Waxay ku
beegnayd bilawga sanadkii 2010 markaan aniga iyo nin aan saaxibo gaara nahay kusoo baxanay
liiska xubanaha ku guulaystay shaqaday u tartameen in ka badan 75 musharax.
Inkastoo
shirkadu ahayd shirkad aad u wayn hadana rajo fiican kama sii qaban, fikrada
aan ka haystay iyo shaqada aan rabo oon iyadi ahayn darted, balse saxibkay oon
si fican ula tashaday wuxu si buuxda iigula taliyey inan galo, mar hadanan
shaqo kale ahayn wakhtiga.
Cabdi
Casiis oo imika ah masuul sare o ka tirsan hayada MSF Holand, waxan si gaara
uso wada qaadanay ku dhawad shan bilood oo wayo iyo xiisa gaara le.
Marka laga
imaado inanu ahayn rag isku classa jamacada, heerki kowadana kusoo wada qaatay
isku waxbarasho, hadana wuxu ahaa nin ad iyo ad u qiimo badan, xirfad ahaan
wuxu aha ciyarto caana, wuxu u noola sigaara, wuxu aniga ii ahaa Qamus aan ka
eegto nolosha reer magalnimada iyo dad la macaamilka.
Yaan ku
dheeran ninka iyo qimihiise, waxan si gaara shirkada ugu xil sarnayn suuq
gaynta iyo dad barida adeega casrigaa ee ZAAD SERVICE, anagoo ahayn waxan u
bixiyey Diiwan galiyeyal balse Masuuliyintu nagu qanciyen inuu yahay Suuqgayn,
markan waydinay kadib,
Waxa arinta
xiiso gaara usii yeelay adeega oo dadka iyo dalkaba kucusba, kuna lug lahaa
lacag la xawilayo iyado la adegsanayo
Mobile ila Mobile kale, isagoon meesha joogin qof sidii dhaqanka u ahayd
Somalida, War kakan iga dhex
Xaalku wuxu
iskugu so biyo shubtay bal watan kaalay ka dhaadhici Islanti $50 iyo Odaygii
$100 loso diray Mobile kaga ku qaado, cajib, wa arinta shaqo ahaan naloo
igmaday inan dadka ka dhaadhicino inay aaminan Alaada iyo Heerarka casriga,
Weger! Wa xagi rer abtigaye.
Duruufaha
guud kasokoow waxan waxaada ZAAD SERVICE u yaal hadaf ah in tiro cayiman la
diwan galiyo bil kasta, kadaroo dibi dhal xaalku weeye. Aniga iyo Oday ina
Maxamed Jamac xaalkayagu wa talo faraha ka haaday, ama hees ama seexo khamista
wa inan warbixin u geeyna waxan ugu yeedhay Maamulihii dada yar, Mudane C.raxman
Shire.
Saaka wax
xagee iyo shalay xageen lahayn ayay shaqo subixi noogu bilabanta, C.raxman
(darwalki gadhiga an isticmalno) ma haysa iyo kooxdi kala maqan (Guled iyo
C.Risaq) aya horta la gayna meel hebela, deed idinka laydin soo noqonaya, iyo
waar laba xanshara inoo dalab intuu soo
jiiraynayo ayaa noo raacda.
Guuled iyo
C.razaq wa laba dhalinyaro ah, da’ahan naga yaryar, shaqo ahaana nooga soo
horeeyey xafiska, inkaston isku duruuf nahay hadana nolol ahan wa naga dagan
yihiin, inta badan shekadooda iyo noloshoodu wa mid la haysta Hananka guud ee
shirkada balse aniga iyo Xaji A.Aziz waxan u eegnay falago ceelki faaneelo biyo
loga diray!
Cabashoyinka
gaara ee aniga iyo saxibkay qabno kasokoow waxa subax kaste nool yaal inan
qabano shaqo gaara, waa inan qaadna agab ay ku jiran bugta diwan galinta,
astanta adeega Zaad, camerad noca digitalka, waraqo ay ku cadyin numberka garka
iyo xarunta ganacsadaha, waxa dher wa inan iskala qabyin si midna u sharo, ka
kalena sawrka iyo hawsha kale qabto.
Galinka
danbe inta badan wa inad maclumadki kugurta Computerka, waa hadaabad dhagahaaga
maruun kasaarta codka dheer ee telephone iyo cabashoyinka macamisha, lacagohogu
ku xaliway mid kale, iyo kuwa iska xidhay kadib marki numberki sirta ahaa
ilaben, ma miskin $5 mid ka racday oo qaylinayan dhagaysan kara.
Hadii manta
aan is idhaa sharax shaqadi aan u hayey shirkada way nee TELESOM laba sano ka
hor waxan ku tilmaami lahaa anoo Hooyaday Sahra Aw Ismacil (Sahra Caday) u
sharaxaya Facebook, bal adu maxad ugu jawabi lahad Oday ku le Adeer garte
lacagta an ku shubayo Xagaan ka keenaya, ama Yaa le, Tee Ina Shire waydi!
Isku soo
wada ururiyow waxay ahayd shaqo mudo 5 bilod an hayey balse xasus ahan iyo
shaqo ahan u dhiganta 5 sano, iyadoo sababtu tahay saxibkayga qaaliga A.asis oo
aha nin an laga xiiso goynayn iyo xerti kale ee dadaalka iyo kartida badan
galiyey, anoo usoo jeedin laha maamulka waxad Zaad inay hoos u eegan
tabashoyinka shaqalaha
No comments:
Post a Comment