Sunday, 1 December 2013
Meeday Kaalintii Dawladnimo? U Kuur gal Nololeed!
Cagaarka, Caanaha, Caddka iyo Cudoonka Wakhtigu waa wax ay ka sinaayeen dhamaan deegaandii aan soo maray labadii todobaad ee u danbeeyey, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Oodweyne, Hara Sheekh, Galooley, Xaaxi, Laan Mulaaxo, Daba Goroyaale, iyo Mureec, Dhamaan dhulkan waxa qudhee aad tabaysaa waa Raadkii Dawladnimo iyo Astaamihii Maamul Daadajin, Muwaadiniintan aan goobohooda kusoo maray waxay Noloshoodu u socotaa sidii kuwii Awoowyadood wakhti quruumaha aduunku kor u hayaameen 60 sano ka hor, waxay noloshoodu si toosa iyo si dadbanba ugu xidhantahay Caddka iyo Caanaha xoolohooda noocyada badan, halka Xooluhuna si toosa ugu xidhan yihiin Dhibicda Roobka ee Alle mooye cid kale Maamulin, Waa damiir xumaan iyo Aqoon daro halkii u danbaysay, wakhti Xooluhu yihiin Unugyada Dhiiga Dalka, Reer guuraaguna yihiin kuwa dheecaankooda lagu dhiso Daaraha Dhaadheer ee Hargaysa.
Waxa ayaan daro ahayd inaan ishaydu qaban hal askari intaan ku guda jiray dhulka ku siman 200Km2 , marka laga imaado Hara Sheekh oon hal askari kula kulmay mooye, Waxa intaa dheer in Shucuubta deegaankan balaadhan Kalsooni dheeraada ku qabaan Haayadaha Mashaariciida usoo marinaya Ururada Aan dawliga ahayn ee sifaha gacnasiga loo furtay, Gabi ahaanba waxaan kaalin muuqata iyo mid qarsoon toona ku lahayn Wasaaradaha Waxbarashada, Beeraha, Xoolaha, Deegaanka, Caafimaadka, Hanuuninta iyo Wacyi-galinta, Iskaba dhaaf kuwa kaloo, Shaqooyinkan Muhimka waxa buuxiyey Haayado Reer galbeed iyo Ururo Wadaniya kuwaaso ku sidkan sidii hal iyo Candho saabkeed, 90% Magaca Muwaadiniinta ku cuna Muwaacanoyinka uga timaad Umadaha Hodankaa, ee Alle u sakhiray kuwa habaaska fadhiya sideena
Dawladnimada iyo Hanaanka Maamul wadareedka waxaad kaga baxaysa Hargeisa, Berbera iyo Burco, kadib waxaad galaysa deegaano Beeleed si nabada u nool, goobaha Qaarkood waxaad la kulmaysa Shacab qoryo sita {Kirir}, Halka Qaar kalana aad arkayso Ciidamo shisheeye {New Police} oo dhex mushaaxaya {Daba-gorayaale}, dhulku waa baylaha oo ma jiro xafiisyo tayo leh, kuwaaso buuxiya kaalintii dawladnimo, Shacabku Hab qabaliya ayay ku dhamaystaan murankooda, kuna maamulaan deegaankooda haday noqoto mid dhaqan dhaqaaale iyo mid Amini-ba, Guntii Dawlada Magaalo fadhida Soomaaliya hore u eeday, ee Hargaysaay Hareerahaaga Eeg Abaayo!
Monday, 25 November 2013
Safar Salaama.
Maalin iskugu jirtay safar iyo shaqo ayaa fiidkii caawa nagaga soo af go'day Magaalada Burco kadib markaan xalay nuskii danbe kasoo guuraynay Caasimada Hargaysa, Safarkan ayaa daarnaa U kuurgalida xaaladaha hablaha iyo heerkooda waxbarasho, gaar ahaan caruurta, waa hindise cilmi-baadhiseed ay wado Haayada Care International, iyadoo gacan ka helaysa Ururada Social Impact iyo Smart Vision, kadib markii Dawlada UK go'aansatay inay muddo saddex sanaa kobciso heerka aqoonta gabadhaha soomaaliyeed ayay Mashruucan soo dhex marisay Gacanteeda Kaalmooyinka dibada, iyadoo kadibna soo martay tiroba ilaa shan jaranjaro, ha la yaabin wa dhaqanka Haaydaha oo Kalsooni kuma qabaan dawladaha Saboolka.
Safarkaygan ayaa ku wajahan gobolada bariga dalka, gaar ahaan Ceerigaabo, Laascaanood, Buuhoodle iyo Burco, marka laga imaado sheegashada Care iyo Xulufadeeda ee u kuurgalka Xaalada Aqooneed ee gabdhaha, Aniga waxay i tahay fursad gaara, Waxaan Hadii alle idmo Dugasho iyo fiira gaara u yeelan doonaa xaalada nololeed ee gobolada Dalka ka hadhay kuwaaso xaqoodi lagu cuno Hargaysa, inshala xertana waxaan kala wadaagi doonta barteenan FB.
Safarkan shaqo ayaa kusoo beegmaa wakhti aan dhawaan aasaasanay Machadkeena Horn Research Center {HRC}, kaas oo ujeeedadiisu tahay raadinta mashaalkilka bulshada Gobolkasta iyo Fikirkasta, Yeelkeeda Safarkii dheera ee saaka waxaan Daalkii ku ilaabaya Cagaarkii iyo Cosobkii ka muuqday Dhulka Lama dagaan u eeka haa ee u dhaxeeya Burco iyo Hargaysa, kaas oo iskugu jira Dhul joogisiius sareeyo, Guban xeeb iyo Haraad badan ka muuqdo iyo Banaan xoolo daaqsinka ku haboon, dhanka kale waxan anaga iyo darawalkii is waydiinayn qorshaha Dhisida wada Ceerigaabo iyo Xaalada imika wadada Berbera ila Hargaysa oo ah ta ay nolosha Dalku ku xidhantahay wakhti xaadirkaa. Jawaabtu waa kugu adi?
Wednesday, 20 November 2013
Kampala Magaalo Badashay Aragtidii Noloshayda!
Ku dhawaad 4 sanadood ayay Kampala, Caasimada Uganda ii ahayd hoy iyo badalka Magaaladi aan ku raad qaaday ee Hargaysa, dhawrkaa sano waxay badaleen guud ahaan majarihii noloshayda gaarka, ma fili karo inay raacin doonto ta qoyska Baaruudiya iyo guud ahaan qaranka Yar ee Maamul xumadu dhaxalsiisay Saboolnimada Baahsan iyo Abtirsiinta muuqinsay Aqoontii iyo Caqligii muwaadiniintiisa, balse Allaha wayn ayaan ka baryayaa inay dhanka fiican u dhacdo, Kampala waa Caasimadii 7 buurood, waa Hooy ay ku noolyihiin ilaa 5 million oo qof, kuwaaso 2 kamidii fiidkii uga caraabaan daafaheeda, waxay ubuc u tahay guud ahaan nolosha 34 million ee dhalasho ahaan u nasab sheegtay dalka yar ee Uganda oo masaafadisu ka yartahay S.land, dhaqaalihiisuna ku kobcayo 8% celcelis ahan, deegaan ahaana dhaca badhtamaha Dalalka Harooyinka Waawayn ee Tanzania, Kenya, Congo iyo S. Sudan, Kampala iyo Uganda-ba waxa 26 sanee u danbeeyey baarqab u ahaa General, Doctor Yuweri Kagute Museveni, yo Sixibigiisa awooda badan ee NRM.
Kampala waaa kobitii aan ka bilaabay hindisahayga Qoraal, War-fidisinimo iyo ku Foolanaanta guud ahaan arimaha Bulshada ama Siyaasada, Waxaan siyaabo kala duwan ugu xidhmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee Degan, fikirkasta iyo gobolkastoo ay kasoo jeedan, Waxaan la dabaal dagay, Khatumo, Maakhir, oo dhul ahaan iyo nasab ahaanba isnahay, balse Fikir ahaan naloo kala sheekeeyey, Waxaan la dheelay Putland, Galmudug, Jubaland, iy qolyahaan reer Hargaysa ahaan ku xaman jirnay Wala-weyne, taasa keentay inaan qaato magacyo tiro badan, Siyaasiga, Wariyaha, Qoraaga, Mustafe Qawdhan, Reer-waqooyi, Arday iyo Safiirka.
Waxaan xidiidh toosa la lahaa dhamaan qaybaha kala duwan ee shakhsiyaadka ku nool Uganda badankooda, Haday noqoto qolyaha Masaajida noloshooda u xidhay, kuwa ganacsiga u tafa-xaytay, ardayda Qalinkoodu wali khadka leeyahay iyo ashkaasta noloshooda caadiga ku foolan, waxaan xan iyo dhuumasho dhabarku muuqadaba ku qaatay Deegaanta cagaaran ee Kampala, Waxaan 12 Doctor oo ku takhasusay Xanuunada Qaarada iyo guud ahaan Dunida sadexaadba ka dhagaysatay Afkaartooda iyo waxay xalka u arkaan, Aniga, Akhyaarta sharata badan iyo guud ahaanba dadka ku xidhan qormooyinkan waxaan leeyey Aan wada akhrino bogaga cusub ee nolosha iyo dhulkeena hooyo.
Tuesday, 19 November 2013
Hargaysa iyo Cawayska Fiidkii.
Aan idin xasuusiyo Hargaysa iyo Cawayska fiidka, fahan ahaan waxaan usoo qaadan lahaa Ruwaayadii caanbaxday ee ‘Way-iskugu-timi-ismana-oga’, inta badan waxay hotel-ada cawaysku ku yaalan goobo ka baxsan saxmada magaalada, baaxad ahaan waxay ku fadhiyaan dhul balaadhan, cagaaran, oo aad u dagan, halkaas oo aad ka helayso Hantiga qudhee Dalkeenu leeyahay “Hawo-saafi ah’, marka laga imaado xoolaha nool iyo Macdanta warkeedu yahay awoow laga soo gaadh, Waxaad markaad soo gashaba dareemaysa jawi ku fiican Sheeko, Kaftan iyo Hasaawe laba-ba halku doono ha u gaadhe, waxaad si tartiib tartiib ah u luminaysa daalkiii shaqada, adoo isha la raacaya goobaha qaar duurjoogta ku nool ama sanka u taagaya Uduga kasoo baxaya dhirta laga soo dhoofiyey dibada ee ku teedsan agtaada, Hadiiba wakhtiga saladu ku gaadana waxaad adoo nafisa ku kici Masjid goobtu leedahay.
Inta badan waxaan Asxaab badan kula kulmay goobo kala duduwan, gaar ahaan dhanka Bari, Koonfur, iyo Galbeed ee Caasimada, marka laga imaado Magaca goobta, dhamaan adeegyadu waxay ahaayeen kuwo isku mid ah, Wiilal ku labisan dharka shaqada ayaa kugu qaabilaya erayada Macmiilka lagu so dhaweeyo ee Soo dhawaada iyo Maxaan idin keena, cabaar kadib waxaad Miiska boos uga raadinaysa Suxuun tiro badan, kani wa Kaas, Kaasi waa maraq, Kani waa Shaah, Kaa kale waa Caynkaas, Kuwaasi waa Qaadooyin iyo Midiyo Dhawr nooc ah, Markaasad dareemaysa inaad joogto Hotel gabi ahaanba ka duwan kuwii dhaqankeenu ahaa ee Waar Ii dhiib Nafar Caynkaasa, Iyo Mudalab Qalyo la taagan Irida: Intaa Qaad ka shaadhka cas, iyo Wiilka Saabanka oo hadba dhinac ku jiidhaya: Sufarkan badal, Dhiishka meesha ka qaad.
Waxa inta ii raaca Adeega Zaad oo fududeeyo Hawlihii shaqo, Warqada qaan sheegta, waxa xiga Waan ku tuuray, maxaa yeelay Qaan sheegtu Waa Dollar, Zaad-kuna waa Dollar, Waxaad cunaysaaana waa Cunto Galbeed, farsamo ahaan loo sameeyey Sidii Galbeedka, Wiilka adeegaya iyo Luuqada aad is dhaafsanaysaana waa Tii galbeedka, Waxaan Hayaa Fish, Steak, Chicken, iyo Waxaad Ii keenta Coffee iyo Finger Fish, Nasiib daro se qoladani waa Qolyaha Ilaahay ka badbaadiyey Maandoorshaha Qaadka, Qiyaas ahaan waa tiro aad u yar bulshada. Guntii Ha hilmaamina Gacmihiina Yaanay idin nabsiyin ayaan difaaca kaga jiray Baaruud ahaan, oo Fork iyo Spoon warkoodu igu socon waa.
Hargaysa iyo Warbaahinta:
Waa aroor hore, wuxuu waa san kuugu baryey Hargaysa, intaanad quraacan waxaad maqli Miisiga Idaacada afka soomaaliga ku hadasha ee fadhigeedu yahay Washinton {VOA}, markay taasi dhamato waxaanad hadana dhagahaaga u diidi karin miisigi caanka ah ee BBC, laanteeda afka soomaaliga ku hadasha ee London, dhanka kalena Waxa ka hoos guuxaysa Idaacada Radio Hargaysa oo iyana itaalkeeda isku dharerinaysa Idaacadaha laga leeyey dalalka aduunka ugu Waawayn, dhamaantood waxay baratan ugu jiraan inay kugu war galiyaan Wararka Soomaalida iyo kuwa ugu doorka roon Aduunkan dhib u jooga, kadibna waada Subaaxi ku bilaabay khilaaf, Muran, Naxdin iyo Sharaysi ay kugu dhaliyeen wararkii cusbaa, kuwaso u badnaa dhanka xun.
Markaad dhankaa iyo suuqa u soo dhaadhacdo si aad qaybinta Arsaaqada Alle uga qayb gasho, waxaad Magaalada kula kulmaysa Wargayso tiradooda 10 kor u dhaaftay, dhamaantood waa 8 bogg, waana isku ujeedo {Siyaasad iyo Xayeysiin}, ma jiro mid intaa ka baxsan, mana jiro mid ku foolan Dhaqaale, Deegaan, Sports gudahaa, Khayraadka dalka, Cilmi iyo wixi la hal maala, dhamaantood Magaca meeyo Nuxurka waa Nin iyo Hadhkii, waxay u tafa xayteen soo gudbinta wixi shalay dhacay, gaar ahaan Siyaasada , waxa intaa dheer qaarkood ayaaba been ku dara wararkoda, Hadii aad awood u leeday dhanka isticmaalka iyo Helida aalada Internetkana Waa adi iyo Kartidaa inaad booqato intaad doonto oo Websites ah, kuwaaso dhamaantood war fidiyeeno ah, run iyo been kay la martaba.
Haday Fiidka gaadho waa TV-yo kor u dhaafaya 10 oo dhamaantood aad moodo inay isku maamul yihiin, Marka laga yimaado Arimaha Diiniga, waxa ugu xiiso badan Salaamaha, Heesaha, Shaashad-ku-dirirka{Boobe}, iyo Maxay kula tahayda, Iyana ha sheegin wax aad u buuran oo dhanka bulshada ah, dhamaan arimahani waxay Hargaysa iyo shacabkeedii u badaleen wada warfidiyeen, Ceeb maaha in qof ku waydiiyo su’aalo badan sidii wariye, iyo in bulshadu wakhtigeeda qaaliga ku lumiso fadhi ku dirir, kaaso aakhirka abuura maskax madoobaad, Gunaanadkii Waa Xoriyad si khaladan loo adeegsaday, taaso kaw ka ah khaladaad badan oo jira.
Tuesday, 29 October 2013
Jacaylka Iyo siyaasada Magacyo Kala-Dheer oo Hadana Isku-lingaxan.
@mustafebarud04.
Facebook: Barud04@hotmail.com
Jacaylka iyo Siyaasadu Waa magacyada ugu caansan dunidan aan joogno tan iyo inta la xasuusto, Sababtu wax kale maaha waxay labaduba ku foolan yihiin Arimaha Bini-aadamka, Sidaad ogtahayna Aadamuhu waa waxa ugu Mudan noloshan Aduunyo, Anigu maan odhan Sidan ee Uumihii Kownka iska lahaa ayaa inoogu mana sheegtay Kitaabkiisa dahiran dhexdiisa, Waa Runtay oo Jacaylku waa Damac qof-u-qabtay-qof-kale si uu noloshiisa ugu lamaaneeyo, dhib iyo dheefna ula qaysado, Sidaa darteed waa Faduulinimo iyo Xad-gudub, Halka Siyaasaduna tahay Isdire u tafaxayday inuu badalo nolosha bulsho uu qayb ka yahay, taaso baylaha uga muuqatay, Bal u fiirso Siyaasinteena iyo Qolyaha jacaylku dishooday intuba waxay wadaagan balan-qaadyo, Xiiq Iyo Hurda Naf-iyo-maalba si ay dhinaca kale ugu dirqiyaan inuu raaco waxay u sheegayaan iskana dhaga mariyo Eedaha laga yaabo in cid kale ka sheegayso.
Aan sii wato doodaydee Jacaylka iyo Siyaasadaba waxa sal u ah Damac, haday tahay mid shakhsiyeed iyo mid bulshaba, Waa jacaylkee wuxuu damac kaa galaya qof kaa madax banaan haday noqoto: abuur muuqada ama qarsoon (Opposite Sex), duruuf dhaqaale, dabeecad iyo hab-dhaqan bulsho, Halka Siyaasadana aad beegsanayso midaynta Quluubta iyo Afkaarta kala duwan ee Heer Qaran, Degmo ila Xafadeed, Afkaartaaso salka ku haysa hab-nololeed gabi ahaantiba kala duwan, Midi waa sheekh Salafi ah, halka mid kale yahay Qaadirya shalaadka balo ku qaba, midi waa Sabool af iyo gacan xaal ka joogo, halka Jaarkiisu Baahida Sheeko ku maqlo, Midi waa Laan-dheere isku abtiriyey, halka ka kale yahay qolodii nabigu (SCW) lahaa, Illaahay eegi Maayo magacyadiine iyo Maalkiine ee wuxu eegaya Quluubinta iyo Acmaashina, Mid aan ka fogayn waa Boqor iyo Suldaan, halka Mid kale yahay Geel jir u dabran talada uu soo jaro suldankaasi.
Dhamaan arimahan waxa sii dheer Jacaylka iyo Siyaasaduba waxay wadaagan Warwar joogto ah iyo Isbadal aan saadal lahayn, maxaa yeelay labaduba waxay ku xidhan yihiin Bani-aadam dhaqan ahaan caan ku ah la Gadgadoonka Xiliyada iyo Xaaladaha hadba jira, waliba ay u dheertahay Madax-adayg iyo Luqun-taag faro badan, Yeelkeede Qofka wax jecel iyo Siyaasiguba waxay wadaagan fikir badan maxaa yeelay waxay isku dayaan inay saxaan Xisaab nololeedka 2+2=5, sababtoo ah waxay raadiyaan Raali-galinta Insaanka oo ah Hadaf aan Alle mooye cid kale xaqiijin, Ha ilaabin Aayadii "Insaanka waxaan ka Abuurnay Haluuc (Wax aan fadhiyin, Hadu Dhib dareemo waa Cabanaya, Quusanaya, Calaacalaya, Haduu Barwaaqo helana waa kibraya, Qooqaya, oo Xad gudbaya, mid Alle Badbaadsho mooye), Aakhirki Siyaasiga iyo Dhibanaha jacayl-ba ula dhaqan sidii Qof jiran oo Jini haleelay, Waayo Maaha mid dhago u haya wax sheega, Qaniciisuna waa Waayo aragnimada naftiisa oo qudha!

