Thursday, 29 March 2012

SAXIBADAY YURUB MA KALA KULMEN WAXAY WADADA DHEER U MAREN!?

Ugu horeyn aan salaan qaaliy u diro guud ahan akhyaartayda meelkastoy Adunka kajoogan, allana uga rajeeyo inuu anogoo caafimad qaba iskugu kaayo keeno Hooyigii lama huranka (S.land).

Mudo haatan laga joogo kudhawad 6 sano ayay ku beegnayd wakhtigii dafacadii uhoreysay ee asxabtayda ahayd u baxen waxan u bixiyey Wadadii Dheerayd ee Nolol Raadinta, wadadaas oo khatarteeda iyo wayeheeda gaarka lahayd.

Wixi intaa kadanbeeyey dariiqasi wuxu u eeka mid furan, Raga iyo Dumarkuna koox koox u maraayey, iyagoo markaas ku go'aan qaadanayey nololshii ku xeernayd iyaga iyo dhalinta facooda, noloshaas oo dhaxalsiiyey go'aanadii Adakaa ee baadi goobka meel ka duwan nolol ahaan meeshu Alle ku beeray!.

Waxa xusid mudan dhaman raga aan saxibka nahay, hadaad la sheekaysato waxay ku siinayeen dareeno isku mida, kuwaas oo garawshiyo ay kaga helayen walidkood iyo dhaman dadka noloshooda qaybta kule, taasina wa ta keentay in qofkasta ku garab istago Arin iyo Adun wuxu ku dheera, isago cidinka ku haya inuu maalinun noloshisa iyo ta dadka ku xeeran wax tari doono.

Iyadoo xaqiiqadasi jirto waxa qudhe lays waydiin karayey waxay ahayd ma jiren wadooyin kale oo loo maro Bartilmamedka (Dalalka Hodankaa), kuwaaso ka khatar yar wadoyinka intooda badani doorbiden, shaki kuma jiro jawaabtu inay Haa tahay, balse arinta u baahan in hoos loo fiiraya waxay tahay, ma la awoodi karay in la maro dariiqoyin ka fudud  kana aminga wacan, waxan filaya  Halkaasi inay tahay halka aan ku kala aragti duwanayn inta badan Saxibaday, oo iyagu aaminsana inay jawabtu tahay Mayo.

Saxibday badankodu  waxay  dareensanayen  inay u baahantay lacag  badan iyo wakhti dheer, taaso anay inta badan u samaxayn duruftay ku jiren, taasna wata keentay in Raga qaar dariqa an sharciga ahayn (Tahrib) u arka ka ugu Munasibsan xaga lacaged iyo wakhtiyedba,

Sikastaba ha ahaate marka laga reebo Ragi Miisanka laha ee Naftooda ku waayey (Alle Ha una Xariste!) Hayaanka Dheer, badankoodi way gaadhen bartilmaameedkoodi, YURUB, duruufkastoy soo mareen waxay ku ilaabeen inay caga dhigeen Ciida Dadyawga dalalka  Saboolki ku Hamiyan inay maruun gaadhan,

Lakin se waxa nasib daraa wali jawaab looma hayo su'aalihi looga soo cararay hantiidi ma guurtada ahayd (Dalki iyo Dadki), su'aalahaso oo sida Qurumaha Rag iyo Dumar badan ka kiciya sacadaha danbe sariiraha iyo guryaha ka quruxda badan kuway ka imaaden, kana qasa inay ku bashalan  adeega nololeed ee u qalma in qof Bani-Aadami ku noolado, Balse wali Saxibaday madaxoda umay sii dayn nolosha cusub, mar hadii qaar kamida dadkay nolosha ugu jeclaayen ku jiran noloshii aragti ahan adkayd balse imika xataa ficil ahaan aanay suuro gal ahayn inay la jaan qaadan.

Anoo jecel inay su'aasha ciwanka udhaafo Akhyaarta aan adka u jecelay, hadana waxa biyo kama dhibcaana in noloshu wali sida mawjadaha su'aalo soo tuurayso, qofkastana looga bahan yahay dhabar adayga, hawlkarnimo iyo hadaf nololeed, si maruun loo helo xasilooni lahubo inan lagu waarayn.

Saxibkin Adka idin Jecel
Barud
Uganda, Kampala

Tuesday, 27 March 2012

Murayad Wayn, Shalmad Garbaha ka Rogan iyo Xuquuq La Raadinayo!

Shalay 26 March, waxa Hotel Imperial ee magalada Entebbe, Uganda, lagu soo gaba gabeeyey shirkii ururada aan dawliga ahayn uga socday mudo laba cisha. Ururada bulshada, Hayadaha Dalka, Xarumaha Haweenka, iyo qaybaha kale e bulshada ayaa laga soo kala xulay ergo ka badanayd 100, oo ka kala socotay dhaman deeganada Putland, Galmud, Juboyinka, Shabeloyinka, Baay, Bakol iyo Banadir.


 Anu waxan nasib u yeeshay inan goobta gaadho dhamadki munasibada, si aan uso tabiyo shirkaas muhimka, ee lagaga arinsanayey sida loosoo xulayo 30% ay haweenku ku leeyin gudida Goolaha Sharci dajinta cusub, eey yeelan doonto Dawlada lagu wado in lasoo dhiso bisha August, 2012, hadi Alle idmo, taso lagu ansixiyey shirkii Garowe 2.


Intaanad guda galin hawlihi shaqo waxan madasha kula kulmay wax ila muuqday mid kamida arimaha xalka u bahan guud ahan Gayiga Somaliyeed, arintas oo ah, Dumar da’doodu u dhaxayso 35-50 jir, hilib ahaan shilis, labis ahaan qurxoon, kuna labisan duruc wawayn, shalmado qurxon, Masaro midabyo  badan, shalamadu usartantay  garbaha, degta ku sita shandado wawayn, fooda ama indhaha murayad madaw ku kusita,  dhago, shuliyo, iyo fargalo waawayn oo isku nooca ama is shabaha ku laafyoonaya, Faylal iyo qaliman gacmaha ugu jiran, o cirka eegaya, xaladooduna kacsantay.


Inta kuma eege sacab, qosol, mushxarad iyo haasawe madashu xidhantay, gadaalna ay dhex boodayan dhawr ajanib iskugu jira cadan iyo madaw, kuna hadlaya luqada Englishta, dhaman dumarkani waxay dagal ugu jiran inay soo dhacsadan wax loogu sheegay xaq raga Somaliyed ka dhacsadeen, waxay ku hadaqayan Dumarku bulshada iyaga badbaadiyey 20 sano ee burburka, Dumarku waa Dugsiga bulshada hadan la ixtiramin waxba qabsomi mayan, Dumarku Mujtamaca Somaliyed iyaga u badan, wa in lasiya Xaquuqdooda Dasturiga, iyo erayo badan oo kale, basle waxa nasib dara Hooyoyinkani waxan ay leeyin inyar aya fahmaysa, inta fahmaysana waxay u hor bodayan inay helan waxa loogu sheegay xuquuqda Carurtoda Abayashod dhacen.


Hadan idinka idin dhafo  qalad iyo sax waxay ku sugan yiin, oon idin soo qato 2 Tusale, waxan madasha kula kulmay laba gabadhood oo dhalin yaro aha, midi waxay ka timi dalka Somali, balse madaxeedu wuu buxay, waxay ad ula dhacsanayd inay kamid tahay waftigan, waxay ku labisnayd murayad cad, shandad, haf iyo shadh, shalmad cagaran, gacanta waxay ku haystay buug, hadi an salamay si hose ay layga qaday, kama hadhin waxan damacay ina darenkeda helo, deed waxan bilabay su’alo inan waydiyo. Lakin nasib daro dhagahan an lahadlaya wa dhago aad iga dalacan, wa dhago ii arka wiil Somaliyed, oo Camerad iska soo qatay una bahan in wax badan la baro, ama mid kamida raga la yidhi iska eega ee dagaalku ka dhexeeyo, halka ii fadhi Faraweey!


Inanta kale waxay ahayd inan kudhalatay kuna barbaartay dalka Canada, Gar ahan Ontario, madax uma sarnayn wax masari, balse jidhkedu sida kale wa asturna, hadan is idhi la hadal waxan daremay inu afka Hoyo ku adag yahay, da ahaan wa 24-26 jir, hadan waxogagi Englishta ahayd isku hagajistay, akhirki is fahanay, waxay ahayd inan Caqli badan, balse dhibtedu waxay ahayd siday udhalatay mahelin wax si tosa wax ugu shega, ma darensana culayska masar la’aanta, Afsomali darada, balse waxay mujisay bahi ay u qabto inay isbadal keentay, Thanx walashay, walidkeed aya inbadan khaladka iska le.


