Tuesday, 24 September 2013

Sidii Aan Ugaandha Ula-qabsady Iyo Xikmada ku Duugan.!

Twitter: @Mustafebarud04.
Facebook: Barud04@hotmail.com

Dunida aan nool nahay maanta waa lama huraan inaad baxdo, ka tagto dhulkaad ku dhalatay kuna barbaartay, kaas oo aad Sida Xoola iska dhaaf wax kaloo aad kala baratay Dhirtiisa iyo Urtooda, taasina waa sababta loo yidhi "No Place Like Home", iyadoo la hubo marmarka qaar inaad haysato nolol ka fiican, ka dagan, kana Xanaano roon ayaad hadana Boholyoow iyo Qalo dareemaysa, Waxa laabtaada  kusoo mir-kacaya Dareenka Ehelkii, Xoolihii, Deegaankii, Tilmaamihii iyo Jaarkii aad la nolol qabsatay, Waxa sida Hilaac Roobka marmar kusoo hor maraya Raxan sawraa kuwaaso mid kastaa sheeko gaara u taagan yahay, waa runtay oo horaa loo yidhi "a picture is worth a thousand words", waa Run, bal indhaha isku yara qabo oo dib u fiiri xasuustada, maxaa Sir iyo Sheeko ku duugan, taaso oo Nuxurkeeda ay kamid yihiin Goobti, Wakhtigii iyo Cidii kugu wehelinaysay oo intuba maanta laga yaabo inay kaa dheeryihiin.

Haday sidaa tahay waa lama huraan inaad barato sida Dal iyo Dad cusub loola qabsado, gaar ahaan xili aan inteena badan Sharci daro ku galno dalal waxkastoon lahayn khilaafsan, haday noqoto Diin, Dhaqan, Dhaqaale, Siyaasad iyo Hab-fikir nololeedba, Inagoo baahidan ka duulayna Muwaadin iyo Saaxiib aan kusoo gudbiyo Tijaabooyinkii aan maray markii Aan Yugaandha Imi iyo Sidii aan ula jaanqaaday, Maaha Tijaabo  mana aha Aragti iyo Fikir, Balse waa Arin Dhacay Shakhsi ahaana Aniga igu dhacday, Taaso guul Idanka Alle ii horseeday.

Ugu horeyn markaad Dal kugu Cusub soo gasho, Baro Dhaqankiisa, Luuqadiisa, iyo Taariikhda Dalka, Waa Hubaal oo maaha arin fudud, Balse Xooga Saar, Gaar ahaan Cunta-da Wadaniga, Luuqada inta Aasaasiga, iyo Taariikhdooda inta ugu muhimsan, Inta badan Xogtan waxa laga Helaa Tv, Wargaysada, iyo Meelaha ay bulsho ahaan ku kulmaan (Community Centers), 6 Bilood ee iigu horeeyey Dalkan waxaan Bartay Luuqada Swahiliga iyo Lugandha, Waxaan Habeenkasta Akhri Jiray 3-da Wargays ee ugu afka dheer, Waxaan Cuni jirtay Cuntada Asalka u ah, Waxaan Sheeko wadaag la ahaa Xer badan oo kala dabaqado ah, kana waraysan jiray Noloshooda, Qabiilooyinkooda iyo Asal madoorshaha ka dhexeeya, Yeelo Yool iyo Ujeedo aad u joogto, waad leeday balse ha noqoto mid Lagula ogyahay, laguu yaqaan, Abuuro Mujtamac awood ku leh dalka, Gaar ahaan dhanka Noloshaada Cusub, Ganacsi ahaan, Aqoon ahaan iyo Xirfad ahaanba, Ha sugin in Albaabku furmo ee Garaac adoo garanaya Jawaabta wa kuma? Isku day inaad laabta usii dayso dalkaa cusub, Markaaso oo qudha ayaad wax ka noqon karta, Hadii kale Systemka ayaad la wareegi intaad kusugan tahay.

No comments:

Post a Comment