Saturday, 19 October 2013
Burco iyo Maqaamyada Mirqaanka (Marfashyada).
@mustafebarud04.
1-Qasab-ku-Mirqaan: markii aan idhi waayo waxa lay sheegay inay tahay meel yar, oo kulul oo adeegeedu liito,Sidaa darteed Waa Qasab ku mirqaan, Adoo kubaysan oo miyarna ka tagay waalina aan gaadhin ayaad fiidka meelaha Miliqsan sidii Qolyihii Vimpires ee dhiiga ku noola.
2- Iskuus-ama-Isbuur: Waxay iigu sharaxeen meel ka kooban guri iska daba gal ah, oo Qaybta Danbe VIP-da ayaa si baaladhan ugu qayila, Hadii Jeebkuka xun yahay se waa Iskuus halkaa hore, oo Kabaha, Jiidhjiidhka iyo Qiiqa Shaaha iyo girgira weshesho Xaaaji.
3- Badhi-iyo-Bigays: Waxaa lay sheegay inay tahay meherad ay hablo qurux badan haystaan, oo qaadka markaa Daawashada kuu dheertahay lasoco waa qiimo gaare innantaa kolba meel kaa dhaafaysa.
4-Dhabar-jabinta: waa Meel aad u gaaban oo dhisme xun, deed foorar ayaa ku dilaaya, Fiidka ayuunbad adoo Aah aah daaya haya ka boodi, sidii dhidar xaloo dhan xabaal qodanayey oo qaraxdu kasoo gaadhay aroortii hore
5-Ha-kugu-Dunto: iyana Waa sidoo kale oo Dhismeheedu amaan maaha, markaa ha kugu dunto halis darteed ayaa lagooo bixiyeye, laakin nin qaad dardaray dadka muu maqla weeye xaalku.
6-Anaa-kaa-Qaad-badan: Waa Meherad Qaadka layskugu faano, oo Hadii Mijin iyo waxaas aad sidato waa iska eeg dhagaxa, Kii dhaadheera, Gaafane, Marduuf, iyo Wixi soo hal maala ayaa lagu cisha tamaa xaaji.
7-Hore-u-Cadayo: Waxay iigu sheegeen inay tahay meherada fiidka hore laga rawaxo, oo qiyaasti qolyaha Caruuraha iyo Xaasaska le ayaa fadhiistaya markaa Fiidka hore Qaadka Tufo, Cadayga afka laboobo, o ka caraw madasha weeye xeerkeedu, fahanoo waa qolayaha Qoraxada kaga hadhsada Mijinta.
Isha Warka: Ilo Reer Burco ah, oo Xog ogaal u ah.

Thursday, 17 October 2013
S.land Republic Mise Isaaq Republic!?
Tan iyo markii aan Garaad iyo Garasho quman u yeeshay ka talinta masiirkayga iyo ka ubadkayga/keena waxa maskaxdayda ku dhex hirdamayey laba awoodood : Isaaqism iyo Somalinism, arintan waxa cirka kusii shareeyey Barashadii Aqoonta Dibloomasiyada iyo Xidhiidhka Dawladaha, oo diirada saaraysa Dawlad, Qaran, Qabiil, Qoomiyad iyo Dal oo intuba ah Afkaar iyo Culuum u baahan aqoon fog iyo baadhi taan dheer, S.land ma Dawlad-ba mise waa Qabill? jawaabteedu waxay ku xidhantahay halkaan joogo, Qiyaastii, Hargaysa 98% waa haa, balse Boorama 60-80%, halka Sool iyo qayb Ceerigaabo ah ay naftaydu halis galayso, si kale hadaan u dhigo Isaaq iyo S.land Xidheedhka ka dhexeeya Muxu yahay? Ma Dawlad iyo Shacabkeedba, Ma Qabiil iyo Dawladiiba? Ma Dawlad an la aqoonsan iyo Aqlabiyada Shacabkeedaa? aan kusii Dhawaado Hadii Beel Isaaqi sidii caadiga ahayd shirkeeda kasoo saarto Raacitaanka Federalka Somaliya Maxay tahay Dhaxalka S.land, Ma Sida Khatumo iyo Maakhir ayay dibad joog noqonaysa, o dagaal aya lagu eekaynaya, Mise ergooyin iskugu jira Culimo, Oday-beeleed ayaa loo diraya si cabashadooda loo dhagaysto.
S.land astaamo ahaan waa Dawlad, sharci ahaana waa Dawlad-u-eeke (de facto State), waxay leeday Xuduud qoraal ahaan sugan, bale ficil ahaan khilaaf ka jiro, Lacag u gaara, Distoor (Gobolo gaari u codeyeen), Haayado Qaran (Beeli 80% leedahay), iyo Xisbiyo Siyaasadeed (100% Beel gadhwadeen ka tahay), Ciidan iyo Haayado Amaan oo kalsoonidoodu ku fadhido Beel, Hadii Xaalku sidaa yahay S.land waa Isaaq, Isaaqna Waa S.land, si kale an u dhigo, Dalkan aan joogo ee Uganda waxa 18 may Xusa Isaaq, Halka Beesha borame-na soo labayso, hadaan sii eego, Cadaalada, Nabada iyo Barwaaqada S.land keentay Reerka ugu baadn ee Cuna waa Isaaaq, haday maanta kuftana (Alle ma keene), cida la kufaysa waa Isaaq, Calanka Tawxiidka lehna Guryaha ugu badan ee uu yaal waa kuwa Isaaq, dadka u badan ee u diyaarka difaaciisuna waa iyaga hadii maanta cidi soo weerarto, Alle ha naga hayee.
Ku darsoo War-baahinta, Ganacsiga, Isgaadhsiinta, Aqoonta iyo Ilaha dhaqaale ee S.land waxa afka haystaa waa Isaaq, 22 sano kadib wali waxay Beesha isaaq si toosa ugu fashilantay kala saarida Isaaqismka iyo S.lanismka, Wax-garadkeedi, Siyaasigeed iyo Aqoon yahankeedi wali may hindisin siday jiilka Cusub ugu saari lahaayeen Calanka, Distoorka iyo Dawladnimada Somaliland, ugana Saari lahaayeen Qabiilka Shaadhka Dawlada loo xidhay ee Isaaaq, Isaaq ma maqlin, mana weelayn xigmada, indheer-garadnimada Hal-abuurkeeda, sida Suldaan Timacade, Gaariye, Hadraawi, Weedhsame, Etc. Ugu danbayntii Hadii Hormuudaka Umadu shacabka iyo Da'yarta u kala saaari waayo Humaaga Isaaqnimo Dawladaysan iyo Dawlad Isaaqaysan, una Cadayn waayo Dawlad Cadaalad, Sinaan iyo Wada-laansho kudhisan oo S.land la yidhaa: Xaalkeenu waa maanta farbaan dhaqayaaye ha ii fadhido Farow, Abtirsiinteenuna waa Reer Habel iyo Reer Hebel Muwaadin.
Friday, 11 October 2013
Arimo Dilla Dadnimadeena Inaagoon Ogayn Ama Yaraysanayna!
Dadnimadu (Shakhsiyad-wanaagu), waa Waxa diimaha Dhamaantood usoo dageen, waa Waxa Alle ugu mano sheegtay Adoomahiisa dhawr jeer, Qof xor ah, Xushmad iyo Sharaf ku dhex leh bulshadiisa, waa Qaayada udanbaysa ee dhamaanteen (Adaamaha), balse marar badan waxa dhaca inay ina hoos marto, oo inaga gacmeheena ku dhaawacanto, Bal ila Eeg.
1- Bal...an-darada, Dhamanteen waxan marar badan balan qaadana arimo kala duwan, siyaabo kala duwan iyo xiliyo kala duwan, balse oofintoodu mararka qaar way ina hoos marta, Arinta waxa ugu fudud inaad Wakhtiga xushmeeyn waydo, Waa ilbaxnimo iyo Indheer garadnimo umaduhu is dheeryihiin Oofinta iyo ilaalinta Wakhtigaiyo Balantu, iskaba dhaaf inago hormuudkii Uunka (Muslim), Qawlkaagu waa maragaaga shakhsiyadeed
2- Tilifoonka iyo isticmaalkiisa, Saman wax kasta casri noqdeen dhamaanteen waxan sidana tilifoono qaaiya, balse in yar ayaa inaga taqaan Edabtiisa, Codka uu kuugu soo dhacayo, Sida aad ugu hadlayso, Wakhtiga ay munasib tahay iyo khataraha ku gadaman in yar oo inaga mida ayaa tix gailn siisa, waxa haboon inaan barano sida loo isticmaalo (Edabtisa) intaynaan baran sida loo Garaco.
3- Huga, Labiska iyo Timo-jarka, dhamaanteen waxan nahay muslin, ay u dheertahay dhaqan wanaag iyo nolol asal raacnimo, balse waxaad mooda inay taasi sii baxayso, waxaad mooda inan ka guurayno nolol layno xaqijiyey, oo shaydaan inoo qurxinayo khiyaal iyo waxay ugu yeedheen Model, Muqaalkaagu kaliya maaha diintaada, balse guud ahaan waa hantidaada ma guuranka, ilaalintiisu waa dadnimadaada iyo shakhsiyadaada.
4- Idan la'aan iyo Xad-gudub, Qofkasta wuxu leeyahay arimo u gaara, isaga Alle maamulkeed hoos keenay, u xushmayntiisu waa Diin iyo dhaqan wanaag, bal u fiirso in Tilifonka laga qaado, oo hadana Qaybta fariimaha idin la'aan la eego, oo hadi la rabo qofkii la doono laga waco, mararka qaarna, jeebka warqada kugu jirta si bila idina loo akhristo waa iska caadi Bulshadeena, balse waa ku ceeb iyo fool xumo umadaha kale, Ilaali Idinka iyo xushaynta waxaanad Isticmaalkisa awood u lahayn.
5-Af-xumada iyo Kaftanka-guracan, af xumada, kaftan qurcnaanta iyo Dacaayadu waa waxa abuura cadaawada, kutidhi ku teenka iy kala dheeranshaha bulshooyinka, Waa dhagano aad moodo inay gaar inoo yihiin in reer loo caayo Qof, Qof-na loo caayo reer, Iintu waa Bashar iyo dhaqankii, balse in laysku caayo waa dhaqan liita, waxa ino dheer in qof lagu xukumo wax lagaga sheegay, qof kasta kula dhaqan waxad ka baratay, hadaad ka fiicanta amaanan, waa mina diin.
Etc, Dhaqankaaga shakhsiyeed waa Shakhsiyadaada aad bulshada ku dhex joogto, Ilaali Qawlkaaga, kuna Shaqee Taxadar iyo ilaalinta xuduudaha dadka kugu xeeran, Taada nabad galiye.
Qiimaha Walaasha iyo Samankaa Maanta!
Tiraba Aabahay (AHUN), 12 qof ayuu dhalay, 5 kamidii Gabdho yihiin, 8-kalana Rag yihiin, waliba 3 kamidii Qurbo-joog yihiin, Shaki igagama jiro hadii saddexdaasi Hablo ahaan lahaayeen ama ugu yaran midi ahaan lahayd inaan sida Qayrkay Yurubta marba sawr qurux-badan FB soo dhigi lahaa, ama Sida Raga qaar labada galinba mid Cream gaara madaxa soo marsan lahaa, ...oo anoo xoolihi walaashay iga muuqdan meelaha shaah badan ku cabi laha, Taa waxa iigu daliila Reerkii maanta inan u maqnayd waa reer Ceel-shiidal uqodan yahay oo Jaziirada carbeed dagan, Bishoon dhamaan ayaan dhawr jeer Dahabshiil gaadhi lahaa, dee imanada iyo hablaha lacagta bixiya (Tellers), ayaan agtooda macruuf ka noqon lahaa, Taas waxaa xaqiijiye Awbwaanka iyo Majaajilaystaha Sanadka "Sooraan", ruwaayadiisi Hablaha waxbara iyo Aabo kunkaa siiya, Wixi ka dhacay waad Ila aragteen oo ku noqon maayo.
Wallal maxaad cunta? Meesha amaankeeda ka waran?, Biilku ma kugu filan yahay? maryaha yaa ku maydha? Halkad ku nooshay ya ka hagaajiya? iyo erayo lamida ayaad ka maqlaysa Walaasha, haday wax haysana Bishu ha dhamaato malaahe Waar lacag mahaystee inta DHB ka qaado oo lacagta madhxiso ayay kuu raacinaysa, Cajiib waa saan hoosta ka idhaa Waar heedhe miyaad Barigii Innan uu Doomaha Saarti, Alla nafteeda ku lahaaye, maantaba Fadhigaad ku dhargi lahayde, Hadana waxaan Eega Halista, Halaaga iyo Nugalykooda, Naxariista inoogu jirta, saan idhaa waar Aduun qiimo malee Bagaanad ugu quudhin Tahriib, Isxanbaar iyo Qurbo cidlaa. ma iyada ku dheerba, waar intu Jecaylkeedu soo shaac baxayo, oo kunka kaw ay ka dooranayso amaanada hay, hadana hadaan xaal iyo xaquuqal-iisaan ayaad jiidhay lay lahayn kuwii la doontay ee Raggu aad yar iska kaxaysteen ayaan ku murmi lahaa, balse sunada noloshaa sidaasa oo quruxda iyo haybada ku jirta in Guri, Ubad iyo Reer lagu aamino, oo Atooruhu (Seediga) markuu kaa hor imaado cabaar dhulka iyo hareeraha xamili waayo.
Habluhu mar waa kuwa salaadi inoo kaco, oo iyagoo laga yaabo inay waxbarasho, shaqo ama dano gaara leeday, hadana doorbida inay inaga teena fuuryeelan, marna waa kuwaan ku dilno Dhaqida, Diyaarinta dharkeena, cuntateedana iyo halkan kunool nahay, Marka xigana waa dariiqa aan u marno Dulaca hooyo, marka waxooga laga niyad jabo Xeeladena baahiyeed, mar sadexaadna wa kuwa waxooga si farsamaysan inooga soo qaada kuway u dhaxaan, marna waa Duulka isku keen xidha oo inoogu adeega sidii luuqadii Computer ee SQL, markay intay xiniyuhu inaga bataan luuqada macaani inaga lunto, ugu danbayntii waa kuwa markay inaga ag' ooyaan aan Gidaarka jiidhno oo Xaal iyo Xeerba maskaxdeena ka baxaan, maah maahduna ina abto Nin Naagi Wad, .....! ugu danbayntii ha ilaabi balanti Rasuulka ee korinta hablaha iyo Jacaylkuu u hayey inantiisii Faadumo. Waday oo waday oo Innan Maanta waxaan dhaafsado Waayey Ogaada Nobel Price ayaad leedihiina Duulkoow!
Doodi Xalay iyo Horn Cable Tv, Aqoon-daro Mise Indho-adayg!
Xalay waxaan Horn Cable (oo aan Bahdisa kamid ahay), kala socoday doodi abid ugu xiisaha badnayd ee Aan ka fiirsado, Markii Wariye Abwaan Cali Seenyo isku yeedhay 4 xildhibaan oo lababa dhinac ayaaheen Xil: Waabeeye iyo Bukhaari waxay la jireen Ansixitii iyo Qarashkii laga jaray Goolaha Wakiilada, Halka Xil: Xoog iyo Raytana kasoo jor jeedeen, Wixii ka dhacay cidii nasiibka u heshay way la socotay, balse Muwaadin ahaan iyo Shakhsi ahaan wixii aan ka fahmay aan eego idinka idin dhaafo Tiina, kuna koobnaado Doodi xalay anoon eegayn fikir ahaan sidaan u arko Wadada dhiskeedu muranka dhaliyey ee Muhimka iy Halbawlaha u ah qaranka iyo suura galimadeeda.
Ugu horeyn waxaan Aqoon ahaan Bartay Siyaasada iyo Diploomasiyada, balse ma ihi sharci yaqaan, waxa ii dheer waxaan si dhaw ula socoda Dalka, Warbaahinta (oon ku jiro), iyo Arimaha Siyaasada oon ka faaloodo (Waxaad ka fiirin kartaa Oodweyne News and Media, qormooyin arimaha khuseeya), anoo arimahaaso dhan eegaya ma ihi Nin-raac ama sacab aanu garanayn ujeedadiisa iska tume, balse waxan raba inaan fikirkayga ku saleeya Danta Guud iyo wixi Garasho iyo Garaad isiiyo.
Xalay wixi dhacay waxay ahaayeen Aqoon iyo Aqoon daro, ama Daacad iyo Daba-dhilifnimo, Xildhbaan Rayte iyo Xoog Doodoodu way cadayd, aqoon iyo sharci yaqaanimo ayay ku dhisnayd, waxaanay salka ku haysay "Hal booli ah Nirig-xalaal ah ma dhasho" iyagoo ka duulay in horta la abuuro Haayad Madaxbanaan (ama la soo celiyo tii hore ee Madaxtooyada lahoos geeyey), kadibna sharcigeedii la horkeeno Goolaha Wakiilada, si loo sharciyeeyo, iyado Xalaal ahna la lagu shubto Cashuurta, Qaadhanka iyo wixi Deeqo caalami ah, Waxa intaa u Dheera waar yaan Cashuurta lagu kordhin Xoolaha iyo Gaadiidka Waawayne aan saarno Qaadka, Sigaarka, Qalabka Isquruxinta, Isgaadhsiinta Etc, Halka Waabeeye iyo Bukhaari u eekaayeen Dhaqankii ku waaqlee iyo Siyaasadaynta Go'aanada Goolaha, Waabeeye iyo Bukhaari waxay xooga saaren inay Shacabka u tusaan Rayte iyo Xoog inay yihiin rag diidan Qaadhaanka iyo Wadada Ceerigaabo, Balse wax Aqoon, Dood iyo Cilmi ah meesha ma soo dhigin, Iskaba dhaafo waxa u dheera af lagaado iyo maamuus la'aan, sida: Reer Ceerigaaboy Maqla, Waa Qurbo joog, Waa bakhayliin diidan $100, Waxbay gocanayaan, Nin ayaa u muuqda Etc. Xaasha Wixi meesha ka dhacay waxay Ahaayeen Shakhsi taageer ama Aqoon daro Haysatay Xubnaha Waabeeye iyo Bukhaari, waxay talo faraha ka haaday markii Rayte u sharaxay Farqiga u dhaxeeya Qodob sharciya iyo mid Qaraar ah, Wax sharci ah oo awood fulineed la socoto iyo wax qaraar ah, Xataa heerka ay maran ayaa kala dheer, 8 Sano Mudane ah hadana fahmi waayey arintaa waa wixi ku dhacay Waabeeye iyo Bukhaari.
Monday, 7 October 2013
Warka, Wariyaha iyo Dad-waynaha Saddex Isbarkan!
Twitter: @mustafebarud04
barud04@hotmail.com
Nolosha aduun waa u caado iyo astaan ma guurto ah in waagii gaduutaba wax cusub jiraan (War), Khayr-ba iyo Sharr, Dheef iyo Dhib-ba, maalinta taa la waayo waa Caalam kale iyo nolol hor leh. Dhaqan ahaan waa halkay ka timi Maxaa Sheegteen? Waa San ma Idin Baryey? Nabad Sheega?. Waayo Samayska noloshaa sidaa udhigan, Ficiladeena iswada-sudhan, oo saamayn togan iyo mid tabana isku leh, waliba si joogto ah oo muuqata, Xeerka Goolaha Wakiilada Yaal, Adhi Jirka Baadiyaha fog jooga ogaal iyo ogaal la'aanba dareen ayaa kaga jira, Carabka Sacuudi Arabiya dagan ayaa isha ku haya, Darawalka Gaadhiga wada ayaa ka dhursugaya, Taasi waa ta keentay Ahmiyada Warka. Maxaa ku Cusub Deegaanka igu Xeeran Wakhtiga aan joogo? Waa Jawaabta ay is waydiiyaan Shacabku, War-tabiyuhuna u kalaho inu kasoo soo jawaabo, Deegaanku wuxu ku xidhan yahay nin iyo awoodi. Shacabka USA iyo S.land/Somalia Warkay filayaan waa isku Cirka iyo Dhulka, Halka Maagalo-jooga iyo Baadiye-jooguna kala Baahid wareed qabaan!
Siduu warku bulshada muhim ugu yahay ayuu Wariyuhuna muhim ugu yahay, Hadaan si kale u dhigo, Warka, War-sidaha iyo Habka gudbintu waxay kaalmo isbuuxineed ku leeyihiin falcelinta Dhagaystaha (Shacabka), ama ujeedada laga leeyey Tabinta warka (Go'aan qaadasho sax ah), waxa u maraga Ajazeera iyo Universal (hadaan is barbardhigo, Inaan waalnay ayaad u qaadanaysaan), hadana ha hilmaamin waa isku shaqo "Xarun warbaahineed", Gaadhsiinta Dhagaha Bulshada Wixii saamayn ku leh, Maxaa Saamayn ku leh, waa dood kale oo Hooyo Sahra iyo Dhigeeda reer Japan/America waxa macno u samaynaya waa kaaf iyo kala dheeri, Dhadhaminta Dareenka Bulshada loo adeegayo iyo Sida ugu quruxda badan ee loo gaadhsiiyaanoy Waa Mihnada koobaad ee Wariyaha iyo Hawl wadeenada u xeeran.
Wariyaha, Warka iyo Dawladu (Maamulku) waxay isku yihiin Saddex dhardhaar, Waxa la rabaa inay kasoo baxaana waa "Ummad iyo Bulsho Si cilmayesan u taqaan Nacabkeeda gudo iyo dibadba, Bulsho taqaan sababta jiritaankeeda, Cida la jirta iyo cida kusoo maqan, Bulsho Og' dhulkeeda iyo waxa ku duugan, Badeheeda iyo waxa ugu jiran, Deegaankeeda iyo wax u saaran, Bulsho taqaan sida layskugu qoofalo nimcooyinka, looguna adeegsado badhaadhaha guud", Sidaa darteed Wariyuhu waa xidiidhiyaha Warka iyo Dhagaha Bulshada, Waa Hagaha iyo Hanuuniyaha Ra'yul caamka si loo gaadho Go'aan wadareed la yaqaan sababtiisa, Ugu danbayntii Wariyuhu waa inuu Qiimo ku dara Warka "Adding Value", Shilka ka dhacay Burco maaha kaliya inuu inoo sheego, balse waa inuu Raaciyo Sababta, Tiro-ba inta jeer ee mid lamidii dhacay, Cida masuuliyada leh, Sida loo sixi karo, Saamaynta ka dhalan karta hadi la sixi waayo iyo guud ahaan xaalada shilalka dalka iyo halista wadooyinka, si bulshadu uga taxadirto, una hesho cid ay ku canaanto Geerida/dhaawaca Ehelka iyo Muwaadiniinta galbaday ama wax yeeloobay, Hadii kale wariye maaha ee Waa Xamaal iyo Bariis raadis, sida inta badan dunida Saboolka ee aan u jirno.