Ugu danbayntii dhibta ina haysta waxa kamida dumarkeena fursada u helay inay la sheekaystan raga aan Diin ahan iyo Dhaqan ahan lawadagin, kadibna inoo arka inan inagu qaldanay ama iyaga cadaw ku nahay, balse waxan ku dhaafaya Xadiskii suubanaha: Qofki Gala waxan Shaqadisa Ahayn Wuxu kala Kulma Waxaan Raali Galin, Ama Siduu Rasuulku Yidhi!

Mustafe Baroud Abdi
Makerere University
Masters Internaitonal Relations and Political Science
Kampala Uganda.


Sunday, 25 March 2012

Dhalinta Manta Xaalkodu wa laba Daran mid Dooro!

Qormadan kuma eegayo sababihi burburka Dawladi Somalia, khaladaadkii SNM iyo go’aanki gooni isu taaga Somaliland, balse waxan diirada ku saarya nolosha dhalintii wakhtiga hana qaaday iyo xaladoda nololeed siday isku badbadalaysay, gaar ahaan kuwa nasiibka u helay inay ku nooladan deeganka S.Land.

Laga so bilaabo burburki maamulki Kacaanka 1992, ee u gadhwadeenka ka ahaa Alle ha u naxariste Marxum Maxamed Siyad Barre, xaalada wixi laysku odhan jiray Qaranka Somaliyeed wuxu yeeshay wajiyo badan, isagoo astaan u noqday dhamaan tusaalayasha xunxun ee qaran dumay loo soo qaato, balse arinta Somaliland waxay kaga badbaday nabad ay dhaliyeen dadka u dhashay deeganadas.


Laga soo bilaabo dhalashadii Qaranka (1991) aan wali garawshaha ka helin beesha caalamka, lana garanyn wakhtigu heli doono, waxay xaalada dhalintu ahayd mid kala dhaxlaysa nolol midba midka kale ka adagtay, gaar ahaan xero qaxonti, dagal sokeeye, kacdon siyasadeed, hanan maamul xumo, waxbarasho liidata iyo shaqo la’aan baahsan.


Arimahan is huwaday waxay dhalinta dhaxalsiiyen Balwado kala duwan, Tahriib, Jahli bahsan, Qabyaalad Xun, Xagjirnimo (dined, dhaqan iyo akhlaaqeed), Quus nololed iyo Guur dagdag ah ( Guurka wakhtiga an munisbka ahayn).


Iyadoo hatan laga joogo kudhwad 22 sano wakhti lagu dhawaqay lagasoo noqoshada dawladnimadii lixdanki lalumiyey, dalkuna kala dhaxlay dawlado kala duwan, ma jiro hogaan qudha oo ila imika si toosa u abaaray mashaakilka dhalinta, sido kala ila Imika ma hayno siyaasinta madax banan mid qudhoo carababay himiladiisa wax qabad ee ku aadan dhalinta xaalkodu u eegyahay: Ceelna idinma Qodna, Ceelalyano idinma Maqna. Arintan samaynteedu muuqato waxay dalka iyo qarankaba dhaxalsiinaysa mashaakil wawayn oo mustaqbal, iyadoo laga duulayo in jiilka maants noqon doono hogaankii bari.


Waxa xusid mudan waxa qudhee ila imika qarankena lagu qiyaaso 3.5Million oo qof, kuna nool dhulka cabirkiisu kudhawyey 14000km2, ay tahay nabad ku taagan muduc caaradii, nabadaas waxa  si toosa khatar ugu haya marka laga imaado khataraha dibada, shaqa la’aanta baahsan ee haysta ardayda  kasoo baxaysa jamacada dalka iyo dibada sanadkasta, arintaso hadan si dhakhsa loo wajihin ay ka dhalan doonan masibo qaran.


Si dhibtan xal loogu helo waa in la hela qaar kamida dhawrkan arimod:



1-   Siyaasad midaysan oo kuwajahan dhalinta iyo abaabul kasaarka wakhtiga adag, shaqo aburid, dhaqan celin, waxbarasho taysan, xirfado nololed iyo ciyaro kala duwan

2-   Waa in dhalintu midaysa muruqeeda, maalkeeda iyo maskaxdeeda si ay u doortan hoganki noloshoda fahmi laha, furfurina lahaa xaladooda cakiran.

3-   Hayadaha, ururada iyo dhaman xubnaha ku lug le hawlaha dhalintu wa inay hir galiyan barnamij wacyi galineed, taaso ujeedadisu tahay la walalaysinta dhalinyarada deegankaas qalafsan een soo sheegnay, si loohelo xal ay iyagu aburan ugana baxan dhibtas

4-   Dhaman gobaha waxbarasho ee dalku wa inay aburan ama hir galiyan hanan dhalinta u suura galinaya isu filansho wakhtiga dhaw, iyagoo ku taba baraya waxa loo yaqan (Entrepreneurship), taso ah in qofku noloshisa eniger ka noqdo.


Gunanadkii hadan la helin qorshe iyo xal wax loogu qabanayo dhalinta maanta waxay xaajo ku danbayntoona afkala qaad, tiiranyo  iyo qomaamo daba dheerata, dhalintu waa inanay sugin  cidkale ee iyadu gacantooda ku ciil baxan!!


Mustafe Baroud Abdi
Makerere University
Masters Internaitonal Relations and Political Science
Kampala Uganda.


Friday, 23 March 2012

SONYO DALAD BILAA ILKAA, MISE KALUUN BADWAYN GALAY?


 Dalada heer qaran ee SONYO waa goobta qudhe tilmaamsatay inay matasho dhalinyarada  qaranka, arintas suura galnimadeeda waxa laga yaaba inay  dhaliso dood, balse horta aan isla qaadano erayo gaara, iskuna dayo inan idin qexo waxan uga jeedo si an doodu uga bixin ujeedadeena guud: wax toosin.

Dhalinyaro  hadan kasoo qaadno inay daladu uga jeedo inta u dhaxaysa (20-35 sano), oo ah intay u dhaxeyan xubnaha gacanta ku haya mamulkedu, iyo dhaqan ahana inta ugu macqulsan in lagu tilmamo dalkena dhalinyar,  iyadoo Qaramada midowabay  u taqan inta u dhaxaysa (15-24 sano), dhanka kalena heer qarana loola jeedo inta u dhaxaysa xududa dhuleed ee dalkeenu leeyey, shaki kuma jiro inay taasi la macno tahay inay daladu xidhantay shaadh ka wayn, dushana u ridatay waxay inta badan dawladaha calamku ku guuldaraysten inay qabtan.
Bal hadaba si aan fahankena u soo dhawayno aan eegno awooda iyo kartida dalada SONYO, si aan u barbar dhigno shaqada laga rabo ama ay masuul iskaga dhigtay inay fuliso, Dhanka taarikhda SONYO waxa dhidibada loo taagay mudo hatan laga joogo 9 sano, wakhtigas oo koox dhalinyari hal aburen fikirkan, wuxu ahaa guul, tarikhdana xusi donta, balse imika dhamantod dalada dibada ka jogan iyagoo shaqooyin ad u lacag badan ka haya dalka, taaso kusiinaysa dareen ah inay salaan u ahayd Daladu, hase yeshe waxa wali si toosa u muuqato awoodohooda dahsoon ee ay ku maamulan mareegta iyago dibda ka jooga ama xafisyadooda gaarka fadhiya, taasoy u suura galinayso hananka ay u dhisen dalada ugu horeynti.

Hadan dib u yara micilsano SONYO ujeedoyinkeda, himiladeeda iyo waxay u jirto ama erayada inta badan aad ka maqlayso dhalinta kuxidhan ururada aan dawliga ahayn (Mission, Vission and Objectives), waxad markaba is waydinaysa suura galnimada adoo ugu danbaynti ku dhafaya inay tahay riyo, iyo wax kafog waqica. Ugu horeyn SONYO waa urur aan dawli ahayn, siyasadana aan lug buuran ku lahayn, Golaha Sarena ugu awood badanyahay, isagoon sida loo soo doorta anay u cadayn inta badan dadka ay daladu matasho (dhalinyarta) balse laga dhex dorto golaha guud labadi sanaba mar, hawleheda shaqo waxa fuliya Agasime dibada laga so qorto, isago gacan wayn ka hela Gudomiye u eeg xubin sharafed, balse aanay si tosa u cadayn shaqadisu, Gudomiye xigen iyo Khasnaji Guud. Iyadoo sadexdaba laga so dhex doorto golaha guud, oo mideeya ruru xafadeedyada xubnaha ka ah Mareegta.

