Sunday, 1 September 2013

Muxuu Madaxweyne Museveni Ugu Gacan Saydhay Dhunkashada Xaaskiisa.

Madaxweynaha Uganda,  Yuweri Museveni ayaa madal ilyartu isqabatay ku gacan saydhay inuu Dhunkado Xaaskiisa Marwo Janet Museveni wakhti uu ku gudo jiray xuska 40 guuradii Arooskiisa iyo Cusboonaysiinta Cahdigii Isaga iyo Marwadiisa wakhtigi guurkooda, Madashan oo ahayd mid ay la joogeen marti sharaf badan oo ay ku jiraan 27 Ruux oo isuku jira waxay dhaleen iyo waxay sii dhaleen, ayaa waxa sidoo kale fadhiyey Madaxweyne ku xigenka, Afhayenka Baarlamanka iyo Madax badan.
Marka laga imaado in Museveni caan ku yahay Qosolka, Kaftanka iyo Dhaqanka Afrikan ku faanka (Pan-africanism) iyo hogaamiye ku adag dhaqanka diintiisa, hadana dhacdadan waxay noqotay mid xiiso gaara yeelatay, Yeelkeede Museveni ayaa ku tilmaamay Dhaqan aan Afrikanku lahayn in ay is dhunkadaan, iskaba dhaaf dadka hortooda iyo madal sidaaso kale ah, arintan ayaa aad uga qoslisay Wadaadkii (Bishop) kiniisada, Marwadiisa, Ubadkooda iyo Martidii Madasha fadhiday, Museveni oo dhoola cadaynaya aya raaciyey in dhunkashadu ay tahay Dhaqan kaga yimi dadka madaw dhankaas iyo Qaarada Diirka Cad iyo Guumaystihii Reer Yurub.

Arintaas shakhsi ahaan layma diidin oo hadaan ku dhaarto in Awoowgay Aw. Ismaciil Dhunkasho ka dalbaday Ayeyday Kaaha laygu cadaabi maayo, Beenalena ku noqon maayo, oo jiilkaasi Kitaabkay dhunkasho u ogaayeen, arintan wax iiga maraga sheeko aan waa hore maqlay oo nuxurkeedu ahaa "Waar iga Tag dhunkasho layne, Anu ma Kitaab quraanan ahay", taaso laga soo wariyey gabadh soomaaliyeed oo Xaajigeedi afka usoo yuubay, markii ay tidhi maxaa dhacayna, uu ku yidhi Dhunkasho Camal Waaye, Wixii ka raaca ka raacay, Ku dhaqanoow Dhaqankaaga, waa Noloshaadee!

No comments:

Post a Comment