Twitter: @Mustafebarud04.
Facebook: Barud04@hotmail.com
Inaan ahay Muwaadin u dhashay S.land, kana soo jeeda Gobolka Maroodi-jeex ayaa kuugu filan Xidhiidhka Dhaqan-dhaqaale iyo midka Bulsho-siyaasadeed ee Naga dhaxeeya Beel-waynta Sacad Muuse oo Shirkoodi "Hoodaale" uga furamay 23-Sept-2013, Degmada Agabar ee Waqooyiga Caasimada hargaysa, Shirkan ayaa lamida kuwii ka horeeyey ee Daallo, Dan iyo Duco, Afgarad , Gar-adag, iyo Barkhadle kuwaaso dhamaantood kusoo gaba-gaboobay Nabad iyo xaalado dagan, Balse aan lasheegi karin wax muuqada oo kasoo baxay, marka laga reebo Gar-adag oo salka loogu soo dhigay Xukuumada imika Jirta ee Kulmiye, laguna soo dhisay Huwanta Galbeedka Hargaysa iyo Bariga-Burco, taaso cagta marisay Xulufadii Boorame iyo Galbeedka Burco (UDUB).
Beesha SM kuma noqonayo Kaalinta ay kaga jirto Bulshada iyo Dalka, Dhankasta ood eegto Siyaasad, Dhaqaale, Fan iyo Aqoonba, Intaas waxa u dheer waa Dhab-libaaxda Xukuumadan wajiyada badan ee Kulmiye, taaso ku fadhida Formula-dii Gar-adag ee Dalka nala qabta, idina Waa idinku markiina, Balse nasiib daro, Heeshiiskii nooca ahaa ayaad mooda inuu faryo bidixi ka baxaayo, taaso ay marag u tahay Dib-udhaca badan ee ku yimi shirka Agabar ee cinwaankiisu ahaa ka tashiga Ayaaha Beesha oon Mudo dheer Geed iskugu iman, kuna kala war qaadan, taa badalkeeda waxa Jabaq iyo Sanqadh Siyaasadeed oo Guracan uga baxday HE. Siilaanyo iyo Kooxdiisa dhalasho ahaan kasoo jeeda Beesha, iyagoo Dareen ka Qaatay Dhaqdhaqaaqa Gedii Qaaxo oo uuu horseed ka yahay Mujaadi Muuse Biixi, ku darsoo Qoraa Boobe, Eng. Max'ed Xaashi Maryo Cas ayay kala furteen Saaxiibkooda Dhaafsaday Wiilka uu adeerka u yahay ee Mudane Xirsi (Wasiirka Madaxtooyada).
Yeelkeeda Anu Ma ihi Musharax Jamaal oo kale, oo Rajo ka Qaba in Xeerkii Awaliism-ka odaydu soo celiyaan intay si fiican u Abtirsadaan, Isagana lagu taageero, se Wuwaadin ahaan dareenka ka qabaa wuxu yahay in Shirka Beeshu noqodo mid xooga saara sidaan u heli lahayn Shacab ahaan Hogaan Suuban oo Shacabka Tabaalaysan Awoodooda iyo Dhaqaalohooda ugu rara Dagal dhaama kan habaaska iyo Boodhka badan, Waxaan dareen fiican Qaatay markaan TV ku arkay Sheekheni waynaa Ee Sh. Almis Yahye oo Aqoontiisi Diiniga iyo Maadiga iskugu jirtay la hortagay Odayda Gadh Casaha u badan ee Awoodaha Siyaasiintu kala jiidanayaan, Muwaadin kasta Wuxuu xaq u leeyey inuu ka qayb qaato talada dalka, Balse Shirarka Noocaasoo kala waxa Haboon inay Dalka iyo Dadka Masalaxadooda lagu eego oo Hogaan Suuban lagu doorto ama lagu Taageero, shacabka kalena loo so bandhigo, si Midhihiisa loo wada cuno Waayo "Umasha-waxau-Dana ayaa Ilmaha-u-Dana"
No comments:
Post a Comment