Murayad Wayn, Shalmad Garbaha ka Rogan iyo Xuquuq La Raadinayo!
Shalay 26 March, waxa Hotel Imperial
ee magalada Entebbe, Uganda, lagu soo gaba gabeeyey shirkii ururada aan dawliga
ahayn uga socday mudo laba cisha. Ururada bulshada, Hayadaha Dalka, Xarumaha
Haweenka, iyo qaybaha kale e bulshada ayaa laga soo kala xulay ergo ka badanayd
100, oo ka kala socotay dhaman deeganada Putland, Galmud, Juboyinka,
Shabeloyinka, Baay, Bakol iyo Banadir.
Anu waxan nasib u yeeshay inan goobta gaadho
dhamadki munasibada, si aan uso tabiyo shirkaas muhimka, ee lagaga arinsanayey
sida loosoo xulayo 30% ay haweenku ku leeyin gudida Goolaha Sharci dajinta cusub,
eey yeelan doonto Dawlada lagu wado in lasoo dhiso bisha August, 2012, hadi
Alle idmo, taso lagu ansixiyey shirkii Garowe 2.
Intaanad guda galin hawlihi shaqo
waxan madasha kula kulmay wax ila muuqday mid kamida arimaha xalka u bahan guud
ahan Gayiga Somaliyeed, arintas oo ah, Dumar da’doodu u dhaxayso 35-50 jir,
hilib ahaan shilis, labis ahaan qurxoon, kuna labisan duruc wawayn, shalmado
qurxon, Masaro midabyo badan, shalamadu
usartantay garbaha, degta ku sita
shandado wawayn, fooda ama indhaha murayad madaw ku kusita, dhago, shuliyo, iyo fargalo waawayn oo isku nooca
ama is shabaha ku laafyoonaya, Faylal iyo qaliman gacmaha ugu jiran, o cirka
eegaya, xaladooduna kacsantay.
Inta kuma eege sacab, qosol,
mushxarad iyo haasawe madashu xidhantay, gadaalna ay dhex boodayan dhawr ajanib
iskugu jira cadan iyo madaw, kuna hadlaya luqada Englishta, dhaman dumarkani
waxay dagal ugu jiran inay soo dhacsadan wax loogu sheegay xaq raga Somaliyed
ka dhacsadeen, waxay ku hadaqayan Dumarku bulshada iyaga badbaadiyey 20 sano ee
burburka, Dumarku waa Dugsiga bulshada hadan la ixtiramin waxba qabsomi mayan,
Dumarku Mujtamaca Somaliyed iyaga u badan, wa in lasiya Xaquuqdooda Dasturiga,
iyo erayo badan oo kale, basle waxa nasib dara Hooyoyinkani waxan ay leeyin
inyar aya fahmaysa, inta fahmaysana waxay u hor bodayan inay helan waxa loogu
sheegay xuquuqda Carurtoda Abayashod dhacen.
Hadan idinka idin dhafo qalad iyo sax waxay ku sugan yiin, oon idin
soo qato 2 Tusale, waxan madasha kula kulmay laba gabadhood oo dhalin yaro aha,
midi waxay ka timi dalka Somali, balse madaxeedu wuu buxay, waxay ad ula
dhacsanayd inay kamid tahay waftigan, waxay ku labisnayd murayad cad, shandad,
haf iyo shadh, shalmad cagaran, gacanta waxay ku haystay buug, hadi an salamay
si hose ay layga qaday, kama hadhin waxan damacay ina darenkeda helo, deed
waxan bilabay su’alo inan waydiyo. Lakin nasib daro dhagahan an lahadlaya wa
dhago aad iga dalacan, wa dhago ii arka wiil Somaliyed, oo Camerad iska soo
qatay una bahan in wax badan la baro, ama mid kamida raga la yidhi iska eega ee
dagaalku ka dhexeeyo, halka ii fadhi Faraweey!
Inanta kale waxay ahayd inan
kudhalatay kuna barbaartay dalka Canada, Gar ahan Ontario, madax uma sarnayn
wax masari, balse jidhkedu sida kale wa asturna, hadan is idhi la hadal waxan
daremay inu afka Hoyo ku adag yahay, da ahaan wa 24-26 jir, hadan waxogagi
Englishta ahayd isku hagajistay, akhirki is fahanay, waxay ahayd inan Caqli badan, balse dhibtedu waxay ahayd siday udhalatay mahelin
wax si tosa wax ugu shega, ma darensana culayska masar la’aanta, Afsomali
darada, balse waxay mujisay bahi ay u qabto inay isbadal keentay, Thanx
walashay, walidkeed aya inbadan khaladka iska le.
Ugu danbayntii dhibta ina haysta
waxa kamida dumarkeena fursada u helay inay la sheekaystan raga aan Diin ahan
iyo Dhaqan ahan lawadagin, kadibna inoo arka inan inagu qaldanay ama iyaga
cadaw ku nahay, balse waxan ku dhaafaya Xadiskii suubanaha: Qofki Gala waxan Shaqadisa Ahayn Wuxu kala Kulma Waxaan Raali Galin, Ama Siduu Rasuulku Yidhi!
Mustafe
Baroud Abdi
Makerere
University
Masters
Internaitonal Relations and Political Science
Kampala
Uganda.
No comments:
Post a Comment