Saturday, 5 October 2013
Sida Ugu Fudud ee Yoolkeena ku Gaadhi Karno!
Dhib kuma jirto, Goobta, Xiliga iyo Xaalada aan ku suganahay, Waa
hubaal inaan Dhamaanteen Geedi ku nahay goob cayiman, Way jiraan kuwo
aan wadaagno Adaame ahaan, Sida Caafimad, Sharaf, Dhawrsanaan, Etc, iyo
Kuwo aan gaar la nahay Muslim ahaan, Sida Janoo-yinka Raxmaanka,
La-rafiiqa Mawlihii Suubana (SCW), Haleelka Tawfiiq-da suuban, Balse
iyana waa biyo kama dhibcaan in sida Arageena iyo Jiinkeenu u kala duwan
yahay Riyooyinkeena iyo Hamigeena nololeedna u kala dheer yihiin, Ha la
yaabin Waa xikmada Nolosha "Differecne is what Makes Life", Kala
duwanaanshu waa sirta nolosha, alle muu awodi waayin wada Shiineesh, ama
wada Afrikaan, ama Cadaan, ee nolosha sida ku macaan, Diinta, Dhaqanka,
Khayraadka, Deegaanka, Duur-joogta iyo Jawiguba inay kala tagaan waa
waxa nolosha ka dhiga nolol, waana sababta abuurtay isku baahnaanta
bulshooyinka
Ma jiro safar bilaa ujeedii, Garo ama ha Garan,
Meel ayaad kusocotaa, Adiga hal mid ayuunba kula gudboon inaad Doorato
"halkaad tagayso", si kale hadan u dhigo, laba mid weeye: inaad Habeenka
iyo Maalinta Adeegsato iyo inay iyagu ku adeegsadaan. Yaynaan fogaan
bal dib u eeg 2010 (3 sano ka hor), xageed joogtay, Yaa Waday
noloshaada, Haa Illaahay balse yuu sabab uga dhigay, Waalidka, Naftaada,
Saaxiibada, Qaraabo, Mooyi. Aan hore u socodo Maxaa kuu Muuqda
Dhamaadka Xukuumada Siilaanyo 2015 (2 sano kadib), iskaga kaalay
muuqaalka guud, taada gaarka, Waa run ilaahay ayaa og, Balse Muxu
dareenkaaga Hoose kuu sheegaya, Dhamee Jaamacada, Guurso, Reerka Guri u
dhis, Shaqadan ka tag, Ii kaadi!, Is waydii Waayo? (Su'aasha ina kala
saarta inaga iyo Noolaha kale), Aan Raaciyo, Ma qaban karta Arin kale,
Bulshada Caawi, Diinta faafi, Haaa Dabcan. Dhamaanteen waxan la mid
nahay ama ka maskax badanahay dadka Taariikhdeena Casrigaa Qaabeeyey :
Bill Gates, Lion Messi, Ahmd Godane (-), Wasiir Samaale, Prof Gaariye
(Ahun) Etc.
Dhamaanteen waan ku qasbanay inaan noolaano wakhti
Alle Qoray, Balse Xoriyad ayaan u haysana sidaan u noolaanayo, halkaan
ku noolanayno iyo Raadkan kaga tagayno Aduunka, Xorbaynu u nahay inaan
noqon Sh. Dirirka Bari, Maxamed Siciidka Saadabe (Dahabshiil), Marxuum
Cigaalka 2020, iyo Xirsiga 2015-2020), Kaliya waxaad u baahantay ,
Garasho, Go'aan, Dadaal, Talo-saarasho iyo Adeegsiga Awoodaha jira
(Qarsoon/Muuqda), Wakhti ma Hadhin waa Qarnigii 21-aad Noloshu sidee
hore way ka fududahay, Fursaduhuna sidii hore way ka badan yihiin,
Geerida iyo Naftuna intii hore waa iskaga dhawyihiin, Dhamaanteen an ka
tagno Dhaxal Tolmoon, aan Toosino Jiilkeena Cusub Ficil ahaan, Waad
rabta Sidan, anaa huba, soo Qaado buuga iyo Qalinka Qor Riyadaada, Raaci
Sababta (cilmiyee), Talo Saaro Alleh, Garawso inaan Guushu nina la
dhalan, ee Cidii raadsata hesho, Naftaada u sheeg in geed walba in
Gubtaa hoos taalo, Aduunka aan Malaa'iig loo samayn ee hawl iyo tacab
Aadamaha lugu jribaayo uu yahay, Ha Fiirin wakhtiga aad guusha helayso
(Inshala), Balse ishaada ku hay Adoo guulaystay iyo Waxaad samayn
lahayd, Sida dadku uga fal celinayaan, ugu danbaynti Taariikhda Akhri,
Rasuulki ka bilaw, Sheekh iyo shariif ku xigsii ma jirto Qof intuu
Habeen seexday soo kacay isagoo loo sacaba tumayo, (Siilaanyo 30 sano
ayey ku qaadatay inuu fuulo kurisaga muranka badan, ee ugu awooda yar
caalamka), Xaqbaan u leenay Guusha ee Dariiqeeda aan marno!
Friday, 4 October 2013
Ma Anigga Siyaasiya Mise Siyaasadda Muhima!
2030 Hadii Alle Inagu Simo Maxay kula tahay inuu Wiilka/Gabadha Reer S.land la qaybsan karaan Qayrkood, Iskaba dhaaf Galbeebka iyo Bariga fog ee caalamkoo, Geeska Africa iyo Dalalka Jaarkeena, Su'aashan Jawaabteedu waxay marag u tahay Umadkasta iyo hogaankeeda, Tusaale ahaan Dalka Malaysia 2020 waxa u arina ah inay Tagaan Hawada Sare oo Dunida hayaanta...y lasoo ogaadan waxa lagu hayo Caalamka kore, Dalka Chine 2030 wuxu dalkiisa ka saaraya Magaca Sabool iyo Faqriga, Awooda Dhaqaalena kala wareego USA, Halka Dalkan Uganda 2040 ay balan u tahay inay ka baxaan Dalalka Liita kuna biiran Qolyaha Dhexe, ugu Danbaynta Ethiopia oo 80 Million hooy u ah waxa 2020 ka go'an helida Bulsho Caafimaad qabta, dhaqaale ahaan, Deegaan ahaan iyo Maskax ahaanba.
Markay halkaa Arin marayso Siyaasadu Waa Nolosha, Noloshuna waa Siyaasad, Siyaasadu waa kala doorashada laba arin kii Khayr iyo Faa'ido badan ugu jirto Bulsho waynta iyo Beesha Magac wadaagta (Distric to National Levels), Waa Kala horeysiinta Danaha Bulshada siday ugu kala faa'ido roon yihiin, In Maraykan 14 Million oo qof galan 10 sanee u danbeeyey kana qaato Dunida Saboolka, China-na Xayiro Dhalida Hal-qof wax ka badan waa Siyaasado Qaran, mid kastana salka ku haysa Odros, Fikir iyo Xisaabtan Fog, Ta badalkeeda in Caruurteeni, Caarkeenii, iyo Caqligeeni u hayaamo Dunida Galbeedka kuna gaadho sikastoo suura gal u ah Waa Siyaasad Xumo iyo Maamul la'aan.
Muwaadin Nooca biyaha aynu subixii cabayno, Tayadooda iyo Tiradooda, Ama Shaqada, Cida loo shaqaynayo, Waxa laga shaqaynayo, Inta loo shaqaynayo iyo Wax la dhaafsanayo, Ama-ba Waxa Labaranayo, Cida Baraysa, halka lagu baranayo iyo Sababta loo baraayo intuba Waa Siyaasado Qaran, Intuba Ogaal iyo Ogaal la'aan waxa Midhaha ubadkeena Mustqablku goosan doonan, intuba waxaa waxa abuuraya Wiilka iyo gabadha 2030, Bulsho iyo Dal wuxu Meel gaadha markuu garanayo sida Qofka Shakhsigaa halku kusocodo iyo Sababta uu u rabo, Bulsho waxay Caafimaad qabta markay Taqaan Xanuunka Bulsho ee Deegaankeeda ka jira, Bulsho waxay meel gaadha markay ku nooshay Bii'o Fayoow dhaqaale ahaan, Fikir ahaan, Caqiido ahaan, Siyaasad ahaan iyo Caafimaad ahaanba, Si tan loo helo waa in Bulshada Qalin laydii Gaadha oo tagtaa Goobaha go'aan wadareedka ina khuseeya lagu gaadhayo, si kaduwan sida kuwa imika ina maamula, Wadani Aragti Fog leh, kaaso Dareen ugu jiro Dadka, Dalka, Diinta iyo Deegaankaba.
New York City Magaalo 100 Sano Aduunka Madaxtooyo u ahayd.
Marka aad aragtay Cinwaanka waan hubaa oo waxa Madaxaaga kusoo dhacay Xarunta Qaramada Midoobay (United Nations Headquarters), Dhacdadii 11 Sept iyo Daarihii aduuka ugu dhaadheera ee Twin Towers (World Trade Center), Suuqa ugu wayn Aduunka ee Wall Street iyo mataantiisa New York Stock Exchange, Wargayska ugu caansan Caalamka ee The New Yo...rk Times, Jaamacada caanka ah ee Colombia University, Astaanta Dhulwaynaha USA (Statue of liberty), Dakada Caanka ee New York Habor, Madaarka ugu Mashquulka badan aduunka ee John. F. Kennedy International Airport iyo Tareenka dheeraya ee New York City Subway oo kaalmaha hore kaga jira mashquulka Aduunka.
Magaalada NYC waxa ku nool 8 million oo qof, waxa lagaga hadlaa 800 oo luqadood, waxa sanadkasta dalxiis u taga 50 million oo qof, Wax laga jaan qooya Qorshayaasha Aduunka, gaar ahaan waxay loo yaqaan Beesha Caalamka (International Community), waxa Sanad kasta Tagta Wufuud aad u culus oo ka kala socota in kabadan 190 Dawladood oo ay hor kacayaan Madaxdoodu, Hogaamiye kaste wuxu codkiisu gaadha halka Quwadiisa Dhaqaale, Aqooneed iyo Ciidan ee Shacabka uu ka yimi iyo Calanka uu Sito ay gaadho, Obamaha hal mar sooma Qaadin gudaha Maraykan markuu jeediyey hadalkiisi aadka loo sugayey, Syria, Iran, Ganacsiga Aduunka, Is-basaaska, iyo Bariga dhexe ayuu carabkisa ku adkeeyey, Rauhani (Madaxweynaha Iran), wuxu wakhtigiisa ku lumiyey inuu Aduunka u sheego inay Iran si nabdoon u rabto Awooda Nuclear, halka Hasan Sheekh uu wakhtigiisa ku qaatay dhibta Soomaaliya inu ku Save gareeya Quluubta Qolayaha Deqaha-bixiya (Dawarsi).
New York City inaad Tagta arin fudud maaha, Inaad 200 oo Madaxweyne u sheegto Siyaasada Qaranka aad katimi waa riyo uu qabo hogaamiye kasta, Waa dareenka ka maqan Shacabka aan ku abtirsado, Hadii Siilaanyo dhagax dhigayey Wadad Burco iyo Ceerigaabo (Suuro-galnimadeeda Shakigu ku jiro), Madaxda Caalamku waxay sidi hal daba la ugu qulqulayeen NYC si ay ugu garnaqsadaan, Taasi waa Waxay ku riyoodaan 3.5 Million ee dagan dhulka S.land "Ictiraaf", Quwada USA maaha Ciidan qudha iyo Diyaaardaha aan cidi wadi (Drones), bal fiiri Luuqada Englishta, Lacagta Aduunka (Dollar), Warbaahinta iyo Madadaalada (Media iyo Hollywood), Caasimada Aduunka NYC, Sirdoonka Caalamka CIA, Aqoonta casriga Havard, Colombia iyo Yale Universities, Dhamaan waxan waa waxa America ka dhigay America (World Superpower), Qayrkiina kor ugaga yimi, Nimaan shaqaysan Shaah ma cabo, Ha sugunSacab Bilaasha Camoow hortaa jireba waayey!
Jawaab: Su'aashii Barkhad Jaamac Xirsi Batuun. (Lataliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Arimaha Dadka-La-takooro
Barkhad waa la taliyaha Madaxweynaha Arimaha Bulshada La-hayb-sooco, Waa Qareen iyo Wariye Madaxbanaan, sidoo kale waa Sheekh intaan aqoon u leeyahay, Waana Wiil dhalin yar oo mudooyinki u danbeeyey u tafa-xaytay Xaq-u-dirirka bulshada La-hayb-sooco, Barkhad Su'aal Nuxurkedu ahaa: Maxaa keenay iyo Sidee looga bixi Kara Deegaan la'aanta Beesha Gabooye... ayuu Muwaadiniinta S.land, gaar ahaan inta Danaysa Arimaha Bulshada kusoo waydiiyey Qormadiisii Oodweyne News and Media, ee Tirsigii 01 Oct 2013, Cinwaankeeduna ahaa "Sababaha keenay Deegaan la'aanta Bulshada Gabooye Haysata".
Barkhad marka laga imaado qormadiisa quruxda badan, ee aqoonta iyo xogta badan ku tuugantahay, wuxu si toosa u abaaray kaalinta Bulshadaasi ku leedahay hanaan socodka nolosha guud tan iy inta Taariikh ahaan la xasuusto, Balse Wuxu aad ugu dheeraday ahmiyada Deegaanku u leeyahay bulshada iyo masiirkeeda nololeed, isagoo barbardhig ku sameeyey kuwa ay jaarka la tahay, Anu si aad iyo aad ayaan aragti ahaan uga gadisanahay, Bulsho kasta waxay ugu baahi badan tahay waa Aqoon iyo hal-abuur fikir cusub ee maaha Deegaan iyo Nasab ama Abtirsiin. Deegaanka, Khayraadka, Siyaasada, iyo Cuudku waa Taageerayaal iyo tabantaabiyayaal awooda garasho ee bulsho kastaa leeday, iskaba dhaafo dhanka kale qaar ayay halaag iyo saboolnimo u horseedan bal eeg Nigeria, Sudan iyo S. Sudan, Congo. dhanka kalana eeg Japan, Singapore iyo Malaysia, Aqoonta ayaa kala hor marisa bulshooyinka Taasna wax ka marag ah Taariikhda Aadamaha Horeyso iyo Danbayso,
Barkhad Arinta ugu muhimsan ee ay tahay inaan garwaaqsanaa waa inaan dagaal adag kula jirno dhaqan abuurmay boqolal sano, dhaqankas oo aan lugo adag ku taagnayn sidaad tibaaxday cidkastaana ka marag furtay, si taas meesha looga saaro waa inaan galna dagaal dheer, waa inaan diirada saarna jiilka cusub sidiii loo midayn lahaa, taas waxa marag kaaga ah Arintii South Africa iyo halgankii 27 sano ee jeelka Nelson Mandela oo maanta ka dhigay quwada Dalalka madaw, Xaquuqdii Madawga America iyo Geesigii M.L. King aakhirkina loo dilay taaso iyana keentay Awooda caalamka ee 53 Gobol ee midoobay, kudarsoo Israel waa awood ay dhashay colaad, cabudhin iyo Dagaal joogta ah, taas oo ay ku noqotay Quwada Caalamka. Marka Barkhad waa inaan xooga saarna Wacyi-galin bulshada guud ahaan iyo Aqoon-raadin Bulshada dhexdeeda, gaar ahaan kuwa Lahayb-sooco. Wa inaan yaqiinsana inteena qalinka u hayb sheegataa inaan Arintani ugub ku ahayn Aduunka guudkiisa, balse ay tahay nolol ay la jaaryihiin Umad badan (Takoor, Cabudhin, Cay iyo Af-lagaado), balse waxa Alle mahadii ah inaan gacan qaad iyo Wax-yeelo raacin sida meela badan oo caalamka, Ugu danbayntii Barkhad Bulshada La-hayb-sooca uba Baahana Deegaan, umana Baahana Kooto ee waxay u baahantahay Aqoon, Dhiiranaan iyo Isku xidhnaan tusta awoodooda Xirfadeed, Siyaasadeed iyo Hal-abuur.
Friday, 27 September 2013
Maxaa Erayada Jacaylka Carabkayga ku Adkeeyey!
Waxay qormadani igu soo dhacday Habeen dhexdaasa, Balse Xidhiidhka noo dhaxeeya Aniga iyo Jacaylka ood moodo Kii labada Kuuriya (North and South Koreans), ayaan intaa uga war-wareegayey, Kali kuma ihi Warkaase rag badan aya ila Qaba Ilyas Caanteynle, Ahmed Nour Guruje, Karaamo Dacar Aadam iyo Mohamed A. Farah aniga iyo xertani xarafka "J", si uunba...anu dacar uga qaadnaa, Yeelkeede Habeen dhexdaasa ayuu nin da'ahaan 40+ ahaa, igula jaaray madal Internet, fahanoo kursiga igu xiga ayuu fadhiyey, qof Dumara ayuu Skype kala hadlayey, aan kaso qaadano Xaaskiisi inagoo dhaqanka dhawrayna, Allaah wixi meesha ka dhacay ayaa ka dhacay, Qiiro odaygii Baaruud ahaa, Xabiibi, Macaan, Gacaliso, Naftaydii, Qurux, Waan-ku-xiisay, Anigi ayaaa sidi roob i hayo Miiska hoos gali gaadhay, hoostana waxa ka lahaa waar ma ka dhabtaa talow!, Waxoon malabii. Waar ninka Maxaa Jacayl ku jiray, miyuu siminaar sida loo yidhaahda raga badan u furo.
Xaasha kuma soo korin Guri Nacayb, mana ahayn Reer Baadiye Mii ku koray, Buug, Filim iyo Sheeko intaan Jacayl ka gaadhay tiro male, Balse Maxay kaaga taal Markaa aan Afka furto si aan erayo jacayl ugu hadlo ayuunbaad mooda in Hargaysi i dhagaysanayso, oo Samaceed wayn aduunku igala socodo, Ha ila-yaabin Dhaqankaan kusoo koray ayaa ahaa "Jacaylka inoo Qari, oo Qof walooba Shaqadaada kasoo bax", Waligay ma maqla Waalidkay oo isku Leh Xabiibi ama Gacaliso, Ismay necbayn oo jecaylkoodu Cirkaas ayuu marayey, arintana waxa iiga maraga Markuu Aabo joogo Dhamaan waxa Guriga jooga Isaga Farxadiisay Laasimi jireen, Markuu Baxana Hooyo waxay odhan jirtay haduu yara raago "Waar Habiini Maanta wax wara", Eesh Qiyaaska Bal adba eeg Jacaylka, dhanka kalana Waligay kama maqal erayo Gaf ah Dhexdooda ama Gartoodo lagu jiro, marka aan Booqasho ku gaadho Guryaha walalahay Rag iyo Dumarba ama Xaafada Jaarkana Jacaylku iska daa sheeko, hadalkiisu Anshax xumuu ahaa, Maxaa Jacaylna Keenay waa lays Qabaaye, Ayey ahayd Fariinti aan Fahmi jiray.
Yaan idinku dheerayne tiraba dhawr hablood oo aan Xan-hoose na dhex martay waxay siyaabo kala duwan iigu soo eedeeyeen inaan dhagax ahay, oo Afka Macaan iyo Erayda Qaaligii Dictionari-gayga ka maqan yihiin, Dhegaaa Waa xagtii Abtigay Abdiaziz Mohamed Maxaan idhaahda Xabiibi ma isagaa Carabku bartayba sida loo dhaho, Macneheeda iyo Qiimaha ay leedahay marka la eego Duulka Reer-Xaawa ima segan, balse in uurka laga dhaho hadaa wax diidaya ma jiraan, balse Intaan ilbaxayno ha layku dulqaado, oo Jacaylka ha loo daayo Kii Awoowyadeen ee ku fadhiyeyey "Jacayl Qalbiguu jiraa, Shaqadaada qof walooba kasoo bax"
Wednesday, 25 September 2013
Hadaan-ahay iyo Hadii-kale-ba Shirka Beesha SM Dareen Ayaan-ka-Qabaa.
Twitter: @Mustafebarud04.
Facebook: Barud04@hotmail.com
Inaan ahay Muwaadin u dhashay S.land, kana soo jeeda Gobolka Maroodi-jeex ayaa kuugu filan Xidhiidhka Dhaqan-dhaqaale iyo midka Bulsho-siyaasadeed ee Naga dhaxeeya Beel-waynta Sacad Muuse oo Shirkoodi "Hoodaale" uga furamay 23-Sept-2013, Degmada Agabar ee Waqooyiga Caasimada hargaysa, Shirkan ayaa lamida kuwii ka horeeyey ee Daallo, Dan iyo Duco, Afgarad , Gar-adag, iyo Barkhadle kuwaaso dhamaantood kusoo gaba-gaboobay Nabad iyo xaalado dagan, Balse aan lasheegi karin wax muuqada oo kasoo baxay, marka laga reebo Gar-adag oo salka loogu soo dhigay Xukuumada imika Jirta ee Kulmiye, laguna soo dhisay Huwanta Galbeedka Hargaysa iyo Bariga-Burco, taaso cagta marisay Xulufadii Boorame iyo Galbeedka Burco (UDUB).
Beesha SM kuma noqonayo Kaalinta ay kaga jirto Bulshada iyo Dalka, Dhankasta ood eegto Siyaasad, Dhaqaale, Fan iyo Aqoonba, Intaas waxa u dheer waa Dhab-libaaxda Xukuumadan wajiyada badan ee Kulmiye, taaso ku fadhida Formula-dii Gar-adag ee Dalka nala qabta, idina Waa idinku markiina, Balse nasiib daro, Heeshiiskii nooca ahaa ayaad mooda inuu faryo bidixi ka baxaayo, taaso ay marag u tahay Dib-udhaca badan ee ku yimi shirka Agabar ee cinwaankiisu ahaa ka tashiga Ayaaha Beesha oon Mudo dheer Geed iskugu iman, kuna kala war qaadan, taa badalkeeda waxa Jabaq iyo Sanqadh Siyaasadeed oo Guracan uga baxday HE. Siilaanyo iyo Kooxdiisa dhalasho ahaan kasoo jeeda Beesha, iyagoo Dareen ka Qaatay Dhaqdhaqaaqa Gedii Qaaxo oo uuu horseed ka yahay Mujaadi Muuse Biixi, ku darsoo Qoraa Boobe, Eng. Max'ed Xaashi Maryo Cas ayay kala furteen Saaxiibkooda Dhaafsaday Wiilka uu adeerka u yahay ee Mudane Xirsi (Wasiirka Madaxtooyada).
Yeelkeeda Anu Ma ihi Musharax Jamaal oo kale, oo Rajo ka Qaba in Xeerkii Awaliism-ka odaydu soo celiyaan intay si fiican u Abtirsadaan, Isagana lagu taageero, se Wuwaadin ahaan dareenka ka qabaa wuxu yahay in Shirka Beeshu noqodo mid xooga saara sidaan u heli lahayn Shacab ahaan Hogaan Suuban oo Shacabka Tabaalaysan Awoodooda iyo Dhaqaalohooda ugu rara Dagal dhaama kan habaaska iyo Boodhka badan, Waxaan dareen fiican Qaatay markaan TV ku arkay Sheekheni waynaa Ee Sh. Almis Yahye oo Aqoontiisi Diiniga iyo Maadiga iskugu jirtay la hortagay Odayda Gadh Casaha u badan ee Awoodaha Siyaasiintu kala jiidanayaan, Muwaadin kasta Wuxuu xaq u leeyey inuu ka qayb qaato talada dalka, Balse Shirarka Noocaasoo kala waxa Haboon inay Dalka iyo Dadka Masalaxadooda lagu eego oo Hogaan Suuban lagu doorto ama lagu Taageero, shacabka kalena loo so bandhigo, si Midhihiisa loo wada cuno Waayo "Umasha-waxau-Dana ayaa Ilmaha-u-Dana"