SONYO maha urur le ilo dhaqale, ama tagero buran ka helo beesha u matalo (dhalinyarta), mana ah urur ay si gara u maal galinaya daneyeyal gari, sida ganacsato iyo wixi lamidi, arintan macneheedu waxa weeye waa urur ku taagan deeqaha ama waxa afka qalad lagu yidha (Project Feeding Isnstutition), kaaso inta badan qorta codsi, isagoo hadba yoolkisa u eegaysinaya cida uu wax ka rabo, taaso si wayn majaraha uga lumisa mareegta, kana hababisa kala horeysinta baahiyaha besha ay matasho (dhalinta)
Hadii xaalku sidaa yahay, daladu ma yeelan karto qorshe waxqabad oo fog kuna dhisan cilmi badhid waqiciya, dhawrkan sababood dartod:

1-   daladu male ilko ay wax ku qaniinto, taa  macneheedu waa, qorshehedu wuxu daba socoda cida wax siinaysa, miskin dookh ma le.

2-   Daladu uma dhisna qaab xaqiiqda ka turjumaya, dhaman dhinacakstood ka eegto waxa ka muuqda qabyo, sida dhan aqooned, dhaqaale iyo xirfadeedba, taaso ku mujinaysa kala foganshaha magaca iyo nuxurka mareegta.

3-   Daladu wali uma eeka inay garwaqsatay awoodeeda dabiciga iyo ta besha ay matasho, inago ka duulayna shirki u danbeeyey ee Borame, oo lagu soo gaba gabeeyey wax u eega baaq balse ay u dhigeen go’aamo, sababto ah mujirin hal qodob oo ay lasocotay cida fulinaysa, gorta lafulinayo, halka laga fulinayo iyo hadi la fulinwayo waxa badalaya.

4-   Dalada waxa xubneheeda kamida laba urur oo midna sanad xisabeedki xidho ($25,000-50,000), halka mid kalena awodi wayo inu bixiyo kirada hal qol ($50-100), iyago kan hore si an sax ahayn uga fa’idaysanayo magaca maregta ama u isticmalyo xirfad iyo aqon anu lahayn kan kale.

5-   Daladu wali may hir galin hanan saxa ooy warka saxa kusiinayso xubnaha ay matasho taso keentay kala duwanansha fikir ama khilafka jiritan ee Dalada iyo sheegashadeed heer Qaran.

6-   Daladu wali may suuro galin hanan wax wada qabsi o dhex mara Maregta iyo dhalinta qaranka, ama Maregaha kale ee kajira dalka.

Ugu danbaynti inagoon dafirsanayn hawsha wayn eey fuliyen maamuladi kala danbeeyey, duruufta adag eey ku dhex shaqaynayso daladu, iyo heerka aqoneed ama wayo aragnimo ee dhalinta qaranka guud ahan, hadana waxan doodi ka taagnayn in wax badan qaldan yihiin, hadaba si lo helo ama uguyaran loo jiheyo awooda jiilka cusub wa in la hela dhawrkan arimod:

1-   Waa in la hir galiyaa dib u qabayn xoog le, iyadoo xubnaha dalada laga badalyo dhalinyarada ururada le,  lagana dhigayo dhalinyarada qaranka,

2-   Waa in la hir galiya qorshe hawlaha shaqo laga soo bilaabayo xaga hoose (bottom-top), iyadoo la midha midhaysano mashakilka dhalinta ama la abuurayo waaxo awood badan oo la tacamula mashakilka kala duwan ee dhalinta, midkastana leday mamulkeda madaxa banan

3-   Waa in la hir galiye qorshe maaliyadeed fadhiya (fixed financing strategy), taso hor seeda isku filnasho, si xalku u noqdo biyo sacabadada lagaga dharga

4-   Waa in kor loo qaada ku lug lahaanshaha arimaha siyaasada, madamo dhaman arimaha dhalintu yihiin arimo siyasiya, xisibiyada dalkana lagu kala tagero siday ukala bursinaya dhalinta.

5-   Waa in la hir galiya waxa afka qalad lagu yidha (youth-think-tank), arintan oo macnehedu yahay golaha fikirka iyo cilmi badhida dhalinta, si loo hel fikiro cafimad qaba oo kaso fula besha ay matsho daladu.

6-   Ugu danbaynti wa in si heer qaran looga dooda arimaha qorsha dhalinta, iyadoo la soo xulayo dadka u ehelkaa, lana sameeya hab xisaabeed cad, kaso si dhib yar u heli karan dhalinta qaranku.
wixii dhaliila ama saxida aad iyo aad ayan usoo dhawaynaya, sido kale wixi meel ka dhac ku jira qoralkaygan sidu dono ha u dhace raali galin buxdan ka ibxinaya.

 Mustafe Baroud Abdi
Makerere University
Masters Internaitonal Relations and Diplomacy
Kampala Uganda.




Wednesday, 21 March 2012

Sidee u Sixi Kara Hadaan Qorshahaygi Ka baxay!

Waxa aynu ku jirna ayamihii u danbeeyey ee bisha March (bisha sadexad e sanadka), waxa tagay afar marka loo qaybiyo sanadka meel ahaan, waa hubal in ayamaha iyo habenadu si xawliya ku soconaya, iyago qofkasta u ururinaya wuxu u dhiibto, si fudud waxan odhan karnaa waaa sanduuq xisabeedka qofkasta ku leeyey aduunka.

Inagoo wada yaqiinsan wakhtiga iyo qiimihiisa, bal aan manta maqaal keenan ku eegno sawrka ay sadexdaa bilood kaasin karaan qorshe sanadeedkii aad dajisatay ama madaxaba ku haysatay inaad gaadho sanadka 2012 dhamaadkisa, hadii alle idmo.

Inta badan waxa qorani waa wax ku dhisan go’aan iyo calool adgay, qofkasta la gaadhay naftiisa marku qorayo, taas ayaan  inta badan dhamanten uga habarna inan qorno waxan rabno, inago ka baqanayna inan hadhaw ku fashilano, waana sababta ugu wayn ee keenta guul darada, waayo: Hadad ku guldaraysato inad wax qorshaysato waxad qorshaysatay inad guul daraysato!

Hadaan hoos ugu dhacno qoraalka, kana soo qaadno inad meel dhigatay inaad noqoto qofka ugu fican goobta aad ka shaqayso, ama aad kaydiso 20% musharkaaga si ad sanadka dhamadkisa u hesho qiimo go’an, bal dib u fiiri waxa kuu qabsoomay, waayo Qiimayntu waxay ka muhimsantay Qorshaynta, waxa aan laqiimayna waa wax aan jirin ama markii hore kudhisna lablakac iyo qiiro.

Tusaale 1. Haduu ahaa qorshahagu inad noqoto qofka ugu wacan goobtad ka shaqayso, kolay waxad go’aansatay inad shaqayso in kadabadan shaqada ay qabtan dadka caadiga ama qabato shaqo ka baxsan taada, bal naftaada way  dii maxa inti ku qabsoomay,  ila bilawgii sanadka  intee ayad fulisay, maxad haysa jawaab celin, tusale maamulaha ama raga kula shaqeeya maka heshay xan ama erayo kutusaya inad hore u socoto, ma jiran wax aad dareemayso oo ku tusaya inad hore u socoto.

Hadii dhaman su’aalahan jawaabtoodu tahay Maya ama ma garanayo fadlan dib ugu noqo qorshiihi intaa sugi lahayd guul darada, isku day inaad si kale u dhigto, adoo adeegsanayo erayo kale, ama qorshe hawleed cusub, adoo ku dadaalaya inad qorto hadaanu qornayn, meel muuqatana sudhato sida sarirtada dusheeda ama gidaarka xafiiskaga.

Tusalahal 2. Hadi qorshahagu ahaa inad tiro cayiman meel dhigto mushaharkaga (50 kun o shilling bishi), ma dhigtay labadii bilood ee hore, tana diyaar ma kaa tahay, hadaanad dhigin wayo, hadii ay jiran arimo wawayn oo kaa baajiyey, ma dajisay qorshe kabitaan, ood kusoo kabto lacagtaa aanad dhigin, iyo mid kale ood kaga hor tagto arimaha noocasa ama aad ku yaraynayso saamayntooda,  adoo madaxa ku haya in qorshuhu yahay wax u haaban sixid iyo toosin joogta.

Ugu danbayntii saaxib  ogoow ma sina waxa qoran iyo waxa aan qornayn, waxa qoran ee meel cad kuugu yaal ama dad badani kula og yiin iyo waxa qoran balse shanadada kugu jira, si aad u gaadho qorshahaga sanadka, tallo sarashada alle kadib, waxad u bahantay inad:

1-   Marka hore dajiyo qorshe macquula, ado ka talo galinaya dadka samaynta toosa ku le qorshaha, sida xaaska, saxibka dhaw, mamulaha shaqada, macalinta iyo Etc

2-    Inaad samayso wakhti xisaabtineed, inta badan waxa la raacaa  sanadki 3 ama 4 goor in dib loo eego, balse hadii ay tahay markii kuug horeysay isku day inad ka yaraso, oo bishiiba mar dib u saxid ku samayso

3-    Hadii aad bilaha hore isku aragto firfircooni isku day inad qabato waxad qaban karto wayo dabeecadeena waxa kamida niyad jab iyo cajis, markaa wa hubal in bilaha dabe dib u dhaca  imanayo.

