Waxay ahayd aakhirka sanadki 2008, markii ooda laga qaaday dafacadii 4 ee jamacada Hargaysa, nasib wanag kooxdan waxa ka mid ahaa Aniga iyo rag badan oon saxibo gaara nahay, waxana lagu naaneesa lodki Dahabka Ahaa!
Dhaman ama inta badan ragu wuxu Madaxa ku hayay wax xigi doona, qadarka kooban ee farxada iyo hambalyadu socoto, midkasta oo naga midi wuxu si buuxda cindiga ugu haya shaqa la'aanta dalka ka jirta, iyo durufihi adkaa ee uu soo dhafay intu ku jiray geedigii dheera ee buuga.
Waxba yan dhex muquurin duruftase, kooxdan waxa kamid ahaa Xer xiiso gaara le, oo imika dhamantod ama inta badani yihiin Sarakiil sar sare oo ka hawl gala hayadaha Calamiga, kuwa Dawlada iyo kuwa Maxaligaba, laguna tiriyo wax garadka iyo madaxda bari, aad ban ugu faanaya raga qiimaha badan!!
Waxa xusid mudan in dhaman ragi midna ila imika ka bixin dalka, inkastoo dagaal dheer loo galay arintas, aan kusoo dhawaade, Kooxdan waxay ku magac dheerayd Wasaarada, iyado ka koobnayd Wasir, Wasir xigen, Agasime, Afhayen, iyo Sarakil kale, inkaston si xora oo xalala loo doran xilalkan hadana durufihi wakhtiga jiray waxay ku ahaayen munasib.
Saldhiga Wasaradu inta badan wuxu ahaa Nawaxiga Masidka Cali Matan, ee badhtamaha Hargaysa, wakhtiga shaqadu wuxu u dhaxan jiray 7:30ila 9:00 fiidnimo, waxa si joogta shirka u gudomin jiray Sacadata Wasir X, inkasto mararka qar u wakilan jire Agasimaha Y, fadhiguna wuxu u badna mid bila diwan galina, sababto ah ma jirin Xoog hayn joogti, Wasaraduna ma hayn dhaqale lagu shalaysiyo Xoghayn cusub!
Waan huba in aad is waydinayso Wasarada an sheegayo,Wasaradu may ahayn mid Siyasiya, Diniya ama Ganacsiya balse kooxdan waxay ka midaysanaye laba arin: in shaqo la helo iyo in Xagaa la helo, kkkkkkkk,
Xagaa? haa wararka ugu xiisa badani waxay ahaayen Passport noocma ayay sidata, iyo xage degantay, Ya yaqan, kkkkkk, wan ka xumay hadad war fican keni lahayd Koob shaho Gaban oo Cano badan ayad mudan lahayd wakhtiga,
Ha wad yaabtay balse u kaadi, dhaman dhalin yaradani markii ooda laga rogay, si buuxdana logu shegay inay khatimen heerki waxbarasho ee Jamacada, waxa laso gudbonatay laba arimod, wa tan kobade, Side loo dhisa nolol Qoys mar hadi xiliged la gaadhay iyo sidee loogu magdhawa dadkii Alle sokadi suro galiyey dhamaystirka hawshan waxbarasho, bal wakase xal Keen Akhriste!.
Si looga jawab labadan su'aalod waxa raga inta badan si mabda'iyana iskula qaatay in dalka laga baxo, maba xuma, lakin su'aasha mesha tagini waxa weeye, xage la mara, side loga baxa, wa meshay sartu ka qudhunta, wayo wakhtigan lama tahribi karo, Ceeb!, lacag laysku bimeyo lama hayo, waxay talo kusoo ururtay waar wa in la hela Xagaa!! eray macnayal badan qaata balse markan u tagan Gabadh sidata Passport reer galbed nina Rabta. kkkkk War odaygu wa side, ha Xaaji wa Hadafka Kowad ee xubnaha sharafta le oo wasarada!
Ya maqan?, Hebel oo Mission ku jira, Hada shirku wa furan yahay, aya shaqo ku bilabtan sida cadiga, Shaha raga ha lasiyo, Cidunba bixine aya kuxiga, Maxa cusub? ayu wasirku xubnaha ku dhex tura, Sacada-ta- wasir manta galab ayan qolo si u maqiiqani nagu dhafen Telesom horted, hadi an daba galnay waxay noqden reer Jabouti, War warka kala reeb, aya hoos laga wada leeyey, Rer jaboutiga wa in dalka laga jojiya, ayu wasirku shir kuso xidhay kal fadhiga!
Arimuhu faraha ka baxe, ragu raq iyo rux tona ma hayo, shurudihi dib loo eeg, lagu dar listka Bariga dhexe iyo Konfurta Amerika, wale inan waxba so naso cadayn, wasirki dabaylo lagu kici, fadhiid ayad tahay iyo war isagu Durufta muu keen aya lo kala jabay, hada Xagay saladi ka xidhmi laday?, lays dhafsay, Siyasada dawlada aya sanadka Didisay, wayo Madaxweyne Riyale inu xidhxidho may ahayn Gabose iyo Ina Xashi, sanadkan waxa la saadalinayey Xagaaga ugu badan markay warka maqlen ayay Ticket u badashe Malaysia iyo Masar, aya habenki xigay lagu kala kacay.
Waxay arini sidi ahaataba ragi midba mar si gaara ula faq waayihii aduun, waa saxib joogtaye, ninba meel afka usaar, karti warki lagu kala qadto lawa, nin walba mel iska dhici noqotay,, Wasiirki goolihi kala dir, amar buxana ku bixi in xubnaha sharaftale fasax dheer galan, ila jeer danbene, walalaha Reer Jaboutina Amanka loogu dadaalo!
No comments:
Post a Comment