Sunday, 25 March 2012

Dhalinta Manta Xaalkodu wa laba Daran mid Dooro!

Qormadan kuma eegayo sababihi burburka Dawladi Somalia, khaladaadkii SNM iyo go’aanki gooni isu taaga Somaliland, balse waxan diirada ku saarya nolosha dhalintii wakhtiga hana qaaday iyo xaladoda nololeed siday isku badbadalaysay, gaar ahaan kuwa nasiibka u helay inay ku nooladan deeganka S.Land.

Laga so bilaabo burburki maamulki Kacaanka 1992, ee u gadhwadeenka ka ahaa Alle ha u naxariste Marxum Maxamed Siyad Barre, xaalada wixi laysku odhan jiray Qaranka Somaliyeed wuxu yeeshay wajiyo badan, isagoo astaan u noqday dhamaan tusaalayasha xunxun ee qaran dumay loo soo qaato, balse arinta Somaliland waxay kaga badbaday nabad ay dhaliyeen dadka u dhashay deeganadas.


Laga soo bilaabo dhalashadii Qaranka (1991) aan wali garawshaha ka helin beesha caalamka, lana garanyn wakhtigu heli doono, waxay xaalada dhalintu ahayd mid kala dhaxlaysa nolol midba midka kale ka adagtay, gaar ahaan xero qaxonti, dagal sokeeye, kacdon siyasadeed, hanan maamul xumo, waxbarasho liidata iyo shaqo la’aan baahsan.


Arimahan is huwaday waxay dhalinta dhaxalsiiyen Balwado kala duwan, Tahriib, Jahli bahsan, Qabyaalad Xun, Xagjirnimo (dined, dhaqan iyo akhlaaqeed), Quus nololed iyo Guur dagdag ah ( Guurka wakhtiga an munisbka ahayn).


Iyadoo hatan laga joogo kudhwad 22 sano wakhti lagu dhawaqay lagasoo noqoshada dawladnimadii lixdanki lalumiyey, dalkuna kala dhaxlay dawlado kala duwan, ma jiro hogaan qudha oo ila imika si toosa u abaaray mashaakilka dhalinta, sido kala ila Imika ma hayno siyaasinta madax banan mid qudhoo carababay himiladiisa wax qabad ee ku aadan dhalinta xaalkodu u eegyahay: Ceelna idinma Qodna, Ceelalyano idinma Maqna. Arintan samaynteedu muuqato waxay dalka iyo qarankaba dhaxalsiinaysa mashaakil wawayn oo mustaqbal, iyadoo laga duulayo in jiilka maants noqon doono hogaankii bari.


Waxa xusid mudan waxa qudhee ila imika qarankena lagu qiyaaso 3.5Million oo qof, kuna nool dhulka cabirkiisu kudhawyey 14000km2, ay tahay nabad ku taagan muduc caaradii, nabadaas waxa  si toosa khatar ugu haya marka laga imaado khataraha dibada, shaqa la’aanta baahsan ee haysta ardayda  kasoo baxaysa jamacada dalka iyo dibada sanadkasta, arintaso hadan si dhakhsa loo wajihin ay ka dhalan doonan masibo qaran.


Si dhibtan xal loogu helo waa in la hela qaar kamida dhawrkan arimod:



1-   Siyaasad midaysan oo kuwajahan dhalinta iyo abaabul kasaarka wakhtiga adag, shaqo aburid, dhaqan celin, waxbarasho taysan, xirfado nololed iyo ciyaro kala duwan

2-   Waa in dhalintu midaysa muruqeeda, maalkeeda iyo maskaxdeeda si ay u doortan hoganki noloshoda fahmi laha, furfurina lahaa xaladooda cakiran.

3-   Hayadaha, ururada iyo dhaman xubnaha ku lug le hawlaha dhalintu wa inay hir galiyan barnamij wacyi galineed, taaso ujeedadisu tahay la walalaysinta dhalinyarada deegankaas qalafsan een soo sheegnay, si loohelo xal ay iyagu aburan ugana baxan dhibtas

4-   Dhaman gobaha waxbarasho ee dalku wa inay aburan ama hir galiyan hanan dhalinta u suura galinaya isu filansho wakhtiga dhaw, iyagoo ku taba baraya waxa loo yaqan (Entrepreneurship), taso ah in qofku noloshisa eniger ka noqdo.


Gunanadkii hadan la helin qorshe iyo xal wax loogu qabanayo dhalinta maanta waxay xaajo ku danbayntoona afkala qaad, tiiranyo  iyo qomaamo daba dheerata, dhalintu waa inanay sugin  cidkale ee iyadu gacantooda ku ciil baxan!!


Mustafe Baroud Abdi
Makerere University
Masters Internaitonal Relations and Political Science
Kampala Uganda.


No comments:

Post a Comment