4-   Hir gali xeer ciqabeed iyo mid abaal marineed ku gara, adoo markad wax kamida qorshahaga gaadhaba mahad naqa alle kadib naftaada u abaal gudaya, sida inad habenka casho wacan cunto, qof ad isku dhertin so boqato, hadyad u gayso, hadad rer ledayina xaaska habenka si gara u egto. iyo inad nafta ciqabi karto markay seegto wixi ad rabtay, ado habenka bila casho ku sexanaya ama qabanaya shaqo aan ku qalmin.



Ugu danbayntii hadad rabto inad meel gaadho waa inad lahaata qorshe cad, adoo isku daya inad ku wargaliso dadka noloshaad ku xeeran, kuna qoraya far wawayn, kadibna ku dhajinaya meel ad si fudud uga arki karto dhawr jeer maalinti.
Aragtidaadu wa muhim, wixii faala ku qor xaga hoose fadlan!

Sunday, 18 March 2012

Anu waxan Raba In Shaqdayda Si Fican laygu Qabto, Nagu Haleee!!

Waxay ahayd dhamadkii semesterkii kowad ee sanad dugisyeedkii 2011/2012, wax layga rabay lacagtii semisterka oo ahayd lacag ad u badan marka loo eego awoodayda dhaqaale, waxay igu qaadatay wakhti badan iyo dadaal dheer inaan lacagta raadiyo, balse intii aan ku jiray hawsha lacagta Semister waxan la kulmay arimo badan.

Arinta ugu mihisan ee manta maqaalkan ku eegaya watii nadhex martay aniga iyo Bosskayga Aamin Hirsi, Aamin waa gabadh maal qabeena, kana mida 10 qof ee ugu lacagta badan dalka Uganda, waa mulkiilaha Oasis shopping Mall(goobtan ka shaqeeyo), Labnun Courts (guryo qaaliya o la dago), iyo Kingstone Enterprises( shirkad ku lug le qalabka dhismaha), waa gabadh aan safadin, nololna ka taqaan danteda iyo ta ganac sigeeda,

Sikata ha ahaate manta aniga iyo Xaajiyad (Aamini) waa is huranay, waa in loo tago, loona sheega qadarka lacagta layga rabo, si ay u bixiso wixi ay ku dari karto, lakin arinta xusida mudani waxay tahay Amini maha qof gacan adag, balse waa qof ad iyo ad u mashquula, oo sidalagu hela adagtay, hadii la helana sida farinta logu dhameeya aay culus, wayo waxa suro gala hal Tellophone ooy hesho inu badalo dhaman dareenkeeda, xaladeedana ka dhigo mid kacsan.

Waxba yank u dherana, waa inan Amina arka, una sheega inan arday ahayd, wan ogay inay i way diintoodo su’aalo ay kamid yihiin sidan iskugu dhex wado shaqadeeda adage e sacadaha badan iyo waxbarashada, wayo Amini inta badan ma jecla in qof ardayii u shaqeyo, ana waa  inan ka jawaba si aan u helo lacagta,

Nasib wanaag waxan Amina la kulmay goor galaba, iyadoo ku sugan goobtan ka shaqo galo, Oasis, waxa xusid mudan, markani maha markii u horeysay een Amina ula tago arin, balse balawgii sanadka ayay ahayd markan ula tagay codsi ahaa inay isiiso shaqo kale oon ahayn tan aan hayo,  iyado wakhtiga ishegtay inanay hayn mel banan, balse arintasi waxay si fican isku bartay aniga iyo Amina, iyadoo si kaftana iigu tidhi mudo kadib,Ma ninkii Manager nimada Rabaa!!

sikaste ha ahate, kulankan wuxu noogu bilabmay si dagan, kadib markay canan iyo qaylo dhamaysay, waa dabacadeedo lama yabine, waxan u bilaabay inan u waramo, intaanan dhamayn, basle u dhiibay warqadi ogolanshaha jamacada, Amini waxay ila boobtay Su’aalahan filayey, Goormad wax barata? Xilimaad shaqadada Gasha? Sidaad isugu dhex wada? Side ayad ado habeno dhan so jeeda wax u dhigan karta Malinti? Waxba iima qababati soo maha? Waan idinka Fiirsanaya, markay is raacisay, ayan fursad ka helay an ugu shego sidan isku dhex wado.

Amina walal waxan waxbarta kalinka danbe, habenkina wan shaqeeya, subixina wan seexda, intaanan dhamayn ayay igu soo dhex tuurtay imika maxan kuqabta, intaa dhoosha ka qoslay ayaan idhi, waxan raba in lacagta laysi amahiyo kadibana bilba wax lagya gooyo, si aan lacagta jamacada iskaga bixiyo, intay Cabaar amustay ayay tidhi waxba ku amaahin maye intaa qaado, oo waxad soo kala go’aansata inad shaqaysato iyo inad wax barato!!!

Intuu madaxu I booday ayaan hoosta ka idhi o waxagu ma hooyo ku ogbaa, cabaar hadii ay I sugaysay, waxan go’aan ku gaadhay inan runta u sheego, deed waxaan ku idhi ‘ horta hadan shaqada ka dago waxbarasho ii socon mayso, haday sida tahay waxbarashada faraha ka qaadaya, Maya Maya, waxbarashada iska wado ayay igu jawaabtay, waxan idhi Inader waa inad mid ogaata sababta aan wax ubaranaya waa shaqada darted, hadan shaqada faraha ka qaado waxbarasho suura gal maha, wayo iyadan wax iska bixiya, marka wa inan shaqada faraha ka qaada, Hadaan cabaar Is eegnay, waxay igu jawaabtay war waxan raba in shaqadayda si fican laygu qabto, DEE nagu hale anaga, intaan idhi, ayaan hooos hoos reeefas ugu baxay, deedna hos u idhi Inader waad mahad santay,

Anoo waxogagi jeebada danbe kusita, timihiina sidii jareerta istaagen ayaan idhi allow xoolaha kuu barakee, anagana waxan dhiganayno nagu anfac, runtii wuxu ahaa kulan cajiib, waliba ha ilaabin khatarta iyo guushu waa mataano wada dhashee. go'aankan watay wuxu aha inan u badheedh hadi xata ay leday shaqadayda iga tag!!!


Wednesday, 14 March 2012

Waar Diinigu kaad mooday maha, EE Wa Reer Diini kale.

Markii u horeysay een dalka dibada uga baxo waxay ahayd 2008 aakhirkisi, wakhtigasoon hawlo Cafimad u raacay Hooyo, mudo laba bilood ku dhaw ayan kuso qadatay Casimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, Safarkasi oo wayo aragnimadisa laha, waxan si gaara qormadan ugu dul istagaya aniga iyo inanti Reer Diini sheekadi na dhex martay.

Goor galab dhac ku dhaw ayan soo baxnay aniga iyo nin aan saxib nahay, imikana kamida Masuliyinta Dalada Dhalinyarada SONYO, Saxibkay wuxu isna meesha wakhtigas u joogay hawlo dhoof, isago rajo ka qabay inu ubaxo dalalka Europeta galbeed, Saxibkay wuxu aha nin ad u xarago badan, balse galabtas amba dabyar maan shidayn, wuxu sido kale aha nin iga dad iyo dal yaqansan!

Waxan baashalkii iska wadanaba, waxa si kadisa nooga soo hor baxay laba hablood, Labada hablood mid ayaa aad u qurux badan, tii ayan xaged isku barbarinay, anagod modo inan lenay war de naga dhaf, ilayn nin iyo naag qurux badan malin wada dhashe, Cabaar hadi sheeko socotay, si talan taaliyana hasawaha loo waday, waxa dhagahayga kusoo dhacday eray si gaara dareenkayga usoo jiitay, Reer Diini!

Sida runta imika ma xasuusto waxa eraygan madasha keenay, balse aniga waxa macno gaara ii sameeyey Erayga laftisa, Waxan ahay Reer Diini ayay inantii mar kalay kor ugu dhawaqday, wan farxay, oon kala batay, saa intan ishayn kari waayey kor udhi, walal ma New Hargaysa ayad Deganan jirten?, halka markay xajo marayso ayan gartay inan Tuushka roorayo, New Hargaysi wa xage?, maye walal Malaysia, ayaan jawab ku helay, Yaaaa!, intaan idhi ayan hareera eegay, sidi nin qomameeyey hadalki kaso baxay, oo New Hargaysa garan maysid imika? ayaan ku xigsiiyey, anoo liqi la jawabteedi! 