Tuesday, 24 September 2013
Sidii Aan Ugaandha Ula-qabsady Iyo Xikmada ku Duugan.!
Twitter: @Mustafebarud04.
Facebook: Barud04@hotmail.com
Dunida aan nool nahay maanta waa lama huraan inaad baxdo, ka tagto dhulkaad ku dhalatay kuna barbaartay, kaas oo aad Sida Xoola iska dhaaf wax kaloo aad kala baratay Dhirtiisa iyo Urtooda, taasina waa sababta loo yidhi "No Place Like Home", iyadoo la hubo marmarka qaar inaad haysato nolol ka fiican, ka dagan, kana Xanaano roon ayaad hadana Boholyoow iyo Qalo dareemaysa, Waxa laabtaada kusoo mir-kacaya Dareenka Ehelkii, Xoolihii, Deegaankii, Tilmaamihii iyo Jaarkii aad la nolol qabsatay, Waxa sida Hilaac Roobka marmar kusoo hor maraya Raxan sawraa kuwaaso mid kastaa sheeko gaara u taagan yahay, waa runtay oo horaa loo yidhi "a picture is worth a thousand words", waa Run, bal indhaha isku yara qabo oo dib u fiiri xasuustada, maxaa Sir iyo Sheeko ku duugan, taaso oo Nuxurkeeda ay kamid yihiin Goobti, Wakhtigii iyo Cidii kugu wehelinaysay oo intuba maanta laga yaabo inay kaa dheeryihiin.
Haday sidaa tahay waa lama huraan inaad barato sida Dal iyo Dad cusub loola qabsado, gaar ahaan xili aan inteena badan Sharci daro ku galno dalal waxkastoon lahayn khilaafsan, haday noqoto Diin, Dhaqan, Dhaqaale, Siyaasad iyo Hab-fikir nololeedba, Inagoo baahidan ka duulayna Muwaadin iyo Saaxiib aan kusoo gudbiyo Tijaabooyinkii aan maray markii Aan Yugaandha Imi iyo Sidii aan ula jaanqaaday, Maaha Tijaabo mana aha Aragti iyo Fikir, Balse waa Arin Dhacay Shakhsi ahaana Aniga igu dhacday, Taaso guul Idanka Alle ii horseeday.
Ugu horeyn markaad Dal kugu Cusub soo gasho, Baro Dhaqankiisa, Luuqadiisa, iyo Taariikhda Dalka, Waa Hubaal oo maaha arin fudud, Balse Xooga Saar, Gaar ahaan Cunta-da Wadaniga, Luuqada inta Aasaasiga, iyo Taariikhdooda inta ugu muhimsan, Inta badan Xogtan waxa laga Helaa Tv, Wargaysada, iyo Meelaha ay bulsho ahaan ku kulmaan (Community Centers), 6 Bilood ee iigu horeeyey Dalkan waxaan Bartay Luuqada Swahiliga iyo Lugandha, Waxaan Habeenkasta Akhri Jiray 3-da Wargays ee ugu afka dheer, Waxaan Cuni jirtay Cuntada Asalka u ah, Waxaan Sheeko wadaag la ahaa Xer badan oo kala dabaqado ah, kana waraysan jiray Noloshooda, Qabiilooyinkooda iyo Asal madoorshaha ka dhexeeya, Yeelo Yool iyo Ujeedo aad u joogto, waad leeday balse ha noqoto mid Lagula ogyahay, laguu yaqaan, Abuuro Mujtamac awood ku leh dalka, Gaar ahaan dhanka Noloshaada Cusub, Ganacsi ahaan, Aqoon ahaan iyo Xirfad ahaanba, Ha sugin in Albaabku furmo ee Garaac adoo garanaya Jawaabta wa kuma? Isku day inaad laabta usii dayso dalkaa cusub, Markaaso oo qudha ayaad wax ka noqon karta, Hadii kale Systemka ayaad la wareegi intaad kusugan tahay.

