Dhalinyaro hadan kasoo qaadno inay daladu uga jeedo inta
u dhaxaysa (20-35 sano), oo ah intay u dhaxeyan xubnaha gacanta ku haya
mamulkedu, iyo dhaqan ahana inta ugu macqulsan in lagu tilmamo dalkena dhalinyar, iyadoo Qaramada midowabay u taqan inta u dhaxaysa (15-24 sano), dhanka
kalena heer qarana loola jeedo inta u dhaxaysa xududa dhuleed ee dalkeenu
leeyey, shaki kuma jiro inay taasi la macno tahay inay daladu xidhantay shaadh
ka wayn, dushana u ridatay waxay inta badan dawladaha calamku ku guuldaraysten
inay qabtan.
Bal
hadaba si aan fahankena u soo dhawayno aan eegno awooda iyo kartida dalada
SONYO, si aan u barbar dhigno shaqada laga rabo ama ay masuul iskaga dhigtay
inay fuliso, Dhanka taarikhda SONYO waxa dhidibada loo taagay mudo hatan laga joogo
9 sano, wakhtigas oo koox dhalinyari hal aburen fikirkan, wuxu ahaa guul,
tarikhdana xusi donta, balse imika dhamantod dalada dibada ka jogan iyagoo
shaqooyin ad u lacag badan ka haya dalka, taaso kusiinaysa dareen ah inay
salaan u ahayd Daladu, hase yeshe waxa wali si toosa u muuqato awoodohooda
dahsoon ee ay ku maamulan mareegta iyago dibda ka jooga ama xafisyadooda gaarka
fadhiya, taasoy u suura galinayso hananka ay u dhisen dalada ugu horeynti.
Hadan
dib u yara micilsano SONYO ujeedoyinkeda, himiladeeda iyo waxay u jirto ama
erayada inta badan aad ka maqlayso dhalinta kuxidhan ururada aan dawliga ahayn
(Mission, Vission and Objectives), waxad markaba is waydinaysa suura galnimada
adoo ugu danbaynti ku dhafaya inay tahay riyo, iyo wax kafog waqica. Ugu
horeyn SONYO waa urur aan dawli ahayn, siyasadana aan lug buuran ku lahayn, Golaha
Sarena ugu awood badanyahay, isagoon sida loo soo doorta anay u cadayn inta
badan dadka ay daladu matasho (dhalinyarta) balse laga dhex dorto golaha guud
labadi sanaba mar, hawleheda shaqo waxa fuliya Agasime dibada laga so qorto,
isago gacan wayn ka hela Gudomiye u eeg xubin sharafed, balse aanay si tosa u
cadayn shaqadisu, Gudomiye xigen iyo Khasnaji Guud. Iyadoo sadexdaba laga so
dhex doorto golaha guud, oo mideeya ruru xafadeedyada xubnaha ka ah Mareegta.
SONYO
maha urur le ilo dhaqale, ama tagero buran ka helo beesha u matalo
(dhalinyarta), mana ah urur ay si gara u maal galinaya daneyeyal gari, sida
ganacsato iyo wixi lamidi, arintan macneheedu waxa weeye waa urur ku taagan deeqaha ama waxa
afka qalad lagu yidha (Project Feeding Isnstutition), kaaso inta badan qorta
codsi, isagoo hadba yoolkisa u eegaysinaya cida uu wax ka rabo, taaso si wayn
majaraha uga lumisa mareegta, kana hababisa kala horeysinta baahiyaha besha ay
matasho (dhalinta)
Hadii
xaalku sidaa yahay, daladu ma yeelan karto qorshe waxqabad oo fog kuna dhisan
cilmi badhid waqiciya, dhawrkan sababood dartod:
1-
daladu male ilko ay wax ku qaniinto, taa macneheedu waa, qorshehedu wuxu daba socoda
cida wax siinaysa, miskin dookh ma le.