Cabaar hadi an yara amusnay, iyadood modo in midba xagisa u yaban yahay, saxibkay aya intu wax iga dhiciyey yidhi war maha Reer Diinigad moodayso, ee waa Siyaad Bare qoyskoodi, Yaaa!! Kadaro Dibi dhal, Siyaaad Baraaa! Ma Madaxwaynihii Hore ee Somalia, Waar muxu leeyey inta idhi ayan dib u booday, oo inanta ma Abihi Kacanka u adeera ayan u raaciyey, Haa, oo waliba wa madaxda Mareexanka ayu igu daray, Cajiib, warbal u kaadi, mala Siyad ader uma ahe, Walal mad rer diini aqon? aya xagi inanta igaga yimi, sidi iyado ka cadhootay wiilkan garanla Reer Diini iyo Tarikhday dalka ku lahayen, walal maye waxan ku moodayey Ciyaalo Xaafadkii ee arintu ka waawayn! ayan ugu jawab celiyey.


Cabaar intan aamusay, oo neefta iska guray, ayan idhi walal waxad tahay qofkii iigu horeeyey ee Mareexan aan barto,Walee, mana kugu horeya?, Haa walal, Dee Mareexan shar laga sheegayo mooye, Mareexan Quruxdan leba ma Arag, wixi inta ka danbeeyey sheekadii waxay gashay waji cusub kuna saabsan Reer Diiniga, halkay dagaan iyo Marxum Siyad qoyskodi xagu ku danbeeyey.

Hadan hablihii is maca salaamaynay, intan hareeraha eegay ayan saxibkay hoos ugu idhi waar Axmed show inader Aaabow Siyaadu ciyar ciyaar may ahayn, War gabadhu Qurux wayna.!! oo Reer diinigu Qoodh badnaaye!!



Sunday, 11 March 2012

Malinba Malinta Ka danbaysa wad ka Qurux ....!!

Markan Dalka Uganda imi, 2 sano ka hor,  dadki noloshayda ku xeerna sadex kooxod ayay ahayen, Qolo ay dani iigu jirtay inay i bartan, Waxkasto sura galana ay tahay inan sameyo si ay warkayga u helan, Koox ay muhim tahay inan isbarano, waxan isku dhernayna kala qaadano, iyo Lodka sadexad oo si tosa iyagu ugu tiirsana ama anigu bar tilmaamed u ahaa, haba yaradene.

Hadan Cawa dul istago qolada dhexe, inta badan waxa jira qof qof ad warkisa jeceshay inad afkisa ka hesho,  marka laga imado kan ad ka helayso dadka kale, kaagana u dhibto, waliba adoon rabin in qofkasi daremo inad  raad gurayso, si arintani u hir gasho hadaba wa in la hela Dhufsana yare idin dhexaya adiga iyo qofkas, ama hab aad warka ku kala heshan,

Aankuso dhawade, markan dalka imi waxa jiray qof an  la dhacay wararka laga so tabinayo, aadna ujeclaystay inan kulan la yesho si an u ogado shaki ahan, balse man rabin inu daren qato,qofkan oo u shaqeyn mid kamida sharkada Somalida ugu cansan, iyo anoo dhawr shinbirod hal dhagax la eeganaya aya cidhiidhi ka dhigtay inan madal ku kulano,

Halka furso ee jira waxay tahay, Qofkani waxay magalada badhtankeda ku leeyin meherad, meheradasi wa goob inta badan laga helo wararka Ciyalo xafadka, waa goob aan jeclay inan si dhigto warkayga oo kooban, gaar ahan malmaha ay iskugu kay beegantay, si bal inuun loo gadhisyo bartilmamedka an rabo, balse ma xaqiijin karo in loo shego inan soo maro Meherada, mana xaqijin karo hadi la gadhisyey wuxu darenkedu aha, markay hesho warkan.

Waxay arini cirka ku sharernataba, waxan ibriiq farimahayga mariyaba, ugu danbaynti waxa timi malintan rabay, waxan goor barqa Tel ka helay Qofti iyada ahayd, Mustafe Salamu Calaykum? iyo walal wacalaykuma salam ayan isdhafsanay, isma baranayo o wan is naqan, balse aqon gud moye wali si tosa sheko nooma dhex marin, wa fursad dahaba.

Walal hawl aya soo korodhay, inan aya la raba in dalki lagu celiyo, niman yidhi lacag ayan bixinayna aya la raba in laga so qado, marka Hooyo aya tidhi Mustafe ha ....., Intanay dhamayn ayan laso booday walal igu hale, Inantu wayo?, Maxa lo celinaya?, Gorma la celinaya?, wa sulo an lo bahnayn wakhtgigan, Su'asha ugu muhimsani wa Side hawsha lacagta lo galaya si ay usuro gasho in la kulma?, balse iyadaba isi raaciysay, oo tidhi walal bari inshala iigu Kaalay Xafiska an kuso baro ragaase, Intan waxoga is qanciyey ayan hosta ka idhi war hedhe de mala adan ogayne wa lagu ugadhsanayey! wayo dee xata Islanti aya  falo fican kabixise, Weger!

Hadi wagi baryey, Balantina la gadhay, Gobtina la yimi, si ficana salanti isku dhaftay, wa in la ogada in qofkani warkaygii aan rubuc rubuca u dhigi jiray, meheradooda uu gadhayo iyo hadu gadhay noca daren ee layga hasyto, wa hawl adag, waxa qudhe wakhtigan i anfacaya wa wayo aragnimadayga iyo aqoontayda Wariye nimo, waa inan isticmal su'aalo jawabtodu isiiso warbixin fican, balse an la darensanayn.

Runti qofku wa qof caqli badan, karti iyo shaqo ad loogu amanay, wa qof buuxiyey arimahan ka filayay, wayo malin kar hore ayan kulan la qatay Boss keda, si ficana wuu u amanay, balse nasib daro aniga fikir fican igama haysato, waa in warka lo dhiba waliba si xirfadaysan, lana tusa inay qof muhima tahay, Hadii waxoga layskugu daray wacdi iyo kaftan, wuxu wajigedu bixinayay calamado kalsoni iyo fahan dheera, jumlad kastana waxan daremayey in lagu qorayey line cusub, guud ahan kulanki laba wajilaha ahaa wuxu u dhacay sidi la rabay.

Kaman helin sida laysoo dhaweeyey, su'aalahaygii looga jawabay balse waxan ad iyo ad ula dhacay sida Madaxda shirkada lay barayey iyo ixtiramka badane ee dadku u hayan Ugaadhan i dhinac boodaysa, oo intuba qimo gara laha, isku soo wada duubo kulanksi wuxu ahaa kulan la rajaynaya mudo dheer, sisaxana ku dhamaday, ilaa imikana qofkasi wa qof bulshada muhimka ku jira, una baahan ...........!

Friday, 9 March 2012

Passport Nocma Ayay Sida Ta, iyo Xage ....... ?

Waxay ahayd aakhirka sanadki 2008, markii ooda laga qaaday dafacadii 4 ee jamacada Hargaysa, nasib wanag kooxdan waxa ka mid ahaa Aniga iyo rag badan oon saxibo gaara nahay, waxana lagu naaneesa lodki Dahabka Ahaa!

Dhaman ama inta badan ragu wuxu  Madaxa ku hayay wax xigi doona, qadarka kooban ee farxada iyo hambalyadu socoto, midkasta oo naga midi wuxu si buuxda cindiga ugu haya shaqa la'aanta dalka ka jirta, iyo durufihi adkaa ee uu soo dhafay intu ku jiray geedigii dheera ee buuga.

Waxba yan dhex muquurin duruftase, kooxdan waxa kamid ahaa Xer xiiso gaara le, oo imika dhamantod  ama inta badani yihiin Sarakiil sar sare oo ka hawl gala hayadaha Calamiga, kuwa Dawlada iyo kuwa Maxaligaba, laguna tiriyo wax garadka iyo madaxda bari, aad ban ugu faanaya raga qiimaha badan!!

Waxa xusid mudan in dhaman ragi midna ila imika ka bixin dalka, inkastoo dagaal dheer loo galay arintas, aan kusoo dhawaade, Kooxdan waxay ku magac dheerayd Wasaarada, iyado ka koobnayd Wasir, Wasir xigen, Agasime, Afhayen, iyo Sarakil kale, inkaston si xora oo xalala loo doran xilalkan hadana durufihi wakhtiga jiray waxay ku ahaayen munasib.