Friday, 20 September 2013
Kampala, Jacaylka iyo Telefoonka.
Twitter: @Mustafebarud04.
Facebook: Barud04@hotmail.com
Arimaha Jacaylka ma jeceli oo Dacar ayuu igu kiciyaa, Akhristayaashana qaarbaa Xasaasiyad ka qaada, balse Jimcaha galay aan fiirsho mawduucan. Waagan Kampala imi: June 2010 waxa si diiran iigu soo dhaweeyey Saaxiibo qaaliya, yeelkeede Habeenkii labaad ee martinimadayda waxaan arkay arin cajiib igu noqotay: Nuskii danbee habeenka abaaro 2 Habenimo, wakhti aan soo yara baraarugay waxaan maqlay Cod aad moodo idaacadii BBC oo Dhaqaaday (Shuushuush shuushuush), hadii aan dhagta hoos u dhigay nin cusub ayaan ahaaye waxan xaqiiqsaday in Saaxiibkay Telefoon ku hadlayo, Neef wayn ayaan tuuray, Cabsidiina Xiniyo ayaan ka yeeshay, balse waxan ka gam'i waayey dhawr su'aalood: Yuu Xiligan la hadlaya? Sidee Qofkaasi u maqlaya Codkan aan safeexa ahayn? Telefoonku Lacag maahinoo?, Bari Labadan Qof midna Shaqo uma taal miyaa?, Cabaar kadib waan iska gam'ay.
Yaan waxba idinku dheerayne, Habeenkii xigay waa sidii xaalku, balse markuu waagii baryey ayaan Odaygii Saxibkay ahaa ku idhi waar heedhe Horta Habeenkii Miyaad isla hadashaa? ku yeh waayo?, Dee Waxaan oohin iyo hadal u kala garan waayey ayaad Saacadaha danbe lasoo baxdaa, si layaab ka muuqdo ayuu iigu yidhi Inadeer Telefoon ayaan ku hadlaa, Adna inshala waad nagu soo biiri, Yaan lays Habaarin, ayaan ugu hal celiyey, Qosol dheer kadib wuxu iigu bushaareeyey inaan Xerta Habeenkii Shallaadka noqon doono, Balse Su'aalihi ayaan dabada u qabtay, waxa ugu muhimsanaa:Innantan Aad habeenkii u sheekaysa Subixii Arin iyo hawlo ma laha miyaa?, Fahanoo waxaan Cindiga ku hayaa Hableheeni Aroorta hore kici jiray ee Daarada iyo Qolqolka Sidii Dawlada hoose Cagta marin jiray, Gurigana tin iyo cidhib sidii Nin Mirqaansan u jiidhi jiray, ama marmar aad maqli jirtay Hooyo Inanteedi ku le " Bi'i waa Bal xiligay jiifto eega, Alla ka laguu hayaa ayaan daranaa", kadibna iyadoo shaydaan la naaray aad moodo ila gidaarada Dhalaalin jirtay, oo hadaan nahay ina Rag waagu inoo dilaaci jiray Gurigii ood moodo Muraayad camal, Si Yasid iyo fudaydsi ku jiro ayuu igu jawaabay Meeshu waa East Afrika ee waad la qabsan. (Hadal Qormooyin u baahan weeye).
Telfoonku waa Orange (Shirkada adeega Telefonada Bixisa), oo Soomaalidu caan ku tahay, Dadka Badankoodu waa Arday iyo Qaxoonti (Garoo waxa shaqo tagaa kuma jiro ama wuu yaryahay), inkastoo imika waxooga qaaliyoobay sixirkii Telefoonadu (Cost/minute), hadana wali waxaa shaqeeya 10pm ila 8am ku hadal 30 daqiiqo Qiimihii 1 daqiiqo, balse waxa jirtay wakhti uu jiray adeega Pillow Talk (500 boqol/habeenkii), Ama (1000/24), arimahani waxay keeneen in dhalintii Jacayl cidla ka helo, Buugii iyo Noloshiina ka mashquuliyo (Habeenkii Telefoon maalintii qaybta horena hurdo), Aakhirka Bishana Dahabshiil, Ilayn waxaad badsataaba waa ku bariistaaye, Telefoonkii badnaa jacayl badan ayuu keenay, Jacaylkii badnaana Saaqidnimo badan iyo xisaabtan la'aan, Qolyaha Qaadku jiitay waxa nagaga daran Qolyaha Jacayl-Telefoonku naga Ibtileeyey, Alloow noo sahal Maxaa meel na daloosha! Qolo Jacayl-dardaro, qolo shaqo la'aani isha-ka-tuurto, Qolo qaad-Qaniino, Qolyo Qaxoontinimo-quus ka dhigto, Qolo Qarax-quud u noqdo iyo Qolo Siyaasad-ku-qawlaysta.
Wednesday, 18 September 2013
Hadaad Maalintii Qaniinto, Adna Habeenkii Filo Mid ka-xun!
Twitter: mustafebarud04.
FB: Barud04@hotmail.com
Inta badan Ilbaxnimadu Maaha Nooca Hugeena (Dharka), ama Telefonka iyo Labtopka aan sidano, balse waa Dhaqan wanaaga iyo Macaamilka Bulshada aad la nooshay, Kuwo Shaqo, Waxbarasho, Ganacsi, Maamul iyo Asxaabeedba, Inaad ilaaliso hab dhaqankaasi waa waajib ku saaran, Bal u fiirsho Diinteena suuban iyo Tixgalinta arimahan, Ha-ku Hindhisin Hawada ee adeegso Masar, Ha Qaylin ee hoos u dhig codkaaga, Ha cunin Toon iyo wax Ur-xun kadibna ha aadin goobaha lagu kulmo, gaar ahaan Masaajida, Salaan Dadka waxad garanayso iyo waxaanad garanaynba, Garaac albaabka intaanad galin, Ugu yeedh qofka magaca uu jecelyahay, ha u sheegin Naftaada iyo Bulshada Been, Ha buubunin Sharka, Astur Ceebaha Qayrkaa, Ha Caayin Madaxda iyo Ulul Amriga, Iska jirin Xanta iyo Isku-dirka, ka fogow Shaxaadka iyo wixi shafartaada dilaya, dhamaan arimahani waa ku ilaalinaya Mujtamaca kugu xeeran.
Balse inta badan markay bulsho gasho dagaalo sokeeye, waxa burbura dhankastoo bulshada ah, sida Diinta, Dhaqanka, Dhaqaalaha, Dhulka iyo Wax-guud yaal, Khayraadka iyo Deegaanka, Xoolaha iyo Duur-googta, Bulshaduna waxay yeelata astaamo iyo tilmaamo hor leh, waxa isla qabsan waaya Ilbaxnimadeedi hore iyo wajigeeda cusub, waxa kala luuqad noqda Waawaynkeeda iyo Yaryarkeeda, Aqoon-yahankeeda iyo Caamadeed, Madaxdeeda iyo Shacabkeeda, Aakhirkana waxay ka Baahiyooda Nimcooyinkeeda, waxaanay martidaada Qayrkeed iyadoo liigaysa Hantideedi gaarka ahayd noocaskaba, una nuglaata saamayn kastoo dibadeed, kadibna waxay awrkeeda ku xidhataan nin aan wadi aqoon, Qoomamo iyo Ciil ayaa hanti ma guurta u noqont dhankstoo la eego, sida Tahriib, Is-qarxin, Qabyaalad, Dulmi, Maamul-xumo, Saboolnimo, List goes on.
Muwaadin Ceeb maaha inaad aragto ama maqasho wax dareenkaaga dhiba, gaar ahaan Bulshadaada dhexdeeda, Qariib iyo arin qadan waayana maaha inay adna kaa dhacan, oo aad cid kale dhibto Adin iyo Af-ba, waayo innagu Malaa'ig ma nihin ee Beesha ayaan kamid nahay, Ha Qaylin, Ha Shaxaadin, Ha Dacaayadeen, Ha Caayin, Ha Xaman, Ha Qodqodin ceebtiisa, Ha ku fogayn danbi isaga ka wayn, ha ku sheegin waxaanu raali ka ahayn, Markaasad Nabad galysa, Balse Hadaad Maalintii Qaniinto Adna Habeenkii Filo mid ka xun kana qadhaadh, Aniga Maaha ee waa Illaahay hadalkiisi hadalkani "Nafkasta Waxay Kasbato waa mid helaysa"

Tuesday, 17 September 2013
Xantoodaan ka Jeclahay Amaantoooda!
Twitter:@mustafebarud04
FB: barud04@hotmail.com.
Dunidan aan maanta noolnahay Xanta iyo Ogaansheheeda waxa lagu bixiyaa lacag badan, Doodaha ugu waawayn ee aduunku waxay salka ku hayaan ogaanshaha Sirta Caalamka (Wiki-leaks and Edward Snowden), ama-ba guud ahaan Wadaaga macluumaadka Xasaasiga ee Dunida aan ku nool nahay, Qolyaha Cirka tagay, dhulkana hoos u galay waa inay Aduunka kale la-wadaagan waxay soo arkeen? waa dood ay qabaan Quruumaha laga tagay sideena oo kale, Shucuubta American-ka iyo Dunida Dawladuhu u adeegan cidii soo dooratay waxay cabasho ka qabaan dhagaysiga Sirtooda iyagaano raali ka ahayn, Halka Madaxdooduna ku tilmaamayso arimo Amaan, Saman iyo Xilli Dagaalkii noqday Nin iyo Hadhkii, Bal-fiiri Washiton iyo Wixii Xalay ka dhacay, 14 ayaa dhintay markii Xarunta ciidanka bada la weeraray, Washiton gudheeda!
Markan ka imaado dhankaas iyo Xasaasiyada ogaansha sirta, ha hilmaamin Shirkadaha lacagdoonka iyo aduunkay u huraan inay ogaadan waxan jecelnahay (Feedback), si khubarada timaha cad ee fadhida Waxada Cilmi-baadhida iyo IKhtiraaca loogu gudbiyo, si loola jaan qaado Dunida Dookhi iyo Damaciiba Qoraxda lasocodaan (Dagdag), "Wixii Dareen-celin fadlan nogu soo hagaaji, Fikirkuuna waa noo sharaf" eraydan maaha kuwo ciyaar ciyaar ah, waa Sirta Ganacsiga Aduunka Maanta Samsung iyo Apple qaybahooda Suuq-gaynta ayaa dareemi kara macnaha ku duugan Ogaanshaha Xanta suuqa u taal, Bal aniga iyo adigoo miskiina ka waran, cidna aan lacag kusiinayn inay ino sheegan Xanteena?
Guntii, Amaantu dhaqan ahaan Run iy Been-ba way noqotaa, Qofka waxa loo amaani karaa ujeedoyin badan, Dan dhaqaale, Siyaasadeed, Awoodeed, iyo Hungiriba Sacab iyo Amaan waad ku heli karta, Balse Xantu waa Xaqiiq iyo waxa aad tahay oo dhaba, "Walal Qoraal ayaa lagu saliday, Markay leedahay", iyadoo aniga i sheegaysa Beenteed maaha, Shirkada hebel-a waa shirkad fiican, balse xxxxxxxxxxxxxxx, markaan leeyey Hadaa iskama lihi ee lasoco, "Balse" waa halkay xikmadu ku jirto, inaad ogaato waxa ka danbeeya Amaanta (Xanta) waa Cilmiga qudhee aad kusixi karto Noloshaada, kuna Gaadhi karto Hadafkaaga, Isku day inaad ogaato Xantaada Qiimaha ay doonto ka hugu fadhidee, Dhankasta iyo Qofkastana ka akhri Boga hoose ee shaksiyadaada iyo waxa kuugu qoran!

