqoontayda dhufanay
waa bulshadayda, markay iga horeysiiyeen Kii cunay xoolohooda, xaday
codadkooda, ka dhistay shacuurtooda guryo u gaara, kadiba waxan noqday
Madi, waxaana iga dhintay hal-abuurkii iyo Wax-wada lahaanshihii
aakhirkiina waxay noqtay Yaaa Nafsi Yaaa Nafsi! Aqoon yahan Camalkaagu
Ha Noo Sheego Aqoontaada!, Aqoon bilaa Isbadala Jahli bilaa dhibaa
dhaama, Waayo waa Xujo kugu soo koradhay uun!
No comments:
Post a Comment