Saldhiga Wasaradu inta badan wuxu ahaa Nawaxiga Masidka Cali Matan, ee badhtamaha Hargaysa, wakhtiga shaqadu  wuxu u dhaxan jiray 7:30ila 9:00 fiidnimo, waxa si joogta shirka u gudomin jiray Sacadata Wasir X, inkasto mararka qar u wakilan jire Agasimaha Y, fadhiguna wuxu u badna mid bila diwan galina, sababto ah ma jirin Xoog hayn joogti, Wasaraduna ma hayn dhaqale lagu shalaysiyo Xoghayn cusub!

Waan huba in aad is waydinayso Wasarada an sheegayo,Wasaradu may ahayn mid Siyasiya, Diniya ama Ganacsiya balse kooxdan waxay ka midaysanaye laba arin: in shaqo la helo iyo in Xagaa la helo, kkkkkkkk,
Xagaa? haa wararka ugu xiisa badani waxay ahaayen Passport noocma ayay sidata, iyo xage degantay, Ya yaqan, kkkkkk, wan ka xumay hadad war fican keni lahayd Koob shaho Gaban oo Cano badan ayad mudan lahayd wakhtiga,

Ha wad yaabtay balse u kaadi, dhaman dhalin yaradani markii ooda laga rogay, si buuxdana logu shegay inay khatimen heerki waxbarasho ee Jamacada, waxa laso gudbonatay laba arimod, wa tan kobade, Side loo dhisa nolol Qoys mar hadi xiliged la gaadhay iyo sidee loogu magdhawa dadkii Alle sokadi suro galiyey dhamaystirka hawshan waxbarasho, bal wakase xal Keen Akhriste!.

Si looga jawab labadan su'aalod waxa raga inta badan si mabda'iyana iskula qaatay in dalka laga baxo, maba xuma, lakin su'aasha mesha tagini waxa weeye, xage la mara, side loga baxa, wa meshay sartu ka qudhunta, wayo wakhtigan lama tahribi karo, Ceeb!, lacag laysku bimeyo lama hayo, waxay talo kusoo ururtay waar wa in la hela Xagaa!! eray macnayal badan qaata balse markan u tagan Gabadh sidata Passport reer galbed nina Rabta. kkkkk War odaygu wa side, ha Xaaji wa Hadafka Kowad ee xubnaha sharafta le oo wasarada!

Ya maqan?, Hebel oo Mission ku jira,  Hada shirku wa furan yahay, aya shaqo ku bilabtan sida cadiga, Shaha raga ha lasiyo, Cidunba bixine aya kuxiga, Maxa cusub? ayu wasirku xubnaha ku dhex tura, Sacada-ta- wasir manta galab ayan qolo si u maqiiqani nagu dhafen Telesom horted, hadi an daba galnay waxay noqden reer Jabouti, War warka kala reeb, aya hoos laga wada leeyey, Rer jaboutiga  wa in dalka laga jojiya, ayu wasirku shir kuso xidhay kal fadhiga!

Arimuhu faraha ka baxe, ragu raq iyo rux tona ma hayo, shurudihi dib loo eeg, lagu dar listka Bariga dhexe iyo Konfurta Amerika, wale inan waxba so naso cadayn, wasirki dabaylo lagu kici, fadhiid ayad tahay iyo war isagu Durufta muu keen aya lo kala jabay, hada Xagay saladi ka xidhmi laday?, lays dhafsay, Siyasada dawlada aya sanadka Didisay, wayo Madaxweyne Riyale inu xidhxidho may ahayn Gabose iyo Ina Xashi, sanadkan waxa la saadalinayey Xagaaga ugu badan markay warka maqlen ayay Ticket u badashe Malaysia iyo Masar, aya habenki xigay lagu kala kacay.

Waxay arini sidi ahaataba ragi midba mar si gaara ula faq waayihii aduun, waa saxib joogtaye, ninba meel afka usaar, karti warki lagu kala qadto lawa, nin walba mel iska dhici noqotay,, Wasiirki goolihi kala dir, amar buxana ku bixi in xubnaha sharaftale fasax dheer galan, ila jeer danbene, walalaha Reer Jaboutina Amanka loogu dadaalo!






Tuesday, 6 March 2012

Aniga iyo Devia Abeheed Yaa Gardarnaa?

Salan dhaman Akhristayasha Sharafta badan!

waxay ahayd abaaro 7:30 fidnimo, waxan sidi caadiga ahayd ku jiray shaqadaydii, balse markan waxan kusugnay goobta carurtu ku dheesho ee xarunta Oasis Shopping Mall (gobta shaqada), waxan tiro carura oo Indi u badani ku dheelayan alabta caruurtu ku dheesho,

Goobtan inta badan ilmihii waxan ka qaadna 2000sh lacagta Uganda, maacamisha ugu badani wa Hindi, madamo iyagu yihin dabaqada dhex ee ugu badan dalkan, waxay ku imadan si qoys ah (Aabe, Hoyo, Carur iyo mararka qaar Walidki wawayna), sida caadiga markay malinta inta badan kuso qatan shaqo iyo waxbarasho fiidki ayay soo casho iyo bashal doontan.

Galabta arimuhu se wa ka duwan yihin sidii  hore, markan imiba waxan isha ku dhuftay innan dhalin yar oo timo dheer, da'a ahaan 15jir an ku qiyasay, oo madasha ku dheelaysa, waxoga ayan iska agmadobeyey, balse ima joojin ee hawshedi ayay iska wada tay,  waxoga ayan is waydiyey war ma yararka kuwa kale xaqodi cuna mise wa inan wayn oo yaryarkodi ayay ciyarsinaysa, way iska cadan!

Cabaar markan fadhiyey ayan idhi wale wa inad axwasha ka qaada manta Raani dan yar, halkan aya waxogagi Englishta ahayd laso kala baxay, dee dhawr jumladood on cabar isku hagajinayey isku raciyey, Ma ardayd ayad tahay? Xaged dhigta? Clas ke ayad tahay? Kuwasi ma qoyskinba? Magaca? Xagad degetin, wax kale kuma garatidi wa Practice Universal cidi somartay way garan, si fican ayay sheko iskugu kayo dhacday.

Waxay  noo socotaba ugu danbaynti ayan cabar ku idhi Devia, ad bad u qurux badantay, waxoga qosol iyo dhoola cadayna, lay fahan giir iyo huruf ayaa lasykugu kay daray, waxan daremay inay su'alahaygi batee, wa yeelkeede horta bal Devia xaalkeda ogow ayan si fartaga ku ansixiyey, cabar markan warwaregay waxa si hoos hoosa iiga soo baxay Ma Isticmasha Mobile lada, dee  ma carur IT ayan khiyamany kara, waxay tidhi ma waxad u jeeda Telephone ma sidata, intaan Sidii Sharubkhan isu tagay oon Okey wayn isa siiyey ayan idhi Yes, Offcourse!

Inta meshi laga soo baxay aya xaga iyo hooyaded iyo ayeydeed oo is agfadhiya loo tagay wan yabo waxan iska dhadhicyey mala Warqad iyo Qalin ayey donatay, Mise talow wa carure ki hooyadood ayay rabtay inay kushegto way ilawday ded way soo saxaysa, markan cabar tagna ayan arkay faro iyo xamxam baxaysa, ilayn nin wayn ayan ahe waxan gartay in talo faraha ka baxday, basle ha noqon Cigal shidal ayuu xalku kuso ururay,

Show duco kuma dhacday Hooyadeed ayey ku tidhi Aladiiga gadhka le,e halka tagan aya Numberkayga iwaydiiyey, Hoyadeedna Islan an u kala garana wayey  hooyadeed iyo Sodohdeed,oo gadhi lagu riixayo ayay ku tabtay, war gacan galnay wa xagi Amadiye, hadi halka lagu joojin laha ma ciilban qabi laha, Islantina yarta Abaheed o mel halkasa si tagan ayey u gacan haadisay, Ana inta sidii Tuugan ayan hoosta wax ka khawisaya, waxan isku haya cagaha wax ka day iyo u kadi o waxa xiga dhawr, Isalntina Odaygi ku tabtay, wa waligeba!!! ha higlayso! ayan isku quus gooyey.