Sunday, 15 September 2013
Talow Imisaan ku Mehersadaaaa? Bal Adba!
Twitter: @Mustafebarud04.
FB: Barud04@hotmail.com
Meherku waa Cilmi u Gaara Xaawa iyo Dhasheeda, Waa Aduun iyaguun ku kooban, oo Tiro ahaan iyo Tayo ahaanba waa Awoodohooga Gaarka, Xataa waxaan Maqlay Inagama Dhaafi Karaan (Ilama-Adan ahaan), In loo qadimaana Waa sida Suuban, ee Dhawrsanaantu ku jirto, Balse inaga Dhaqankeena Ha Soo Qaadin Qadimaad iyo Hawlahaas, Waa Adoo Caasanka Bixiyey, Laakin Halkan Ugaandha Maalin dhawayd waxaan goobjoog u ahaa Xaaji laga Qadimayo Meherkii Yartuu Calmaday, Waan Anfariiray Markaan inanta Waligeedii Ka Maqlay " Meherku Waa Intaas oo Qadina" Qosol intaan ku dhuftay ayaan Saxiibkay Ibnu Dool fiirshay oo idhi wax ka Guro Qadinba laga Dhigeee! Imisaan ku lahaa waar Xiligu waa noocyo badan yahee intaa uu Meherku daynta yahay meel Cadaynta iyo Casaynta u Samayso.
Samankii hore Xanta iyo Meherka Xiisihiisu wuxuu gaar u ahaan jiray Reer-xawa, balse Samankan waxa dhacay inaad aragto madal Ragg fadhiyo oo laysku waydaarsanayo" Hebel habla intaasu ku mehersaday, Hotel Hebel ayuu ka dhacay, Madax sara timi, Aduun intaa leeg ayaa labixiyey", Waxooga dhanka Style-ka ayuu noogu biiray oo Shaqo la'aanta iyo wax noogu wacan mooye maalintaas Midkaayo Meel ka onkodo waa noo sheeko Xiise iyo Xamaasad badan, Tahniyada iyo Farxadu Waa Dhaqanka Suuban ee Diintu Ogoshay, balse Buun-buunin iyo Qodqod ayaa noo raaca, iyo wax Awoow yaashayow u yaqaaneen nusqaan Ragganimo, xataa Heer uu naga marayo in $20,000 raga la gaadhay sidii Sayladii lacagaha ee New York, si loogu faa'no, waxaana dhacda in Aduunka intaa leeg aanu haysan ee xaalkiisu yahay: Madal ka sheeg, Makhaayadii ha lagaa sheegee!"
Masuuliyadu waxay ka bilaabanta Naftaada, Gurigiina, Kaaga, Jaarka, Bulshada aad la nooshay iyo guud ahaan Shacabka, Ficil kastood qaadaysa wuxu saamayn togan iyo midd tabanba ku leeyahay intaa aan soo sheegnay, Caqliga Fayoow iyo Garashada la amaanay waxay ku jiraan inaad eegto nolol ahaan kuwa jiliccsan, si anaad noloshooda wixii daruuraiya ugu badalin Faakihaysi, Camal ahaan iyo Cibaado ahaana kuwa sare si aad ugu dayato naftaadana ugu dhiiri galiso, Bal u fiirso Diintu waxay Amaantay Meherka Fudud dhankasta, Barakana isaga lagu sheegay, Ujeedadu maaha Awooda Qofka Balse waa Ta Bulshada, Guurku Dhaqan ahaan iyo Diin ahaanba waa Aasaaska nolosha Bulsho kasta, Inuu noqodo wax lawada awoodo dadkana lagu dhiiri galiyo Ayaa mudan, Balse Waa ceeb in Mudanteeni, Aqoon-maalkii, iyo Ashkaashta inoogu tunka wayni kadhigtaan Madal Kaftan, Cartamid, iyo Cago jugalyan Dadka Sida Anoo kale Saboolka ee biyaha ay cabayeen habeenkii 2 habeenimo Kuyuuga ugu jira, Noqo Qof Masuula oo Arag Bulshada Inteeda badan, Hadaanad waxba ku kordhin karin ka haysto Dhibtaada Tooska iyo Dadbanba Muwaaadin.

Thursday, 12 September 2013
Dardaaran Ku-aadan Walaashay iyo Hablaha-faceeda!
Walal Horta habmalyo noloshaada cusub Alle-ha kaaga dhigo Guri Barwaaqo
iyo mid aad ku nasato inta noloshaada kaaga dhiman, Saygaagana Midkii
aad noloshada ku riyoon jirtay inshala, Walal Xikmadu maaha wixi shalay
dhacay iyo Ragii madasha ku kulmay, Duunyadi laka Qaatay, Mana aha
Halkaad Dagayso, Nooca guriga ama Gaadhiga uu ku siin doono, balse
Ujeedadu waa Inaad ka baxday noloshii Innan-nimo una Digo-rogatay
Marwo, Xaas iyo Hooyo-nimo isku diyaarin inshala, Walal Seedigay Wuxu
yaqaan Magacaaga iyo Qosykeena, Midabkaaga iyo Sidaad u labisato, Waxaan
Rabaa inaad Barto Naag-nimadaa, Farshaxankii aad kusoo ababtay,
Dhigaalnimo iyo Dhaqaalayn, Gaarinimo iyo Urursanaan, Dhaga-nugayl iyo
Dabacsanaan, Jajab-naan iyo Farxaanimo, Adkaysi iyo Samir, Asturnaan iyo
Baydhsanaan, Naagnimo iyo Saaxibtinimo, Sidaaso qudhaa lagu maamuli
karna Qalaba Ina-ragg.
Walal Hadaan in badan ku nidhi Ha-bixin,
Yaad-la-hadlaysa, Xagaad-aadaysa, Maxaad-xidhantahay iyo erayo lamida,
nagamay ahayn Colaad, Cabudhin iyo Awood-sheegasho ee waxaan rabnay
inaan Adoo boqorada kugu wareejino Saygaaga aad soo xulato sida maanta
dhacday, Waxaan kaaga aqoon badnayn Ina-rag iyo siduu halista ugu yahay
Hablaha adoo kale ah, "Baadi iyo Ninkii le, Waa u Aragti", walal Ragu
waa Ugaadhsato Duur-joog ah, Habluhuna waa Ugaadh, Haday Cidla ka
helaan, Dil, Qabo iyo Cun mooye Xeerkooda kuma jirto Dhawrid iyo
Ilaalin, Walal sidaad u jeceshay inaan Reerka keeno Dumar fiican ayaan u
jecelnay inaan Gurya kale iyo Seediyaashay Siino Hablo Dhawr san, Si
Codka iyo Magaca Reerkeenuba u dhisnaado.
Walal waxaan ku
leeyey Dardaarankii Hooyadii Carbeed ku tidhi gabadheeda, markii laga
soo doontay " U-noqo Adoon, Ha-kuu noqdo Sayide, U-noqo Hooyo, Ha-kuu
Noqdo Aabee", Walal hadaad wax saluugto, Samir, Dulqaad iyo Karti Muuji,
oo la tasho cidaad aqoon bidayso, gaar ahaan walalaha, intaanad talaabo
qaadin, Waayo Aduunka Wax-burburinta ayaa ka Fudud Dhisida, Hadii walal
Gurigeena aan wax ku wada cuni jirnay, imik Kaga martaan ku noqonaya,
Diinta, Dhaqanka iyo Nolosha ayaa marti iga dhigaysa, Balse Ogoow hadaad
Shalay Dahab ahayd, Maanta waxaad tahay Dheeman, waxaad xushmad ka
leeday Laba-guri, Laba-ardaa iyo Laba-nololood, Waxaa tahay Biriish ee
noqo mid adag oo ayaatiin le inshala.
Monday, 9 September 2013
Ma Ka-aqoon-daraa Mise Waa-ka-Daryeel-xumo Shirkadeheena Waawayn!
Twitter: @mustafebarud04
FB: Barud04@hotmail.com
Waa Aduun oo Nusqaan iyo Dhinaasho laga waayi maayo, Balse wuxuu Galab Daran kuu dhacaa, oo Ceeb iyo Caydh-nimo isku kaa raacan markaad dhankasta saluugto, oo Diintii, Dhaqankii, Siyaasadii, Dhaqaalihi iyo Ganacsigii Xorta ahaaba Isku kabo iladaan, Arinkaaguna Muwaadin ahaan noqdo "Meel Loo Orda ma jirto, Meel loo Carara Ma jirto, Aan Alle ahayn", Waxba yaan taraarine waxaan saluugay Hab-maamuuseedka Shirkadehena waaweyn ku Qaabilaan Macmiishooda Maalin walba usoo xareeya lacagta tirada badan, iyo Khiyaar la'aanta haysata Muwaadiniinta.
Anu kama hadlayo xidhiidh xumaanta dhexdooda, Xadiga iyo Nooca bulshada lagu soo celinayo Faa'idada ka dib, Xaquuqda Aas-aasiga ee Muwaadinka (Shaqaale+Macmiil), Fursadaha Shaqo-abuur iyo Maal gashiga Dalka, oo arimahani waa kuwo Dawladeed, balse waxaan aad u saluugaya Dhaqanka aad moodo "Do it Or Leave It" ee caanka ka ah dunida Shuuciyada, ama Suuqa aan xorta ahayn, Arintani inta badan waxay dhacda marka Macmiilka la tusi waayo Kaalintisa muhimka ah iyo inuu isagu laf-dhabar u yahay Habsi-socodka Shirkada, Macmiilkinu Aamino inaanu haysan cid ka dhicisa Budhcad Ganacsiyeed si bilaa naxariisa uga qaadaysa lacagtiisa yar, bal ila fiiri.
Markii aan Aaday Xarumaha ay ku leeyihiin kala badhka Caasimada Hargaysa, sanadki hore, inkastoo aanan wadan gaadhi, badankoodu ma lahayn meelo gawaadhida ay dhigtaan macaamiisha halka qaarkood ay kala badnaayeen macaamiisha u imanaysay iyo baakinka ay ugu talo galeen, si uu u helo meel aamin ah, loogana fududeeyo inuu dhex wareego magaalada, Marki aan soo galayna gudaha waxaad arkaysaa meherado yar oo leh wax la daawado ama la akhriyo si macmiilku inta adeegga uu sugayo uga faa’iidayso, Wakhtigana uga faa'ideyo, Macaamisho Badnaa Dartoo, hadiiba aad Cabo ama Su'aalo dheerada qabo ma jirto Goob macmiilka loo qoondeeyey in uu ka helo adeegan, Maan maqal Erayadii Soo dhawoow, Mahad sanid, Soo Noqod fiican, oo kasoo baxaya Ii Adeegihii shaqada ii waday, waxaad ku arkaysaa meherado kooban in qofka aad garatid magaciisa iyo shaqada uu hayo (ID, Uniform Etc), si aad u dareento kalsooni, Arimahani oo dhani waxay lidi ku yihiin Daryeelka Macmiilka iyo Muwaadinka Saxib.

