Wednesday, 14 March 2012

Waar Diinigu kaad mooday maha, EE Wa Reer Diini kale.

Markii u horeysay een dalka dibada uga baxo waxay ahayd 2008 aakhirkisi, wakhtigasoon hawlo Cafimad u raacay Hooyo, mudo laba bilood ku dhaw ayan kuso qadatay Casimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, Safarkasi oo wayo aragnimadisa laha, waxan si gaara qormadan ugu dul istagaya aniga iyo inanti Reer Diini sheekadi na dhex martay.

Goor galab dhac ku dhaw ayan soo baxnay aniga iyo nin aan saxib nahay, imikana kamida Masuliyinta Dalada Dhalinyarada SONYO, Saxibkay wuxu isna meesha wakhtigas u joogay hawlo dhoof, isago rajo ka qabay inu ubaxo dalalka Europeta galbeed, Saxibkay wuxu aha nin ad u xarago badan, balse galabtas amba dabyar maan shidayn, wuxu sido kale aha nin iga dad iyo dal yaqansan!

Waxan baashalkii iska wadanaba, waxa si kadisa nooga soo hor baxay laba hablood, Labada hablood mid ayaa aad u qurux badan, tii ayan xaged isku barbarinay, anagod modo inan lenay war de naga dhaf, ilayn nin iyo naag qurux badan malin wada dhashe, Cabaar hadi sheeko socotay, si talan taaliyana hasawaha loo waday, waxa dhagahayga kusoo dhacday eray si gaara dareenkayga usoo jiitay, Reer Diini!

Sida runta imika ma xasuusto waxa eraygan madasha keenay, balse aniga waxa macno gaara ii sameeyey Erayga laftisa, Waxan ahay Reer Diini ayay inantii mar kalay kor ugu dhawaqday, wan farxay, oon kala batay, saa intan ishayn kari waayey kor udhi, walal ma New Hargaysa ayad Deganan jirten?, halka markay xajo marayso ayan gartay inan Tuushka roorayo, New Hargaysi wa xage?, maye walal Malaysia, ayaan jawab ku helay, Yaaaa!, intaan idhi ayan hareera eegay, sidi nin qomameeyey hadalki kaso baxay, oo New Hargaysa garan maysid imika? ayaan ku xigsiiyey, anoo liqi la jawabteedi! 

Cabaar hadi an yara amusnay, iyadood modo in midba xagisa u yaban yahay, saxibkay aya intu wax iga dhiciyey yidhi war maha Reer Diinigad moodayso, ee waa Siyaad Bare qoyskoodi, Yaaa!! Kadaro Dibi dhal, Siyaaad Baraaa! Ma Madaxwaynihii Hore ee Somalia, Waar muxu leeyey inta idhi ayan dib u booday, oo inanta ma Abihi Kacanka u adeera ayan u raaciyey, Haa, oo waliba wa madaxda Mareexanka ayu igu daray, Cajiib, warbal u kaadi, mala Siyad ader uma ahe, Walal mad rer diini aqon? aya xagi inanta igaga yimi, sidi iyado ka cadhootay wiilkan garanla Reer Diini iyo Tarikhday dalka ku lahayen, walal maye waxan ku moodayey Ciyaalo Xaafadkii ee arintu ka waawayn! ayan ugu jawab celiyey.


Cabaar intan aamusay, oo neefta iska guray, ayan idhi walal waxad tahay qofkii iigu horeeyey ee Mareexan aan barto,Walee, mana kugu horeya?, Haa walal, Dee Mareexan shar laga sheegayo mooye, Mareexan Quruxdan leba ma Arag, wixi inta ka danbeeyey sheekadii waxay gashay waji cusub kuna saabsan Reer Diiniga, halkay dagaan iyo Marxum Siyad qoyskodi xagu ku danbeeyey.

Hadan hablihii is maca salaamaynay, intan hareeraha eegay ayan saxibkay hoos ugu idhi waar Axmed show inader Aaabow Siyaadu ciyar ciyaar may ahayn, War gabadhu Qurux wayna.!! oo Reer diinigu Qoodh badnaaye!!



No comments:

Post a Comment