Ahmed Shamiito wa muwadin reer Somaliland na, mudooyinki u danbeeyey wuxu ku noola dalka Uganda, gaar ahan Kampala, wuxu ka diiwan gashan yahay xerad qaxontiga Nakivali, isago maraya melihii u danbeeyey, dhawana laga yaab inay u rumawda riyadu inta badan qabay, INUU MARUUN CAGA DHIGTO MARAYKAN.
Ahmed sida inta badan dadkeena waa nin balwad le, wuxu maqaam ku leeyey Arbeeko loo yaqaan Barwaaqo, oo imika xidhantay, markuu alle ha u naxariste mulkilhi geeriyooday dhawan, Ahmed halkas ayu wuxu alle siyo ku barjeeya, isaga iyo saxibadiiba mahayan wax camala, waagii baryaaba wa u kii kale, Cidna uma maqna Ceelna uma qodna Xaalkoodu weeye!
Ahmed wuxu noloshi iskaga jiraba, waxay meeshi ku saxiben nin reer Congo ah, oo meesha kula qayili jiray, ninkani wuxu aad ula yaabay Somalida uu Ahmed kamidka yahay een shaqo tagin hadana maalin walba qaadkoodka iyo agabkisu (sigar, sharab iyo wixi so raca), miiska yaal, waa yaabe xage nimankani lacagta ka keenaan ayu is waydiinaya, talow ma habeenki ayay dadka baadhan, ilayn wadan adu malina qadan malina hele, waliba ado so xamasha!
Wuxu ninkii tuhunkii qababa maalintii danbe ayuu si toosa u waydiiyey Ahmed oo dhinicisa fadhiya, isagoo ku bilaabay Waar Ahmed maalin walba halkan ayan wada fadhina, ma shaqo tagno, melkale ma aadno, malin walba qaad iyo alab ayad isku dhex wada, ana dhawrki cisho ayan afka saara, war heedhe iga waran xagay lacagtani kaga timado?
Ahmedoow la yaaban ninkan u dardaar warinaya yaa si dheel dheela ugu yidhi waa Islamnimada, hadaad diinta soo gasho subax kasta lacag ayad iska helaysa, ninkii wuu liqi wayey arinti Axmed, waanu iskaga kacay isagoo le, Diintay Rag aan aqaana ku jiran ha iga maqnaato.
Cabaar markii la fadhiyey ayuu ninki ku yidhi Ahmed diyar ayan ehee diinta kugu dar, Ahmed oo yaaban mirqaana u dheeryay aya ugu jawabay war diinta ciyarta ka daa, inader wa iga dhabe ii sheeg waxa layga rabo, si an u soo galo diinta ayuu ku celiyey, Ahmed intuu waxooga amusay ayuu ugu jawabay imika way buuxdaye markii qof dhinto ayan booskisa ku galinaya, si kaftana.
Ninkii oo arinti rumaystay aya meshi ka kacay, wuxu ninki mudo raadiyo qof u garanyo ee dhintaba, mudo kadib ayu so maqlay inuu Oday dhinta, isago ordaya ayu Ahme kuyidhi waar Ahmed hebel aya dhinte inader igu dar diinta, Ahmed oo qoslaya ugu jawabay, war ninkasi nin wayn ayuu aha oo xilkisi ma qaban kartide, mid yar soo eeg eego, Hadana mudo kale ayu ku ogaday inu nin dhalin yaro Somaliyi dhinta, waar Ahmed inader hebel aya dhintay wan haya warkisa, nin dhalin yarana wuu ahaa eee dinta igu dar, Ahmed aya ku qoslay oo ugu jawabay war kasi wada danbi ayu ahaa, kiisas culus aya lo haysta ee iska daa, fursad aya soo baxayse sug!
Ninki oo niyad jabsan aya iska ilabay rabitankisi, wuxu arin sidi ahaadaba, Malin ayay meshi soo maren ninman tabliqiyina, nimaki aya la shekaystay, arinti ayu uga waramay, culumadi oo xanaaqsan aya Ahmed canan iyo wacdi dusha uga tuuray isagina Masidka geeyey, sidin Islam uga dhigay.
Arin halka kuma dhamanine,Ninki wuxu sidi cibadada iyo nimcada dhex mushaxaba, wuxu mudo sadex biloda ku xidhan masjidka, shoow miskiinow dadkiba kabihii ayuu ka dhameeyey, dadki wa yaben war kabahan maxa guranaya, isna halkan ayu Salaamu Calaykum ta kahaya, waxa la daba socdaba waxa la dareemay inu isaga yahay, isna wax dareen, cawdiisi hore kasii qaday, cabar ka dib ayaa culimadii raadisay ninkii.
Culumadii oo daba joogta aya Ahmed ugu timi maqaamkisi, wakhti casar gaaban, Salamku calayku iyo wacalaykuma salam, marki lays dhafsaday, ayay idhahden war Ahmed ninkii ma aragatay iyo ma kii Congoleska aha, haa, oo muxu sameeyey, War masjidkiba kabi kuma yeedhin, Ahmed aya qosol is ahayn kari waayay, markaasu ugu jawabay : DEE CULIMO NOOMAYDAN SHEEGIN IN DIINTA CIDKASTA LOO OGOL YAHAY, IMISAN NINKAN BIIJKA KU HAYNAY, WAAKASE WAX KA GURTA.
Culimadii oo qoslaysa ayaa Ahmed ku tidhi war hadad hesho ninka soo qabo, Ahmed aya ugu jawabay haye culimo, laakin dadka aad diinta kusoo daraysan iska hubiya,
No comments:
Post a Comment