Saturday, 7 September 2013
Ilma-Baaruud Ahaan Maxaan Uga Hadhnay Xirfadii Kubada Cagta!
Twitter: @Mustafebarud04.
Fb: Barud04@hotmail.com
Inkastoo aanu midkaayana Nasiib u yeelan inuu Qaranka Guul usoo Hooyo
Sidaa Mo Farah, ama Ka Ciyaaro Garoomada Waawayn ee Old Traford-ka
England iyo Nou Cam-ka Barcelona, Hadana Ilma-baaruud ahaan Kubada Cagtu
waxay ahayd astaan aanu caan ku nahay, Haday Tahay Abdirahman Barud Abdi
(Gacmo-dheere), oo Difaaca hore taagan, Saxibkii Khadar Ali-na Goolka
ugu jiro, oo Sidii Reborto Carlos dhaqan galinaya "Haday Kubadu ku
dhaafto, Ninka Cirka u eeg", Ama Macalin Baaruud
(Maxamoud), oo Saxibkii Diini Shiine afka hore ay isku celcelinayaan
kubad qurux badan,9 inana ee kalena kalsooni saarteen guushooda, Ama Ahmed Baaruud oo Guryasamo Sidii Danial Elves-kii Barcelona Jiid dhan isku xidhay, Saxibadii Mohammed Amiin iyo Abdiwahab Suur-na Dhexda uga baaqayan, si loo keeno guusha daqiiqada yar ee dhiman.
Markay aniga timaado, Inakstoon yara Xanaaqad badnaa, Hadana Anigu Shakhsi ahaan Maan Orad badanayd, Balse Dhexda ayaan sidii Seedorf-kii Reer Holand si kalsooni leh kubada u gaadhsiin jiray dhaliyayaashii Kooxda Mohaa Circadaaga
iyo Cabdiraman Cado, Position ahaan waxan lahaa dhexda, Maamulka
kubadana wan ku wacna, Caadifad iyo Qiira badana waan ku dheeli jiray,
oo Guul darada inta badan iskumaanan fiicnayn, Abaabul ahaana markaan
qaadeeyo ayaan Ciyaartooga kooxda guryahooda ugu tagi jiray si aan uga
ruruyio Garamada iyo Lacagta una Abaabulo, anoo kaashanaya Saxibkay
Maxamed Abdi Axmed, kamptankii kooxda, Fahanoo hogaamiyaha Ruuxiga ee
kooxdan ahaaye.
Kubadda Cagtu ama guud ahaan Sports waa Ruuxda
Caafimaad ee bulsho kasta, haday noqoto dhan Jidheed, Maskaxeed iyo
Dhaqaaleba, Eeg NBA dalka Maraykan, Champions Reer Europe, Cricket Reer
Asia, ama Olympics Caalamka iyo sida loogu cisha tamo, taasa ku tusaysa
qiimadooda, laakinse anagu Ilma-Baaruud ahaan farahan ka qaadnay, marki
Dhacawaygii Cidi eegi wayday, Goolashi aan dhalinay cidi ka sheekayn
waday, Jaarkina Habaar iyo Karaahi dusha noo saaray Garoon la'aan, manay
ahayn wax noo gaara ee waa dhamaan da'yartii Qaranka, Xalka Qudhe noo
furan imika waa inaan ka hortagnaa in Ubadka yagu iyo ka Qarankuba aanay
ku dhicin Tani, Waa in Caruurteenu hesha Nolol Dhaanta teeni Muwaadin,
si tan loo helo waa in talada guud loo dhiiba qof dareemaya xanuunkeena,
Qiimo ma le Gobolkiisa, Qoladiisa iyo Magaca uu sita.
Thursday, 5 September 2013
Aqoontayda Maxaa Dhufaanay Saaxiib!
Twitter:@mustafebarud04.
Facebook: Barud04@hotmai.com
Horta aan hambalyo u diro kudhawaad 1000 Arday ee dhamaystay
Jaamacadaha Admas iyo Amoud, Intaa kadib,Tan iyo maalintaa ooda ka
baydhay waxaan sitay Buug iyo Qalin, oo xataa hooyaday Sahra Cadeeee,
markay dhibsato waxan oo Ardaynimo ah waxay tidhaa iyadoo dhagaha ugu
ridaysa Hablaha Jaarka "Naa Buuguunba lagu saliday, Wuxu dhigtana
Mooye", marmarna iyadoo Kacsan ayay igu soo tuurta "Waaar Meesha Maxaad
kaqabanaysa Imika", laga soo bilaabo Macalin Quraankii ilaa saacadan
waa ii buug iyo Qalin, hadana kob cagaar le kama soo Durduriyo, Kaligay
maaha ee waa aniga iyo Qayrkay, Afar Eray oo English ah, Shaqo ila
$1000, Gaadhi yar iyo Casarkii koob buna ayay talow aduun nagaga soo
ururtay, cabaar kadibna Fadhi iyo Meher madal lagu kaftamo kadibna sawro
badan lasoo galo, waa dhamaatayba! Dalkuba waa Maan-soor ila Ambasador
Ila Kaah.
Waanu ilawayn inaan kasoo jeedno dalka aan la
aqoosanayn, (hadaa aduunkuba ma yaqaan), dalka aduunka ugu saboolsan,
kuwaso Biyaha Cad Cidhiidhi kaga jiraan, Iska dhaaf nolosha kale oo,
Qabyaalad tahay waxa ugu sareeya ee jaan gooya masiirka ubadka iman
doona inshala, Talada iyo go'aanku hoos yaal Oday iyo shir beeleed,
Muwaadinku yahay ninka Haya Fandhaalka Maalinta, Mucaaridkuna yahay
Ninka Beeshiisu saluugto Saamiga awalba cadaalad darada loo
qaybsaday,Tahriib, Qaad iyo Shaqo la'aani hanti ma guurta u noqotay
kumanaanka nolosha aduun kusoo biiraya, kuwaaso aakhirki ku afmeermay
Sacab lootumo Qarykood (Ciyaaraha), Xeryo-qaxoonti iyo qurbe duleeya, FB
iyo Wakhti dil, Guur dagdag ah iyo Quus nololeed.
Aqoontu
waxay macno daarantahay inay badasho Qofka, Qoyskiisa, Qabiilkiisa,
Deegaankiisa, Gobolkiisa iyo Dalkiisa, Aqoontu waa inay macno kusoo
kordhisa noloshii awoowyadeen, dhankasta sida: Diinta, Dhaqanka,
Ganacsiga, Siyaasada iyo Hab-nololeedka dhamanti, Aqoontu waa inay inagu
hagta dhimimda Afooyinka Wadareed iyo Kobcinta Badhaadhana Mujtamaceed,
(From Individualism into Communism), Laakin waxa aqoontayda dhufanay
waa bulshadayda, markay iga horeysiiyeen Kii cunay xoolohooda, xaday
codadkooda, ka dhistay shacuurtooda guryo u gaara, kadiba waxan noqday
Madi, waxaana iga dhintay hal-abuurkii iyo Wax-wada lahaanshihii
aakhirkiina waxay noqtay Yaaa Nafsi Yaaa Nafsi! Aqoon yahan Camalkaagu
Ha Noo Sheego Aqoontaada!, Aqoon bilaa Isbadala Jahli bilaa dhibaa
dhaama, Waayo waa Xujo kugu soo koradhay uun!
Monday, 2 September 2013
Khilaafka Syria iyo Ogaalka, Baadhitaan Dheer kadib!
Laba-dii cishee ugu danbaysay waxaan si dhaw isha ugu hayey Arinta
Syria, War la akhiryo iyo mid la dhagaystaba waan eegayay wiixi
awoodaydu ahayd, mana ilaawin Dunida iyo Guryeheeda warbaahinta waawayn,
sida Aljazeera, BBC, CCTV, iyo RT si aan iskugu miisamoo dooda iyo
wararka kala ujeedoooyinka, Balse hadii aad i waydiin lahayd Xaalka
Syria waxaan si fudud kuu odhan laha " Syria waxay ka dhigantahay adoo
Xaaskaagu kuu sido ilmihii curad, kadibna Dhakhtar aad gaysey, Marki
fooshu qabatay, cabaar Orad iyo baadhitan dhanka dhakhaatirka kadib,
laguu sheegay in Ama Xaaska laguu badbaadiyo Ama Ilmaha! Labadooda
midkood badbaadi karo, hadii kale labaduba aduunka ka dheelayaan, Madax
xuun wayna Alla naguma keene!
Waa Xaalad cakiran, oo kaaga
baahan fikir dheer, horta Hooyadu waa lama huran balse ku darsoo
ilmeheeda ayay iyadu nafteeda ka jeceshay, waana ku culays in ay arki
waydo ilmay inta ku korisay Dhiigeeda,
adiga laftaadana qiime yar kuguma ah inaad Byeee ku tidha Ilmahaagi 9
bilood oo sugid iyo naawila kadib, tani waa Xaalka Syria Hooyadu waa
Shacabka iyo Dalka, wiilka Yarna Waa Asad iyo Kooxdiisa, Ficilkastoo la
sameeya wuxu keenaya khasaare, hadii faraha laga qaadana waa damiir
xumaan iyo ku gabood fal masuuliyadeed oo caama, Hadii Baarqabka Aqalka
cad lagu siidaayana waa Masiib iyo dhimasho hor leh.
Syria
dagaalkeedu wa dagaal Iran, Lebanon (Xisbula) lagu qaaday, ama Shiicada,
Hadii sidaasi dhacdana waa Weerar gacanta galinaya Isreal, Sucudiga,
Turkey, ama Suniga, taasina waxay keeni Qas dhaman dalalka gobolka oo
hor leh, Ciraaq, Libiya, Masar, Baxrayn, Urdun iyo Falastina waxa ka
jira dagaalo sokeeye, sidaad ogtahay, Hadii faraha laga qaadana waa
guul Iran hesho oo Gobolku wuxu noqonaya guri Shiico, Dagaalna waa ina
daan wayne, oo Geelna laba baarqab ma yeelan karo, Iran iyo Isreal
midkood waa inu meesha ka baxa, Gunti Xaalad kastaa oo Syria ah waa
Hooyo iyo Ilmeheedi oo midkod la rabo in la badbaadiyo. Allaw sidii
roon, waa waxay afka qalaad ku odhan jireen Complicated Global Issue. oo
dhankad eegtaba waa hirig.
Waa Xaalad cakiran, oo kaaga baahan fikir dheer, horta Hooyadu waa lama huran balse ku darsoo ilmeheeda ayay iyadu nafteeda ka jeceshay, waana ku culays in ay arki waydo ilmay inta ku korisay Dhiigeeda, adiga laftaadana qiime yar kuguma ah inaad Byeee ku tidha Ilmahaagi 9 bilood oo sugid iyo naawila kadib, tani waa Xaalka Syria Hooyadu waa Shacabka iyo Dalka, wiilka Yarna Waa Asad iyo Kooxdiisa, Ficilkastoo la sameeya wuxu keenaya khasaare, hadii faraha laga qaadana waa damiir xumaan iyo ku gabood fal masuuliyadeed oo caama, Hadii Baarqabka Aqalka cad lagu siidaayana waa Masiib iyo dhimasho hor leh.
Syria dagaalkeedu wa dagaal Iran, Lebanon (Xisbula) lagu qaaday, ama Shiicada, Hadii sidaasi dhacdana waa Weerar gacanta galinaya Isreal, Sucudiga, Turkey, ama Suniga, taasina waxay keeni Qas dhaman dalalka gobolka oo hor leh, Ciraaq, Libiya, Masar, Baxrayn, Urdun iyo Falastina waxa ka jira dagaalo sokeeye, sidaad ogtahay, Hadii faraha laga qaadana waa guul Iran hesho oo Gobolku wuxu noqonaya guri Shiico, Dagaalna waa ina daan wayne, oo Geelna laba baarqab ma yeelan karo, Iran iyo Isreal midkood waa inu meesha ka baxa, Gunti Xaalad kastaa oo Syria ah waa Hooyo iyo Ilmeheedi oo midkod la rabo in la badbaadiyo. Allaw sidii roon, waa waxay afka qalaad ku odhan jireen Complicated Global Issue. oo dhankad eegtaba waa hirig.
Sunday, 1 September 2013
Muxuu Madaxweyne Museveni Ugu Gacan Saydhay Dhunkashada Xaaskiisa.
Madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni ayaa madal ilyartu isqabatay ku gacan saydhay inuu Dhunkado Xaaskiisa Marwo Janet Museveni wakhti uu ku gudo jiray xuska 40 guuradii Arooskiisa iyo Cusboonaysiinta Cahdigii Isaga iyo Marwadiisa wakhtigi guurkooda, Madashan oo ahayd mid ay la joogeen marti sharaf badan oo ay ku jiraan 27 Ruux oo isuku jira waxay dhaleen iyo waxay sii dhaleen, ayaa waxa sidoo kale fadhiyey Madaxweyne ku xigenka, Afhayenka Baarlamanka iyo Madax badan.
Marka laga imaado in Museveni caan ku yahay Qosolka, Kaftanka iyo Dhaqanka Afrikan ku faanka (Pan-africanism) iyo hogaamiye ku adag dhaqanka diintiisa, hadana dhacdadan waxay noqotay mid xiiso gaara yeelatay, Yeelkeede Museveni ayaa ku tilmaamay Dhaqan aan Afrikanku lahayn in ay is dhunkadaan, iskaba dhaaf dadka hortooda iyo madal sidaaso kale ah, arintan ayaa aad uga qoslisay Wadaadkii (Bishop) kiniisada, Marwadiisa, Ubadkooda iyo Martidii Madasha fadhiday, Museveni oo dhoola cadaynaya aya raaciyey in dhunkashadu ay tahay Dhaqan kaga yimi dadka madaw dhankaas iyo Qaarada Diirka Cad iyo Guumaystihii Reer Yurub.
Arintaas shakhsi ahaan layma diidin oo hadaan ku dhaarto in Awoowgay Aw. Ismaciil Dhunkasho ka dalbaday Ayeyday Kaaha laygu cadaabi maayo, Beenalena ku noqon maayo, oo jiilkaasi Kitaabkay dhunkasho u ogaayeen, arintan wax iiga maraga sheeko aan waa hore maqlay oo nuxurkeedu ahaa "Waar iga Tag dhunkasho layne, Anu ma Kitaab quraanan ahay", taaso laga soo wariyey gabadh soomaaliyeed oo Xaajigeedi afka usoo yuubay, markii ay tidhi maxaa dhacayna, uu ku yidhi Dhunkasho Camal Waaye, Wixii ka raaca ka raacay, Ku dhaqanoow Dhaqankaaga, waa Noloshaadee!

Xalku Wuxuu ku Jiraa Jiho Fudud Balse la Dayacay Muwaadin!
Aniga iyo Asxaabta rag kamida gaar ahaan Ilyas Caanteynle, Ahmed Nour Guruje Axmed-Keyse Cali, Abdilahi Caabi iyo AbdulRahman Mohammed waxaan ayaamihii u danbeeyey si kala duwan u eeganay dhibaatooyinka iyo Baylahda nolosha iyo dalka Alle inaga Beeray, Dhamaantayo waxaan isku fikir ka nahay Ceebaha taxan min Qof, Qabiil ila Qaran, kuwaaso ay ka Muuqato Feejignaan yaraanta Shacabkeena iyo Mooganaanta ama Isdhiibka Masuuliintii si Damiir fayoobana ku qaatay Xilka iyo Waajibaadka Ummada, iyo waliba kabaadhida xanuunka haya Fardeheena Dameeraha Deegaanka, Balse dhamaantayo wax yar ayaan eegnay Xalka, Aan Iba furo Doodan Cusub, si arintu miisan u yeelato, loogana dheerado Dhaliishii Siyaasiinteena Kursiga waayey, oo caan ku ah dhaliisa, markay xilka waayaan, ama qolaya loo yaqaan khayr ma arkayaasha (Pessimists), oo Diin ahaan la Reebay.
"Waa loo dhashaaye sideeba layskaga dhigaa Wadani", waxay igu rumooday markaan imi Uganda, waa markaan bartay erayga Muwaadin iyo Qiimihiisa, waana dhibta qudha ee Reer Tolkay (Shacabka) Haysata, Dhamaanteen Waxaan nahay Reero balse Muwaadiniin inaguma jiraan, haday inagu jiraana waa cidiyo guudkood, dhamaanten waxaan daacad u nahay Xeer hoosad laynagu ababiyey, waxaan dadka u sareeya jufadeena, tiro ahaana iyaga u badan, Cadaaladu wa markay haystan, Dulmiguna waa marku iyaga asiibo, Halbeegeena nololeed waa Xaafad iyo Daan ee maaha Qaran iyo Umaddo kale, Siyaasadii Waa dhamaystirka inta badan ee Beelaha ee maahaa Abuurida bulsho hanata dalkeeda, iyo jiil nolosha la dhacsada Xabashida iyo Sawahiliinta ku xeeran, iska dhaaf Indha-yarta iyo qolaya Diirka cadoo.
Hadaba anu waxaan qabaa in Dalku u baahan yahay dib u abuurid, iyo dhib u shaxayn nololeed, dadku waxay u baahan yahiin wuxu Sh. Mustafe ku shegay Formatting and Re-installing,dhamaanteen min waalid ila mawluud waa in dib laynoo bara waxay tahay wadaniyadi, si tan loo helo waa in la helaa hogaan wadaniya, Maya Democracy, balse hogaan Aragti dheere sita Sifo Diineed, Dhaqan, Hal-abuur fikiro hor le, iyo Ruux wadaniyadeed, waa in innaga lagu badala Anniga iy Iyaga, waa in Umada loo abuura Humaaga 2050 tasale, Sida hogaankaas lo helayo waa dood kale, balse dalku uma baahana imika Dhaqaale abuur, Qabyaalad la dirir, Qaad la dagaalan, Ictiraaf iyo Shidaalna iskaba dhaaf, Waxa loo baahan yahay Bini'aadam ku munaasib ah samaynta waxaa aan sheegay, hadii kalse se waa kud ka guur oo jano u guur wax kastoo la sameeya Muwaadin, awood kasto timaadana waxay abuuri dhib hor leh, fiiri Shidaalka iyo sheekooyinka Oodweyne iyo Caynaba si fudud.
Twitter: @Mustafebarud04.
FB: Barudo4@hotmail.com
wixi faala waa soo dhawayn fiican.

Saturday, 31 August 2013
Maxaan Ardaaga beeshayda u Shirinayaa inta sanadka ka dhiman!
Anoo ka duulaya ahmiyada shir beeleedku ku leeyey siyaasada dalka, iyo inuu yahay waxa samanka wax lagu cuno, dhanka kalana tix raacaya Kii Gar-adag iyo Khaatumo ee HE. Siilaanyo iyo Pro. Galaydh-ba ku heleen awoodaha iyo gacan saraynta siyaasadeed, wax lagama maarmaan noqotay inaan shir iskugu nimaadno Aniga iyo Ardaagaygu, si aan Wada hadal dhakhsa ula bilaabo Xirsi, Ciro ama Jamaal midkii Ardaaga u sad burinaya, laakin waxa is waydiin le sidii loogu qancin laha caaqilada iyo wax-garadka Ardaaga iyo guud ahaan shacabka S.land.
Horta shacabka toodu waa mid fududay, oo waxaan leenahay aniga iyo dhawr oday oo kale, intaan Horn Cable balansano, geed cagaarana hoos fadhiisano, Ardaagu wuxu ka shirayaa Danta S.land, Nabada iyo Nabad kula noolanshaha Ardaayadda jaarka, Ictiraaf raadinta iyo in Beesha Caalamka la gaadhsiiyo in S.land 1991 gooni ula soo noqotay xornimadeeed, Ta Dawlada iyo Waran-cadana sidaa uma sii xuma, oo waxaan odhan wa ka tashiga aayaha Ardaaga, Distoorkuna ma diidin, Mago, Qaan iyo arimo Ardaaga ku ururay ayaa lagu dhamaynayaa sacaadatal wasiir ee Odayga "Siilaanyo" sida ugu sheeg.
Ta ugu darani waa sidi Cuqaasha loogu qancin lahaa, balse waxay ila tahay inaan garawsho helayo markan ka bilaabo Horta Cuqaal inagu Suldaan ma lihin, guriga Xirsi-qaniyaduna wa inaga fogaaday oo ila burco waa masaafo, wadada dhexana si ayay u shilal xuntay, Kan shirayaaashana (Xiirzy) heeshiis cad lama lihin, oo goolihi deegankay wax inoo hanbayn lahaayeen, Dhamaan ardaayadiina sulaadin ayay leeyin, ta kale Inaga Wasiir ha sheegin, oo Xildhibaano tayo le ha sheegin, oo Goolihii Deegaanka Talo xumo ayaa inaga reebtay, waxaaso dhani waa shir la'aan, Hadaan shirno, Oo talo yeelano, oo nabada ka shirno, danteena ka shirno, Ana Wasiir ayaan heli lahaa, Idina Suldaan ayaad iska dhex dooran lahaydeen, Hebelna Xildhibaan ayaan ka dhigan lahayn, waxan filaya inay iyago i hor boodaya geed noo waabi lahaayeen, Anna Qaadka iyo Hilibka dhawrkaa cisho Alle iskaagyo Badi lahaa, Maxaa iga kidhiisha hadaan Wasiir ku helo, Caaqilkuna Suldaan ku noqdo!