2-
Daladu
uma dhisna qaab xaqiiqda ka turjumaya, dhaman dhinacakstood ka eegto waxa ka
muuqda qabyo, sida dhan aqooned, dhaqaale iyo xirfadeedba, taaso ku mujinaysa
kala foganshaha magaca iyo nuxurka mareegta.
3-
Daladu
wali uma eeka inay garwaqsatay awoodeeda dabiciga iyo ta besha ay matasho,
inago ka duulayna shirki u danbeeyey ee Borame, oo lagu soo gaba gabeeyey wax u
eega baaq balse ay u dhigeen go’aamo, sababto ah mujirin hal qodob oo ay
lasocotay cida fulinaysa, gorta lafulinayo, halka laga fulinayo iyo hadi la
fulinwayo waxa badalaya.
4-
Dalada
waxa xubneheeda kamida laba urur oo midna sanad xisabeedki xidho
($25,000-50,000), halka mid kalena awodi wayo inu bixiyo kirada hal qol
($50-100), iyago kan hore si an sax ahayn uga fa’idaysanayo magaca maregta ama
u isticmalyo xirfad iyo aqon anu lahayn kan kale.
5-
Daladu
wali may hir galin hanan saxa ooy warka saxa kusiinayso xubnaha ay matasho taso
keentay kala duwanansha fikir ama khilafka jiritan ee Dalada iyo sheegashadeed heer Qaran.
6-
Daladu
wali may suuro galin hanan wax wada qabsi o dhex mara Maregta iyo dhalinta
qaranka, ama Maregaha kale ee kajira dalka.
Ugu
danbaynti inagoon dafirsanayn hawsha wayn eey fuliyen maamuladi kala danbeeyey, duruufta adag eey ku dhex shaqaynayso daladu, iyo heerka
aqoneed ama wayo aragnimo ee dhalinta qaranka guud ahan, hadana waxan doodi ka taagnayn
in wax badan qaldan yihiin, hadaba si lo helo ama uguyaran loo jiheyo awooda
jiilka cusub wa in la hela dhawrkan arimod:
1-
Waa
in la hir galiyaa dib u qabayn xoog le, iyadoo xubnaha dalada laga badalyo
dhalinyarada ururada le, lagana dhigayo
dhalinyarada qaranka,
2-
Waa
in la hir galiya qorshe hawlaha shaqo laga soo bilaabayo xaga hoose
(bottom-top), iyadoo la midha midhaysano mashakilka dhalinta ama la abuurayo
waaxo awood badan oo la tacamula mashakilka kala duwan ee dhalinta, midkastana
leday mamulkeda madaxa banan
3-
Waa
in la hir galiye qorshe maaliyadeed fadhiya (fixed financing strategy), taso
hor seeda isku filnasho, si xalku u noqdo biyo sacabadada lagaga dharga
4-
Waa
in kor loo qaada ku lug lahaanshaha arimaha siyaasada, madamo dhaman arimaha
dhalintu yihiin arimo siyasiya, xisibiyada dalkana lagu kala tagero siday ukala
bursinaya dhalinta.
5-
Waa
in la hir galiya waxa afka qalad lagu yidha (youth-think-tank), arintan oo
macnehedu yahay golaha fikirka iyo cilmi badhida dhalinta, si loo hel fikiro
cafimad qaba oo kaso fula besha ay matsho daladu.
6-
Ugu
danbaynti wa in si heer qaran looga dooda arimaha qorsha dhalinta, iyadoo la
soo xulayo dadka u ehelkaa, lana sameeya hab xisaabeed cad, kaso si dhib yar u
heli karan dhalinta qaranku.
wixii dhaliila ama saxida aad iyo aad ayan usoo dhawaynaya, sido kale wixi meel ka dhac ku jira qoralkaygan sidu dono ha u dhace raali galin buxdan ka ibxinaya.
Makerere University
Masters Internaitonal Relations and
DiplomacyKampala Uganda.
No comments:
Post a Comment