Aniga iyo Asxaabta rag kamida gaar ahaan Ilyas Caanteynle, Ahmed Nour Guruje Axmed-Keyse Cali, Abdilahi Caabi iyo AbdulRahman Mohammed waxaan ayaamihii u danbeeyey si kala duwan u eeganay dhibaatooyinka iyo Baylahda nolosha iyo dalka Alle inaga Beeray, Dhamaantayo waxaan isku fikir ka nahay Ceebaha taxan min Qof, Qabiil ila Qaran, kuwaaso ay ka Muuqato Feejignaan yaraanta Shacabkeena iyo Mooganaanta ama Isdhiibka Masuuliintii si Damiir fayoobana ku qaatay Xilka iyo Waajibaadka Ummada, iyo waliba kabaadhida xanuunka haya Fardeheena Dameeraha Deegaanka, Balse dhamaantayo wax yar ayaan eegnay Xalka, Aan Iba furo Doodan Cusub, si arintu miisan u yeelato, loogana dheerado Dhaliishii Siyaasiinteena Kursiga waayey, oo caan ku ah dhaliisa, markay xilka waayaan, ama qolaya loo yaqaan khayr ma arkayaasha (Pessimists), oo Diin ahaan la Reebay.
"Waa loo dhashaaye sideeba layskaga dhigaa Wadani", waxay igu rumooday markaan imi Uganda, waa markaan bartay erayga Muwaadin iyo Qiimihiisa, waana dhibta qudha ee Reer Tolkay (Shacabka) Haysata, Dhamaanteen Waxaan nahay Reero balse Muwaadiniin inaguma jiraan, haday inagu jiraana waa cidiyo guudkood, dhamaanten waxaan daacad u nahay Xeer hoosad laynagu ababiyey, waxaan dadka u sareeya jufadeena, tiro ahaana iyaga u badan, Cadaaladu wa markay haystan, Dulmiguna waa marku iyaga asiibo, Halbeegeena nololeed waa Xaafad iyo Daan ee maaha Qaran iyo Umaddo kale, Siyaasadii Waa dhamaystirka inta badan ee Beelaha ee maahaa Abuurida bulsho hanata dalkeeda, iyo jiil nolosha la dhacsada Xabashida iyo Sawahiliinta ku xeeran, iska dhaaf Indha-yarta iyo qolaya Diirka cadoo.
Hadaba anu waxaan qabaa in Dalku u baahan yahay dib u abuurid, iyo dhib u shaxayn nololeed, dadku waxay u baahan yahiin wuxu Sh. Mustafe ku shegay Formatting and Re-installing,dhamaanteen min waalid ila mawluud waa in dib laynoo bara waxay tahay wadaniyadi, si tan loo helo waa in la helaa hogaan wadaniya, Maya Democracy, balse hogaan Aragti dheere sita Sifo Diineed, Dhaqan, Hal-abuur fikiro hor le, iyo Ruux wadaniyadeed, waa in innaga lagu badala Anniga iy Iyaga, waa in Umada loo abuura Humaaga 2050 tasale, Sida hogaankaas lo helayo waa dood kale, balse dalku uma baahana imika Dhaqaale abuur, Qabyaalad la dirir, Qaad la dagaalan, Ictiraaf iyo Shidaalna iskaba dhaaf, Waxa loo baahan yahay Bini'aadam ku munaasib ah samaynta waxaa aan sheegay, hadii kalse se waa kud ka guur oo jano u guur wax kastoo la sameeya Muwaadin, awood kasto timaadana waxay abuuri dhib hor leh, fiiri Shidaalka iyo sheekooyinka Oodweyne iyo Caynaba si fudud.
Twitter: @Mustafebarud04.
FB: Barudo4@hotmail.com
wixi faala waa soo dhawayn fiican.
No comments:
Post a Comment