Friday, 30 August 2013
Nasiibka, Calafka iyo Jacaylka Erayo Maanka Seegan.
Goordanbe oo xalay ah ayaan kasoo laabtay Munaasibadii 15-guuradii Mamulka Putland, kadib markaan marti qaad ka helay walashay Ladan Ruun iyo Nuzaiba Naano,
Hadiiba aan qolkaygii soo galay waa Actor-ki waynaa ee Govinda oo Oohin
la fadhiya kaligi Meel cidla, Hadaan sii fiirshay waxan garwaaqsaday
inuu Fillinku yahay filinkii "Naseeb" ee ay la matalays Mamta
Kulkarniay, Garoo 10 sano ka hor ayay xasuustaydu dib u noqotay, Caku
talo Aduunay, Marka Saboolnimo Gabadh laguugu diido, ee hadana wakhti
yar kadib Lacag kuusoo Celin waydo adoo Hodana, Macnahana laguugu sheego
in Nasiib Calaf Barkaday sidaa wax yidhi, Nolosheeda ilaali mooye Taada
ku raaxayso Waa habeen xalay tagay!
"Naseeb" ama "Pooja House"
waa filin qaaliya, Govinda oo saboola aya soo doonaya Jacaylkiisa
Mamta, balse Abeheed ayaa ku gacan saydhaya isagoo leh waxaad tahay
sabool, Dagaal adag kadib Govinda wuxu soo noqonaya isagoo Xaajiya,
balse nasiib dar Mamta waxa Madaxeeda Marsan Rinjigii Gabadhnimo, oo
waxay la cawaysa wiil kale Depook, oheey Caku, Govinda wuxu dagan yahay
Gurigii ay ku riyoon jirtay Mamta, "Pooja House", Qasri wayn, balse
isaga dhankisa wa qiima la'aan oo Mamta ayaa ka maqan, Sawrkeeda ayaa u
wehel ah, Xasuustuu nolol ka dhigtay, Daalki iyo Wadadii dheerayd ayuu
dib u milicsaday iyo maxsuulka kasoo baxay, deed wuxu u Bixiyey Nasiib
inu sidaa wax yidhi, Nolosha aduuna wuxu uga tagay si uu teeda iyo ta
ninkeeda u badbaadiyo, aduunki iyo maalkiina wuxuu u hibeeyey Jacaylkii
Nasiibku Dardaray!
Aniga shakhsi ahaan filinkan ayaa ii raaca
Filimkii ay isku qisada ahaayeen ee "Mann" ee Amiir Khan iyo Manisha
Koirala, kasoo Amir u shaqo tagayo, balse wakhtigi balantooda Nasiib
kala gaynayo, Manisha oo Caruurtay macalinka u ahayd iyo Saxibkedi hore
Anika Poor, ay usii galbinaya goobti balanta, halkaso Amir khan lasii
joogo Fayoorihii Jacaylka, balse ma calfan oo halkaasu waa ugu baryayaa
habeenkas, kadib Markay Manisha shil baabuur gasho, Cajiib waar kan
Jacayl ah dhib badana, marku Calaf iyo Nasiib isku darsado, Aakhirka
Manisha waxay go'aan sanaysa inay kaligeed noolato, balse Amir ayaa
baadi goob dheer kadib soo helay, Iyado Curyaan ah, kuna nool nolol kali
ah, oohin kadib wuxu kula wareegaya Dabka isagoo ilmadu ka da'ayso,
Jacayl wax kuma yeelee Faqriga Iska jir Saxiib!
Tuesday, 27 August 2013
Reer-xaawa Maxay Intay Inaga Dal Doorsadaan Calaf Ugu Tilmaamaan!
Waa arin xiiso badan, hadana xanuun kulul marka wakhti danboo habeenkii
ah, ama saacad cagta iyo jabaqdu yartahay laguu sheego in Calaf kusoo
weeraray oo Sidii Ciidankii Xaarisul-jamuurkii Marxuum Sadaam Xuseen
Cagta lagu mariyey, Hadal ma le, Duco' iyo Eersi naftaadaa mooye, balse
waxooga dibin cun iyo calool xanuuna kadib waxaad is waydiin Waar Horta
Calafku Muxu ahaa? Taloow Maantuun yaa nin ka dhigan, Kiina Rooni Reerka
ha u hadhee, oo soo ka u hadhee, oohin been beena lagugu yidhi i ilaw
Xaaji, oo Calaf igu calaamadso, hadana waxaad odhan Kii Jacayl ahaa ee
Badaha iyo Beriga-ba jiidhi jiray mee?, Hadana waxaad ku calool
fayoobaan "Dumarku waa Shini oo Geedkii Ubax Macaan ka Ag Fiiri Boowe",
hora loo yidhi Haween Waji Lacag leey u sacabo tumaan, Allaa ina Dilayee
halka way ku saxan yihiin, oo Faqri wax loo Sacabo tumo maaha, oo anu
waxaan ahay qolyaha aamin san Aragtidii Majajilayste C. Haybe "Adoon Curaacan, Qadana Hayn, Hablaha Qureesheed ......!
Waar waxba yaan idin wareerin, oo nabara hore damqine, soo xalay madal
rag waawayni fadhiyaan warkaas lama soo qaadin, Wixii ka dhacaa ka
dhacay, hadaad fadhil lahayd inaabti oohin: Aniga Bari ayay igu dhacday,
Taadu waa saleelee aniga miyaad ogtahay, Walee ta igu dhacday, idinka
bikh, ayey ragii iskugu hal celiyeen, si dibin calaalisle, Alla Ciil
waynaa Markaad Ruux haweena Mudo u Heesto, Hadaanad Cirka Daruuraha ka
Riixinba ilayn waan u sakhiranee, Aakhirkana Ay nin kale u Uunsato,
Dhegaaa, Waa Xagii Reer Abtigay ka odhan jireen markay xaajada diidaan
maankuna liqi waayo.
Ama Calaf u Bixi ama Faraskaagi laga
badiba dhehoo, sidii Inanteena Khadar Daahir Cigoo, Duul Cuud u hayso
Waxay ku dhaamaan anu waayey, Taah iyo Tawaawuca haday wax ku leeyiin
soo Marxuumkii Cilmi Boodhari Xikmadiisii aad Waxyiga Alle moodaysay
kumay soo joogsadeen, Walee Jeeb Xumaanan idinku Martiyin, Reer Xaawa
aniga Qolyahaa Calaf loo bixiyo igu tiriya, ee wax Boobta.
Sunday, 25 August 2013
Meherkii Maanta Iyo Macnihii ku Duugnaa.
Goobtu may ahayn Maansoor iyo Ambasador toona, se waxay ahayd Gurigii Boqorada la calmaday, waa maalin ay Kampali roobanayd oo Qoraxadu dood kulul kula jirtay Daruuraha Irmaan ee iftiinkeedii u diiday inay Nasoo gaadhaan, Hadh, Rays iyo Neecaw rooban ayaa ii nooraacday madasha ilyartu is qabatay ee Meherka, Markaan irda ka galanayba waxa qosol iyo marxabayn nagu so dhawaysay Gabadha Hooyadeed, garoow dhankoodaan nahee, "Soo Dhawaada Hooyo Mustafe" iyo Waa waan dhawnay ayaan is dhaafsanay, kadibna fadhigaan boobnay.
Aniga, Saxibkay iyo Wiilkii nawadayba waxan salan diiran ka gudoonay Maama-adi (Eesh-Calaa-Sodoh), lasoco marti la gartaan ahee, Cabaar marka fadhinay ayuu wiilkii xidhiidhiyaha qaatay Microfone-ki deed erayo Swahili ah ayuu ku yidhi Meherku waa qadada Dabadii, Qosol dheer kadib waxan gartay in Hilib noo yaal, Eesh Qiyaaska maaha sinxigii wayna ee dhawrka qof, balse waa Bidheedhkaaga Qaado oo ha isku yarayn, Warkasa i maree, 4 Rakcadood oo khafiifan Duhurki aniga iyo koox kale boobsiinay, Waar mee, Kaso Qaad, Soo Dhawaada iyo Iska Eeg caabaara kadib, Qadadii aya kuyuu loo galay, oo nin walba qaatay wixi tuhun bixin laha calooshisa, Ninkii ka maqnaa Yeelkiis, anaga awalba wax kale nalooma keenin Cunto Cunoo, Duca Raacshooo! taasna alle naguma xilin ee sideedan uga xoo baxnay.
Ani wax kale dhihi maaye Xeerkii Reer xaawa igu istaahilaya hadan caruuska ama caruusade abuurkoda iyo labiskoda wax ka sheege, Gacantaydaan ku ciil baxay, kadibna kaftan iyo qosol ayan la istaagay nasiib daro se raga meesha buuxa waa Sujuu (somali east Africa), oo soomaaliga ku adag, Laba English, Midh Swahili ah iyo Sadex Soomaliya ayey noqotay inan isku daro, waxan waydiiyey lacagti yaradka ahayd in raga wax baska lagaga sii bixinayo, Qosol kadib waxa lay sheegay in Cunto lagu qaatay, Way istaahisha ayan ugu hal celiyey, balse nasiib daro waxaan iLawnay Sawr wadareedkii iyo inaan FB caawa ku yaacino, ilayn xiliba waxba socdee oo halka warkayga laga dheehdo, Habmalyo Arooskiinu noqoy kii lagu nasto!

Saturday, 24 August 2013
RRU: Martiqaad Qolyaha Janadii Kaluntay Mise Amaan Sugid.
Kampala, Dib-u-celi xasuustada wax yar akhriste, 11 Sept iyo New York 3500 oo qof ayaan dib ugu soo noqon guryohoodi, kaalay London iyo dhacdadii ka oohisay David Cameroon markii muwadin faash lagu dilay hadh-cad wadooyinka waawayn ee London, aan ano ka xun idin tibaaxo UNDP, Xafiiskiii Adeerkeen Ilko-xan iyo Dhalintii hadh ka cad soo weerartay Muqdisho, Yaan ka tagin 11 July Kampala iyo 80 muwadin ee aduunka halka habeen laga kaxeeyey, dhamaantood waxa loo nisbeeya qolyo Jano Doon ahaa, Cajiib ma waxaan rumaysana maanta sidii sheeko xariirtii Diin iyo Dacawo in RRU awood u leeday ka hortaga arimahaas, Maya Walee Caqliga Diiday!
RRU horta waa aragti reer galbeed, Waa siyaasadihii New World order iyo aragtdii Bush 'Waad-nala-jirta Ama Naga-jirta", RRU Putland wa shahado la dirir, Muqdisho waa nabad sugid,dunida sadexada ayey ka hawl galan, xikmadooduna waa iska eeg waraabaha aan sunta siiyey, ujeeda laga leeyeyna waxay tahay cabsi galin (Anti-terrorism), iyo ilaalinta danaha reer galbeedka, Waad Ogtay America way ku fashilantay Afghan, Bush aya ku tilmaamay Dagaalkii Insiga iyo Jinka, Mar kale wuxu yidhi America Poolis uma aha aduunka, bal fiiri Augt, 2 todobaad waxa xidhnaa safaarahada reer galbeedka ee 20 dal, kaliya digniin ay suu direen qolyo aan la aqoon.
Muwaadin Wiilkeena (Godane ) sharkiisa alle ha ina dhaafiyo, xirfad iyo xoogtoona uma lihin iska celintiisa, balse waxaan cabsi ka qaba nimankaa indhaha duubtay (RRU), ee muwaadniinta habeen badhka usoo dhacaya sidii tuugta kuwasoo caruurta, haweenka iyo hablaha ugubka ugu galaya qolol kooda inay marti qaad iyo casuumad u fidiyaan dhalintii Janadii Abohood Aadam Million sano ka hor laga soo saaray Raadinaysay, waayo waxa hubaal asalka falalka Alqaeda iyo walaaleheed waa midhii Madaxda Xun ee dunida muslimka taaso Diin Islaam iyo Caqli suuban midkoodna aan ku dhaqin umada, Xoolohooda iyo Xoogoodana u adeegsanaya dulmi iyo tacadi joogta, RRU fadlan naga daaya u yeedhida wiilasha Sumaysan!
Mustafe Baroud
@mustafebaroud04
www.Mustafeb.blogspot.com
Kampala, Uganda

Friday, 4 January 2013
MAXAA ILA GUDBOON: AYAAMIHI TAGAY IYO MAANTA MAXAY WADAGAN TALOW!
Mudo haatan laga joogo afar sano iyo dheerada (2008) ayey ku beegnayd markii dhaman asxaabtaydii u dabaal dageeyeen guushi ay kasoo hoyeen waxbarashadoodi Jamacadeed, wakhtigaas ooy soo afmeeren Afar sanoo Buug, Qalin, Akhris iyo Imtixaan ay u ban baxeen. Taa badalkeeda anu uma faraxsanayn siday inta badan ahaayen asxaabtii kale, gaar ahaan kuwii iigu dhadhawaaa, inta badan Asxaabtu waxay xooga saareen inay maalintaas kusoo gaba gabeeyan farxad, labis fiican iyo tahnniyada ay la wadaagan Eheladooda, Ardayda, Asxaabta iyo Macalimiinti wax soo bartay, balse anu taas macno badan iima lahayn, Talow waayo?
Inta badan anu waxan ku mashquulsana maxa xigi doona, xagee talo ku biyo shuban doonta, waxan ka dhigna nin kusoo beegmay wado isgoys afar haada, meeshu kusocdana aan si toosa u saxayn, waxan ayamaha la darsay Fikir xeel dheer, waxan kala doorasho ugu jiray waxan subaxa kaa xiga ku dhaqaaqi doono mar hadii Jamacadi soo afmeerantay, Alle halku maray ayay martee, Shaqoba waxay shaqo ii dhiibto, waxan waayaha kal duwan la kulaalo Asxaabta, Qoyska iyo guud ahaan Dhalinta qaranka, waxan kusoo afmeermay inan kamid noqdo Ardayda Jamacada wayn ee Makerere ka diyaariya Madada Siyasada iyo Xidhidhka Duwalka, Weger waa muxu ku falay Ma dal loo bartan joogna!
Ayaamuhu waa qayb kamida Aayadaha Allow isaga mooye cidkale kama amar qaatane, Maanta waxay taagantay halkay maalinta taagnayd, Arin wuxu maraya Talow Maxa Xig, Talow maxay dhali, Talow Ya lala saaxibi, waa bini aadam iyo dabeeciiye, wax maanta la saxna aya bari la tuurle, Mudanihii shalayna waa Mucaaridka Maanta, gudtii iyo gunaanadkii Maanta waxay maalintaa kaga duwantay dhawrkan arimod.
Maanta waxan si toosa ugu tafa xadayn doona u shaqaynta Qaranka iyo Qoyskisa, (Shacabka), waxan isku dayi doona inan is waydiiyo Su'aashi " HA WAYDIIN DALKAAGA WUXU KU QABAN KARO EE IS WAYDII WAXAD U QABAN KARTO", maanta waxan ahay Dr. hadii Gabose iyo dhigiisu barteen Qofka buka Astamihiisa markay arkan nooca xanuunka haya, deedna ay la tacaalan inay siiyan dawooyinkii Tirtiri laha ama ugu yaraan dhimi laha xanuunka uu ka cabanayo bukuhu, anu waxan laba sano kusoo bartay Nooca Dawlada Dadkeeda meel gaadhsisa, waxan si toosa u soo bartay Sababta Maraykan iyo Somaliya u yihin laba dawladood oo sharci ahan siman balse nolol ahan, awood ahan iyo dhadhan ahanba u kala fog, waxan jawab uhelay sababta Asxaabtaydu iskugu biimeeyen Badaha waawayn iyago haysta waxay cunan, caban, xidhan ama nolosha Asaasiga.
Arintani waa farqigau dhexeeya Mustafaha Maanta iyo kii shalay, maanta wuxu sita Magac ka baladhan naftiisa, ka reerkooda, qoyskiisa, qabillkisa, balse ku eeg Magaca Qarankisa iyo wixi u lugo ku wato, maanta waxa u siman wiilka Saylac iyo ka Saraar, waayo wuxu ogsoon yahay inay isku baahi qaban!
Waxan ad iyo aad u salamaya dhaman asxaabta qaaliga meelkastoy joogan!

Subscribe to:
Posts (Atom)