Halkan ayan ana sidin nin wayn u fadhistay, ilayn ciyalo xafadkii horan ahaye, Odaygii oo talabada isku daraya ii yimi, Ssebo (eray loo isticmalo raga) mada innanta way diiyey Numberkeda? ayuu sidi dhagaxa igu soo shiday, cabaar ayan ana ku yidh Yaa, Sorry, Come again, Pardon, I'am not Hearing You,kiis iska wal ma kamaqli jirtay hablaha, ti cawa weeye,  markas ayu kor u yidhi maxad ku tidhi tan yar?, Tee?, kaalay Abo ayuu yidhi, mise tii yarayd oo sidi ay Saaqadi walna ee dumarka eryan jiray aragtay Geeso yelatay aya noo timi, wan eegay mise Inalilahi wa waxa yari Quruxwayna, yaa  idha intad indhaha isku qabato liq sidi  mid Paracetemola, 

Dee layga gar helimaye, cabaar ayan muranay, islaamihi yimi, ani dhidid fataatirta la leeg iga dhama, cirka iyo dhulka iyo afarta jihaba indhihii diide, layso marsinwa, ilayn waa arin ay odayga (ina Barud) la jeedhe, isba umu jeedin inu Hindida dhibee, wuxunbu is yidhi warbal horta axwasha ka qaad wa xagi tabliqintte, adu ugu danbaynti Odaygi wuxu igu sii dhuftay xabad falaadha! Ssebo Wali waa caruur? , intaan kor u neefsaday ayan idhi waxay tahayba soota Telephonkii noo sheegi wayday, oo sidi aan shir uga gabaynay Hindidii Kamploo dhan iskugu kaayo yeedhay, wa Lacagtuun Sebo na sii,!!

Sunday, 4 March 2012

Saka Wa Xage, War Gadhiga Fuul Niyow, Oo Shalay Ma Kilarkan ahayn!




Waxay ku beegnayd bilawga sanadkii 2010 markaan aniga iyo   nin aan saaxibo gaara nahay kusoo baxanay liiska xubanaha ku guulaystay shaqaday u tartameen in ka badan 75 musharax.

Inkastoo shirkadu ahayd shirkad aad u wayn hadana rajo fiican kama sii qaban, fikrada aan ka haystay iyo shaqada aan rabo oon iyadi ahayn darted, balse saxibkay oon si fican ula tashaday wuxu si buuxda iigula taliyey inan galo, mar hadanan shaqo kale ahayn wakhtiga.

Cabdi Casiis oo imika ah masuul sare o ka tirsan hayada MSF Holand, waxan si gaara uso wada qaadanay ku dhawad shan bilood oo wayo iyo xiisa gaara le.

Marka laga imaado inanu ahayn rag isku classa jamacada, heerki kowadana kusoo wada qaatay isku waxbarasho, hadana wuxu ahaa nin ad iyo ad u qiimo badan, xirfad ahaan wuxu aha ciyarto caana, wuxu u noola sigaara, wuxu aniga ii ahaa Qamus aan ka eegto nolosha reer magalnimada iyo dad la macaamilka.

Yaan ku dheeran ninka iyo qimihiise, waxan si gaara shirkada ugu xil sarnayn suuq gaynta iyo dad barida adeega casrigaa ee ZAAD SERVICE, anagoo ahayn waxan u bixiyey Diiwan galiyeyal balse Masuuliyintu nagu qanciyen inuu yahay Suuqgayn, markan waydinay kadib,

Waxa arinta xiiso gaara usii yeelay adeega oo dadka iyo dalkaba kucusba, kuna lug lahaa lacag  la xawilayo iyado la adegsanayo Mobile ila Mobile kale, isagoon meesha joogin qof sidii dhaqanka u ahayd Somalida, War kakan iga dhex

Xaalku wuxu iskugu so biyo shubtay bal watan kaalay ka dhaadhici Islanti $50 iyo Odaygii $100 loso diray Mobile kaga ku qaado, cajib, wa arinta shaqo ahaan naloo igmaday inan dadka ka dhaadhicino inay aaminan Alaada iyo Heerarka casriga, Weger! Wa xagi rer abtigaye.

Duruufaha guud kasokoow waxan waxaada ZAAD SERVICE u yaal hadaf ah in tiro cayiman la diwan galiyo bil kasta, kadaroo dibi dhal xaalku weeye. Aniga iyo Oday ina Maxamed Jamac xaalkayagu wa talo faraha ka haaday, ama hees ama seexo khamista wa inan warbixin u geeyna waxan ugu yeedhay Maamulihii dada yar, Mudane C.raxman Shire.

Saaka wax xagee iyo shalay xageen lahayn ayay shaqo subixi noogu bilabanta, C.raxman (darwalki gadhiga an isticmalno) ma haysa iyo kooxdi kala maqan (Guled iyo C.Risaq) aya horta la gayna meel hebela, deed idinka laydin soo noqonaya, iyo waar laba  xanshara inoo dalab intuu soo jiiraynayo ayaa noo raacda.

Guuled iyo C.razaq wa laba dhalinyaro ah, da’ahan naga yaryar, shaqo ahaana nooga soo horeeyey xafiska, inkaston isku duruuf nahay hadana nolol ahan wa naga dagan yihiin, inta badan shekadooda iyo noloshoodu wa mid la haysta Hananka guud ee shirkada balse aniga iyo Xaji A.Aziz waxan u eegnay falago ceelki faaneelo biyo loga diray!

Cabashoyinka gaara ee aniga iyo saxibkay qabno kasokoow waxa subax kaste nool yaal inan qabano shaqo gaara, waa inan qaadna agab ay ku jiran bugta diwan galinta, astanta adeega Zaad, camerad noca digitalka, waraqo ay ku cadyin numberka garka iyo xarunta ganacsadaha, waxa dher wa inan iskala qabyin si midna u sharo, ka kalena sawrka iyo hawsha kale qabto.

Galinka danbe inta badan wa inad maclumadki kugurta Computerka, waa hadaabad dhagahaaga maruun kasaarta codka dheer ee telephone iyo cabashoyinka macamisha, lacagohogu ku xaliway mid kale, iyo kuwa iska xidhay kadib marki numberki sirta ahaa ilaben, ma miskin $5 mid ka racday oo qaylinayan dhagaysan kara.

Hadii manta aan is idhaa sharax shaqadi aan u hayey shirkada way nee TELESOM laba sano ka hor waxan ku tilmaami lahaa anoo Hooyaday Sahra Aw Ismacil (Sahra Caday) u sharaxaya Facebook, bal adu maxad ugu jawabi lahad Oday ku le Adeer garte lacagta an ku shubayo Xagaan ka keenaya, ama Yaa le, Tee Ina Shire waydi!

Isku soo wada ururiyow waxay ahayd shaqo mudo 5 bilod an hayey balse xasus ahan iyo shaqo ahan u dhiganta 5 sano, iyadoo sababtu tahay saxibkayga qaaliga A.asis oo aha nin an laga xiiso goynayn iyo xerti kale ee dadaalka iyo kartida badan galiyey, anoo usoo jeedin laha maamulka waxad Zaad inay hoos u eegan tabashoyinka shaqalaha

Friday, 2 March 2012

Ahmed Shamito muxu ninki Reer Congo ugu Diiday Dinta Islamka?

Ahmed Shamiito wa muwadin reer Somaliland na, mudooyinki u danbeeyey wuxu ku noola dalka Uganda, gaar ahan Kampala, wuxu ka diiwan gashan yahay xerad qaxontiga Nakivali, isago maraya melihii u danbeeyey, dhawana laga yaab inay u rumawda riyadu inta badan qabay, INUU MARUUN CAGA DHIGTO MARAYKAN.

Ahmed sida inta badan  dadkeena waa nin balwad le, wuxu maqaam ku leeyey Arbeeko loo yaqaan Barwaaqo, oo imika xidhantay, markuu alle ha u naxariste mulkilhi geeriyooday dhawan, Ahmed halkas ayu wuxu alle siyo ku barjeeya, isaga iyo saxibadiiba mahayan wax camala, waagii baryaaba wa u kii kale, Cidna uma maqna Ceelna uma qodna Xaalkoodu weeye!

Ahmed wuxu noloshi iskaga jiraba, waxay meeshi ku saxiben nin reer Congo ah, oo meesha kula qayili jiray, ninkani wuxu aad ula yaabay Somalida uu Ahmed kamidka yahay een shaqo tagin hadana maalin walba qaadkoodka iyo agabkisu (sigar, sharab iyo wixi so raca), miiska yaal, waa yaabe xage nimankani lacagta ka keenaan ayu is waydiinaya, talow ma habeenki ayay dadka baadhan, ilayn wadan adu malina qadan malina hele, waliba ado so xamasha!

Wuxu ninkii tuhunkii qababa maalintii danbe ayuu si toosa u waydiiyey Ahmed oo dhinicisa fadhiya, isagoo ku bilaabay Waar Ahmed maalin walba halkan ayan wada fadhina, ma shaqo tagno, melkale ma aadno, malin walba qaad iyo alab ayad isku dhex wada, ana dhawrki cisho ayan afka saara, war heedhe iga waran xagay lacagtani kaga timado?

Ahmedoow la yaaban ninkan u dardaar warinaya yaa si dheel dheela ugu yidhi waa Islamnimada, hadaad diinta soo gasho subax kasta lacag ayad iska helaysa, ninkii wuu liqi wayey arinti Axmed, waanu iskaga kacay isagoo le, Diintay Rag aan aqaana ku jiran ha iga maqnaato.

