Wednesday, 18 September 2013

Hadaad Maalintii Qaniinto, Adna Habeenkii Filo Mid ka-xun!

Twitter: mustafebarud04.
FB: Barud04@hotmail.com

Inta badan Ilbaxnimadu Maaha Nooca Hugeena (Dharka), ama Telefonka iyo Labtopka aan sidano, balse waa Dhaqan wanaaga iyo Macaamilka Bulshada aad la nooshay, Kuwo Shaqo, Waxbarasho, Ganacsi, Maamul iyo Asxaabeedba, Inaad ilaaliso hab dhaqankaasi waa waajib ku saaran, Bal u fiirsho Diinteena suuban iyo Tixgalinta arimahan, Ha-ku Hindhisin Hawada ee adeegso Masar, Ha Qaylin ee hoos u dhig codkaaga, Ha cunin Toon iyo wax Ur-xun kadibna ha aadin goobaha lagu kulmo, gaar ahaan Masaajida, Salaan Dadka waxad garanayso iyo waxaanad garanaynba, Garaac albaabka intaanad galin, Ugu yeedh qofka magaca uu jecelyahay, ha u sheegin Naftaada iyo Bulshada Been, Ha buubunin Sharka, Astur Ceebaha Qayrkaa, Ha Caayin Madaxda iyo Ulul Amriga, Iska jirin Xanta iyo Isku-dirka, ka fogow Shaxaadka iyo wixi shafartaada dilaya, dhamaan arimahani waa ku ilaalinaya Mujtamaca kugu xeeran.

Balse inta badan markay bulsho gasho dagaalo sokeeye, waxa burbura dhankastoo bulshada ah, sida Diinta, Dhaqanka, Dhaqaalaha, Dhulka iyo Wax-guud yaal, Khayraadka iyo Deegaanka, Xoolaha iyo Duur-googta, Bulshaduna waxay yeelata astaamo iyo tilmaamo hor leh, waxa isla qabsan waaya Ilbaxnimadeedi hore iyo wajigeeda cusub, waxa kala luuqad noqda Waawaynkeeda iyo Yaryarkeeda, Aqoon-yahankeeda iyo Caamadeed, Madaxdeeda iyo Shacabkeeda, Aakhirkana waxay ka Baahiyooda Nimcooyinkeeda, waxaanay martidaada Qayrkeed iyadoo liigaysa Hantideedi gaarka ahayd noocaskaba, una nuglaata saamayn kastoo dibadeed, kadibna waxay awrkeeda ku xidhataan nin aan wadi aqoon, Qoomamo iyo Ciil ayaa hanti ma guurta u noqont dhankstoo la eego, sida Tahriib, Is-qarxin, Qabyaalad, Dulmi, Maamul-xumo, Saboolnimo, List goes on.

Muwaadin Ceeb maaha inaad aragto ama maqasho wax dareenkaaga dhiba, gaar ahaan Bulshadaada dhexdeeda, Qariib iyo arin qadan waayana maaha inay adna kaa dhacan, oo aad cid kale dhibto Adin iyo Af-ba, waayo innagu Malaa'ig ma nihin ee Beesha ayaan kamid nahay, Ha Qaylin, Ha Shaxaadin, Ha Dacaayadeen, Ha Caayin, Ha Xaman, Ha Qodqodin ceebtiisa, Ha ku fogayn danbi isaga ka wayn, ha ku sheegin waxaanu raali ka ahayn, Markaasad Nabad galysa, Balse Hadaad Maalintii Qaniinto Adna Habeenkii Filo mid ka xun kana qadhaadh, Aniga Maaha ee waa Illaahay hadalkiisi hadalkani "Nafkasta Waxay Kasbato waa mid helaysa"

No comments:

Post a Comment