Monday, 9 September 2013

Ma Ka-aqoon-daraa Mise Waa-ka-Daryeel-xumo Shirkadeheena Waawayn!

Twitter: @mustafebarud04
FB: Barud04@hotmail.com

Waa Aduun oo Nusqaan iyo Dhinaasho laga waayi maayo, Balse wuxuu Galab Daran kuu dhacaa, oo Ceeb iyo Caydh-nimo isku kaa raacan markaad dhankasta saluugto, oo Diintii, Dhaqankii, Siyaasadii, Dhaqaalihi iyo Ganacsigii Xorta ahaaba Isku kabo iladaan, Arinkaaguna Muwaadin ahaan noqdo "Meel Loo Orda ma jirto, Meel loo Carara Ma jirto, Aan Alle ahayn", Waxba yaan taraarine waxaan saluugay Hab-maamuuseedka Shirkadehena waaweyn ku Qaabilaan Macmiishooda Maalin walba usoo xareeya lacagta tirada badan, iyo Khiyaar la'aanta haysata Muwaadiniinta.

Anu kama hadlayo xidhiidh xumaanta dhexdooda, Xadiga iyo Nooca bulshada lagu soo celinayo Faa'idada ka dib, Xaquuqda Aas-aasiga ee Muwaadinka (Shaqaale+Macmiil), Fursadaha Shaqo-abuur iyo Maal gashiga Dalka, oo arimahani waa kuwo Dawladeed, balse waxaan aad u saluugaya Dhaqanka aad moodo "Do it Or Leave It" ee caanka ka ah dunida Shuuciyada, ama Suuqa aan xorta ahayn, Arintani inta badan waxay dhacda marka Macmiilka la tusi waayo Kaalintisa muhimka ah iyo inuu isagu laf-dhabar u yahay Habsi-socodka Shirkada, Macmiilkinu Aamino inaanu haysan cid ka dhicisa Budhcad Ganacsiyeed si bilaa naxariisa uga qaadaysa lacagtiisa yar, bal ila fiiri.


Markii aan Aaday Xarumaha ay ku leeyihiin kala badhka Caasimada Hargaysa, sanadki hore, inkastoo aanan wadan gaadhi, badankoodu ma lahayn meelo gawaadhida ay dhigtaan macaamiisha halka qaarkood ay kala badnaayeen macaamiisha u imanaysay iyo baakinka ay ugu talo galeen, si uu u helo meel aamin ah, loogana fududeeyo inuu dhex wareego magaalada, Marki aan soo galayna gudaha waxaad arkaysaa meherado yar oo leh wax la daawado ama la akhriyo si macmiilku inta adeegga uu sugayo uga faa’iidayso, Wakhtigana uga faa'ideyo, Macaamisho Badnaa Dartoo, hadiiba aad Cabo ama Su'aalo dheerada qabo ma jirto Goob macmiilka loo qoondeeyey in uu ka helo adeegan, Maan maqal Erayadii Soo dhawoow, Mahad sanid, Soo Noqod fiican, oo kasoo baxaya Ii Adeegihii shaqada ii waday, waxaad ku arkaysaa meherado kooban in qofka aad garatid magaciisa iyo shaqada uu hayo (ID, Uniform Etc), si aad u dareento kalsooni, Arimahani oo dhani waxay lidi ku yihiin Daryeelka Macmiilka iyo Muwaadinka Saxib.

No comments:

Post a Comment