Cabaar markii la fadhiyey ayuu ninki ku yidhi Ahmed diyar ayan ehee diinta kugu dar, Ahmed oo yaaban mirqaana u dheeryay aya ugu jawabay war diinta ciyarta ka daa, inader wa iga dhabe ii sheeg waxa layga rabo, si an u soo galo diinta ayuu ku celiyey, Ahmed intuu waxooga amusay ayuu ugu jawabay imika way buuxdaye markii qof dhinto ayan booskisa ku galinaya, si kaftana.

Ninkii oo arinti rumaystay aya meshi ka kacay, wuxu ninki mudo raadiyo qof u garanyo ee dhintaba, mudo kadib ayu so maqlay inuu Oday dhinta, isago ordaya ayu Ahme kuyidhi waar Ahmed hebel aya dhinte inader igu dar diinta, Ahmed oo qoslaya ugu jawabay, war ninkasi nin wayn ayuu aha oo xilkisi ma qaban kartide, mid yar soo eeg eego, Hadana mudo kale ayu ku ogaday inu nin dhalin yaro Somaliyi dhinta, waar Ahmed inader hebel aya dhintay wan haya warkisa, nin dhalin yarana wuu ahaa eee dinta igu dar, Ahmed aya ku qoslay oo ugu jawabay war kasi wada danbi ayu ahaa, kiisas culus aya lo haysta ee iska daa, fursad aya soo baxayse sug!

Ninki oo niyad jabsan aya iska ilabay rabitankisi, wuxu arin sidi ahaadaba, Malin ayay meshi soo maren ninman tabliqiyina, nimaki aya la shekaystay, arinti ayu uga waramay, culumadi oo xanaaqsan aya Ahmed canan iyo wacdi dusha uga tuuray isagina Masidka geeyey, sidin Islam uga dhigay.

Arin halka kuma dhamanine,Ninki wuxu sidi cibadada iyo nimcada dhex mushaxaba, wuxu mudo sadex biloda ku xidhan masjidka, shoow miskiinow dadkiba kabihii ayuu ka dhameeyey, dadki wa yaben war kabahan maxa guranaya, isna halkan ayu Salaamu Calaykum ta kahaya, waxa la daba socdaba waxa la dareemay inu isaga yahay, isna wax dareen, cawdiisi hore kasii qaday, cabar ka dib ayaa culimadii raadisay ninkii.

Culumadii oo daba joogta aya Ahmed ugu timi maqaamkisi, wakhti casar gaaban, Salamku calayku iyo wacalaykuma salam, marki lays dhafsaday, ayay idhahden war Ahmed ninkii ma aragatay iyo ma kii Congoleska aha, haa, oo muxu sameeyey,  War masjidkiba kabi kuma yeedhin, Ahmed aya qosol is ahayn kari waayay, markaasu ugu jawabay : DEE CULIMO NOOMAYDAN SHEEGIN IN DIINTA CIDKASTA LOO OGOL YAHAY, IMISAN NINKAN BIIJKA KU HAYNAY, WAAKASE WAX KA GURTA.

Culimadii oo qoslaysa ayaa Ahmed ku tidhi war hadad hesho ninka soo qabo, Ahmed aya ugu jawabay haye culimo, laakin dadka aad diinta kusoo daraysan iska hubiya,

Thursday, 1 March 2012

Kuma Jecla, Way i jeceshay, Haday ku Jeceshay May..?

qofkastoo bini aadami xaq ayuu u leeyey in la jeclaado waxan jeclaado, waa xuquuqda aasasiga ee nolosha qofka bini aadamka, iyadoo taasi jirto hadana waxa kasta waxay u baahan yihiin tartiib iyo in loo eego duruufaha ku xeeran.

Muda haatan laga joogo kudhawad laba sano ayan ka soo anbabaxay hooygan ku hanaqaaday, kuna qaatay ayamihi cagaarna ee noloshayda, Sababihii aan uga soo cararayna waxa kamid ahaa kadib markaan khaatiyan ka istaagay waxan u kala Garan waayey Jacayl iyo Nacasnimo, balse aan ugu danbaynti u aqoonsaday xanuun ku jira dhalinta facayga magacisana la yidhaa Jacayl, balse aan ahayn Jacaykan ka soo gaadhany awoowyashen iyo Abayaashod.

Wuxu xaal sidii ahaadaba waxan firxadkii so galay Kampala casimada dalka Uganda, wixi u horeeyey een dareemay wuxu ahaa duruufihii aan kaga imi dalkii, saxibadaydii igu soo dhaweyey magalada hoy iyo  cuntana isiiyey waxay la ildarnaayey xumadii jacaylka,kkkkkk,

Saxibaday oo afar wiil ahaa, dhamantood markuu gabalku dhaco ayay taah iyo oohin waxan u kala saari waayey isku darijirne, balse gadaal ayaan ka ogaaday inuu hasaawe casriya hayay, waxan la yaababa waxay si joogta igu bushareen jireen in dhawan layga heli doono xumada aan wax dilin balse u badan cabasho iyo calaacal salaada cishaa'i dabadeed bilaabanta, Allow ha nugu simin!!

Dalkan Uganda waxa ad iyo uga caana Lineka Orange, waa shirad bixisa adega isgaadhsinta, waa shirkada ugu yar suuq ahaan dalkan, waxa laga leeyey dalka Uk, Somalida ayaa u ah Macaamil Dacaada, waxay siisa Adeeg loo yaqaan (24/1000sh) kun shilin oo lacaga ku hadal 24 saac, Funny,
xaalku waa Telephonka dabKa u ogoow biyahana ha iska fogayn.

Waa Somali hadal loo fasaxay, bilaa camal u raacay, dhalin yaro iskugu baxday, Allow sahal umuuraha xaalku weeye, markuu gabalku dhaco ayaad maqlaysa Naa Telkaygi mee, Waar Jaarjarkayga maxa laga siiya, Iga qalee sayloonka ha iga dhex galine, u kaadi walal Xaajigi ayan la hadlayaaye, Baytarigan xagaan geeye wAanan jabee, iyo erayo Funy ah.

Waxay baaaxa  dagtaba waxan ogaaday in xanuunku magalada hayo, Bisinka Bisinka ayan hoosta ka idhi sidii ayay Kaaha Kadiye, allow labada sano hareeraha naga mari ayan raciyey, Hargaysi meel soke, ha layska taahe, dee waga looma barin jirin, sikaste ha ahaate, waxan bilabay inan ogado bal arinta dhabta ee Kampala aan ugu imi, dadku wa Jacayl ayey leeyin balse anu ma ku Racin waxan u bixiyana ma hayo.

Ugu danbaynti waxan sheeko dheer la wadagay mid kamida Ragi, waxan ku idhi war bal dumashiday isoo bar, wa isoo baray, balse ayan daro qof Jacayl hayo sooma arag, wa xal aduno dadku ma sine, isagi ka dhaadhicin kari waayey inaan indhahan arkay kuwii Layla iyo Qays ahayn, xalkisku wa nin meeli u caday meeli ka madaw, wa igaga tukaday deed waxan is dhafsanay sheekada kooban:

Intad is taqaanen, 4 bilood, Reerkoda yad  ka taqan, Cidna balse walidked waxay dagen yihin qurbaha, Waa Qoloma? war rer Konfur, Halkad isku baraten, OPM (xafiska diwan galinta qaxontiga), Maxad ku cadaynaysa inay ku jeceshay? walal miyanad arag siday ila hadasho, iina qadariso. Maxay mesha u joogta? Buufis, Aduna? Waxbarasho. Yey la nooshay? Saxibadeed, Maxay marki hore mesha u timi? Mooyi,  Hadad rerkina u shegto in jacayl kugu dhacay ka waran? war ina Baaruud mad walatay, bariska ha iga cidayn, Ma rabta inad Guursato iyadu? May wa waxay ku jirta Buufis, kkkk, waar heedhe arintan waxba ka garan maaye, inader wax iska Baro, haben walba 5 sacadood ayad ku lumisa cidle, naagtana kuma jecla, waxoga gunusa ayuu ii raciyey, wanu Kacay!

Waxay arini sidi ahataba, mudo kadib ayu ninkii ii yimi waxooga kaftan iyo hasawe ah kadib, waxan u raaciyey iga waran dumashiday, qosol iyo dholacadayn kadib wuxu ii racieyey waaar qiray ahyadoo waa tii iska dhamatay, Waxan ku idhi miyad ogtay sababta keentay inuu xidhiidhkinu Babo, sababtu waa markii hore ayuu bila sabab ku bilaabmay, manaad haysan waxad ku xoojiso, marka Saxib FADLAN HA SHIDIN DAB ANAD BAKHTIN KARIN HADHAW!