Tuesday, 17 September 2013

Xantoodaan ka Jeclahay Amaantoooda!

Twitter:@mustafebarud04
FB: barud04@hotmail.com.

Dunidan aan maanta noolnahay Xanta iyo Ogaansheheeda waxa lagu bixiyaa lacag badan, Doodaha ugu waawayn ee aduunku waxay salka ku hayaan ogaanshaha Sirta Caalamka (Wiki-leaks and Edward Snowden), ama-ba guud ahaan Wadaaga macluumaadka Xasaasiga ee Dunida aan ku nool nahay, Qolyaha Cirka tagay, dhulkana hoos u galay waa inay Aduunka kale la-wadaagan waxay soo arkeen? waa dood ay qabaan Quruumaha laga tagay sideena oo kale, Shucuubta American-ka iyo Dunida Dawladuhu u adeegan cidii soo dooratay waxay cabasho ka qabaan dhagaysiga Sirtooda iyagaano raali ka ahayn, Halka Madaxdooduna ku tilmaamayso arimo Amaan, Saman iyo Xilli  Dagaalkii noqday Nin iyo Hadhkii, Bal-fiiri Washiton iyo Wixii Xalay ka dhacay, 14 ayaa dhintay markii Xarunta ciidanka bada la weeraray, Washiton gudheeda!

Markan ka imaado dhankaas iyo Xasaasiyada ogaansha sirta, ha hilmaamin Shirkadaha lacagdoonka iyo aduunkay u huraan inay ogaadan waxan jecelnahay (Feedback), si khubarada timaha cad ee fadhida Waxada Cilmi-baadhida iyo IKhtiraaca loogu gudbiyo, si loola jaan qaado Dunida Dookhi iyo Damaciiba Qoraxda lasocodaan (Dagdag), "Wixii Dareen-celin fadlan nogu soo hagaaji, Fikirkuuna waa noo sharaf" eraydan maaha kuwo ciyaar ciyaar ah, waa Sirta Ganacsiga Aduunka Maanta Samsung iyo Apple qaybahooda Suuq-gaynta ayaa dareemi kara macnaha ku duugan Ogaanshaha Xanta suuqa u taal, Bal aniga iyo adigoo miskiina ka waran, cidna aan lacag kusiinayn inay ino sheegan Xanteena?

Guntii, Amaantu dhaqan ahaan Run iy Been-ba way noqotaa, Qofka waxa loo amaani karaa ujeedoyin badan, Dan dhaqaale, Siyaasadeed, Awoodeed, iyo Hungiriba Sacab iyo Amaan waad ku heli karta, Balse Xantu waa Xaqiiq iyo waxa aad tahay oo dhaba,  "Walal Qoraal ayaa lagu saliday, Markay leedahay", iyadoo aniga i sheegaysa Beenteed maaha, Shirkada hebel-a waa shirkad fiican, balse xxxxxxxxxxxxxxx, markaan leeyey Hadaa iskama lihi ee lasoco, "Balse" waa halkay xikmadu ku jirto, inaad ogaato waxa ka danbeeya Amaanta (Xanta) waa Cilmiga qudhee aad kusixi  karto Noloshaada, kuna Gaadhi karto Hadafkaaga, Isku day inaad ogaato Xantaada Qiimaha ay doonto ka hugu fadhidee, Dhankasta iyo Qofkastana ka akhri Boga hoose ee shaksiyadaada iyo waxa kuugu qoran!

No comments:

Post a Comment