Twitter: @Mustafebarud04.
Facebook: Barud04@hotmail.com
Arimaha Jacaylka ma jeceli oo Dacar ayuu igu kiciyaa, Akhristayaashana qaarbaa Xasaasiyad ka qaada, balse Jimcaha galay aan fiirsho mawduucan. Waagan Kampala imi: June 2010 waxa si diiran iigu soo dhaweeyey Saaxiibo qaaliya, yeelkeede Habeenkii labaad ee martinimadayda waxaan arkay arin cajiib igu noqotay: Nuskii danbee habeenka abaaro 2 Habenimo, wakhti aan soo yara baraarugay waxaan maqlay Cod aad moodo idaacadii BBC oo Dhaqaaday (Shuushuush shuushuush), hadii aan dhagta hoos u dhigay nin cusub ayaan ahaaye waxan xaqiiqsaday in Saaxiibkay Telefoon ku hadlayo, Neef wayn ayaan tuuray, Cabsidiina Xiniyo ayaan ka yeeshay, balse waxan ka gam'i waayey dhawr su'aalood: Yuu Xiligan la hadlaya? Sidee Qofkaasi u maqlaya Codkan aan safeexa ahayn? Telefoonku Lacag maahinoo?, Bari Labadan Qof midna Shaqo uma taal miyaa?, Cabaar kadib waan iska gam'ay.
Yaan waxba idinku dheerayne, Habeenkii xigay waa sidii xaalku, balse markuu waagii baryey ayaan Odaygii Saxibkay ahaa ku idhi waar heedhe Horta Habeenkii Miyaad isla hadashaa? ku yeh waayo?, Dee Waxaan oohin iyo hadal u kala garan waayey ayaad Saacadaha danbe lasoo baxdaa, si layaab ka muuqdo ayuu iigu yidhi Inadeer Telefoon ayaan ku hadlaa, Adna inshala waad nagu soo biiri, Yaan lays Habaarin, ayaan ugu hal celiyey, Qosol dheer kadib wuxu iigu bushaareeyey inaan Xerta Habeenkii Shallaadka noqon doono, Balse Su'aalihi ayaan dabada u qabtay, waxa ugu muhimsanaa:Innantan Aad habeenkii u sheekaysa Subixii Arin iyo hawlo ma laha miyaa?, Fahanoo waxaan Cindiga ku hayaa Hableheeni Aroorta hore kici jiray ee Daarada iyo Qolqolka Sidii Dawlada hoose Cagta marin jiray, Gurigana tin iyo cidhib sidii Nin Mirqaansan u jiidhi jiray, ama marmar aad maqli jirtay Hooyo Inanteedi ku le " Bi'i waa Bal xiligay jiifto eega, Alla ka laguu hayaa ayaan daranaa", kadibna iyadoo shaydaan la naaray aad moodo ila gidaarada Dhalaalin jirtay, oo hadaan nahay ina Rag waagu inoo dilaaci jiray Gurigii ood moodo Muraayad camal, Si Yasid iyo fudaydsi ku jiro ayuu igu jawaabay Meeshu waa East Afrika ee waad la qabsan. (Hadal Qormooyin u baahan weeye).
Telfoonku waa Orange (Shirkada adeega Telefonada Bixisa), oo Soomaalidu caan ku tahay, Dadka Badankoodu waa Arday iyo Qaxoonti (Garoo waxa shaqo tagaa kuma jiro ama wuu yaryahay), inkastoo imika waxooga qaaliyoobay sixirkii Telefoonadu (Cost/minute), hadana wali waxaa shaqeeya 10pm ila 8am ku hadal 30 daqiiqo Qiimihii 1 daqiiqo, balse waxa jirtay wakhti uu jiray adeega Pillow Talk (500 boqol/habeenkii), Ama (1000/24), arimahani waxay keeneen in dhalintii Jacayl cidla ka helo, Buugii iyo Noloshiina ka mashquuliyo (Habeenkii Telefoon maalintii qaybta horena hurdo), Aakhirka Bishana Dahabshiil, Ilayn waxaad badsataaba waa ku bariistaaye, Telefoonkii badnaa jacayl badan ayuu keenay, Jacaylkii badnaana Saaqidnimo badan iyo xisaabtan la'aan, Qolyaha Qaadku jiitay waxa nagaga daran Qolyaha Jacayl-Telefoonku naga Ibtileeyey, Alloow noo sahal Maxaa meel na daloosha! Qolo Jacayl-dardaro, qolo shaqo la'aani isha-ka-tuurto, Qolo qaad-Qaniino, Qolyo Qaxoontinimo-quus ka dhigto, Qolo Qarax-quud u noqdo iyo Qolo Siyaasad-ku-qawlaysta.
No comments:
Post a Comment